Skip to main content

Saturday 14 March 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Buug

Gorfayn Buug: Sooyaalka Duudsiga Gabadha

31 July, 2025
Image
Gorfayn Buug: Sooyaalka Duudsiga Gabadha
Share

La yaab malaha in buugga cusub ee Angela Saini ka helo gorfayn iyo faallooyin togan dadka raba in laga gudbo takoorka jinsiga, ee garwaaqsan saameyntii ba’nayd ee gumeysigu dunida ku yeeshay. Doodda Saini waxa udub-dhexaad u ah; in hab nololeedkeenna bulsho yahay wax ka dhashay sooyaalka, ee aanu ahayn wax aynnu abuur ahaan la dhalannay, sidaas darteed, hab nololeedka, ay raggu hoggaanka nolosha yihiin aanu ahayn wax abuur ku yimi. Sida ay ku leedahay gebogebada buuggeeda, “innagaa hal-abuurnay habnololeedkan, innagaana mid kale abuuri karna. Ma jirto soohdin xaddida sida aynnu mustaqbalkeenna u abuurayno, marka laga reebo mala’awaalkeenna iyo geesinnimadeenna”. Waxa ay u danleedahay inay muujiso in markii hoggaanka laboodku soo ifbaxay, sidoo kalena ay jireen iskacaabbin iyo gorgortan. Waxa ay aaminsantahay in aanay jirin marxalad cayiman oo dumarku jabeen, kaalintoodiina waayeen, macnaha ma jiro wax si filanwaa ah loogu waabariistay iyo hoggaankii nolosha oo ragga u gacangalay, se taas cagsigeeda, isbeddelka iyo isdhaxalwareejintu waa wax muddo taxnaada, oo si tartiib ah oo gaabis ah ku yimaadda, oo jiilal isaga gudba, ilaa ugu dambayn uu caadiyaysmo wax aan hore loo suuraysan karayn.

Saini, waa ay ku saxantahay in iskacaabbinta iyo isbeddelku badanaa si tartiib ah oo gaabis ah ku hirgalaan, se haddana, saameynta gumaysigu, oo ah isla qodob ay Saini ka hadlayso, waxa ay sababtaa in isbeddelku si degdeg ah oo aan la filayn ku dhaco.

Daahfurka bulshooyinkii sinnaanta iyo hooyada

Bilawga buugga, Saini waxa ay tusaale u soo qaadanaysaa bulshooyin hooyadu kaalinta u weyn lahayd, waxaanay khariidadda dunida ka soo qaadanaysaa bulshooyin ilaa hadda jira, amaba ugu yaraan soo dhawaaday. Waxa ay soo qaadanaysaa bulshada Nairs ee deggan gobolka koonfurta Hindiya ee Kerala, bulshada Khasi ee degta buuraha gobolka waqooyi-bari Hindiya ee Meghalaya iyo bulshada Minangkabau ee degta gobolka galbeedka Indooneesiya ee Sumatra, oo ay ku tilmaamayso bulshooyin hooyadu hoggaanka bulshada tahay. Bulshooyinka hooyadu kaalinta hoggaaminta leedahay waxa ay la gaaryihiin dhaqanka lahaansho-wadareedka dhul hooyada loo soo maro, oo ah dhaqan gabadha siiya kaalin bulsheed oo sarraysa.

Si kasta oo ay ahaataba, Chris Harman waxa uu soo jeedinayaa in bulshooyinka u dhisan beelaha, ee leh nidaamka abtirsigu, oo uu soo gudogalayo nidaamka aabbaha lagu abtirsadaa, ay la jaanqaadayaan baahiyaha bulsho siman oo aan dabaqado lahayn. Bulshooyinka sidan u dhaqan, dhulka waa la wada leeyahay, waa la wada qaybsadaa khayraadka iyo barbaarinta carruurta, gabadhuna waxa ay kaalin ku leedahay waxsoosaarka cunto iyo go’aan qaadashada, inta badanna waa ay ku niyadsantahay xidhiidhada jinsi iyo kaalinta jinsiga. Laakiin, sida ay Angela tilmaamayso, marka gumaysigu yimaaddo, ee uu dhulkii la wada lahaa kala qaybsado, soona rogo sarraynta labka, kana hawlgalo sidii uu habnololeedka bulshadaas u tirtiri lahaa, kolkaas ayaa ay bulshooyinkani tirmaan. Qoraagu waxa ay caddaynaysaa sida faragelintaas gumaysigu u wiiqday dhaqankii sinnaanta ee bulshooyinka Nairs, Khasi iyo Minangkabau.

