Monday 24 March 2025
Sida aynu ka warqabno waa arrin kamakacdo ah oo mudnaan weyn leh in goobaha taariikhiga ah ee bulshada lagu kaydiyo qoraallo ama qaabab kale oo si uun u anfacaya jiilasha danbe. Buuggan aynu falanqaynayno ee "The Eton College of Somaliland From Darlington to Eyeingtons," oo dhawaan soo baxay masaladaa kore buu ku saabsan yahay. Wuxuu ka mid yahay waxsoosaarka qoraa, saxafi iyo abwaan Bashiir Good, oo arrimmaha Soomaalida ee siyaasadda, suugaanta iyo dhaqanka si dhaw uga faallooda oo wax uga qora. Mawaadiicdaana ka qoray maqaallo iyo curisyo aad u tiro badan. Sida aynu ka arkayno kolka aynu akhrinayno buugga, wuxuu kaydiyay abwaanku buug muhiim ah oo ay ku dhan yihiin xusuuso, taariikh, waaya'aragnimo, iyo casharro nololeedba. Lodadka imika jooga iyo kuwa danbena ay si weyn wax u taransanayaan.
In kasta oo la odhan karo cinwaanka buuggu wuxuu u muuqdaa halxidhaale ama mid si fudud lagu ma fahmi karo haddana qofku wuu dhadhansan karayaa nuxurka buuggu in uu la xidhiidho sooyaal iyo waayo la soo dhaafay. Waa xusuuso qoraagu inooga soo tabinayo Dugsigii Sare ee Shiikh oo dabcan Soomaalida dhexdeeda (ama Soomalilaan) kaalin iyo boos taariikhi ah ugu jira, isla jeerkaana hindisay oo soo saaray shakhsiyaad iyo astaamo Soomaaliyeed oo saaxadda Soomaalida saamayn muuqata ku yeeshay.
Buuggu waa xusuuso kala duwan oo macaan iyo qadhaadhba leh. Wuxuu ku arooraa oo inta aynu xaashiyihiisa rogrogayno ka fahmaynaa xaaladda dalku sida ay ahayd, qaabdhismeedka bulshadu sida uu ahaa, si gaar ahna noloshii Shiikh iyo ardaydii ku sugnayd sida ay u ekayd, wuxuu kale oo soo gudbniayaa sida ay tacliinta, nolosha, iyo qaabdhismeedka Dugsiguba uu ahaa, iyo dabcan saamayntii ay ku yeelatay dawladdii kacaanku hannaankii iyo habkii uu Dugsigu u shaqaynayay. Dhanka kale, waa taariikhayn iyo falanqayn la xidhiidha waayihii kala duwanaa ee dugsigu soo maray iyo xilligii uu qoraagu ardayga ka ahaa Dugsiga.
Qoraagu wuxuu buugga kaga warramayaa xusuusihiisii ciyaalnimo, korriinkiisii, kacaamiddiisii iyo samaysankiisii qofnimo. Wuxuu soo gudbinayaa booska uu ugu jiro Dugsigu Soomaalida iyo in uu yahay mid ka mid ah goobaha taariikhiga ah ee ugu muhiimsan si guud deegaannada Soomaalida, si gaar ahna Soomaalilaan. Wuxuu soo tebinayaa waayihii Dugsigu soo maray, marxalidihii kala duwanaa ee uu hadba ka soo tallaabayay laga soo bilaabo unkankiisii iyo Richard Darlington ilaa laga soo gaadhayo dhacdadii argaggaxa lahayd iyo dilkii foolxumada iyo naxariisdarrada ahaa ee lagu la kacay Richard Dick Eyeington iyo marwadiisii Enid Eyeignton, 21 Oktoobar 2003. Qoraagu wuxuu isku deyayaa bin uu ka dhabbeeyo ujeedkiisa guud ee daarran in uu dhallinyarada ciiddaa ka badan ee sooyaalkeenna mooggan in uu fahan iyo jid cusub u furo si ay wax uga ogaadaan sida beri wax ahaayeen, siiba nidaamkii tacliineed ee dalka min gumaysigii ilaa madaxbannaanidii la iska tuuray heeryadii gumaysiga, iyo dabcan dawladihii rayidka iyo milatariga lahaa ee kala danbeeyay.
