Skip to main content

Tuesday 19 May 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Gorfayntii Giovanni Arrighi: Maraykanku Isaga uun baa is Dumin Kara

4 May, 2026
Image
Gorfayntii Giovanni Arrighi: Maraykanku Isaga uun baa is Dumin Kara
Share

Dagaallada Trump ee milatari iyo ganacsiba lihi ma sababi karaan dhammaadka awoodda Maraykan? Waa wayddiin marar badan soo noqnoqotay. Joseph Stiglitz ayaa qoray maqaal uu cinwaan uga dhigay “Trump iyo Dhammaadka Gacansarraynta Maraykan”, isagoo ku dhex sheegay in siyaasadaha Trump ee isbedbeddelka badan, sharcigana aan ahayni ay “afgambiyeen marxaladdii iskufuranka adduunka ee ka dambaysay Dagaalkii Labaad ee Dunida, horseedayaanna in Maraykanku waayo kaalintiisii hoggaamineed ee fagaaraha dunida”. Michael Roberts oo mareegta Jacobin siiyey waraysi ku saabsan “Dunida Ka Dib Hoos-u-dhaca Maraykan”, markii wadasheekaysigan hordhaca loo samaynayey, mareegta Jacobin waxa ay keentay wayddiimo sal ballaadhan oo ay ka mid yihiin: “Hoos-u-dhaca Maraykan ku imanaya ilaa heer intee le’eg baa sababtiisa loo tiirin karaa hoggaamiye Maraykan? Se ilaa heer kee baa hoos-u-dhacaas sababtiisu tahay isbeddello gunta ah oo qaabdhismeedka ku yimi? Soo ifbaxa awoodo kara inay la tartamaan Maraykanku ma la macno tahay samaysanka nidaam caalami ah oo kan hadda ka caddaalad badan? Mise waa awood mid kale lagu beddelay uun? Intaasbana waxa kasii muhiimsan, waxan oo dhammi maxay uga dhigan yihiin nolosha xoogsatada iyo himiladooda siyaasadeed?”

Sannadkii 1994-kii, aqoonyahanka cilmibulsheed, ahna dhaqaaleyahanka, ee reer Talyaani, Giovanni Arrighi, ayaa faafiyey buug uu cinwaan uga dhigay: “Qarnigii Labaatanaad ee Dheeraa: Maaliyadda Maamulka iyo Asalka Casrigeenna”. Waa buug koobsanaya wax la odhan karo waa furayaasha udubdhexaadka u ah fahanka waxa hadda dunida ka socda. Isagoo si qotodheer u galaya “Hantigoosadka taariikhiga ah”, Arrighi waxa uu soo bandhigayaa bardhamaadka nidaamyo awoodeed iyo kobocyo hantigoosad oo ka horreeyey nidaamka awoodeed ee Maraykanka: kobocoodii iyo dumitaankoodiiba. Bardhammaadyadaas, Arrighi sababtooda lama xidhiidhinayo dadkii nidaamyadaas xukumayey iyo masuuliyiintii nidaamyada, balse waxa uu la xidhiidhinayaa isbeddello ka qotodheer oo ku dhacay qaabdhismeedka nidaamyada iyo raasamaalka. Iskuxidhkani waa mid innaga durkinaya inaynnu dhacdooyinka hadda la xidhiidhinno dhaqanka isbedbeddelaya ee Trump iyo habdhaqankiisa colaadinta ah.

Meertooyinka koboca

Isagoo xiganaya qoraalladii Fernand Braudel, Arrighi waxa uu adeegsaday “meertooyinka habaysan ee koboca”. Isagoo mar kale Braudel xiganaya, Arrighi waxa uu mashiinka dhaqaajiya dabaqadda burjuwaasiga ah u arkaa korodhka qulqulka lacageed ee kaydkooda gala, iyada oo aan la tixgalinayn nooca maalgashi ee ay lacagtooda gelinayaan. Se xaaladdani waa mid ku jaango’an muddo cayiman oo meertada ka mid ah. Sida Arrighi ku doodayo, isbeddelka dhabta ah, ama figta meertadu, “waa marka wakaaladaha ganacsi ee hoggaaminaya ballaadhinta ganacsiga alaabuhu ay ganacsigaas u beddelaan ka ganacsiga lacagta”. [Waa xaaladda ka ganacsiga alaabaha lagu beddelo ka ganacsiga maalka laftiisa, sida bangiyo iyo suuqyada maaliyadeed].

