Skip to main content

Thursday 23 January 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Buug

Gorfaynta Buugga: Geeska Afrika: Dhismaha iyo Burburka Dawladnimada

2 December, 2024
Image
Geeska Afrika
Share
Buuggani waxa jawaab waafi ah ka bixinayaa waxa Geeska Afrika ka duway Afrika inteeda kale, ee siyaasadeedana ka dhigay mid murugsan.

Christopher Clapham oo muddo nus qarni ah ku dhex jiray arrimaha Geeska Afrika waxa uu daabacay buugaag dhawr ah oo uu kaga warramay Boqortooyadii Itoobbiya, kacdoonnadii iyo jabhadihii xukunka qabtay 1991-kii ee Geeska Afrika. Diraasaddii u dambaysay oo uu soo saaray labaatan sanno ka hor, oo ah buug uu kaga warramayo “Xidhiidhada Caalamiga ah ee Afrika”, waxa uu si gaar ah diiradda u saarayaa dawlad dhiska iyo kala go’a dalalka Geeska Afrika. Diraasaddiisa waxa udubdhexaad u ah afar dal: Itoobbiya, Eretariya, Soomaaliya iyo Soomaalilaan. 

Clapham si uu u faahfaahiyo habka iyo manddiqa uu u adeegsanayo diraasaddiisa, waxa uu sharraxayaa sida qaabdhismeedka dhulka ee dalalkani u qeexo, nidaamka bulshada iyo ka siyaasaddaba. Waxa uu kala soocayaa dhulalka sare ee qabow, roobka badanna hela, waxbadanna laga beeri karo, dhulalka godinka ah ee keliya xoolodhaqashada ku habboon iyo dhulalka ku teedsan dhulalka sare, oo u badan kaymo roobaad, beryihii dambena hoy u noqday beeraha bunka. 

Qaabkan uu qaabdhismeedka dhulka u kala qaybiyey waxa uu kasoo dhiraandhirrinayaa in laba nooc maamul ka samaysmeen dhulalkaas sare ee beeralayda ah, dhinaca kalena ay garab socdeen laba mashruuc oo laga waday dhulalka hoose (xeebaha) oo lagu rabay in dawlado lagu dhiso. Qoraagu, xoogga ma saarayo ka warramidda Jabuuti, waxa kale oo buugga marar dhif ah uu kusoo qaadanayaa Kiiniya iyo Suudaan. 

Qoraagani, waxa uu ku doodayaa in asal ahaan maamulka iyo boqortooyooyinku ka samaysmeen dhulalka sare ee Itoobbiya, oo bulshooyinka dhinacyada ka xigaana u hoggaansameen. Dhulka oommanaha ah ee xeebaha xiga, oo uu ku tilmaamay dhul xoolodhaqasho uun ku habboon, waxa uu u aqoonsanyahay meesha hoyga u ah “dagaallada iyo qalalaasaha”, waxaanu ku sababaynayaa suququlka khayraadka ee dhulkaas ka jira. Waa dood aan u cuntamayn akhristaha qarniga 21aad jooga, oo u arkaya dood  ku habboon qarniyo hore. 

Marar badan waxa uu ku dheeraanayaa taariikhda Itoobbiya, isaga oo raba in uu faahfaahiyo qaabkii ay u kala go’day iyo burburkii ku yimi xukuumado kala dambeeyey. Waxa uu sharraxayaa taatikadii boqor Miniligii Labaad ku jabiyey Talyaaniga 1896-kii iyo sida uu boqorkani uga faa’idaysan jiray gumaystayaasha isaga oo iska hor keenaya. Isballaadhintii boqortooyadii Itoobbiya ee dhinaca bari iyo dhinaca galbeed waxa uu u arkaa in ay ahayd isballaadhin ay kula tartamaysay gumaystayaasha. Isla qodobkan waxa ku dhex jirta in, si la mid ah Afrikada kale, Itoobbiya wakiil uga ahayd gumaystayaasha meelo aanu gaadhi karin, sidaasna gumaystuhu dhulal aanu tegin saameyn dad maxalli ahi ku metelaan ugu yeeshay. Waxa kale oo Calpham ku doodayaa in gumaystayaashu qayb ka ahaayeen dagaallada ka dhacay dhulalkan. 

Dunidu wax badan kama oga, saameyn badanna kuma leh dagaalladii iyo halgankii dheeraa ee labada jabhadood ee EPRDF iyo Jabhadda Xorraynta Ereteriya. Calpham waxa uu ku nuuxnuuxsanayaa habka nidaamka bulsho ee dhulalka sare u saameeyey caqliyadda labadan jabhadood. Waxa uu si gaar ah diiradda u saarayaa dagaalkii u dhexeeyey Itoobbiya iyo Ereteriya ee sannadihii 1998-kii ilaa 2000, iyo sida dagaalkani u saameeyey xidhiidhka labada dal. Waxa uu akhristaha horkeenayaa kala duwanaanta iyo is burinta ka dhex jirta dagaallada ka jira dhul kooban oo dhulalka sare ah iyo dagaalka ka dhex taagan xoolodhaqatada isku laynaya xuduudihii gumaystuhu u dhigay. Sidaas daraaddeed, Calpham waxa uu ka maadsanayaa dedaallada caalamiga ah ee lagu doonayo in dib u qaabayn iyo dib u dhis lagu sameeyo gobolka, si ay u helaan deegaan waafaqsan waxa ay filanayaan. 

In kasta oo uu Calpham aad uga dayriyey faragelinta shisheeyaha, haddana saadaal wanaagsan ayaa uu ka qabaa in Soomaaliya mar kale istaagto, dhinacyada arrinku ka go’o ee dalkuna awoodaan in ay ka wadahadlaan arrimaha u muuqda in aan la xallin karin. Muddadii koobnayd ee Maxaakiimta Islaamiga ahi talinayeen, sannadkii 2006-dii, Calpham waxa uu ku tilmaamayaa wakhti Soomaali badan u hilloobeen, si ka duwan muddadii Itoobbiyaanku soo galeen Soomaaliya iyo muddadii ka dambaysay ee ay ciiddamada Afrikaanka ahi joogeen. Buuggiisa, waxa kale oo uu muhiimad gaar ah siinayaa dawlad-dhiska Soomaalilaan, oo faragelin shisheeye ka madhan. 

Cutubka gunaanadka u ah buugga waxa uu kaga hadlayaa dedaallada iskaashiga ah ee gobolka iyo xidhiidhada caalamiga ah ee Geeska Afrika. Waxa uu qirayaa in Itoobbiya sal u tahay mushkilado badan oo Geeska ka jira, waxaanu aaminsanyahay in awoodaha dibadeed Itoobbiya usoo dhex maraan gobolka. Dhaliilaha buugga loo jeedin karo ka sokow, Calpham waxa uu ku ammaananyahay in uu soo koobay sooyaalka gobolka, diraasad macno lehna ka sameeyey.