Suurogal ma aha in laga doodo bulshooyinkii sinnaantu dhaqanka u ahayd, iyada oo aan la xusin Catalhoyuk ee ku taallay koonfurta Anatolia, oo u dhow magaalada Konya (Turkiga hadda). Halkani waa goob arkiyoolajiyadeed oo raadadka qadiimka ah ee loogu tagay cajiib yihiin. Waa goob la degganaa Waagii Dhagaxa, oo siraadnayd intii u dhaxaysay 7,500 iyo 6,400 milaadiga ka hor. Deegaankan kama muuqdo wax kala sooc ah oo hantida ku salaysan. James Mellaart, oo ah raadraacihii u horreeyey ee goobtan taariikheed daahfuray, waxa uu bilawgii u maleeyey in dadkii goobtan degganaa shaki la’aan ahaayeen bulsho hooyadu hoggaanka leedahay, gabadha taallada dhoobada ah ka samaysan ee ku taalla Catalhoyuk-na u ahayd goob dadku u soo cibaado doontaan, gabadhan oo ka dhignayd Ilaahad la caabudo, waxaanu mala’awaalay in ilaahaddani bulshadan hoggaaminaysay. Laakiin si sidaas ka duwan, Ian Hodder, oo isaguna ah xeeldheere raadadkii hore iyo arkiyoolajiga ah, ayaa aragtidan buriyey, kuna dooday in bulshada goobtan taariikhiga ah ku dhaqnayd ay ahayd bulsho bilaa dabaqado ah, oo siman jinsiyaduna kaalmo kale duwan aanay lahayn. Qoraagu waxa ay tixraacaysaa bulshadii deggenayd goobtan, oo ay ku tilmaamayso “bulsho wada shaqaysan jirtay, wax wada karsan jirtay, beeraha wada falan jirtay, agabka wada qoran jirtay, kala qaybsanaan gudeedna aanay dhexdeeda ka jirin”.

Waxa kale oo jira taag taariikhi ah oo ku yaalla Suuriya, oo lagu magacaabo taagga Abuu Hurayra, oo walow aanay Angela Saini soo qaadan goobtan iyo dadkii degganaa, haddana ay A M T Moore, G C Hillman iyo A J Legge, ka qoreen buugga: “Tuuladii Webiga Furaat: u Kala Wareeggii Qadhaabsiga iyo Beerashada ee Taagga Abuu Hurayra”. Waa goob la degganaa muddadii u dhaxaysay 13,000 ilaa 8,000 Miilaadiga ka hor, deraasadda laga sameeyey habnololeedkoodiina waxa uu muujinayaa isbeddelka gaabiska ah ee bulshadani ugu kala wareegtay bulsho qadhaabato iyo ugaadhsato ah iyo bulsho beeralay ah, waana isbeddel boqollaal sanno qaatay. Tuuladan lafteeda laguma arag wax muujinaya kala qaybsanaan bulsho iyo dabaqado, se waxa muuqda in labka iyo dheddiga shaqooyinka loo kala asteeyey. Walow aanay qoraagu gorfayn tuuladan Taagga Abuu Hurayra, haddana waxa ay wax ka qortay deraasad aan inta badan la soo qaadan oo ay samaysay xeeldheere arkiyoolaji iyo raadadka hore ah, Marija Gimbutas, oo fasiraado saartay raadad hore oo dhaqameed iyo fasiraadaha ay ka bixisay qaabka bulshada aabbuhu (bulshada aabbuhu hoggaanka yahay), uga soo ifbaxday Yurub.