Arrighi waxa uu sooyaalka hantigoosadka taariikhiga ah u qaybinayaa afar meerto oo nidaam koboc, waana nidaamkii Genoa, nidaamkii Holandiga ahaa, nidaamkii Ingiriiska iyo ugu dambayn nidaamkan Maraykanka. Meerto kastaa waxa ay daboolaysaa muddo uu Arrighi u bixiyey “qarniga dheer”, iyadoo nidaam kastaa kii ka horreeyey uu meesha ka saarayey. Sida uu qabo, qarni kasta oo dheeri waxa uu ku bilaabmayey marxalad isballaadhin dhaqaale oo uu nidaamkii koboc ee ka horreeyey meesha ka saarayo, shaacinayana curashada nidaam cusub oo ku bilaabmaya marxaladda ballaadhinta ganacsiga alaabaha, gacansarrayntiisuna joogto tahay, ilaa oo ay u bilaabanto isballaadhinta maaliyadeed ee xigtaa, tan oo astaan u ah bilawga dhammaadka nidaamkaas.

Ballaadhinta Isle’egta Marx

Arrighi waxa uu tilmaamayaa in meerto kasta oo ah kobocaas nidaamsan ay koobsanayso laba marxaladood oo kala soocan: marxaladda isballaadhinta maaddi (alaabeed) iyo marxaladda isballaadhinta maaliyadeed. Waxa uu cuskaday isle’egta Marx ee mareegta raasamaalka: lacag-alaab-lacag dheeraad ah (M-C-M’). Waa isle’eg sharraxaysa mareegta raasamaalka ee bilawga iska beddela lacag, lana geliyo alaab (commodity) oo ah marxaladda waxsoosaar, ugu dambayna ku laabata wejigeedii lacageed, se iyada oo markan lacag dheeraad ahi la socoto (macaash). Haddaba, marka horumarkani joogto noqdo, ugu dambayn giraantaas ah lacag-alaab-lacag dheeraad ah, waa laga guuraa, giraantuna waxa ay kusoo ururtaa: lacag-lacag dheeraad ah [lacag ayaa lagu maalgashanayaa lacag si macaash loo helo]. Macaashkani waa mashiinka seeska u ah dhaqaalaha hantigoosad iyo habdhaqanka raasamaallayda.

Arrighi waxa uu ballaadhiyey isle’egtan Marx, si ay uga gudubto goobada cidhiidhiga ah ee koobsanaysa uun raasamaalka kelida ah, una koobsato marxalado taariikheed oo ballaadhan; waa meertooyinka kobocyada nidaamsan. Arrighi waxa uu arrinka u sharraxay sidan soo socota: “Isle’egta guud ee raasamaalka ee Karl Marx waxa lagu fasiri karaa mid aan ku koobnayn maalgashiyada qofeed ee kelida ah, se ay tahay hannaan kusoo laablaabta hantigoosadka taariikhiga ah ee nidaamka caalamiga ah metela… marxaladihiisa isballaadhinta alaabeed, oo raasamaalka lacageed lagaga ganacsanayo alaab (oo ay ku jiraan xoogga shaqaalaha ee qaabka alaabta la kala iibsado loola dhaqmay iyo khayraadka dabiiciga ah), iyo marxaladaha isballaadhinta maaliyadeed, oo xaddi badan oo raasamaalka lacageed ah aan markan alaab la gelinayn, se heshiisyo maaliyadeed lagu kobcinayo. Waa labada marxaladood ee meerto kastaa ka kooban tahay.

Arrighi, oo mar kale Braudel xiganayaa, waxa uu giraanta raasamaal ee Marx ee ah: lacag-alaab-lacag dheeraad ah, ku magacaabayaa “marxaladda koboca alaabeed”, halka uu giraanta kale ee ah “lacag-lacag dheeraad ah” ku magacaabayo marxaladda “koboca maaliyadeed”. Sida uu qabo, hoos-u-dhaca nidaam-koboc waxa uu bilaabmaa kolka marxaladda labaad loo wareego. Waxa uu tusaale usoo qaadanayaa kolkii Holandiisku ka baxeen ganacsiga alaabta ee ay u xuubsiibteen “sarriflayaasha Yurub” (Bangiilayaasha Yurub), isagoo marxaladdan ka dhigaya weecasho caalami ah oo soo laablaabata. Waa marxalad ku dhaboobmaysa dhammaan meertooyinka nidaameed, oo xitaa koobsanaysa nidaamka koboc iyo gacansarraynta Maraykan ee xilligan.

