Skip to main content

Monday 28 April 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Buug

Goorgi Banti iyo Halbeegaynta Habqoraalka Af Soomaaliga?

27 February, 2025
Image
Tnaz
Share
Qormadani waxay soo koobid Soomaaliyaysan ku samaynaysaa maqaal uu qoray James Folta, taas oo qayb ka ah buug-maqaaleed uu tifaftiray Jaamac Muuse Jaamac oo lagu xusayay buunigii weynaa ee Xuseen Maxamed Aadan “Tansaaniya”.

Dedaallada far qorista Soomaaligu waxa la isku raacsan yahay in ay soo bilawdeen qarnigii 19-aad oo shakhsiyaad Soomaali iyo waageeniba ahi ay door ka ciyaarayeen sidii ay Soomaalidu u hanan lahayd in ay hesho far qoran oo ay ku wada xidhiidhaan oo farriimahoodana isku gaadhsiiyaan. Dedaalladaasi waxay miradhaleen oo Soomaalidu far rasmi ah yeelatay 1972 oo ay dawladdii kacaanku ku dhawaaqday in fartii Laatiinka ahayd la qaatay oo dalku iyada ku hawlgali doono. Ku dhawaaqistaa waxa laga joogaa dhawr iyo konton sano, sida aanay bulshada Soomaalidu weli u xasilin ayaanu afkuna u saldhigan. Qalaalaasha iyo deggennaan la'aanta bulshadiisu ku jirtay ayuu isaguna ku jiray. Laga soo bilaabo qoristiisii ilaa hadda waxa socda dedaallo badan iyo isku dayo kala duwan oo lagu halbeegaynayo, oo la isugu dayayo in la isku raaco habqoraal sax ah oo hore looga gudbo in cid kastaba sida ay ugu hadasho u qorto Af soomaaliga.

Warqaddan aynu lafaguraynaa waxa ay qayb muhiim ah ka tahay ama ugu yaraan soo gudbinaysaa sidii loo xoojin lahaa oo loo dardargelin lahaa dedaalladaas lagu xasilinayo habqoraalka Soomaaliga. Waxa qoray Goorjiyo Banti oo ah xeeldheere iyo mutacallin ku takhasusay deraasaadka Afrika iyo luuqadaha, af Soomaaligana muddo badan uur baadhayay oo wax ka qorayay. Warqaddu waxa ay cutub ka tahay (bogagga 103 ilaa 140) buugga Hussein Mohamed Adam "Tanzania": In Honour of an Extraordinary Scholarship, oo lagu maamuusayo mutacallinkii sooca ahaa ee Dr. Tansaaniya. Buugga waxa isku duba riday oo tifaftiray Jaamac Muuse Jaamac.

Banti, warqaddan waxa uu  kaga warramayaa dhigaalka iyo halbeegaynta qoraalka af Soomaaliga, iyo sidii loo xasilin lahaa af ku dhawaad afartankii sano ee u danbaysay salkacsanaa oo qalalaase iyo xasilloonidarro ku jiray. Dhanka kale wuxuu ku soo bandhigayaa kala duwanaanshaha lahajadeed ee Woqooyi iyo Koonfur u dhexeeya meelaha ay isku seegaan ama ku kulmaan. Warqaddan muhiimaddeeda kolka laga yimaaddo, docda kale, waxay dhalinaysaa doodo kala duwan oo u baahanaya in la darso oo daarran xasilloonidarrada habqoraalka af Soomaaliga.

Dedaallada Goorjiya Banti sida aynu soo xusnay waxay soo taxnaayeen ilaa qarnigii hore. Wuxuu kala soo shaqeeyay Mashruucii Qaamuusaynta koox Soomaali-Talyaani ah, warqaddiisii u horraysayna oo uu ugu wanqalay, Il somalo standard, waxa lagu faafiyay majaladda Horseed. Sannadihii ku xigay wuxuu sii waday dedaalladiisa ku aaddan af Soomaaliga oo wuxuu faafiyay dabshidkii 1989, waraaq kooban oo u bixiyey "What is Literary Somali". Kol kale isaga iyo aqoonyahanka reer Jabbuuti Cabdirashiid Maxamed Ismaaciil waxay sannadkii 2015 soo wada saareen waraaq ay ugu magacdareen Habqorista af Soomaaligu si habboon ma u xasili kartaa? Oo ay xoogga ku saarayeen kuna qaadaadhigayeen halbeegaynta farta af Soomaaliga si gaar ah qoraalka.

