Tuesday 14 July 2026
Waxaa jira buugaag loo akhriyo kordhsi aqooneed, waxaana jira kuwo qofka ku khasba in uu dib u eego fahamkiisa ku saabsan bulshada, dawladnimada iyo xidhiidhka ka dhexeeya qofka iyo ummadda uu ka tirsan yahay. Heshiis Bulsho waxa uu ka mid yahay buugag taxane turjumaad ah oo luugu magac daray taxanaha Sahan.
Nuqulka buuggani waxa uu igu soo gaadhay u diyaar garoow munaasibad ay soo qabanqaabisay Madbacadda Qalinmaal, munaasibaddaas oo lagu soo bandhigayey buugaag turjumaad ah oo afkeenna loo soo raray si ay u gaadhaan akhristaha Soomaaliga ah. Waxa aan nasiib u yeeshay in aan ka mid noqdo martida buugga soo akhriday ee ka qaybgalaysay bandhiggaas, aniga oo madasha uga qaybgalay qaab daadihineed.
Buugga Heshiis Bulsho waxa uu ka mid yahay buugagga sida gaarka ah dareenkayga u soo jiitay, ma aha oo keliya magaciisa oo soo jiidasho leh, balse sababta ayaa ah in uu kulansanaayo ka sheekeynta su’aalihii ugu waaweynaa ee aadanuhu weligii isweydiiyey sida: Awoodda dawladdu xaggee ayay ka timaaddaa? Maxaa shacbiga waajib kaga dhigaya in ay sharciga u hoggaansamaan oo adeecaan? Sidee ayay xorriyadda iyo dawladnimadu isku waafaqi karaan?
Intii aan bogaggiisa dhex mushaaxayey waxa ii sii caddaanaysay in aanan gacanta ku hayn buug ka warramaya taariikh hore keliyaata, balse aan akhrisanayo qoraal weli ka dhex hadlaya dunida maanta, gaar ahaan bulshooyinka weli baadi-goobaya dawladnimo sal adag leh.
Marka magaca Jean-Jacques Rousseau la maqlo, maskaxda dadka badankeed waxa ku soo dhacaya faylasuufigii odhan jiray “Dadku xorriyad bay ku dhashaan, haddana meel kasta silsilado ayay ku xidhan yihiin.” Weedhan oo noqotay mid ka mid ah odhaahyada ugu caansan taariikhda falsafadda siyaasadda taas oo aan ahayn kaliya hal-ku-dheg suugaaneed; waxa ay ahayd albaab uu Rousseau ka galay dood ku saabsan sida awooddu u dhalato iyo waxa qofka ku waajibinaya in uu dawlad adeeco.
Rousseau waxa uu ku dhashay magaalada Geneva sannadkii 1712-kii, waxaana uu ku noolaa xilli Yurub ay ka buuxeen boqortooyooyin awooddoodu aanay ku dhisnayn rabitaanka shacabka. Intii uu noolaa waxa uu qoray dhigaallo beddelay jihada fikirka siyaasadeed iyo midka bulshada, waxaana ugu caansan The Social Contract (1762), Émile, Discourse on the Origin of Inequality iyo Discourse on the Arts and Sciences. Qoraalladiisu waxa ay si joogto ah u abbaarayeen xidhiidhka ka dhexeeya xorriyadda, sinnaanta, akhlaaqda iyo dawladnimada. Waxa uu aaminsanaa in bulsho caafimaad qabtaa aanay ku dhisnayn cabsi ama xoog, balse ay ku taagan tahay oggolaanshaha dadka iyo rabitaanka guud ee bulshada. Fikraddan ayaa markii dambe si xooggan u saamaysay kacdoonkii Faransiiska, yada oo siyaasiyiin badan oo hoggaaminayey dhaqdhaqaaqyadii dimuqraadiyadeed ee Yurub ay ka dhaxleen nidaamyo hoggaamineed aragtidiisa ku saabsan madaxbannaanida shacabka iyo awoodda sharciga.