Isagoo hannaankan ku socda, Arrighi waxa uu sooyaalka hantigoosadkii qarnigii labaatanaad ee dheeraa u qaybinayaa saddex marxaladood: 1: kobocii iyo ballaadhashadii maaliyadeed ee dhammaadkii qarnigii 19aad iyo horraantii qarnigii 20aad, oo intii uu socday kobocani uu burburay saldhigyadii nidaamka Ingiriis ee hore, saldhig cusub oo nidaam Maraykan ahina abuurmay; 2: kobocii iyo ballaadhashadii maaddi (alaabeed) ee kontonaadkii iyo lixdanaadkii ee qarnigii labaatanaad, oo intii uu socday kobocani, gacansarraynta nidaamka Maraykan ee cusub loo macneeyey koboc caalami ah oo ku dhacay ganacsiga iyo waxsoosaarka; 3: koboca maaliyadeed ee hadda, oo inta uu socdo ay lamahuraan tahay in kaabayaashii nidaamka hore uu burburayo, kaabayaasha nidaam cusubina imanayaan.

Sida Arrighi ku doodayo, marxaladda koowaad –koboca Maraykan ee alaab ahaan (maaddi ahaan) –waa marxaladda lagu magacaabay soddonkii sanno ee barwaaqada, oo taxnayd laga soo bilaabo Dagaalkii Labaad ilaa badhtamaha toddobaataneeyadii qarnigii 20aad, ee ay jireen siyaasadaha Keynes iyo Ford (siyaasadaha dhaqaale ee Keynes iyo siyaasadaha dhaqaale-warshadeed ee Ford). Halka marxaladda labaad (koboca Maaliyadeed ee Maraykan) ay ku dabbaqmayso marxaladda iskufuranka adduunka ee niyuuliberaaliyada (liberaaliyada casriga ah), oo bilaabantay dhammaadkii toddobaatanaadkii.

Waayidda saldhigii Maraykan ee warshadeed, waa arrin ka dhigan in raasamaalkii Maraykan uu ka baxay fagaaraha ganacsi iyo waxsoosaar, oo uu noqdo sarriflaha dunida. Isballaadhinta maaliyadeedna, waxa uu u adeegayaa danaha bangiyada (hantigoosadka maaliyadeed), in le’eg inta uu cunaqabataynayo waxsoosaarka alaabeed, ama sida Michael Roberts u cabbiray: “Wall Street baa kobcaysa, xilli “Main Street” uu daalaadhacayo” (suuqyada maaliyadeed baa kobcaya, halka ganacsiyadii jidadka rasmiga ah ku yaallay daalaadhacayaan).

Dhibaatada bilawga iyo dhibaatada gunaanadka

Arrighi sida uu mar kale ku doodayo, marxaladda labaad ee koboca nidaam hantigoosad ahi (marxaladda koboca maaliyadeed) waxa uu leeyahay laba dhibaato: ta koowaad waxa uu ku magacaabay dhibaatada bilawga (bidhaan), halka uu dhibaatada labaadna ku magacaabay dhibaatada gunaanadka. Dhibaatada koowaad waxa ay la kowsataa marxaladda isballaadhinta maaliyadeed ee nidaamka kolkaas awoodda leh. Markan, nidaamka hantigoosi ee awoodda lihi waxa uu raasamaalkiisa uu ka helay ganacsiga iyo waxsoosaarka u rogaa lacag-ka-ganacsiga. Isbeddelkan raasamaalkii ganacsiga iyo waxsoosaarka loo rogayo lacag lacag dhasha, waa astaan muujinaysa in wakhti adag iyo go’aan adag lagu sugan yahay, oo nidaamkani uu awoodi waayay inuu sii joogteeyo ka macaashidda alaabta rasmiga ah, markaa waa go’aan leh laba dhinac oo kala ah; mid taban oo ah in aan lacagta kasoo baxda alaab laga ganacsanayey ama lasoo saarayey aan lagu sii wadi karin qaabkaas (aan warshado ama mashaariic ganacsi oo dhab ah lagu sii wadi karin), iyo dhinac togan oo ah iskudayga in lasii dheereeyo wakhtiga nidaamkani dunida ka calanwallaynayo iyo hoggaamintiisa. Walow keliya ay tahay dhibaato bidhaaminaysa dhibaato weyn oo soo fool leh, haddana xilligan isbeddel weli nidaamka hantigoosi ee markaas jiraa waa mid u muuqda mid guul weyn ku naalloonaya, kuna jira xilli badhaadhe.