Qaybaha hore ee warqadda wuxuu ku taxliilinayaa "Soomaaliga halbeegga ah/standrad Somali", wuxuuna soo qaadanayaa warqaddiisa af Talyaaniga ku soo baxday 1987 ee che cosa è il somalo standard?/Waa maxay Halbeegga Soomaliga ah? Wuxuu weyddiintaa kaga jawaabayaa in, afka rasmiga ah ee dalku qaatay ee goobaha waxbarasho, haayadaha dawladeed iyo wargaysyadaba lagu isticmaalo uu yahay afka halbeegga ah. Wuxuu xusayaa in dastuurkii kacaanka ee la qoray 1979 uu tibaaxayay in lagu wada hadlo oo ay bulshaduna isku af garato balse qoraalka aanu soo hadalqaadin. Wuxuu tibaaxayaa in ay adag tahay oo aanay caddayn in la kala saaro "afka halbeegga ah", "afka suugaanta ah" iyo "afka qoran", kolka laga warramayo af muddo 1000 sano ah soo qornaa sida Carabiga iyo Talyaaniga oo kale. Balse af qoraalkiisu aanu gaadhayn boqol sano arrinkiisu uu ka duwan yahay, in kasta oo uu tibaaxayo, sida aynu ku baraarugsannahay, in af Soomaaligu yahay mid aad hodon u ah, si weynna looga dheehanayo suugaantiisa.

Sida aynu soo xusnay wuxuu sida oo kale ku faaqidayaa kala duwanaanshaha lahjadeed iyo gobol ee Soomaalida, wuxuu ku doodayaa isaga oo xiganaya dastuurkii 1979 qodobbada ku qornaa in, in kasta oo af Soomaaligu yahay mid qur ah, laakiin dabcan ay jiraan lahjado kala duwan oo loo yaqaanno "af guri".

Wuxuu xusayaa in ay jiraan 3 qaybood oo kala duwan oo ku saabsan af Soomaaliga:

1. Maxaa-tri Soomaali oo lagaga hadlo Jabbuuti, Buntilaan, Somaalilaan, iyo gobollada dhexe ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, woqooyiga Shabeelle, Soomaali Galbeed iyo NFD.

2. Maay oo lagaga hadlo inta u dhexaysa labada webi ee Shabeelle iyo Jubba, iyo Koonfurta Itoobbiya.

3. Lahjado maxalli ah oo ay ku hadlaan sida Garre, Tunni, Dabarre, lahjadaha Ashraafta ee Muqdisho iyo Marka, Jiiddu, Girirre iyo Dube. 

Dhanka kale, wuxuu ku doodayaa in ay arrin muhiim ah tahay in dastuurka JFS in uu xusay in af Maaygu qayb ka yahay af Soomaaliga, oo uu weheliyo Maxaa-tidhigu. Kolka lahjadda maxaa-tidhi la joogo wuxuu xusayaa in laba qaybood ay kala jiraan: maxaa tidhi Woqooyi iyo maxaa-tiri Koonfur. Xilligii gumaystaha iyo AFIS in magacyada qabiillada la magacdhebi jiray oo la xusi jiray buu carrabaabayaa masalan Lamberti wuxuu tilmaamayaa in Koonfur Maxaa-tiri kolka laga yimaaddo in loo yaqaannay Lahjadaha Banaadiriga sida oo kalana loo yaqaannay lahjadaha Hawiye. Kala duwanaanshaha r-da iyo dh-da iyo murankeeda ayuu wax ka odhanayaa.  Kala duwanaanshaha aan badnayn ee woqooyi galbeed iyo woqooyi bari u dhexeeya buu wax ka qorayaa, sida oo kale.

Kolka uu ka warramayo falka qaado kala duwanaanshaha lahjadeed ee u dhexeeya Woqooyi Maxaa-tidhi iyo Koonfur-Maxaa tiri, sidan buu u dhigayaa:

Woqooyi Maxaa-tidhi

waa aan qaadána hayaa

waa aan qaadánaayaa

waa aan qaadán hayaa

waa aan qaadánayaa

Koonfur Maxaa-tiri

waa aan qaadáayaa

waa aan qaadá haa

waa aan qaadánaa

Hiddaha suugaanta

Wuxuu xiganayaa aqoonyahankii afeed iyo naxwayaqaankii Faransiiska ahaa ee Antoine Meillet oo tibaaxay in afka suugaantu uu si weyn uga duwan yahay afka si maalinle ah loogu wada hadlo, oo wuxuu leeyahay buu tilmaamayaa, erayadiisa, qaabdhismeedkiisa iyo naxwihiisaba.

In gabayga meel kasta laga helayo oo Soomaalidu tahay umaddii gabayga buu xoojinayaa sida oo kale. Qodob muhiim ah oo u baahan u fiirsasho ayuu sida oo kale ka warramayaa: waa in gabayga kolka laga warramayo qofka Soomaaliga ah ku soo degdegayo gabayga Maxaa-tidhi marka loo eego maansayahannada ku gabya Af Maayga iyo lahjadaha maxalliga ah, wuxuu ku doodayaa in sababtu tahay in uu yahay gabayga ugu badan ee goobaha tacliinta lagu dhigto, abwaannada tiro ahaan ugu badanna ay ka soojeedaan bulshada Maxaa-tidhi, sidaas darteedna uu uga kor maray gabayada kale oo iyana qaayahooda leh oo mudan in la derso. 