Kolka aynu qaybaha hore ka nimaadno wuxuu ku xejinayaa oo kaga hadlayaa buugga dhaxalkii Darlington oo ahaa guddoomiyihii Dugsiga Sare ee Shiikh oo ay Soomaaliduna u taqaannay "Gacmadheere". Wuxuu ka warramayaa in uu ahaa shakhsiyad jabhadnimo iyo halgan ku suntan. Horraantii wuxuu ahaa kabtan ka tirsanaa ciidanka Ingiriiska, oo Dagaalkii Labaad ee Dunidana ka soo dagaallamay dalka Burma, in kasta oo uu ahaa taliyihii gumaysiga Ingiriiska ee deegaannada Hawd (oo imika ay Itoobbiya maamusho) una fadhiyay Jigjiga, oo uu waxna ka fahansanaa Soomaalida habdhaqankooda iyo habnololeedkooda, balse waxay xusayaan shakhsiyaadkii Soomaalida ee dagaalka ka soo diriray dabcanna u yaqaannay Capt. Dhalatoon, in ay taasi ku kelliftay ku soo laabashada dhulka Soomaalida oo uu jeclaa.
Sida oo kale wuxuu qoraagu xusayaa in uu ka helay geesinnimada iyo dhaqanka Soomaalida ee waagaa oo ay taasi ku dhalisay in uu dego Soomaalilaan oo mihnaddiisana u beddesho dhankaa iyo tacliinta. Sida qoraagu tibaaxayo kolkii u horreysay wuxuu ka shaqeeyay Dugsiga Camuud ee Tababbarka Mihnadeed (Amoud Vocational Training School, VTC) inta aanu u soo wareegin Dugsiga Shiikh 1959. Wuxuu qoraagu tibaaxayaa in Gacmadheere uu Dugsiga gashaday nafhur iyo hantihur badan oo mar ay ku dhacday yaraansho macallimiin, wuxuu Wasaaraddii Waxbarashada ka codsaday in ay u keenaan laba macallin, mushaharkoodana uu jeebkiisa ka bixin doono. Xilligaana wuxuu dhanka kale ahaa mid 80% mushaharkiisa ku bixin jiray Dugsiga, bilmatel in uu ardayda qaar ka caawiyo in ay suuqa ama dibadda wax kaga soo cunaan.
Waxyaalaha kale ee xusidda mudan ee qoraagu ku soo tabinayo qaybtan waxa ka mid ah in wakhtigii kacaanku dalka qabsaday maaddaama oo si weyn looga adeejiyay, weliba, sannaddadii danbe agabka cunfiga ah ee dawladda (repressive state apparatus), ay sababtay in Darlington oo lagu tuhmay basaasnimo, lagana dhex arkay fekradaha Galbeedka, amaba loo arkay wakiil imbiriyaali ah in lagu xidhay Hargeysa, in uu dabcan dalku u janjeedhay afkaartii Bariga ee hantiwadaagga iyo Galbeeddiidka aawadeed.
Kolka uu ka warramayo nidaamkii iyo xeerarkii Dugsiga wuxuu tilmaamayaa in xilligii hore uu ahaa inammo keli ah, balse, kolkii danbe ee waayihii kacaanka iyo wakhtigii hantiwadaagga la sameeyay furfurid iyo horusocod dhinacyo badan ah oo Dugsigana loo oggolaaday in ay hablo ku soo biiri karaan, oo ayna u badnaayeen hablihii deggenaa tuulada Dariiqada. Aragtida Hantiwadaagga Cilmiga ku dhisan ee loo qaatay aydiyoolajiyadda siyaasadeed ee dalka iyo qaabdhismeedka guud ee uu u shaqaynayo dalku in ay qayb ka ahayd sidii ay u geli lahaayeen kaambayn weyn oo qaabayn ama dib u qaabayn dhaqan loogu samayn lahaa dalka oo dhan, sidaa awgeed Dugsiguna meelaha u horreeya ee farta lagu fiiqayay ayuu ahaa.