Arrighi waxa uu xaddidayaa in xilligaas isbeddel ama dhibaatadaas bidhaanta ahi ay nidaamka Maraykan ku dhacday dhammaadkii lixdanaadkii iyo bilawgii toddobaatanaadkii, kolkan oo isballaadhinta maaliyadeed la joojin kari waayay. Mar kale, Arrighi waxa uu xoojinayaa in koboca maaliyadeed aanu ahayn wax ku cusub jidka uu maro “hantigoosadka taariikhiga ahi”, sababtoo ah waa marxalad ay hore ula soo kulmeen nidaamyo awoodeed oo hantigoosad ahaa kana horreeyey ka Maraykan. Dhibaatada bilawga ah ee Maraykan waxa ay ahayd mid dhinacyo kala duwan taabanaysay oo si adagna isugu xidhan: “Millatari ahaan, ciidanka Maraykan waxa uu dhibaatooyin waaweyn kala kulmayey dagaalkii Fiyatnaam; maaliyad ahaan, Bangiga Dhexe ee Maraykan waxa uu caddeeyey suurogalnimo la’aanta sii joogtaynta hannaankii waxsoosaar iyo xakamaynta lacagta caalamiga ah ee lagu aasaasay Bretton Woods; iyo aydhiyoolajiyad ahaan, oo waxa bilaabmay in dagaalkii Maraykan ku waday Shuuciyadu uu waayo sharciyad gudaha Maraykan iyo dibaddiisaba ah. Dhibaatadu si dhokhso ah bay u qarsoontay, sannadkii 1973-kiina, xukuumadda Maraykan dhinac kasta dib u dhac bay ka samaysay.

Dhibaatadaas bilawga ah ee nidaamka hoggaamineed ee Maraykan kasoo bidhaamay waxa ka dhashay in Maraykanku hoos u dhigo shaqooyinkii xukuumadeed ee caalamiga ahaa ee uu isu cumaamaday wixii ka dambeeyey Dagaalkii Labaad. Go’aanku waxa uu noqday, “kol haddii aanu Maraykan dunida hoggaamin karin, waa in dunidu iskeed isu hoggaamiso. Waxa ka dhashay ruxanka wixii kasii hadhsanaa xasilloonida nidaamkii caalamiga ahaa, waxaana hoobatay awooddii Maraykan, oo ku dhex sakaraadday Kacdoonkii Iiraan iyo dhibaatadii diblumaasiyiintii la afduubtay ee 1980-kii”. Xaaladda maanta dunidu ku jirto ee xasillooni darrada ah, dagaallo ganacsi iyo kuwa millatarina lihi, waa uun soojiitanka xaaladdaas bilawgii dhibaatada bidhaantay.

Arrighi waxa uu aaminsanyahay in wakhtigii dahabiga ahaa ee Maraykan uu ahaa xilligii Madaxweyne Reagan, ahaana wakhti kooban oo sida hillaaca ku dhaafay dadka Maraykan. Se xaqiiqadu, waa in aan badhaadhahaas koobani aanu ahayn in dhibaatooyinkii dhaqaale ee xididka ahaa la xalliyey, se taas beddelkeeda, badhaadhahaas koobani uu ahaa “deggenaan lagu sugayey duufaanta”, waa xilli badhaadhe se gogoldhig u ahaa curashada dhibaato cusub iyo dhibaato kale.

Arrighi, waxa uu dhibaatada gunaanadka ah u arkaa: “dhacdo ama dhacdooyin taxane ah, oo keena soo afjaranka kamadambaysta ah” ee nidaam hantigoosad oo awood leh. Waa astaanta in qarni dheeri soo afjarmay, oo nidaam dunida ka calanwallaynayey dhammaaday. Waxa uu aaminsan yahay in iskudaygii muxaafidiinta cusub ee Maraykan ay ku rabeen inay bilaabaan qarni cusub oo Maraykan, uu keliya ahaa iskuday Maraykankii dunida hoggaaminayey ka dhigay awood macangag ah. Arrighi waxa uu curashadii tiknoolajiyadda cusub (2001) iyo guuldarrada siyaasadihii Maraykan ee wixii ka dambeeyey dhacdooyinkii 11-kii Sibtambar u arkaa astaamaha dhabta ah ee muujinayey in “wakhtigii wacnaa” ee Maraykan jeedsaday, oo uu Maraykanku galay marxaladdii “dhibaatada gunaanadka ah” ee awooddiisii iyo hoggaamintiisii caalamig ahayd.

Arrinka soo jiidashada leh ee ku jira gorfaynta iyo abla’ablaynta Arrighi waa soo gaabashada muddada qarniga dheeri daboolayo; muddada nidaam hantigoosad ku bislaanayaa waa uu kasii yaraanayaa muddada nidaamkii ka horreeyey ku bislaaday. “Muddada hantigoosadka Ingiriis ku hoobtay, ee uu galay marxladda ka macaashka amaahdu, waa mid ka yar ama ka kooban muddadii ay hantigoosadka Holan ku qaadatay inuu hoobto oo uu qaado jidka ka macaashka amaahda, oo ahayd muddo 130 sanno ah, halka nidaamkii kasii horreeyey ee hantigoosadkii Genoa ay ku qaadatay 310 sanno, iyadoo Maraykanna ku qaadatay 100 sanno”. Waxa markaa suurogal ah inaynu “qarnigaas dheer” ee Arrighi ku magacawno “qarnigii labaatanaad ee gaabnaa”, sida uu ku magacaabayba Eric Hobsbawm.