Angela waxa ay yaqiinsantahay in aqoonyahanka ku xeesha dheer antaraboolajiga iyo raadadka hore ay si fudud u marinhabaabin karaan cilmibaadhisaha iyo fasiraadaha caddaymaha la helay, waxaanay tusaale u soo qaadanaysaa lafo hore oo qof ugaadhsade ahaa oo 2018-kii laga helay buuraha Andes, taariikhdiisana lagu qiyaasay sagaal kun oo sanno ka hor. Haddaba kol haddii qofka lafahiisa la helay ahaa ugaadhsade, markiiba waxa xeeldheerayaashii mala’awaaleen in uu nin yahay, se waxa gadaal ka caddaatay in ay gabadh ahayd. Tusaalaha kale ee ay soo qaadanaysaa waa ereyga “harimtu” oo deegaanka Labada Webi u dhexeeya ee Musubataamiya laga adeegsan jiray, laguna fasiray in looga jeeday “gabadha jidhkeeda ka ganacsata”, se, Julia Assante, oo ku xeeldheer raadraaca Aashuuriyiinta, ayaa macnahan burisay 1998-kii, kuna doodday in aan caddayn taariikheed loo hayn jiritaanka dumar jidhkooda ka ganacsada oo laga yaqaannay Musubataamiya.

Angela waxa ay deeddifaynaysaa mala’awaallada iyo fasiraadaha soojireenka ah, sida in aanay dumarku hub adeegsan taariikhda, waxaanay tusaale u soo qaadanaysaa dumaar ugaadhsato ahaa oo la helay raadadkooda, waxaanay xiganaysaa Pamela Toler, oo ah taariikhyahanad reer Maraykan ah, oo xusaysa in “dadyawgii hore ee Yuuro-eeshiya ku noolaa, siiba godinnada, fardahana caanka ku ahaa, ay yihiin bulshooyinkii ugu horreeyey ee dumarka u oggolaa in ay dagaalka ka qaybgalaan, raggana ka barbar diriraan”.

Maarkis, Engels iyo Haudenosaunee

Sannadkii 1616-kii waxa uu gumeysiga Yurubiyaanku gaadhay Ameerikada Waqooyi, waxaana gumaysigaas lagu tirtiray bulshooyinkii asalka ahaa ee sinnaantu dhaqanka u ahayd. Bulshooyinkaas asalka u lahaa Ameerikada Waqooyi, gabadhu waxa ay la sinnayd ninka, bulshooyinkuna may lahayn kala qaybin jinsi ah, waxaanay ahaayeen bulshooyin abtirsida, sidaynnu hore u soo xusnay oo kale. Gumeystayaashii ayaa ula yimi dhaqan iyo bulsho ninka cadi hoggaanka yahay. Waxa yaab leh in bulshooyinkii asalka ahaa ee takoorka iyo duudsiga gabadha ka nasahnaa loo la tagay dhaqan gabadhu aanay kaalin lahayn, welibana lagu khasbay inay dhaqankaas qaataan, sidaasna bulshadii sinnaanta waxa ku beddelay bulsho ninku hoggaan yahay. Isbeddelka dhacay waa mid ka muuqda bud’dhiggii Madaxbannaanida Maraykanka ee lagu qoray: “Ragga oo dhammi waa ay simanyihiin, waana xor”, iyada oo weli kolkaas dumarka iyo addoomada la addoonsado.

Sida Angela Saini tilmaamayso, Seneca Falls, oo ku taalla Niyuu Yook, ayaa ah goobtii u horraysay ee 1848-kii lagaga dhawaaqay xuquuq dumar. Kolkaas oo dumarka Caddaanka ah ee Kiristaanka dabaqadda dhexe ahi isku urursadeen in ay u dagaallamaan xuquuqdooda codaynta iyo in ay helaan kaalin bulsho oo sare, oo la mid ah kaalintii bulsho ee ay lahaayeen dumarka bulshada Haudenosaunee, oo kaalin ku lahaa bulshadooda, sida in ay 1590-kii beelahooda ugu baaqeen nabad qaadasho, dagaalladana la joojiyo. Sida ay Sida ay xusayso Angela, dumarkaas Haudenosaunee may ahayn dumar ka daalay dagaallo labku abaabulo, oo colka wadhaf ma lagu dayay uun yahay baaqoodu, ee waxa ay ahaayeen dumar kaalin ku leh go’aannada bulshadooda, dagaallada laftoodana go’aan ka gaadha.