Wuxuu carrabaabayaa in hoggaankii iyo taliskii kacaanku ay u arkayeen Dugsiga Sare ee Shiikh in uu yahay goob ay reer galbeedku dacaayaddooda dadka uga mariyaan, iyaga oo ka duulaya afkaarihii abwaannadii hantiwadaagga iyo Maarkisiyadda, gaar ahaan fekradihii Antooniyo Garaamshi, indheergaradkii Talyaaniga ahaa ee isagu hindisay aragtida qabsashada dhaqan iyo sida oo kale in Dugsigu yahay dhaxalkii gumaysiga Ingiriiska, laguna dhigo oo uu faafinayo maanhag hantiwadaagdiid iyo kacaandiid ah. Sidaa awaadeedna ay lagamamaarmaan tahay in dib u eegis iyo dib u qaabayn lagu sameeyo qaabdhismeedkiisa iyo nidaamkiisa tacliineed.
Qodobbada muhiimka ah ee uu xusayo waxa ka mid ah in xukuumaddii kacaanku ay Dugsiga ka joojisay heerkii caadiga ahaa ee Dugsiga Kaambiriij iyo imtixaannadii heerka sare ee sida guud lagu yaqaannay dalalka Barwaaqasooranka (Commonwealth), sida heerka O iyo heerka A ama GCE. Oo, sida uu tibaaxayana faan iyo tookh u ahayd Darlington in maaddooyinka GCE lagu galo Dugsiga Sare ee Sheekh.
Waxa kale oo uu ka warramayaa booqashadii Wasiirkii Tacliinta ee Cabdirasaaq Maxamed Abuubakar in uu xusay intii uu ku gudajiray booqashadiisa in aanu aqbali karin maaddaama oo agab walba oo ku tacalluqa diraasada Dugsiga laga soo dhiibi jiray UK, iyo in Dugsiga lagu hayo oo lagu akhristo manaahij iyo shuqul aanu kacaanku dejin oo danaha Galbeedka ku salaysan. Wuxuu xusayaa in Cabdirasaaq oo shantii subaxnimo Dugsiga iyo ardayda indha-indhayn ku sameeyay uu ku dooday in ay tahay meeshu goob Ingiriis. Sida oo kalana uu ballanqaaday in uu iskuullada kale ee dalka uu heerkiisa ka dhigi doono. Intaa ka dib wuxuu xusayaaa in agabkii shaybaadhka iyo buugaggiiba loo qaybiyay dugsiyada kale ee dalka. Imtixaankii GCE la xayiray oo sidaana jid cusub uu ku qaaday Dugsigu.
Qaybaha dhexe ee buugga wuxuu ku qaadaadhigayaa isku dhacii, gadoodkii iyo iska hor imaadkii ardayda Dugsigu kala hor tageen siyaasadihii iyo hababkii Kacaanku u wajahay Dugsiga. Wuxuu ku falanqaynayaa macallimiintii la beddelay iyo kuwii lagu beddelay ee Midowgii Sofiyeet laga keenay. Wuxuu inooga soo qabanayaa macallimiinta la beddelay in ay ka mid yihiin Darlington, McKinly, David Filler iyo labo lammaane oo hindi ah oo markii danbe la iska daayay oo dugsiga wax ka sii dhigayay.