Hoggaamin mise Sandullayn

Xagga hore waxa aynnu kusoo aragnay hadalka Arrighi ee ah: “dhibaatada gunaanadka ah ee nidaamka Maraykan waa in hoggaamintiisii isku beddelayso xakamayn iyo awood macangagnimo”. Arrighi iyo David Harvey oo cuskanaya Gramsci, waxa ay horumariyeen labada mafhuum ee hoggaamin iyo xakamayn, si labadani u daboolaan xaaladda caalamiga ah. Sida Arrighi qeexayo, hoggaaminta caalamiga ahi waa in dal uu hoggaamiyo dalalka kale, isaga oo aan hannaankiisa ku khasbin, se bedka keenaya nidaam danta guud khuseeya, oo dalalka kalena dantooda ka dhex arkaan. Dalka xooggani waxa uu dalalkaas u hoggaaminayaa jiho la wada rabo, oo dan guud laga dhex arko. Se, xakamayn waa nooc sandullayn ah, oo kolka dalka xooggani waayo awooddii qancinta, uu adeegsado awood millatari ama maaliyadeed, si dalalka kale ugu dabo faylaan.

Hogggaaminta Maraykan waxa ay ahayd mid dunida hantigoosadka ahi (imbiryaaliga ahi) isku raacsan tahay, kolkaas oo uu Maraykanku sheeganayey (kuna dhaqmayey) inuu yahay gaadh’hayaha dunida ka hor jooga halista Shuuciyada, oo uu yahay ilaaliyaha qaanuunka caalamiga ah iyo haayadaha caalamiga ah ee gacanta ku haya nabadda dunida iyo dhaqaalaha caalamiga ah. Yurub raalli bay ka ahayd, iyadoo isu aragta saaxiibka yar ee Maraykan, kol haddiiba Maraykan dalalkaas u wado jiho la wada rabo oo danta guud laga dhex arko. Hadda se, hoggaamintaas ayaa isku beddeshay maquunin. Sida Michael Roerts caddaynayo, “Trump kuma koobsanayo soo rogidda cashuuro cusub, ee waxa kale oo uu ka shaqaynayaa beddelidda shuruudihii Maraykan ka dhigayey dal si nabdoon u hoggaamiya dalalkaas oo yeesha awood caalami ah. Waxa uu rabaa inuu ka takhalluso dabarradii shardiga u ahaa hoggaamintaas, oo uu ku beddelo maquunin cad. Se tallaabooyinkiisu keliya waa dardargelinta marxalad horeba u bilaabantay. Dib u noqoshada nidaamka Maraykan iyo hoggaamintiisu waa mid kollayba muddo soo jiitamaysay, oo seeskiisa dhaqaale hoosta iska soo rifayey”.

Nidaamka hantigoosad (imbiryaaliga ahi) waa mid kala furfurankiisu uu soo bilaabmay labadii kun, kolkaas oo aan la isku raacin taageeridda Duullaankii Ciraaq ee 2003, waana mid sii xididdaysanaya xilligan Dagaalka Iiraan, waxaana ka horreeyey dagaalka ganacsi ee uu Trump la galay Shiinaha iyo dalal xulafadiisa lagu tirinayey oo Midawga Yurub ah. Ma aha habdhaqan “maangalnimada ka fog” oo kasoo fulaya madaxweyne fudud oo isbedbeddela, hase ahaatee, ka tanaasulidda “caalamiyowgii Liberaaliyadda cusubi” keliya waa “isku daygii ugu dambeeyey ee lagu joojinayo hoos u dhaca awooddii Maraykan, waana tanaasul dhabarka ka tooganaya saaxiibbadii Maraykan, oo bar cidlo ah kaga dhaqaaqaya Midawgii Yurub, weliba si habqan ah”, sida uu cabbirayo Michael Roberts. Waa arrin fasir u noqonaysa colaadda ba’an ee uu Trump u muujinayo Midawgii Yurub, ahna colaad gaadhsiisan inuu si qayaxan u shaaciyo inuu rabo inuu Greenland ku daro Maraykan, dagaal ama kala iibsi ka uu ku heloba.

Marka xaaladdan hore arrimaha lagu dhiso, waxa la fasiri karaa dabinka uu maamulka Trump cagta la galay ee Dagaalka Iiraan. Dagaalkani, sida muuqataba, waa dagaalka keliya ee aanu Galbeed ku midaysnayn, xitaa haddii la barbardhigo xasuuqii Sahyuuniyadu ka gaysatay Qasa. Waa sababta catawga Trump isu qabsaday ee uu ku cabanayo in Yurub iyo Isbahaysigii NATO garabkiisa banneeyeen. Dagaalka Iiraan ma aha jiho la rabo oo dalalkii la hoggaaminayey lagu hoggaamin karo, dalalkii taabacsanaa hoggaaminta Maraykanna waxa ay ka dhex waayeen dantii guud ee lagu raaci jiray.