Waxa se Rousseau kaga duwan yahay faylasuufyo badan oo ka horreeyey ma aha in uu dawladnimada ka hadlay; waa in uu isku dayey in uu qeexo halka ay sharciyaddu ka dhalanayso. Falaasifaddii ka horraysay waxa ay badankeed difaacaysay boqorro sheeganaya in awooddoodu ka timid Ilaahay ama dhaxal qoys. Rousseau, taa beddelkeeda, waxa uu ku dooday in dawlad aan ku dhisnayn oggolaanshaha bulshada aanay lahayn sharciyad dhab ah. Sidaas awgeed, Heshiis Bulsho ma aha buug ka warramaya qaab-dhismeedka dawlad oo keliya, balse waa baadhitaan qoto dheer oo ku saabsan asalka waajibaadka siyaasadeed iyo sababta qofku u aqbalayo in uu qayb ka noqdo bulsho uu xeerkeeda u hoggaansamo. Waxa uu doonayey in uu helo qaab ay bulshadu isku abaabusho iyada oo aan lumin xorriyadda qofka, isla markaana aanay dawladdu isu beddelin awood ka sarreysa dadka ay ka dhalatay. Sida hordhaca buuggu tilmaamayo, Rousseau waxa uu raadinayey "qaab urur bulsheed ilaalin kara qofka iyo hantidiisa, isla markaana qof waliba isaga oo dadka kale la midoobay haddana sii ahaanaya xor sidii hore."
Marka laga soo tago qiimaha taariikheed ee buuggan, waxa akhristaha Soomaaliga ah si gaar ah u soo jiidanaya waa in su’aalaha Rousseau isweydiiyey qarnigii siddeed iyo tobnaad ay weli yihiin su’aalaha aynu maanta isweydiinayno. Dal kasta oo doonaya dawladnimo waarta waxa uu khasab ku noqdaa in uu ka jawaabo halka ay awooddu ka timaaddo, cidda leh go’aanka ugu dambeeya iyo sida muwaadinku u noqon karo qof xor ah isla markaana u hoggaansan sharci uu isagu qayb ka yahay. Sidaa darteed, akhriska buuggan Heshiis Bulsho ma aha dib-u-eegis taariikheed oo ku saabsan Yurubtii qarnigii siddeed iyo tobnaad, ee waa sadcaal-maskaxeed kaas oo qofka ku baraarujinaya in dawladnimada runta ahi aanay ka bilaabmin qori, ciidan ama doorashooyin keliya, balse ay ka bilaabato heshiis bulsheed dadka dhexdiisa ka jira.
Haddii hordhaca buuggu albaabka u furo su’aasha ku saabsan halka ay dawladdu sharciyaddeeda ka hesho, qaybaha xiga waxa ay akhristaha si tartiib ah ugu hoggaaminayaan saldhigga ay ku taagan tahay aragtida Rousseau. Qoraagu kama bilaabayo sharci, baarlamaan ama boqor; waxa uu ka bilaabayaa qofka. Taasi waa astaanta ugu weyn ee buuggan. Waxa uu ina tusayaa in aan la fahmi karin dawladnimo haddii aan marka hore la fahmin xidhiidhka qofka iyo bulshada uu ka tirsan yahay. Sidaa darteed, Heshiis Bulsho ma aha buug lagu baranayo qaab-dhismeedka hay’adaha dawliga ah keliyaata, balse waa dhigaal lagu baadhayo sababta bulshadu isu abaabusho iyo halka ay ka dhalato awoodda lagu hago bulshadaasi.
Buuggan turjumaadda ahi, waa 145 bog, kaas oo u qaybsan afar xubnood, oo ay hoos imanayaan 48 cutub, kuwaas oo mid kastaa dhisayo tiir ka mid ah aragtida Rousseau. Inkasta oo qaybaha buuggu si isku xidhan u socdaan, haddana mid waliba waxa uu leeyahay su’aal uu ka jawaabayo, waana sababta akhristuhu u dareemayo in uu dhex-mushaaxaayo dood falsafadeed taas oo tallaabo kasta ku sii fogaanaysa.
