Tuesday 15 September 2026
Warka ku saabsan heshiiska Maraykanka iyo Sacuudiga ee barnaamijka nukliyeer waxa uu dhaliyey falcelinno badan. Galabnimadii salaasada, wargeyska Wall Street Journal waxa uu sheegay in Madaxweynaha Maraykanka Donald J. Trump uu oggolaaday in heshiis nukliyeer lala galo Boqortooyada Sacuudiga. Heshiiskan 123 –oo loogu magacdaray Qodobka 123 ee ka mid ah Xeerka Tamarta Atoomikada ee Maraykanka–waxa uu Maraykanka u oggolaanayaa inuu walxaha nukliyeer nabdoon, walxaha tiknoolajiyadeed iyo agabka kale ee diyaarin uu u raro Sacuudiga. Walow tobannaan dawladood ay heshiisyo la mid ah kan 123 kula jiraan Maraykanka, haddana heshiiskan cusub ee Sacuudiga lala galay, sida warbixinaha qaar sheegayaan, waa mid oggolaanaya in gudaha Sacuudiga lagu hodmiyo yuraaniyamka, waana wax loo adeegsan karo samaynta hub nukliyeer, arrinkan oo kicinaya qadiyadda diidmada in nukliyeerku faafo. Haddaba, khubaro ka tirsan Atlantic Council, ayaa soo bandhigay aragtiyahooda iyo gorfayntooda barnaamijkan ku saabsan.
Gelidda heshiiskan 123 ee u dhexeeya Sacuudiga iyo Maraykanku keliya guul uma aha waxsoosaarka tamarta nukliyeer ee Maraykanka, ee sidoo kale waa guul usoo hoyatay nidaamka caalamiga ah ee ka hortagga faafidda nukliyeerka ee Maraykanku hoggaamiyo.
Boqortooyada Sacuudigu waxa ay hore u caddaysay inay go’aansatay inay farsamooyinka tamarta nukliyeer soo iibsato, oo ay bilawdo hirgalinta barnaamij nukliyeer nabadeed; weydiintu kolkaas waxa ay ahayd dhinaca ay dooran doonto: ma Maraykanka iyo xulafadiisa, mise waxa ay u kici doontaa dhinaca Ruushka iyo Shiinaha?
Sida warbixinuhu xuseen, heshiiskani waxa uu Sacuudiga u diidayaa inuu dhinac kale ka helo farsamooyinka tamarta nukliyeer, kolka laga reebo shirkadaha Maraykan, waxaana suurogal ah in shirkadahaasi shirkado dalal kale siiyaan inay kaalin gacan saddexaad ah ka qaataan keenidda qalabka loo baahdo. Heshiiskani waxa uu dammaanad qaaday in la iska kaashado joojinta faafidda hubka nukliyeerka. Sida Wall Street Journal xustay, heshiiskani waxa uu Maraykanka awood u siin karaa inuu kaalin xakamayn ku yeesho barnaamijka nukliyeer ee Sacuudiga.
Wall Street Journal waxa u mar kale xusayaa in heshiiskan uu ku jiro qodob oggolaanaya in la hirgaliyo warshad qaabbilsan hodminta yuraaniyamka oo ku shaqaysa nidaamka “Sanduuqa Madow” oo ah in warshaddu ku dhex taallo Sacuudiga, laakiin ay maamulaan shirkado Maraykan, laakiin, baahida warshad sidan ah loo qabo la go’aamin doono ka dib diraasayn socon doonta laba sanno oo labada dal wada sameeyaan.
Wadahadallada ku saabsan heshiiskan 123 ee u dhexeeya Sacuudiga iyo Maraykanku waxa ay soo bilaabmeen muddo-xileeddii hore ee Trump, waanay socotay muddo-xileeddii Joe Biden. Maamulkan hadda ayaa muujiyey hore u socod heshiiska la xidhiidha ilaa heshiiskan imika lasoo gaadhay.
