Monday 28 April 2025
Dabinkii Jiraalku waa buug sheeko ah oo ka warramaya waqti aad u dheer, oo uu se kaga hakanayo xilligii kacaanka iyo burburkii ka dib. Waa buug kooban marka loo eego mawaadiicda, doodaha iyo dhacdooyinka uu soo gudbinayo. Waa buug taariikhda ku maraya xawaaraha ilayska oo ka soo guraya/ururinayaa dhammaan iimaha ay ka kici la’dahay Soomaalidu. Taariikhda uu dul cagaynayaa waa mid ka soo bilaabmaysa dawladnimada ka hor, waa amminta uu Diiriye, naarta jiraalka madaxa la galayo, ilaa soo shaacbaxa dadqalatada calanka madow, waa labadan kun iyo tobanka iyo dhiidhii. Mawaadiicda (themes) uu guud ahaan dulmarayo, waa mawaadiicda badanka sheekooyinka Soomaalidu soo tebiyaan, af ay ku qoran yihiinba. Hadday, tahay arrimo dhaqankii geeljiraha la xidhiidha, sida aano qabiil iyo nolol raacatonimo, dawladnimo, kelitalisnimo, qabyaalad, diin, iyo arrimaha haweenkaba.
Buugga waxa lagu soo ururiyey cadaabtii nolosha Soomaalida, jilayaashuna waxa ay xanbaarayaan cadaabta samanka ay u taagn yihiin oo idil. Boggaad rogtaba waa jahwareer iyo halaag hor leh, shaqsiyaadku debin uu qoraagu qoolay ayay ku dhex silcayaan, waa wada dulmi falayaal haddana ah dad wada kadeedan iyo dhibanayaal wareersan. Waa shaqsiyaad summad ah (stereotypical). Shaqsiyadda uu dhab ahaan buuggu sawirayaa waa bulshada Soomaaliyeed.
Mawaadiicda ay sheekadu wax ka taabanayso mid kasta wax badan ayaa la iska wayddiin karaa, oo doodo ayaa laga soo dhiraandhirin karaa. Wada sheekaysigii aynu sare ku soo xusnay qoddobadii lagu soo qaaday waxaa ka mid ahaa, saddexda aydhiyoolajiyadood ee buugga ku dhex loollamaya, shuuciyadda, islaamka siyaasiga ah iyo fiminiisamka oo metelaya aragtida galbeedka. Saddexdaba in aan caqli iyo maan fayow lagu qaadan ayuu tilmaamayaa, saddexduba way dhimanayaan aakhirka, danaysibaa la wada dhuranayaa oo waxa ay ku idlaanaysaa “wixii dantayda ah baa diintayda ah”. Waa buug bog kasta oo aad soo rogto kugu kallifaya in aad wax iska wayddiiso, waayo waa buug Diiriye-Maarkoos la ujeeddo ah oo raba in uu ka qaso “baastariinta badhaadhay” ee aan aakhiro iyo adduun toona wax iska wayddiin, in ay baraarugaan. Waa buug naqdinaya caamanimada dhaqanka noqotay ee bulshada, kaaga darane waxgaradka iyo hoggaanka bulshadu caadaysteen.
Qodobkasta oo uu buuggu soo qaaday waxbaa la iska su’aali karaa, oo laga geyoon maayo. Iyada oo ay sidaa tahay wadasheekaysigaa waxa anu xoogga saarnay labo qodob oo ah; waa halkii guudcadde e in anaanu nafagur (psychoanalysis) ku samayno Diiriye-Maarkoos iyo in aanu wax ka nidhaa doodda daaran sheeko-faneednimada dabinkii Jiraalka.
Diiriye- Maarkoos waxa uu ku dhashay caqliyadda geeljiraha ee qabiilku gundhiga u yahay. Aabbihii waxa uu ahaa beeshooda dhexdooda nimaan aargudan oo liita, hooyadiina aabbihii waxay u ahayd mid uu ka cad goosto, oo bahdilka beeshiisu ku hayso iyada uu ka jaro – waa doogta kolkuu fasiraad falsafadeed u helo ku kalifi doonta in uu galmada bahalnimo u arko – sidii in ay iyaduna quudhsanayso, wiilal ba way u dhali waayaysaa, oo la guursanayaa. Gabadh wiilal u dhasha ayuu helayaa, balse, ma aarsade, aano reerkiisa yasi jiray soo gashay ayaa loo dilayaa. Diiriye markaas ayuu caloosha ku jiraa, oo hooyadii Dulman u noqonayaa hiil iyo mid Diiriya, balse, kadeedku buuggan kama dhamaado ee way dhimanaysaa, oo Diiriye ku soo korayaa agoonimo, rejaynimo u weheliso.