Xubinta koobaad ee buuggu waa tiirka uu buuggu ku dul taagan yahay. Halkaas ayuu Rousseau ku burburinayaa fikraddii ahayd in awoodda dawladdu tahay hanti uu boqor ama qoys leeyahay. Waxa uu si cad u sheegayaa in xooggu aanu marnaba dhalin karin xaq. Dawlad qofku uga baqo ciidankeeda ama awooddeeda keliya ma noqon karto dawlad sharciyad leh; sababtoo ah marka awooddu keliya saldhig noqoto, qof kasta oo ka awood badan ayaa xaq u yeelanaya inuu meesha ka saaro. Sidaa awgeed, waxa uu leeyahay xaqa siyaasadeed waa inuu ku dhisnaadaa oggolaanshaha dadka, ee kuma dhismi karo cabsi ama xoog.
Halkaas ayay ka dhalanaysaa fikradda ugu caansan ee Rousseau, taas oo ah Heshiiska Bulshada. Erayga "heshiis" halkan looma adeegsanayo heshiis warqad lagu kala saxeexdo ama kulan lagu gaadho. Waa astaan muujinaysa in muwaadiniintu si wadajir ah u aqbaleen in ay ka tanaasulaan xorriyaddii aan xadka lahayn ee qofku keligiis lahaa, si ay u helaan xorriyad ka sarreysa oo lagu ilaaliyo sharci ay iyagu wada sameeyeen. Sidaas darteed, heshiisku ma baabi'inayo xorriyadda; waxa uu u beddelayaa xorriyad nidaamsan. Fikraddan ayaa ah meesha uu Rousseau kaga duwan yahay faylasuufyo badan oo ka horreeyey. Isagu ma odhanayo qofku xorriyaddiisa ha iska dhiibo si boqor u ilaaliyo; waxa uu leeyahay qofku xorriyaddiisa waxa uu ku dhex ilaalinayaa bulsho uu isagu qayb ka yahay.
Marka laga gudbo heshiiska bulshada, Rousseau waxa uu ina hor keenayaa fikradda uu ugu yeedhay Rabitaanka Guud ama Rabitaanka Bulshada (General Will). Dad badan ayaa khalad u fahma eraygan iyaga oo moodaya in uu ula jeedo waxa dadka badankoodu doonayaan. Laakiin Rousseau taas ugama jeedo. Rabitaanka guud ma aha codka tirada badan, mana aha rabitaanka koox gaar ahi dadka ku maquuniso. Waxa uu ula jeedaa dan guud oo ka sarreysa rabitaanka shakhsiyaadka iyo kooxaha. Mararka qaarkood waxa laga yaabaa in ay jiraan dano qofka u gaar ah, dano qabiil leeyahay, kuwa ganacsi leeyahay ama dano siyaasadeed leeyahay; laakiin marka laga hadlayo mustaqbalka bulshada oo dhan, waxa jira dano ka weyn kuwaas oo ay tahay in la wada ilaaliyo. Rousseau waxa uu aaminsanaa in dawladdu sharciyad leedahay oo keliya marka ay ka turjumayso rabitaankaas guud, ee aanay u adeegayn dano gaar ah.
Halkan ayaa laga dareemayaa qoto-dheeraanta buugga. Waxa uu akhristaha ku jiheynayaa in uu kala saaro laba arrimood oo inta badan la isku khaldo: waxa qofku doonayo iyo waxa bulshada oo dhami u baahan tahay. Labadani mar walba isma waafaqaan. Bulsho kasta waxa ku jira dad dano gaar ah leh, laakiin haddii nidaamka siyaasadeed lagu hago danahaas gaarka ah, heshiiskii bulshada wuu daciifayaa. Marka ay taasi dhacdo, sharcigu wuxuu isu beddelaa aalad kooxo gaar ahi ku ilaashadaan awooddooda, halkii uu noqon lahaa xeer bulshada oo dhan u siman. Taasi waa digniinta ugu weyn ee Rousseau bixinayo.