Maraykanku isaga ayaa xaq u leh inuu adkeeyo xidhiidhada uu la leeyahay Sacuudiga, ha yeeshee, ma habboona in xidhiidho xoojintaasi galaaftaan halbeegyadii wacnaa ee ka hortagidda faafidda hubka nukliyeerka.
Laga soo bilaabo daahfurkii nukliyeerka, saynisyahannadu waxa ay yaqiinsanaayeen in hodminta yuraaniyamka iyo dib-u-qaabaynta balaatooniyamku ay yihiin laba farsamo middi laba af leh ah dhinaca adeegsiga. Isla tiknoolajiyadda loo adeegsado soo saarista nukliyeer nabadeed oo korontada loo adeegsado, ayaa loo adeegsadaa soo saarista hub nukliyeer. Sidan awgeed, istiraatiijiyadda Maraykanku waxa ay ahayd in la dhiirrigeliyo adeegsiga nabdoon ee tiknoolajiyadda nukliyeerka, iyadoo la dabrayo farsamooyinka xasaasiga ah ee la xidhiidha soo saarista hub nukliyeer.
Siyaasadaha Maraykan ee qodobkani waa ay guulaysteen, waxaanay noqdeen kuwo cadawga iyo saaxiibbada si isku mid ah loogu dabbaqo. Tusaale ahaan, Wasaaradda Difaaca Maraykan (Bantagoonka) waxa ay awood millatari u adeegsatay joojinta barnaamijka nukliyeer ee Iiraan ee hodminta yuraaniyamka. Si la mid ah, sannado badan, Maraykanku waxa uu awooddiisa u adeegsaday inuu hor istaago faafidda awoodaha xasaasiga ah ee suurogalinaya soo saarista kaabayaasha hubka nukliyeer, oo aanay yeelan dalalka u saaxiibka la yahay, sida Kuuriyada Koonfureed, Taywaan iyo Imaaraadka Carabta. Sidan awgeed, waxa khalad ah, in Sacuudiga loo oggolaado hodminta yuraaniyamka.
Nasiib wanaag, hirgalinta barnaamij Sacuudi oo suurogaliya hodminta yuraaniyamka lama hubo. Warbixinaha qaar waxa ay sheegayaan in labada dhinac wada samayn doonaan diraasad socon doonta laba sanno, oo lagu gorfeeyo dhabnimada in Sacuudiga gudihiisa lagu hodmiyo yuraaniyam iyo in hodmintani ganacsi ahaan Sacuudiga faa’ido u yeelanayso oo uu kaga maarmo soo dhoofsashada kaabayaasha nukliyeer. Waxa habboon in diraasaddaasi soo saarto in Sacuudigu ku tiirsanaan karo soo dhoofsashada kaabayaashaas, si la mid ah dalalka kale ee leh barnaamij nukliyeer oo nabdoon. Doorashadan ayaa in badan ka wanaagsan in Sacuudiga lagu wareejiyo awood u suurogalisa soo saarista hub nukliyeer, oo ah weliba dawlad ku taalla gobol xasillooni darro ka jirto.
Dagaalka Iiraan lala galay waxa uu dib u qaabaynayaa awoodaha Bariga Dhexe, isagoo u maraya habab aan la arki karin bilo ama sannado ka dib mooyee. Sidii aan bilawgii dagaalka ku dooday, Sacuudigu waxa uu muddo dheer ku dadaalayay inuu noqdo awoodda ka talisa Bariga Dhexe, markastana halista u weyn ee yoolkan ka hortaagani waxa ay ahayd Iiraan. Dagaalku waxa uu xoojiyey mawqifka Iiraan, gobolka Khaliijkana waxa uu u gilgilay qaabab gebi ahaan si qotodheer uga hor imanayaa yoolkaas Sacuudiga. Hase ahaatee, Sacuudigu waa mid u diyaarsan inuu dhacdadan taagan uga faa’idaysto xididdaynta hoggaamintiisa gobolka.
