Skip to main content

Wednesday 12 August 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Goosasho aan Dhawaq lahayn

15 July, 2026
Image
Goosasho aan Dhawaq lahayn
Share

Laga soo bilaabo kolkii RSF iyo isbahaysigeeda Suudaan ay shaaciyeen xukuumad laga garab dhiso midda sharciga ah, magaalada Nyala-na u doorteen magaalo-madaxda maamulkooda, waxa soo ifbaxayay in natiijada qar-iska-xoornimadaasi aanay wanaagsanayn. Shaacinta isbahaysigu ku dhawaaqay kuma koobsan xukuumad dibad-wareeg ah ama maamul maqaarsaar ah oo sharciyadda ku haysta maamulka millatari ee xilligaas fadhigiisu ahaa magaalada Boortisuudaan. Shaacinta waxa ku lammaannaa shaacinta hay’ado dawladeed oo kuwa sharciga ah laga garab sameeyey. Isbahaysigu waxa uu imtixaannadii dugsiga sare ka qaaday arday , isagoo sheegtay inuu u helayo jaamacadaha ka jira dhulka uu gacanta ku hayo. Xukuumaddan la shaaciyey waxa kale oo ay shaacisay in dib ugu noqonayso manaahijta waxbarasho, waxa kale oo ay shaacisay samaynta adeegyo bangi. Waa tallaabooyin maad u muuqan u kara, se haddana ah isku day ah in la dhiso sharciyad maalinle ah, oo maamulka la sameeyey lala falgelinayo nolosha muwaaddiniinta, oo aan lagu koobin awood millatari oo dhulka haysata.

Mawqifka Qaramada Midoobay, Midawga Afrika, Midawga Yurub, IGAD iyo Jaamacadda Carabtu waa sidii la filayey, oo waxa ay diideen tallaabooyinka xukuumadda ta sharciga ah laga garab sameeyey, dhaleecayn joogto ahna waxa ay dusha ka saaraan tallaabo kasta oo gilgilaysa midnimada Suudaan. Waxa ay kusoo celceliyaan ka digidda wax kastoo taabanaya midnimadaas. Xitaa Shirweynihii Baarliin ee bishii Abril 2026 dhacay, waxa lagu nuuxnuuxsaday in heshiis kasta oo siyaasadeed ay waajib tahay in lagu gaadho xal dhalinaya dawlad mid ah. Sidaas oo ay tahay, haddana waxa laga yaabaa in waaqaca jiraa uu dunida ku khasbo tallaabooyin sidan ka duwan.

Siyaasadda caalamiga ahi waa mid diiddan maamul laga garab sameeyo ka sharciga ah, hase ahaatee, marar bay ku khasbanaataa la macaamilka maamulka dhabta ah ee jira, kolka la rabo in cunto iyo dawooyin la gaadhsiiyo malaayiinka Suudaanida ah. Gargaarku ma sugo inta dagaalku dhammaanayo, sidaas darted, ururrada caalamiga ahi waxa ay ku khasbanaadaan inay la shaqeeyaan oo ay wax la qorsheeyaan cidda sida rasmiga ah dhulkaas uga talisa. Waa arrin kolba labada dhinac mid ka xanaajiya, oo keena inay ururradaas ku tuhmaan la shaqaynta cadawga. Laakiin, xaqiiqada dhulka ka jirta ayaa siyaasadda caalamiga ah ku khasabta doorashooyin aan waafaqsanayn waxa lagu sheego diblumaasiyadda, sida aan gargaarku u sugi Karin wakhtina, danahuna ma sugaan. Soo jiidashada uu maamulka Nyala samayn karo, marar ayaanu wax badan kaga duwanayn ballanqaadka maamulka Kharduum, mammanaanta ganacsina, marar bay ka tallaabsataa cunaqabataynta beesha caalamku saartay maalgashiga goobaha dagaalka.

Dagaalka Suudaan ma ah hawlgallo dagaal oo u dhexeeya ciidan nidaamsan iyo malleeshiyo, ee waa mid gaadhsiisan kala goosiga maamulka. Ka dib markii RSF ku fashilantay haysashada Kharduum iyo gobolka Jasiira ee dhulbeereedka ah, labada gooboodna ay kula dhaqantay caqliyadda boobka iyo dhaca, ugu dambayn waxa ay ku qanacday goosasho maamul. Waxa ay ku dedaashay in awooddeeda maamul gaadho nolosha maalinlaha ah, oo aanay hawlgallo ku ekaan, sidoo kalena ay noqoto waaqac aan laga baxsan Karin oo noloshii bulshada kala wada, oo xitaa marar dadka ka difaacaya duullaannada millatariga, sidaasna ku hela sharciyadda ilaalinta. Qaabkan waxa ka dhalanaya waaqac ka laabashadiisu ka saamayn xuntahay kusii socoshadiisa.

Sida uu sooyaalku usoo gudbinayo tusaalayaal maamullo la iska garab sameeyey oo dagaalkii marka uu dhammaaday baabba’ay, ayaa uu sidoo kalena usoo gudbinayaa tusaalayaal kale oo ah maamulladaas oo noqday dawlado madaxbannaan. Ka sokow in shacabka Suudaan ku celceliyey siday uga soo horjeedaan jiritaanka “malleeshiyo dalka xukunta”, haddana taariikhdu waxa ay muujinaysaa malleeshiyaad guulaystay ka dib dagaal dheer oo dhiigbax ahaa, sidaasna ku sameeyey maamul dhexe ama maamul goostay oo noqday ciidan nidaamsan. Marar badan ayaa rag aan kulliyado millatari gelin ay garbaha ku qaateen xiddigo ay ku heleen inay noloshii rayidka ahayd ay ka tageen, oo ay qaateen hubka. Tusaalahan dambe, waa xaaladda ay hadda Suudaan ku jirto, iyadoo maamulkii dalka ay ku loollamayaan ciidankii qaran iyo isbahaysiyo malleeshiyaad ah. Markasta oo muddada dagaalku sii dheeraatana, waxa sii xididdaysanaya haayadahaas la garab wado kuwa sharciga ah, waxaanay kasii xoogaysanayaan sidii ay bilawgii ahaayeen, kala furfuriddooduna ay sii adkaanayso.

Waa tan dhibta beesha caalamku garwaaqsanyahay, se sida muuqata xal uma hayaan. Keliya waxa ay kusoo celcelinayaan ilaalinta midnimada, xilli kuwa loo sheegayaa aanay dheg u jalaq siin, waaqaca abuurmayaana kala go’ usii xuubsiibanayo. Busayna al-Ciisa, waxa ay sheekofaneeddeeda “Jug aan Dhawaq Yeelan” ku tidhi: “Waa iska madaddaalo aan natiijo lahayn inaad mugdiga mugdi kaga dhuumatid”. Waxa muuqata, in Suudaanidu waxa ay la kulmayaan uu yahay inay dilka iyo dagaalka sokeeye kaga baxsanayaan kala go’id, waana goosasho aamusnaan ku socda, oo aan wadan buuqii uu dhaliyey kii 2011-kii.