Qaybta labaad ee buuggu waxa ay si qoto dheer uga hadlaysaa madaxbannaanida shacabka (Popular Sovereignty). Rousseau waxa uu kala saarayaa laba arrimood oo dad badani isku khaldaan: Dawladda (Government) iyo Madaxbannaanida (Sovereignty). Dawladdu waa hay'ad fulineedka maamulka bulshada; madaxbannaaniduna waa xaqa ugu dambeeya ee bulshadu leedahay. Sida uu sheegay, dawlad kasta waa wakiil bulshada u shaqeeya, mana noqon karto mulkiilaha awoodda. Awooddu waxa ay had iyo jeer ku hadhaysaa shacabka.
Fikraddani waxa ay ahayd mid si weyn u beddeshay fahamkii siyaasadeed ee Yurub. Ka hor Rousseau, boqorro badan waxa ay rumaysnaayeen in dadku u jiraan in ay dawlad u adeegaan. Rousseau se waxa uu sheegay in dawladdu u jirto inay bulshada u adeegto. Isbeddelkan yar ee hadalka u muuqda ayaa dhab ahaantii beddelay taariikhda siyaasadda casriga ah. Waxa uu saldhig u noqday dimuqraadiyadda maanta dunidu ku faanto, halkaas oo hoggaamiyaha loo arko adeegaha shacabka, ee aanay ahayn in loo arko mulkiilaha qaranka.
Xubnaha dambe ee buuggu waxa ay falanqeynayaan qaababka dawladaha, shuruudaha sharciyada wanaagsan, iyo kaalinta akhlaaqdu ku leedahay jiritaanka dawladnimada. Rousseau ma rumaysna in sharci wanaagsan oo keliya bulshada badbaadin karo. Waxa uu ku adkaysanayaa in sharci kasta uu qiimo leeyahay marka ay jirto bulsho diyaar u ah in ay ixtiraamto. Sidaa darteed, akhlaaqda muwaadinka iyo wacyiga bulshada ayaa uu ka hormarinayaa dhismaha hay'adaha. Dooddan ayaa ah mid weli muhiim u ah dunida maanta. Dalal badan ayaa leh dastuurro qurux badan iyo hay'ado dhisan, balse haddana waxa ay la daalaa dhacayaan musuqmaasuq iyo kalsooni-darro, sababtoo ah heshiiskii bulshada ee ka horreeyey hay'adahaas ayaan xoog badnayn.
Marka la soo koobo, afarta waaxood ee buuggan Heshiis Bulsho waxa ay isu dhammaystirayaan sidii tiirar wada haya hal saqaf. Mid waxa uu sharxayaa halka awooddu ka dhalato, mid waxa uu qeexayaa cidda leh awooddaas, mid waxa uu tilmaamayaa sida loo maamulo, midka ugu dambeeyana waxa uu ka hadlayaa sida bulshada loo ilaaliyo si heshiiskaasi u sii noolaado. Sidaas awgeed, buuggan qiimihiisu kuma koobna in uu ahaa qoraal la qoray sannadkii 1762-kii; waxa uu noqday dhigaal weli laga dheehdo dood kasta oo ku saabsan xorriyadda, dimuqraadiyadda, sharciga iyo dawladnimada casriga ah.
Buug kasta oo falsafadeed waxa uu leeyahay laba nolol. Noloshii koowaad waa xilligii iyo goobtii lagu qoray, halka tan labaad ay tahay awoodda uu u leeyahay in uu ka gudbo wakhtigaas oo uu la hadlo bulshooyin kale oo aanu qoraagu weligii arag. Heshiis Bulsho waa buug ka gudbay xuduudihii Geneva iyo Yurubtii qarnigii siddeed iyo tobnaad; waxa uu maanta la hadli karaa bulsho kasta oo wali raadinaysa saldhig ay ku dhisato dawlad sharciyaddeedu ka dhalato rabitaanka shacabka.