Wuxuu tilmaamayaa in wakhtigii danbe labadaa lammaane oo lagu kala magacaabi jiray Mr. Elias iyo xaaskiisa iyo Mr. Daniel iyo xaaskiisa laga dareemayay cabsida iyo arggagaxa siyaasadaha cusub ee dawladdii kacaanku ay qaadatay awgeed, balse si hagarla'aan ah oo dedaal badani ku dheehan tahay ay wax ugu dhigayeen. In ay ahaayeen macallimiintan loo keenay kuwo furfuran oo bashaashiin ah, sida oo kalana ku wanaagsan dhammaan ciyaaraha isboortiga ah ee kala duwan, siiba ta ay aadka u xiisayn jireen ee kubbadda gacanta (volleyball), iyo in ay ahaayeen kuwo ku fiican afka ingiriisiga buu kaga warramayaa muggaa. Wuxuu inagu baraarujinayaa in Dugsigu aanu marnaba ku muquunin jirin dhaqanno Shuuci ah.
Qaybta shanaad oo ah tan u dheer buugga wuxuu ku faaqidayaa dhaqankii iyo dhadhankiii Dugsiga. Horrantii wuxuu xusayaa kolkii ay kacaanku yimaaddeen in Dugsiga laga hirgalinayay afkaarta galbeed-ka-bi'inta tacliinta iskuullada dalka. Wuxuu tibaaxayaa in dhaqanka iyo dhisiblinka ardaydu aad u hagaagsanaa oo ay ku badnayd ixtiraamka Galbeedka sida erayada mahadsanid iyo waan ka xumahay oo wuxuu soo qaadanayaa sheeko kaftan ah oo muujinaysa arrinkaa: in wakhti ka mid ah wakhtiyada uu soo booqday Dugsiga shakhsi ka yimi Hargeysa. Dabadeedna uu la yaabay sida uu ugu sarreeyo dhaqanka xushmaynta iyo akhlaaqiyaatka, oo wuxuu odhanayaa eray kaftandhable ah oo uu arrintaa ku soo bandhigayo: "Dhagaxii suldaaraba kuwaa Sorry odhanaya."
Dhanka cuntada in uu ku liitay oo ardyaduna ay adeegsan jireen halhayska ah, hooyoo ku go', kolka ay ka warramayaan cuntaxumada ka jirtay Dugsiga buu soo qaadanayaa. Taas oo arday badanna ku kellifi jirtay in ay gaajo ku seexdaan. Xataa markii uu ka tegayay Darlington wuxuu BBC u sheegay qaybteeda Soomaaliga ah in ardayda gaajoonaysaa ay tahay waxyaabaha aanu illaawi doonin noloshiisa, habeennada qaarna ku kellifi jirtay hurdo la'aan. Oo wuxuu tibaaxayaa in ardayda dugsiyadu kolka ay tagaan goobaha caamka ah sida huteellada in laga dareemi jiray gaajada haysa qaabka ay wax u cunaan ee qariibka ah.
Qisooyinka cajiibka ah ee buuggu soo gudbinayo waxa ka mid ah dhaqanka wax wadaagitaanka iyo iskaashiga ee Soomaalidu hidde ahaan iyo soojireen ahaanba u leedahay. Dabcanna waa laga war hayaa in mujtamaceennu ay hal bilaydh wax ku wada cunaan, xilliyada qadada, masalan, carruurta miyiguna ay caanaha hal gorof ku wada cabbaan iyaga oo qaada weedha ah: Wadaagoo, walaalo is jecel. Habdhaqankan caadi ahaan hantiwadaagga ah oo bulshadu ku suntan tahay ayuu qoraagu u soo daliishanayaa mar ay ardaydu ka doodday in hantiwadaagga la qaatay in yahay hannaan u wanaagsan Soomaliya in kale, in ay Mr. Darlington isaga oo dhoollacaddaynaya uu yidhi: "Idinku u ma baahnidin hantiwadaag. Dabeecad ahaan baad u tihiin hantiwadaag."
