Thursday 17 July 2025
Maalinba cid qarsoon baa dab qabadsiisa boqollaal ka mida Maktabadaha Afrika, waxaana ku besbeela buuggag holaca dabkaasi leefo iyaga oo dadku daawanayaan oo aan ugu wicin dabdemis. Cidi dan kama gasho, kuwa daawanayaana waxa ay iftiinka holacaas uga faa’idaystaan sheekooyinkooda, oo ay ka sheekaystaan sheekooyin malaayiin daawasho helay oo barta Tiktok ku baahay, waxa ay qaadaadhigaan horyaalka kubbadda cagta ee Ingiriiska ama ka Isbaanishka, kala iibsiga ciyaartoyda amaba jacaylka cusub ee Justin Bieber iyo labbiska cusub ee xiddigaha filimada ee ku sugan bandhigga qaybinta abaalmarinaha Oskarka. Dadkaasi marna ma soo hadalqaadaan kaydka aqooneed ee gubtay, lana soo celin karin.
Ma kula tahay in warkani mudanyahay in warbaahintu danayso? Sidaas baan aaminsanahay, se warku sidaan u sheegay dhab uma aha. Cidda qarsoon ee wax gubtaa waa geerida, maktabadaha shufbeelayaana waa dadka waaweyn ee dhaxlay xikmadihii iyo sheekooyinkii ay inoo soo gaadhsiiyeen sidii ay awoowyadeen uga dhaxleen. Amadou Hampate Ba waxa uu leeyahay: “Markasta oo qof weyn oo Afrikaan ahi dhinto, geeridiisu waxa ay ka dhigantahay gubashada maktabad”. Waa digniin ka timi mid ka mid ah dadkii hormuudka u ahaa ilaalinta dhaxalka tiraabta ah ee Afrika. Marka uu digniintan dirayaa waa afartanaadkii qarnigii hore, oo aanay talo farakabixin, markaa maxaad u malayn xilligeenan oo aqoonsigii lumay?
Laga yaabaa in aynu nasiib leennahay, sababtoo ah waxa aynu nahay jiilkii barbaaray ka hor intaan dunidu sidan isugu furmin. Qaab inoo gaar ah ayaynu u madaddaalan jirnay, oo waxa aynu lahayn summad bulshooyinka kale innaga soocda; luuqad inoo gaar ah, ciyaaro ayn leennahay iyo sheekooyinkeenna. Innagaa farxaddeena samaysan jirnay ka hor intaan wax kasta la inoo soo dhoofin, oo xitaa qaabka qosolka la inoo soo waaridin, waxaynu dareensanayn in aynu qayb ka nahay nidaam is dhammaystira, oo qofkastaa kaalintiisa jaadgoonnida ah leeyahay.
Fiidkii waxa aynu ku ururi jirnay ayeeyooyinka agtooda, si aynu u dhegaysanno sheekooyinkooda, oo waxa aynu la falgali jirnay shakhsiyadaha sheekadaas. Waynnu ku cibro qaadan jirnay, mararna waxa ay inoo cabsi gelin jireen si ka daran sida looga cabsado filimada laga metelay sheekooyinka Stephen King. Habeennada gudcurka ah waxa aynnu sawiran jirnay dadkaas khuraafaadka ah ee sheekooyinka ku jira, oo innaga oo ka cabsanayna kasoo dhababacayn jirnay dukaanka wax la innooga diro. Habeenku markuu sii madoobaado, waxaynnu ka sasi jirnay jimankaas hababka kala duwan isu soo ekaysiiya, oo waxa ina argagax gelin jiray sheekooyinka dadka dhintay ee nolosha ku soo noqda si ay wax u fuliyaan amaba u baadhaan siro ka maqan.
Ayeeyooyinka kamaynaan ag kici jirin si la mid ah talafeeshinka lala qabsaday, amaba moobillada gacanta ee markii dambe shaashadahooda lagu dhaygagay. Ayeeyada iyo awoowuhu waxa ay ahaayeen khabiirro barbaarineed, oo waa ay ina madaddaalin jireen, waxaanay innagu beeri jireen anshaxa iyaga oo inoo dhexmarinaya sheekooyinka iyo qisooyinka la xidhiidha xayawaannada. Inta awooddooda ah waxa ay iska ilaalin jireen amarrada tooska ah iyo in ay si didin ku jirto wax innoogu diidaan.
Markii aan dugsiga sare ku jiray waxa aan dareemay xiisaha aan u qabo in aan diwaangeliyo maahmaahaha, sheekooyinka iyo fasiraadaha bulshadu ka bixiso dhacdooyinka nolosha. Waxa aan ururiyey boqollaal maahmaahood iyo tobannaan sheeko. Buuggaas markasta waan sidan jiray, si aan waxna ii dhaafin, mararna waxa aan ku duubi jiray cajalado. Dedaalkaas oo dhan sababta aan u samaynayey ayaa ahayd in aan ku raaxaysanayey hawsha aan qabanayo.
Markii aan Khartuum u tagay waxbarashada jaamacadeed, waan qaatay buuggaas. Maalin maalmaha ka mid ah baan se ku illaaway bas, dedaalkaan muddada dheer wadayna sidaas buu ku lumay. Dhacdadaas waxa kasoo wareegay labaatan sanno, ilaa haddana waan is ciilkaambiyaa, sababta oo ah waxaan yaqiinsanahay in aanan sheekooyinkaas soo ceshan karin, waxaanan weli hayaa warqado kooban oo aan rejaynayo in aan uga faa’idaysto qoraalka sheekooyin aan soo wado.