Waxaa laga yaabaa in magacyada boqorrada, magaalooyinka iyo duruufaha Rousseau ka hadlay ay innaga fogaadaan, hase yeeshee su’aalaha uu isweydiiyey waa isla kuwo taagan maanta oo horyaalla bulshadeenna Soomaalilaan: Maxaa dadka isku haya? Sidee loo dhisi karaa dawlad qof kastaa u arko in ay tahay dawlad isagu qayb ka yahay? Awoodda dawladdu xaggee ayay ka timaaddaa? Maxaa shacbiga ku waajibinaaya in ay sharciga u hoggaansamaan oo adeecaan? Sidee ayay xorriyadda iyo dawladnimadu isku waafaqi karaan?!
Rousseau waxa uu ku doodayaa in bulshadu aanay noqon ummad haddii waxa isku haya uu yahay keliya cabsi ama dano ku meelgaadh ahi. Bulshadu waxa ay ummad noqotaa marka ay ka heshiiyaan qiyamka iyo mabaadi’da ay wada leeyihiin. Fikraddani marka lagu soo dejiyo waaqica bulshadeenna Soomaalilaan waxa ay iftiiminaysaa xaqiiqo aan marar badan indhaha laga qarsan karin. Bulshadeennu ma aha heshiis la’aan xagga qaraabanimada, qabiilka ama dhaqanka; waxa ay se wali la halgamaysaa sidii ay u dhisi lahayd heshiis qaran oo ka sarreeya xidhiidhada yaryar iyo heshiisyada hoose ee qabiilka ku dhisan. Taasi waa sababta ay mararka qaarkood u dhacdo in qofku si buuxda ugu kalsoonaado reerkiisa ama beesha uu ka dhashay, balse aanu isla kalsoonidii siin hay’ad qaran oo isaga metelaysa. Halkaas ayaana laga dareemayaa in caqabadda ugu weyn ee dawladnimadu aanay had iyo jeer ahayn dhismaha hay’adaha, balse ay tahay dhismaha kalsoonida bulshada.
Arrintan ayaa ah meesha uu Rousseau weli muhiim uga yahay dunida maanta. Isagu waxa uu inoo sheegayaa in dawladdu aanay ahayn dhismayaal, calan ama xafiisyo keliya. Dawladdu waa heshiis maskaxeed iyo mid akhlaaqeed oo dadka dhex mara. Marka heshiiskaasi daciifo, hay’aduhu iyaguna way daciifaan. Marka uu xoog yeeshana, xitaa hay’adaha jilicsani waxa ay helaan taageerada bulshada. Sidaas awgeed, qofka akhrinaya buuggan Heshiis Bulsho waxa uu si tartiib ah u garanayaa in dib-u-dhiska dawladnimadu aanu ka bilaabmin dhismaha baarlamaan, jidad ama wasaarad cusub oo keliya, balse uu ka bilaabmo su’aal ka adag kuwaas oo ah; Maxaynu innagu ku heshiinnay?
Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan koboca aqoonta bulshada Soomaalidu ma aha yaraanta buugaagta la qoro oo keliya, balse waa yaraanta buugaagta waaweyn ee dunida laga dhaxlay oo afkeenna hooyo loogu soo raro si ay u gaadhaan akhristaha. Qarniyo badan, ilbaxnimo kasta oo dunida hormuud ka noqotay waxa saldhig u ahaa hal arrin oo aan laga maarmin waana turjumaadda aqoonta. Cilmigu ma kobco marka la qoro oo keliya; waxa uu kobcaa marka la turjumo, la faafiyo, la falanqeeyo, dabadeedna bulshada dhexdeeda laga abuuro dood iyo aqoon is-weydaarsi. Sidaas awgeed, qiimaha buuggan Heshiis Bulsho kuma koobna waxa Rousseau qoray laba qarni iyo badh ka hor; waxa uu si la mid ah ugu jiraa dedaalka lagu gaadhsiiyey akhristaha Soomaaliga ah.
Turjumaadda uu sameeyey Mukhtaar Gurguurte ma aha oo keliya beddelidda ereyo Ingiriisi ama Faransiis ah oo Af-Soomaali loo rogay. Waa hawl ka culus intaas. Turjumaadda buug falsafadeed waxa ay u baahan tahay in la fahmo macnaha qarsoon ee eray kasta xanbaarsan yahay, sababta qoraagu u doortay, iyo sida loogu gudbin karo af kale iyada oo aan lumin ruuxdii iyo culayskii fikirka. Taasi waa hawl aan lagu cabbiri karin karti luuqadeed oo keliya; waxay u baahan tahay faham falsafadeed iyo dulqaad aqooneed.