Kolka uu ka hadlayo abwaan Good maktabadda iyo degaanka akhriska ee Dugsigu wuxuu xusayaa in uu ahaa mid aad u sarreeyay, weligiina aanu maqlin maktabadda buug baa laga xaday. Dhammaan, agabyada akhriska, buugaagta kala duwan, iyo tixraacyaduna ay diyaar ku ahaayeen. Falsafadda Darlington ee tacliintiisu in ay ahayd in uu ardayda ku beero maanhagga in ay tusalaayaal lagu daydo isu arkaan, ee aanu marnaba ciqaab jidheed iyo mid nafsadeed ama in uu liido ku samayn jirin buu sidoo kale soo gudbinayaa in ay door weyn ka ciyaartay soo saarista arday tayo wanaagsan. Wuxuu si gaar ah u xusayaa qoraagu in uu si weyn ugu bartay Dugsigaas fekerka naqdinta ah, xorriyadda hadalka, ixtiraamka dadka kale aragtiyahooda iyo waxay aaminsan yihiin, wuxuu ku darayaa sababaha Dugsigu aanu xilligiisii marnaba u soo saarin qof aaminsan xagjirnimo diineed ama ku qanacsan fekrado aydiyoolajiyadeed oo xagjir ah in ay furfurnaantaas fekradeed iyo fekerkaa naqdineed u horreeyo.
Qaybaha danbe ee buugga wuxuu si xeeldheer ugaga hadlayaa hoobadkii iyo dhicitaankii Dugsiga in siyaasadihii nidaamkii milatarigu ee uu ku wajahay ay door ka ciyaareen, oo ay soona bilaabantay dibudhacii iyo horukac la'aantii Dugsiga. Waxa kale oo uu lafa gurayaa isku daygii soo kabasho ee Dugsiga iyo dilkii anshaxdarrada iyo dadnimadarrada ahaa ee lagu kala kacay Mr. Eyeingtons iyo sida uu u dhaawacay sumcaddii Dugsiga. Wuxuu soo qaadanayaa odhaah baroordiiq ah oo uu agaasimihii filin ee Richard Attenbrough ku sifaynayo gobonnimadii iyo dadnimadii Enid Eyeington: "Haddii laba qof oo gob ahi ay dunida guudkeeda kor socdeen, waa Dick iyo Enid. Wuxuu ku soo gunaanadayaa dhanka kale nasiibxumada uu la kulmay ee tilmaamaysa in aanu ku soo gaadhin oo uu meesha ka baxay warsidihii la odhan jiray AHEAD oo shaqaynayay 1959 ilaa 1960 tayadiisuna ahayd mid aad u sarraysay.
Dhaliilaha aan u hayo buugga ee muuqda waxa ka mid ah in fekradda xulashada cinwaanka ee uu u doortay qoraagu ka baaqsan karayay ama magaca Dugsigaba uu adeegsan lahaa, waayo "Koleejka Eton" waa mid ku yaalla Windsor ee carriga Ingiriiska oo in Dugsi aynu leennahay magacaa uu qoraagu la doontaa waa fekrad is ma geydo ah oo maanhaggii iyo caqliyaddii aynu gumaysiga ka dhaxalnay tilmamaysa, weliba kolka aynu la akhrinno Bashiirka tiriyay maansada, "Afrikaay Warlaay," ama qoray qoraalka uu ku naqdinayo wadaaddada Soomaalida ee "Sucuudiyaysan", "A jihad against Somali music is underway in the land of freedom," ee gumaysiddiidka iyo imbiriyaaliyaddiidka ah dhaqanka iyo haybta Soomaalinnimaduna ugu jirto meel sare in aynu ku aragno maanhag jaadkaas oo kale ah. Dabcan waana mid ku kellifaysa akhristaha yaqaannay in uu ka fekero isa seeggaas iyo maangeddaas uu kala kulmayo labadaa Bashiir.
Guntii iyo gebagabadii buuggu waa mid ka mid ah buugagga ka gelaya maktabadda Soomaalida kaalin iyo boos udubdhexaad ah. Waa buug mudan in la akhriyo oo qofka ku baraarujinaya oo xog gudaballaadhan ka siinaya sida uu ahaa Dugsigii Sare ee Shiikh. Keli ah in dhawr jeer la akhriyana uun ma aha e waa buug sida oo kale mudan in la gorfeeyo oo la naqdiyo oo wuxuu mutaystay iyo wixii uu mutayba erayo laga dhaho.