Waxa suurogal ahayd in waxaas aan ururiyey ku biiro maktabadda Suudaan, oo aan waxba lagu darsan qaadhaanka sheekooyinka bulsho ee maktabadda, marka laga reebo buugga uu qoray Cabdalla Dayib, oo u badan dhaxalkii sheeko ee waqooyiga Suudaan. Aniga oo aan waxba ku biirin karin kaalinta maqan ee sheekooyinka galbeedka Suudaan, waxa aan aad ula tacajubaa dedaalka uu sameeyey Cabdalla Dayib, Amadou Hampate Ba, oo ururiyey sheekooyinka bulshada Fulaaniga, oo dunida u bandhigay, D. O. Fagunwa oo ururiyey sheekooyinka bulshada Yoruba, iyo Amos Tutuola. Waxaan u damqadaa malaayiinka sheeko ee kumanaanka af ee Afrika, markasta oo qof weyni god galana waa damqasho kale.
Maanta ayeeyadu ma laha kaalintii hore ee ay lahayd. Haddiiba ay magaalo joogto, xidhiidhka keliya ee ay carruurta la yeelataa ma dhaafsiisna cunto siin. Carruurtu waxa ay haystaan wax ay kaga maarmaan oo ka mashquuliya. Waxa u daaran TV-ga aan ka damin, waxaanay haystaan sheekooyinka Spiderman iyo Cinderella. Waxa ay ku madaddaashaan muuqaallada ay kasoo dejisteen Tiktok, waxaanay haystaan ciyaaro loo sameeyey, sheekooyinkii ayeeyada iyo biriishkii jiilasha isku xidhayeyna dad kooban uun baa ka fikira. Haddi arrin sidan kusii socdo, ma garanayo waxa farqi ah ee u dhaxayn doona ilmaha Afrika iyo ka ku nool New York.
Waxa aynnu ku noolnahay jasiirad badxidhan ku dhacay, wax xidhiidh ah oo adagna lama helin jiilashii hore. Ma jirto sheeko qalbiyada u kala gudbaysa oo fududaysa in dhaxalkii tiraabta ahaa sii gudbo. Dhaxalkani waa lafdhabarta sumadda dhaqanka iyo baadisooca bulsho, haddii uu meesha ka baxana summad dhaqan ma jirayso, mana baran karo falsafaddeenii nolosha, anshaxii aynnu lahayn iyo sooyaalkii aynnu ku faanaynay. Marka jiilkani qoro sheeko ama tix, ma yeelanayaan dhadhankii afrikaannimo, xikmaddii awoowyaduna ma yeelanayso ruux.
Maanta waxa aynu baahi daran u qabnaa diwaangelinta tiraabtii Afrika ee bulshooyinka kala duwan lahaayeen. Sida xiddiga sheekada ‘Xilligii u Socdaalka Waqooyigu’ leeyahay, ka dib markii uu kasoo laabtay waxbarashadiisii reer Galbeedka: “Waxa aan dareemayaa in aanay ahayn baal shimbireed oo dabaysha dhex heehaabaya, se aan ahay timir leh xidid, jirrid iyo yool”, dhaxalkaasi waxa uu ina dareensiinayaa asalkeennii iyo xididkeennii, isagaana yoolka innagu hagaya. Se waxa aan dareemayaa in sheekooyinkeennu heehaabayaan oo ay dabaylaha isku furanka dunida iyo raadka dhaqanka galbeedku qaadayaan.
Horumarka dhijitaalka cusub iyo baraha bulshadu waxa ay innaga dhigeen dad aan asalkoodii ku xidhnayn, weliba iyada oo aaladahan loo adeegsan karo ilaalinta dhaxalkeennii. In aan laga fiirsan adeegsigooda iyo kaa faa’idaysashadooda ayaa kaalintii dhaqanka ka dhigay mid hoosta marta. Jiritaan la’aanta dedaallo xukuumadeed iyo diraasayn haayadaha waxbarasho sameeyaan ayaa suurogaliyey lumitaanka sheekooyinkeennii iyo xikmadihii la kala dhaxlayey, oo ka halis badan gumaysigii awoowyadeen la dirirayeen.
Waa suurogal in arrinku u muuqdo mid faraha ka baxay oo aan wax ka qabasho lahayn, se weli waxa jira wax aynnu samay karno si aynnu caruurteenna ugu xidhno dhaxalkoodii Afrikaan. Waxa suurogal ah in aynnu hindisno hab aan carruurta sheekada afka looga tebin sidii ayeeyada, se la dhexmariyo filimada kartoonka ah iyo ciyaaraha elektarooniga ah, si la mid ah Jabbaanku sameeyaan. Sheeko sidii hore ka duwan, se haddana ilmuhu leeyahay, oo aanu dhegayste uun ka ahaan.
Sida hindisahaasi wax iskii u dhacaya ma aha. Waa wax u baahan dedaal dhinacyada kala duwan sameeyaan, sida samaynta mareego lagu ururiyo sheeko xariirooyinkii, cod iyo muuqaalna la raaciyo, si loogu kaydiyo jiilasha soo socda. Waxa kale oo muhiim ah dhiirrigelinta dadka ka shaqaynaya ururinta sheekooyinkaas oo lagu garab galo in ay kasoo ururiyaan baadiyaha, dadka sheekooyinkaas tebinayana kab la siiyo si ay kaalintooda uga soo baxaan. Waxa kale oo soo jeedin ah in sheekooyinkaas lagu daro manhajka waxbarasho ee bilawga ah, si ilmuhu ugu ababo anshaxa iyo dhaqanka sheekooyinkaasi gudbinayaan. Wax badan baynnu u samayn karnaa ilaalinta iyo dhitaynta dhaqankeenna, mana aha inaynnu keliya walaac ku jirno.