Qodob kalaa jira oo aanay Angela xusin, waa qodob khuseeya Lewis H Morgan, oo ah qoraaga buugga Bulshadii Hore. Buuggan la qoray 1877-kii, waxa wax badan ka xigtay Kaaral Maarkis, sidoo kalena waxa tixraacay, kana shidaal qaatay Friedrich Engels, marka uu qorayey buuggiisa Hantiwadaagga Kalaasiga ah ee Asalka Qoyska, Lahaanshaha Gaarka ah iyo Dawladda. Morgan waxa uu qayb ka noqday qabiilka Hawk, oo ka tirsanaa qoomiyadda Seneca, iyagoo ka dhigay in uu yahay wiilka Sos-heo-wa, sannadkii 1847-kii, sababtuna waa in uu taageeray kacdoonkii maxmiyadda Tonawanda Seneca kaga soo horjeedday shirkaddii Ogden Land. Saini waa ay deeddifaynaysaa xujooyinka Marx, Engels iyo Morgan. Marka ay Marx ka hadlayso, waxa ay ka qoraysaa, “walow uu ku riyoonayey in meesha laga saaro sinnaan la’aanta dabaqadaha, oo loo maro hannaanka Hantiwadaagga, haddana kuma guulaysan in uu iska saaro shakiga uu ka qabay in sinnaanla’aanta jinsiga ku salaysani ay ka goonni tahay sinnaanla’aanta dabaqadaha, isagoo u arka sinnaanla’aan ku salaysan kala duwanaanta biyoolaji, ee aanay ahayn wax sooyaallku abuuray”. Morgan iyo Engels-na waxa ay ku eedaynaysaa in aanay macno weyn u yeelin bulshooyinkii dheddigu hoggaaminta lahaayeen ee Ameerikada Waqooyi, iyagoo sidoodaba u arkayey bulshooyin dib-u-dhacsan oo aan horumar ka gaadhin maamulka iyo habnololeedka. Laga yaabee in Saini khalad fahantay labadan dambe, oo keliya bulshooyinkaas ku tilmaamay bulshooyin aan qalabkooda beeruhu u horumarsanayn sida kan bulshada Hantigoosadka ah, ee leh tareenno, warshado iyo agab badan oo horumarsan.

Sababta ay Saini uga aragti duwantahay Morgan iyo Engels waxa sal u ah, sida ay iyaduba xustay, in ay soo bandhigeen sheeko isku mid ah, oo ah: in laga yimi hannaanka hooyadu hoggaanka tahay (bulshada hooyada), loona xuubsiibtay hannaanka aabbuhu hoggaanka yahay uu yahay hannaan garabsocday horumarka habnololeedka aadamaha. Waxa ay ku eedaynaysaa labadoodaba in ay shacabka Haudensaunee u arkaan hadhaa lafood oo weli nool, oo aanay u arkayn bulsho casrigan nool, oo dumarka siiyey kaalin miisaan leh, oo ka horumarsan kaalmaha dumarka bulshooyinka kale, macnaha waxa ay bulshadaas ka aamineen dad dhaqanno hore uun kusii dheggan, oo haysta hannaan beri hore laga harumaray. Dhaliishani waa mid loo soo jeedin karo aqoonyahanka antaraboolajiga oo dhan ee darsa bulshooyin ka dhaqan iyo habnololeed duwan bulshooyinkooda, oo si fudud u qaata in bulshadaasi dhaqanno duug ah haystaan.

Saini waxa kale oo ay deeddifaynaysaa aragtida Engels ee tibaaxaysa in marxaladdii gabadhu kaalinteeda weyday ay tahay markii beerafalashadu soo ifbaxday, kolkaas oo duudsiga gabadhu bilaabmay. Si Engels ka duwan, Saini waxa ay ku doodaysaa in soo ifbaxa nidaamka dawladnimo sababay in labku hoggaanka noqdo, kaalintii gabadhana duudsiyo. Waxa ay aaminsantahay in markii dawladdu dhalatay, ay timi baahi ah in dad badan la helo, dadkaasi waa dadka dawladda ciidan iyo shaqaalaba kaafinaya, si baahidaas loo haqabtirana, waa in dumarku carruurta u badan dhalaan, kaalintooduna kusoo ururto barbaarinta ubadkaas, berrina ubadkaasi ciidankii iyo xooggii dawladda noqdaan. Saini buuggeeda ku sharrixi mayso sida ay dawladuhu ku yimaaddeen, umana banbixin inay ka dooddo aragtida xidhiidhka ka dhaxaysiiya soo ifbaxa beerashada iyo samaysanka dabaqadaha bulsho, iyo baahida dawladnimada.