Labaalayda dalalka qawmiga ah iyo hantigoosadka caalamiga ah

Buuggiisa “Qarnigii Labaatanaad ee Dheeraa”, Arrighi waxa uu kusoo qaadanayaa labaalayda dalka/hantigoosadka caalamiga ah. Dalka ama dalalka (madaxda siyaasadeed), waxa uu ku magacaabayaa sanduuqyada awoodda, ee maalqabeennada raasamaalku adeegsadaan si ay awoodda dawladda ugu adeegsadaan kobcinta hantidooda. Waa nidaam isku dhafan oo ka kooban maalqabeenno raasamaal leh iyo madax siyaasiyiin ah oo dawladda gadhwadeen ka ah. U kuurgalkiisa sooyaalka raasamaalkana, Arrighi waxa uu ku ogaaday in isdiiddo joogto ahi ka dhex jirto laba qaab fikir oo labada dhinac kala haystaan: “mandiqa xuduudaynta” iyo “mandiqa raasamaalka”, isdiiddadanina waa mashiinka seeska u ah sida awooduhu u samaysmaan. Dawladdu (madaxda siyaasadeed) waxa ay yool aasaasi ah u aragtaa dagaal la galo, si dhul cusub iyo dad cusub oo la maamulo loo helo, halka maalqabeennada hantigoosadku (dadka raasamaalka leh) ay rabaan qaabab dhaqaale oo badhaxtiran oo dhulka iyo dadka deggan lagu maamulo, balse, haddana kama wada tanaasulaan “sanduuqa awoodda” (oo ah dawladda), si ay awooddeeda uga faa’idaystaan fulinta ujeedkooda.

Arrighi waxa uu soo bandhigayaa isdiiddada ka dhex taagan hantiyeysiga iyo xuduudaynta: “sidaynu qeexnay, hantigoosadka iyo dawladda xuduudaysiga waddaa waxa ay kala metelaan laba istiraatiijiyadood oo dawladnimo lagu sameeyo, istiraatiijiyadda xuduudaynta ujeedkeedu waa in la qabsado dhul iyo dad deggan, iyadoo gacan ku dhigidda raasamaalkana keliya u aragta jid ujeeddada hore lagu dhabaynayo. Hase ahaatee, istiraatiijiyadda raasamaaliga ahi, xidhiidhka ujeedka aasaasiga ah iyo jidka loo maraya ka dhexeeyaa waa mid cagsiga ah; gacan ku dhigidda raasamaalka ayaa ujeedka ah, dhul qabsiga iyo dadkiisuna waa jid lagu dhabaynayo ujeeddada kore”.

Labadan aragtiyood waxa markasta ka dhex dhaca isjiidh, sababtoo ah raasamaalka ayaa sidiisaba ah mid markasta isku daya inuu ka tallaabo xuduudaha qawmiga ah ee ay jeexdo dawladda qawmiga ahi (ahna weelka lagu ilaashado awoodda lagu meelmarayo). Marxaladda isballaadhinta maaliyadeed ee nidaamka Maraykan, waxa isbeddelay xidhiidhkii ka dhexeeyey dawladda iyo shirkadaha waaweyn. Kolka xaalado kooban laga reebo, dawladdii looma arko mid shirkadaha waaweyn la wadaagta horumarinta mashaariic dhaqaale oo waaweyn, walow ay sii wadday kaalmadeeda shirkadaha waaweyn ee xuduudaha ka gudbay, haddana, shirkadaha waaweyni sidii hore uma dareemaan ka tirsanaanta dalkoodii asalka ahaa, sida berigii hore jirtay. (Shirkaduhu hadda waa kuwo dal kasta ka jira, oo u baahan inay macaashkooda ka helaan meel kasta oo dunida ah, sidaas darteed, waa kuwo aan sidii hore ugu xidhnayn dalkii asalka ahaa, kolkanna xidhiidh furan shirkadihii iyo dalkii ah ayaa yimi).