Bahdooda kale iyo beeshuba way dayrinayaan, kolkaasuu noqonayaan tollaawe. Qofka caynkaas ah waxa ku weyn in uu aqoonsi helo, oo ismuujiyo. Bulshada baadiyaha ku dhaqan ee xoolo dhaqatada ah wuxuu qofku aqoonsi ku helaa, ragganimadiisa, dagaalyahanimadiisa, aftahamadiisa iyo caallimnimadiisa. Diiriye tan danbe ayuu qaadanayaa, wadaadnimo ay cuqdad u geysay! Goortuu caallin buuxa se noqdo, waa goor naqshadaa la wiiqay, oo ay calanwadaynayaan ciidanka iyo niman shaarbo la baxay oo shuuciyiin ah. Waa nin dantiisu diintiisa tahee waa in uu shaadhka beddeshaa. Halkaa, kolkay marayso, wayddiin ayaa kugu dhalanaysa, soo xasuuso Koombe, buuggii, Halgankii Koombe, ee Juxa qoray, markuu Yuguslafaakiya waxbarashada u tagayo, waxa uu qiranayaa in uu ruux madhan yahay oo uu kollay qaadan doono aydhiyoolajiyada cidda wax soo baraysa, naqdi bulsheed ayaa halkaa ku jira oo u baahan in wax la iska wayddiiyo maxaa qofka Soomaaliga ahi ugu carbisan yahay in uu soo xanbaaro aydhiyoolajiyada cidda wax barta? Ma jiraan asaasiyaad feker oo xerudhallan ah oo aan kula falgalno aragtiyaha qalaad, qaabkee ayaa qofka Soomaaliga ah aragtiyuhu ugu dhaadhacaan iyo su’aalo kaloo badan ba waa qaar mudan dul joogsi.
Diiriye-Maarkoos doogahaa uu hooyadii iyo abbihii ka dhaxlay ee uu la keliyaystay ayaa ku kaliftay in uu ismuujiyo oo wax noqdo. Taas ayaa ka dhigtay danayste filashaxun (pessimist), oo dagaal kula jira ka qasnaan la’aanta qofka Soomaaliga ah, mid ku aargudanaya in uu qofka Soomaaliga ah ee caamanimada caadaystay in uu ku argagaxiyo in uu wayddiin ka galiyo waxa dhaqanka ah iyo diinta. Waa mid aaminsan in bulshada Soomaaliyeed tahay “baastariin baadhaadhay” oo aan aakhiro iyo adduun midna wax iska wayddiin oo iska nool, masiibo kasta oo baraarujin lahayd u samaystay halkudhegyo la akhriyo iyo nidaam qaadhaan looga gurmado. Waa iinsaan maalin noole ah oo aan tabaabusho iyo baraarug toona lahayn.Buugga yoolkiisu waa sawiridda shaqsiyadda Soomaaliga ah iyo waxyaabaha qaabeeyay. Waa buug naqdinaya aragti gaabnaanta Soomaalida.
Haddaba aan u nimaadno su’aasha ah buuggu noofal ma yahay mise ma aha. In kastoo ay jiraan aragtiyo badan oo tibaaxa waxa sheeko ka dhiga sheekafaneed, hadday tahay tirada ereyada uu ka kooban yahay, koboca shaqsiyaadka iwm. Haddana sheekafaneedud waa nidaam aad ugu nugul in hal-abuur lagu soo kordhiyo oo qaab cusub sheekada loo tebiyo, waana mid ku xidhan yoolka qoraagu ka leeyay sheekada, waxaan istusay in sheekadan yoolkeedu ahaa sidaan soo sheegnay, ka jiidhida iyo feker ku abuurida akhristaha iyo in uu sawir ka bixiyo caqliyadda qofka Soomaaliyeed ee dib dhacsan.
Iyadoo sidaa ah haddana, kolka aad ka bogato doodaha buugga ee aad la falgasho waxaa kuu soo baxaya in ay yihiin kuwo sar ka xaadis ah, oo aan loo soo tebin hab tadabur iyo baaraandeg leh (reflection), waa buug tebintiisu tahay hab doodeed oo maqaal aragtiyeed oo kale ah, taas oo lagu sababayn karo in fekradda buuggu markii hore ku bilaabantay hab curisyo ah. Waa sheeko qulqulkeedu degdegsiinyo ku jiro, oo aad tebayso tafaasiisha lagu yaqaan sheekofaneedda, sida shaqsiyaadka oo la siiyo tafaasiil xoojisa shaqsiyadnimadooda. Tafaasiisha nolosha shaqsiyaadka, goobta (setting) ay wax ka dhacayaan, waa buug shaqsiyaadku dhammaan dhibanne u yihiin taariikhda lagu afrogay.