Marka la akhriyo buuggan Heshiis Bulsho ee af Soomaaliga ah, waxa si cad u muuqata in dadaal badan la geliyey sidii akhristuhu u heli lahaa qoraal akhriskiisu fudud yahay, oo aan luminin qotodheeraantii qoraalka Rousseau.
Sidoo kale, bogaadin gaar ah waxa mudan Madbacadda Qalinmaal, oo door muuqda ka qaadatay soo saarista iyo faafinta turjumaaddan. Dal kasta oo doonaya in uu yeesho bulsho wax akhrida, waxa uu u baahan yahay hay’ado rumaysan in buuggu yahay aaladda ugu qiimaha badan ee lagu beddeli karo maskaxda bulshada. Madbacadaha noocan ahi waxa ay dhisaan buundo u dhexaysa aqoonta dunida iyo bulshada afkaas ku hadasha. Taariikhda ilbaxnimooyinka waaweyn waxa aynu ka aragnaa in maktabado, madbacado iyo turjubbaanno ay mar walba hormuud u ahaayeen isbeddellada aqooneed. Haddii maanta afkeenna lagu akhrisan karo Plato, Aristotle, Ibn Khaldun, Rousseau ama faylasuufyo kale, waxa ay ka dhigan tahay in albaab cusub loo furay jiilal badan oo aan fursad u heli karin in ay afafka qalaad wax ku akhriyaan.
Waxa aan rumaysanahay in bulshada Soomaalidu ay maanta uga baahan tahay turjumaadda in ka badan sidii hore. Dunidu waxa ay si xawli ah uga soo baxaaya fikrado cusub oo ku saabsan maamulka, dhaqaalaha, hoggaaminta, caddaaladda, tiknoolajiyadda iyo horumarka bulshada. Haddii fikradahaasi ku koobnaadaan afaf qalaad, waxa sii yaraanaysa ka qaybgalka bulshada inteeda badan ee doodahaas. Laakiin marka lagu soo bandhigo Af-Soomaali habaysan ah oo hodan ah, aqoontu waxa ay ka baxdaa jaamacadaha iyo qolalka cilmi-baadhista, waxayna gaadhaa macallinka, ardayga, shaqaalaha, qoraaga iyo qof kasta oo jecel in uu fahmo dunida uu ku nool yahay. Sidaas awgeed, qof kasta oo wakhtigiisa, maalkiisa ama qalinkiisa u hura turjumaadda buugaagta noocan ah waxa uu dhab ahaantii ka qayb qaadanayaa dhismaha maskaxda bulshada.
Ugu dambayntii, buuggan Heshiis Bulsho waxa uu inoo sheegaya in dawladnimada ugu xooggan aanay ahayn tan leh ciidanka ugu badan ama dhismayaasha ugu dhaadheer. Waa tan ku dhisan kalsoonida dadka, ixtiraamka sharciga iyo dareenka ah in muwaadin kastaa yahay qayb ka mid ah heshiis ka weyn naftiisa. Heshiiskaasi waa waxa ummad ka dhiga ummad, sharci ka dhiga sharci, dawladna ka dhiga dawlad.
Waxa laga yaabaa in aynu marar badan isweydiinno sida loo dhiso dawlad adag; balse waxa laga yaabaa in su’aasha saxda ahi ay tahay middii Rousseau laba qarni iyo badh ka hor isweydiiyey: Sidee loo dhisaa bulsho ku heshiisa in ay dawlad wada yeelato? Jawaabta su’aashaas ayaa laga yaabaa in ay ka qiimo badan tahay boqollaal sharci, tobannaan gole iyo kumannaan khudbadood. Waana sababta buuggan Heshiis Bulsho u sii ahaan doono buug aan duugoobin inta uu aadamuhu ka fikirayo xorriyadda, caddaaladda iyo dawladnimada.