Engels, dhankiisa, waxa uu aaminsanyahay in beerafalashadu sababtay in waxsoosaarka dadku intii hore ka bato, oo halkii markii hore qadhaabatada iyo ugaadhsatadu ka helayeen wax markaas uun hunguriga la mariyo, beeruhu keeneen hadhaa iyo kayd u baahan shaqo kale oo aan falidda uun ahayn, Markan waxa abuurmay in shaqooyinka la qaybiyo, oo dadka meel wada deggani shaqooyinka kala astaystaan; kuwo beeraha soo fala iyo kuwa ka masuul ah waxii go’ay. Halkan bay kasoo abuurantay in dabaqado la noqdo, ka dibna kasii abuurantay in la abuuro dawlad, oo dabaqadda kooban ee dhaqaalaha maamula u ilaallisa xaqooda. Waa isbeddel nololeed oo jiitamayey muddo dheer, ugu dambaynna dadka dabaqado xoogsato ah iyo kuwo kooban oo dawladdu ilaaliso ah abuuray. Halkan waxa ku qudhbaxday sinnaantii, xoogsatada, inta jilicsan iyo dumarkuna waxa ay hoos tageen dabaqaddaas talisa. Kol haddii heerkan lasoo gaadhay dib looguma noqon karayn habnololeedkii la sinnaa, sababtoo ah waa goor dabaqadda koobani dhulkii la wareegeen, hannaan cusub oo qoyska ah abuureen, dabaqadda hoose xirfadahoodii hore lumiyeen, magaalooyinna abuurmeen. Engels waxa uu marxaladdan u arkaa marxaladdii gabadha la jabiyey, ee kaalinteeda la duudsiyey, waana isbeddel dunida marba xilli ka dhacayey.

Bulshooyin kooban baa si degdeg ah isbeddelka dabaqaduhu uga dhex dhacay, se badanka waa wax muddo jiitamay. Lix kun oo sanno ka hor buu isbeddelkani ka dhacay Musubataamiya, Masar, Iiraan iyo Shiinuhuna waxa ay ka dambeeyeen boqolaal sanno, waxa kusii xigay Suudaan iyo deegaanka Niilka ku teedsan oo kun sanno ka dib isbeddelkani ka dhacay, Dhulka sare ee Itoobiya, Ameerikada Dhexe, iyo Koonfurta iyo Bariga Afrikana waa isbeddel ka dhacay 2,500 sanno ilaa 1,000 sanno ka hor. Dhammaan xaaladahan waxa jiray cadaadisyo gudeed oo sababayey horumarinta nidaan bulsho oo cusub. bulshooyinkii ugaadhsata iyo qadhaabatada ahaa, ee sinnaa, dabaqado bulsho aan lahayn, gabadhuna aanay kaalin la’ayni waa ay kasii jireen dunida, se waxa hafiyey ganacsiga caalamiga ah iyo gumaystayaasha, oo bartoodii ugu tagay, habnololeedka cusubna u geeyey. Tusaale ahaan, habnololeedkaas bilaa dabaqadaha ahi waa mid kusoo dhawaaday Waqooyiga Yurub, oo 2,500 ilaa 1,000 sanno ka hor ka jiray, hallka habnololeedkani aad usoo dhawaaday, tusaale ahaan Ginida Cusub oo habnololeedkaasi ka jiray soddonaadkii qarnigii 20aad.

Engels iyo Marx waxa ay aaminsanyihiin in aanay suuroobeen in dib loo soo celiyo habnololeedkii sinnaanta dabaqadaha jeer oo si wadaag ah bulshadu waxsoosaarka uga qaybqaadato, meeshana laga saaro in in koobani waxsoosaarka yeelato, oo ah hannaanka Hantigoosadka, oo ah hannaan dadka inta kale hoos gaynaya kooxdaas kooban.

Gebogebo

Saini waxa ay tilmaamaysaa qaababka kala duwan uu duudsiga gabadhu yeeshaan, waxaanay tilmaamaysaa in dumarka qaarkood qayb ka yihiin hirgalinta habnololeedka bulsho ee duudsiya gabadha. Sharraxeeda ka sokow, waxa muuqata in buuggeedu si ugu guuldarraystay in uu si qotodheer u eego seeska maaddi ee bulshooyinka, si loo fahmo xidhiidhka ka dhexeeya jujuubka iyo hoggaansanka. Marx iyo Engels iyagu waxa ay ku adkaysanayaan in u kuurgalka qaabka waxsoosaarka bulsho uu noqdo barta laga duulayo si loo fahmo xidhiidhada bulsho. Sida ay ku doodeen, markii bulshadu ahayd ugaadhsato iyo qadhaabato, ninka iyo gabadhuna u sinnaayeen waxsoosaarka maalinkaas la cunayo, bulshadu waa ay sinnayd, dabaqado may jirin, gabadhuna may dulmanayn, se markii isbeddel ku yimi qaabka waxsoosaarka (beeruhu yimaaddeen), waxa gebi ahaanba isbeddelay xidhiidhkii bulsho, oo waxa samaysmay dabaqado, kolkaas qaabka waxsoosaarku waa seeska fahanka soo ifbaxa dabaqadaha iyo duudsiga.