Halkan baynu ka fahmaynaa loollanka ka dhex jira Trump iyo qaybo raasamaallayda Maraykan ah, oo cashuurihiisa ku tilmaamay “dagaalkii ugu macangagsanaa taariikhda ganacsiga”. Se, tallaabooyinka Trump si fudud looguma sheegi karo “macangagnimo badhax la’, iyada oo aan lala xidhiidhin arrinka uu Michael Roberts ku tilmaamay iskuday quus ah oo lagu joojinayo hoobashada Maraykan”. Dagaalladu, ha noqdeen millatari ama ganacsi e, waa jidka keliya ee gacanta Maraykan kusoo hadhay, si dunida dib loogu qaabeeyo oo gacanta loogu sii hayo. Waa “falcelinta ka dhalatay waayitaanka Maraykan ee hoggaamintiisii caalamiga ahayd, siiba hoggaamintiisii dhaqaale. Salka dhibaataduna waa in nidaamku awoodi waayay inuu macaashkii ganacsiga iyo waxsoosaarka sii kordhiyo wixii ka dambeeyey jugihii dhaqaale ee 2008 iyo 2020. Shirkadaha Tiknoolajiga ee waaweynina, si la mid ah Trump, waxa ay rabaan qabsashada macdanta qaydhin. Boobku waa jidka ugu gaaban ee macaash dheeraad ah lagu samayn karo, waana imbiryaaliyad leh weji gumaysi oo cusub”.

Soohdinta gorfaynta Arrighi: Shiinaha

Dib-ku-kabka dabcadda labaad ee buugga “Qarnigii Labaatanaad ee Dheeraa”, oo mar labaadka la daabacay 2008, Arrighi waxa uu sheegayaa in dhibaatadii dhaqaale ee 2008 ay rumaysay oddoroska buuggiisii soo baxay 1994, oo ah oddoros aanay cidina ku beenin karin.

Se qodobka ku cusub gorfaynta Arrighi waa soo bixidda Shiinaha. Dib-ku-kabka buugga waxa uu ku oqray sidan: “Kolkii aan dabcadda koowaad ee buuggan qorayey, maan ogayn heerka iyo sababaha soo ifbaxa Shiinaha oo awood ku yeesha dhaqaalaha siyaasadeed ee Bariga Eeshiya.

Arrighi waxa uu soo ifbaxa Shiinaha ka soocayaa koboca awoodaha kale ee Bariga Eeshiya, isagoo tilmaamaya in isballaadhinta dhaqaale ee Shiinuhu si kasta uga halis badan tahay dhammaan mucjisooyinkii dhaqaale ee hore uga dhacay Bariga Eeshiya, kolka la eego sida uu u burburinayo hantigoosadkii caalamiga ahaa. Se waxa muuqata in Arrighi uu xoogaysiga Shiinaha ku eegayo indho ceeb-ka-saliim, ama ugu yaraan uu arko xalka ugu wanaagsan: “Sida aan ku dooday gorfayntii buugga Adam Smith ee ka dhacday Bikiin, Shiinuhu waa beddelka ugu macquulsan ee hoggaanka Maraykan beddeli kara marka Bariga Eeshiya la joogo iyo goobaha ka baxsan ba. Xilli Maraykanku cagaha la galay mashaqadii Ciraaq, Shiinuhu waxa uu waday horumarkiisa, isagoo helaya kaydad maaliyadeed iyo saaxiibbo cusub oo dacallada dunida ah, oo uu Maraykanku luminayey”. Halkan bay gorfaynta Arrighi ku simbiririxanaysaa, sababmuu Shiinaha uga reebaya nidaamyadii koboc ee uu buuggiisu ka doodayey? Isballaadhinta Shiinaha ee ganacsi iyo macaashka warshaduhu miyaanu ku dambayn doonin uun isballaadhin maaliyadeed oo noqon doonta dhibaatadii bilawga ee tilmaanta u ahayd hoobashada Shiinaha?

Michael Roberts waxa uu qabaa aragti sidan ka duwan gebi ahaan, waana aragtida aan qabo, oo ah inaanu Shiinuhu metelin beddel hor-u-socod ah oo beddela nidaamka hoggaamineed ee Maraykan. Waxa uu diiddan yahay in Shiinuhu (iyo dalalka BRICS), ama waxa lagu magacaabo mashruuca “badashada awoodaha qarniga 21aad”, aanay ahayn beddel loo bogo: “Kuwani ma aha xukuumado difaacaya danta qaramada amaba dimuqraaddiyada xoogsatada. Sidaan sheegay, dalalkan gudahooda kama jiro wax gorgortan madaxbannaan ahi. Waxa la rabaa in nidaamyadaas lagu tirtiro dhaqdhaqaaqyada shaqaalaha, si loo sameeyo dimuqraaddiyado wadaag ah oo dhab ah, oo hoggaamiya isbeddel caalami ah”. Waa isagoo sharraxaya ismoodsiiska ah in samaysanka awoodahaasi metelayaan “awood lagu difaaco qaramada, amaba ku guulaystaan xadaynta sinnaan la’aanta iyo saboolnimada caalamiga ah, amaba ay hor istaagi doonaan cimilada kululaanaysa iyo musiibada deegaan ee la saadaalinayo. Waxa aynnu baahi u qabnaa isbahaysi caalami ah oo ka dhex dhaca xukuumadaha hantiwadaagga ah. Kolka xukuumad hantiwadaag ahi talada ku gaadho dhaqaale weyn, arrinkani waxa uu albaabka u furi doonaa in dalal kale iska caabbiyaan imbiryaaliyada. Xukuumad hantiwadaag ah bay u suurogal tahay inay la shaqayso dalal ka baxsan awoodda Maraykan, sida Finisweella iyo Kuuba, oo maanta haysta khiyaarro ilaa xad kooban. Se intaasba waxa ka muhiimsan, waxa ay hagi doontaa dhaqdhaqaaqa loogu jiro samaynta xukuumado hantiwadaag ah oo dimuqraaddi ah oo dunida dacalladeeda ka samaysma”.