Heshiiska cusub ee uu Maraykanku la galay Sacuudiga toddobaadkan, isfarasaarka cusub ee Xuutiyiinta iyo Sacuudiga iyo khilaafka cusub ee Imaaraadka iyo Sacuudigu dhammaan waa arrimo yoolka Sacuudiga ee gobolka la xidhiidha. Suurogalnimada in Sacuudigu gudihiisa ku hodmin karo yuraaniyam, waa farriin xooggan oo Iiraan loo dirayo. Heshiiska 123 waa heshiis koobsaday shuruudo Sacuudiga uga wacan shuruudihii loo oggolaaday Imaaraadka iyo tobannaanka saaxiib ee kale heshiiska kula galeen Maraykanka. Waa farriin kale oo Sacuudigu dunida u dirayo inuu yahay dal firfircoon oo kaalin caalami ah leh, xitaa haddaanu haysan hub nukliyeer.
Heshiiska nukliyeer waa uu soo taxnaa muddo dheer oo ka horraysay dagaalka Iiraan, oo xitaa wadahadallada heshiiskani waa kuwo xilli hore bilaabmay, isagoo heshiiskani qayb ka ahaa qabanqaabada caadiyeynta xidhiidhka Israa’iil. Hase ahaatee, waxa suurogal ah in dagaalka Iiraan baahi siyaasadeed oo dheeraad ah u yeelay wadahadalladaas soo socday, iyadoo Maraykanku ku dedaalay inuu dejiyo saaxiib ka shakiyey heerka ka go’naanshaha Maraykan ee taageerada amni, kana niyad jabay la tashi la’aanta.
Heshiiska iskaashiga dhinaca tamarta nukliyeer ee uu Sacuudigu la gaadhay Maraykanka waa heshiis guul weyn uga dhigan Maxamed binu Salmaan. Laakiin marka dhinaca Maraykanka la eego, heshiiskan waxa si isku dhafan ugu duugan faa’idooyin iyo ceebo: waa heshiis suurogalinaya in tamarta nukliyeer ee Sacuudiga lagu horumariyo tiknoolajiyadda Maraykan, sidoo kalena suurogalinaya in Maraykanku soo rogo dammaanado adag oo hor istaaga hodminta yuraaniyamka. Hase ahaatee, waa heshiis sidoo kale leh halis weyn oo Bariga Dhexe ah, oo ah in dalal ay ka mid yihiin Masar, Turkiga iyo Iiraan ay ku khasbanaan doonaan yeelashada awoodaha Sacuudiga oo kale. Waa arrin keenaya in gobolka tartan hor leh ka bilaabmo.
maamulkii Biden waxa uu waday heshiiskan, isagoo miisaamaya dhammaan jaangooyayaashan, oo weliba dammaanado adag kusoo rogayay hodminta yuraaniyamka, oo la tashi la samaynayay Israa’iil, heshiiskana ku xidhayey barnaamijka guud ee caadiyeynta xidhiidhka Israa’iiil iyo samaynta dawlad Falasdiin. Heshiiskaasi waxa uu ku dhawaa dhamaystir badhtamihii 2024, iyadoo la sugayey soo afjarmidda Dagaalka Qasa.
Hase ahaatee imika, maamulka Trump waxa uu go’aansaday inuu hore ugu socdo oo uu fuliyo. Ma se cadda in heshiiskani lagu soo rogay dammaanadihii adkaa ee hore; sababtoo ah weli faahfaahin badan heshiiska lagama baahin. Waxa kaliya ee la hubaa waa in heshiiskan laga saaray shardigii xidhiidh la samaynta Israa’iil, oo ah arrin aan imika hore loogu dhaqaaqi karin xilli Israa’iil aanay u diyaarsanayn la macaamilka qaddiyadda dawlad u samaynta Falasdiin.
Laga yaabee in maamulka Trump heshiiskan u galay si uu iskaga dhimo heerka Khilaaf ee Sacuudiga ee ka dhashay dagaalka Iiraan, ama si uu u helo dammaanad ah in Sacuudigu kala qayb qaato hawlgallada millatari. Haddii arrinku sidan yahay, waa caddayn in Maraykanku u diyaarsanyahay inuu isku furto fursad istiraatiijiyadeed si uu u aaso galdaloolka ka dhashay istiraatiijiyad kale.
Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.