Gaabiska ku jira gorfaynta Saini ee u kuurgalka seeska maaddi ee bulshada ee lagu fahmi karo xidhiidhka bulsho, waxa uu si cad u muuqanayaa marka ay ka hadlayso xaaladdii dumarka Ruushkii Soofiyetka, intii u dhaxaysay 1928-kii ilaa 1989-kii, iyo xaaladda dumarkii Yurubta Bari, intii u dhaxaysay 1945-kii ilaa 1989-kii. Markan oo kale Saini waxa ka maqan gofayntii sida qotodadheer u faaqidi lahayd dawladahaas, oo dib-u-qaabaynta waxsoosaarka ku xalliyey in si siman xubnaha qoysku fursadaha shaqo uga qaybqaataan, lab iyo dheddigba. Walow dawladahani Hantiwadaag ahaayeen, markii horena ku baaqeen xoraynta gabadha, haddana hannaankoodu waxbadan kagama duwanayn ka reer Galbeedka, oo Dagaalkii Labaad ee Dunida ka dib, waxa ay bilaabeen in dumar badan la shaqaalaysiiyo, weliba shaqooyinka sare laga qaybgeliyo, se mushkiladda aanay xalka u helin, gorfayntana u baahani waxa uu ahaa, in dumarkan oo shaqadii labka la qaybsaday, haddana weli masuuliyadihii qoysku saaranyihiin, arrinkan oo kadeed shaqo uun kusii kordhinaya gabadha, ee aan sinnaantii hirgalinayn.

Tusaalaha kale waa marka ay Angela ka warramayso Iiraan, inkasta oo ay si wacan u sharraxayso, haddana gorfaynteeda sooyaalku ma aha mid haqab la’. Walow ay si wacan u sharraxayso in duudsiga gabadha loo adeegsaday jid lagula dagaallamo imbiryaaliyada, haddana fashilka Kacdoonkii Iiraan ee 1979-kii waxa ay kusoo koobaysaa in ay dhinaca jinsiga ka eegto. Ma gorfaynayso sida dhaqdhaqaaqii shaqaaluhu cunaha u qabtay Kacdoonka, heer hoggaamiyihii ruuxiga ahaa ee Kacdoonku, Aayatullaahi al-Khumayni u arko ururrada shaqaalaha kuwo lafdhuun gashay ku ah Kacdoonka, oo go’aanka maamulka dalka la qaybsada, loona baahanyahay in la wiiqo, si guudna sidaas si la mid ah uu u arkayey ururrada kooxaha laga tirada badanyahay iyo kuwa u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dumarka. Waxa aanay si qotodheer u gorfayn in Kacdoonku hannaankii Hantigoosadka uun sii joogteeyey, oo dabaqadda hoggaanka ahi uun sii adkaatay, Islaamnimaduna noqotay hubka aydhiyoolajiyadeed ee loo adeegsado horgalinta hadafkaas.

Wax badan oo xiiso leh baa loogu tagayaa buugga Saini ee “The Patriarchs: How Men Came to Rule”, se haddana kuma guulaysan in uu si cad uga jawaabo qaabka raggu hoggaanka ku qabteen, kamana jawaabin qaabka ugu habboon ee gabadha lagu xorayn karo. Isbeddelku waxa uu noqon karaa mid gaabis ah, waana qodobka ay Saini ku celcelinayso inta badan, se haddana isbeddellada qaarkood waa kuwo si degdeg ah u dhaca, oo masraxa sooyaalka beddela. Sidaas darteed, may ahayn in Saini ku gaabsato doonista isbeddel iyo ku talinta dhiirrasho, se waxa ay ahayd in bedka keento habab qayaxan oo sharraxa sida dabaqaduhu ku samaysmeen, loogana takhallusi karo.