Maraykanku isaga uun baa is dumin kara

Buugga “Qarnigii Labaatanaad ee Dheeraa” waa mid gebi ahaanba ka madhan gorfaynta loollanka dabaqadeed, sababtuna ma aha in Arrighi ogaan isku dhaafiyey, se ujeeddooyinka manhaj baa isdhaafintaas ku khasbay. “Hase ahaatee, cidhiidhiga xagasha gorfayntu waxa ay I seejisay waxyaabo waaweyn. Loollanka dabaqadeed iyo maroorsiga dhaqaalaha caalamiga ahiba waa ay ka maqan yihiin sawirka… akhristayaal badan baa shaki ka gelayaa ama u qaadanwaa ay ku noqonaysaa isdhaafintaasi. Waxa keliya ee aan odhan karaa in sawirkan aan soo gudbiyey keliya uu yahay mid ka mid ah tebinaha qarnigii labaatanaad leeyahay. Meelo kale ayaan kusoo gudbiyey tafsiir kale oo qarnigu leeyahay, oo xoogga saaraya loollanka dabaqadeed iyo xidhiidhka xuddunta iyo darafyada”.

bayaamintan sababtaynu usoo aroorinnay waa in aan gorfaynta Arrighi loo fahmin in samaysanka duni beddel noqota oo ka madhan hoggaamin iyo is maquunin ay tahay natiijo laasim ah oo dhaqaale oo dhalanaysa keliya marka nidaam kobociisu ka beddelmo marxaladdii alaabta iyo ganacsiga oo uu gaadho marxaladdii isballaadhinta maaliyadeed. Jabinta nidaam hoggaamineed oo caalami ah waa wax u baahan awood siyaasadeed oo gudeed oo ka abuuranta tallaabooyin isxigxiga, saamaynna ka hesha awoodo dibadeed (iskacaabbin caalami ah, dagaallo isxorayn…).

Dumitaanka nidaamka hoggaamineed ee Maraykan waa mid raacaya jidkii dhaxalka ahaa ee meerto hore oo kaleba kusoo dhammaatay, sida ku dhacday nidaamyadii ka horreeyey (Genoa, Holan iyo Ingiriis). Ha yeeshee, dumitaanka nidaamyadaasi waxa uu ku kacay khasaare sare oo bulsheed, bani’aadam iyo dhaqaale. Muhiimaddu hadda waa in dumitaanka nidaamka Maraykan uu ka khasaare yaraado. “Maraykanku isaga uun baa kolkaa is dumin kara”, macnaha in shacabka Maraykan ka gadoodaan dawladdooda iyo maalqabeennadooda. Waa arrin ku cad sida ardaydii jaamacaduhu uga dibad baxeen Xasuuqa Qasa, halganka dadka deggan Miniyaabulis kala hortageen ciidamada socdaalka, iyo malaayiinka dad ee 28-kii Maaris ku dibad baxay magaalooyinka Maraykan, iyagoo wata hal-ku-dhigga ah “lama rabo boqorro”. Jab gudaha kaga yimaadda Trumo (iyo dabaqadda hormuudka ah) waa mid leh ahmiyad sooyaal oo ka ballaadhan jab kasta oo millatari oo dibadda ah, walow ay si wadajir ah wax u wiiqayaan. Haddii gadoodka gudeed ku biiro iska caabbinta caalamiga ah ee bulsho, xoogsato, beeraley, dumar iy qoomiyadeed, waa wax dhabaynaya waxa uu Michael Roberts ku tilmaamay “isbahaysi caalami ah oo xukuumadaha hantiwadaagga ahi arrinkaa u galaan. Kolka xukuumad hantiwadaag ahi xukunka ku qabato dhaqaale badan, waa wax albaabka u furaya dalal kale oo kasoo horjeeda imbiryaaliyada”.