Wuxuu isku deyayaa kolka uu ka hadlayo qoraalka Soomaaliga in uu taariikheeyo xilligii ay soo bilaabantay dedaallada farta qoran oo sida aynu soo xusnay wuxuu ku xidhiidhinayaa dhammaadkii qarnigii 19 aad. In sida oo kale farta Cajami la adeegsan jiray buu diiwaangelinayaa. Wuxuu isku deyayaa in uu wax ka xuso shakhsiyaadkii dedaalladaa far qorista ku foogganaa, oo ay ka mid yihiin: 

1. Fartii uu abuuray Cismaan Yuusuf Keenadiid 1920kii loona yaqaannay Cusmaaniya.

2. Fartii uu abuuray Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur 1933kii oo looana yaqaannay Fartii Gadabursi.

3. Iyo fartii loo yaqaannay Kaddariya oo uu hindisay 1952kii Xuseen Sheekh Axmed "Kaddare"

Cusmaaniyadu waxay ahayd mararka qaar farta loogu adeegsiga badan yahay marka loo eego kuwa kale. Waxaba lagu soo saari jiray joornaallo kala duwan. Waxaana sida oo kale ay dhiirrigelin ka heshay ururkii SYL, oo, dhanka kale ujeeddooyinkiisa asaasiga ah ee loo saldhigay ay ahaayeen in Soomaalidu hesho far qoran oo midaysan. Waxa xusid mudan sida oo kale in ay jireen farar Laatiin ah iyo doorkii dawladdii kacaanku ka qaadatay in Soomaalidu hesho far qoran oo ahaa qorshayaasheeda ugu mudan ee ay bulshada la wadaagtay kolkii ay afgenbiday xukunkii dalka, muddo kooban ka dibna ay u fulisay si rasmi in farta Laatiinka la qaato oo looguna dhawaaqo 21. Oct, 1972, iyo sida oo kale dedaalkii ka danbeeyay hirgalinta oo ahaa in la horumariyo afka, dadkana la gaadhsiiyo farta la qaatay, lana soosaaro qaamuus(yo) iyo buugag naxwe ah oo arrinkaa ku saabsan.

Wuxuu ka warramayaa in dedaalladaa laga dhabeeyay oo xilligaa Guddiga af Soomaaligu wuxuu soosaaray labo naxwe: Asaaska Naxwaha af Soomaaliga (guddiga 1971, 1973), iyo laba kale oo muhiim ah iyaguna: Naxwihii Shire (1976) iyo Yaasiin Cismaan Keenadiid Qaamuuskiisii (1976). Wuxuu soo xiganayaa gogoldhigga uu Yaasiin Qaamuuska u qoray, iyo sida uu lafagguray caqabadihii uu waajahay af Soomaaligu qoristiisii ka dib iyo dabcan dedaalladii la isugu deyay in la helo far qoran oo Soomaalidu leedahay:

“Xasilid la’aanta af Soomaaligu aad bay u daran tahay … waa af lagu hadli jirey keliya oo aan qornaan jirin; qoristiisu waa haddeer dhoweyd (1972) oo weli uma kala bixin heerar kala sar-sarreeya afafku in badan qornaa oo la oran karo waa xasileen ama waa degeen, waxaa aalaa ereyadooda loo kala sooca a) kuwo qoraalka u gaar ah, b) kuwo dadweynuhu ku hadloo heer gooni-ya ah, c) kuwo lahjadeed (ama « afguri »), iyo, d) kuwo jaadad kale ah ... af Soomaaligu waa af qorid lagu bilaabay, oo hadda weli qolo waliba moodeyso in ereyada gobolkeeda u gaarka ahi, ay af Soomaaliga « sare » yihiin, kuwa kalena « afguri »”

a. Kuwo qoraalka u gaar ah

b. Kuwo dadweynaha ku hadloo heer gooniya ah

c. Kuwo lahjadeed (ama <<afguri>>), iyo

d. Kuwo jaadad kale ah."

Wuxuu sida oo kale xusayaa oo faallo ugu darayaa in af Soomaaligu weli aanu yeelan heerka qoraalka u gaarka ah, taasina ay ku kelliftay maaddaama oo aanu af Soomaaligu lahayn soojireen xooggan oo qoraaleed, cid kasta waxay u malaysay in af Gurigooda gaarka ahi uu ka sarreeyo kuwo kale marka la qorayo afka. Balse Yaasiin wuxuu fishay in wakhti ka dib la heli doono far guud oo qoran oo midaysan, waana waxay aqoonyahannadu afafku ugu yeedhaan qoraalka guud (common written koine). Waxa uuna soo xiganayaa in uu si qayaxan u yidhi: "isaga ayaa ... inta isku darma oo is dheeha, isku dubbadhici doona oo midoobi doona".

Wuxuu kale oo ka warramayaa dedaalladii Saalax Xaashi Carab uu ku sameeyay qaamuuska uu soo saaray 2004. Isaga oo isku deyay:

A. Suuragal ahaanshaha in uu labalaabo xarfo kale sida, c, dh, f, j, s, x iyo y. Bilmetel: Dhiniccii oo ahayd kolkii hore; Dhinacii.

B. Iyo sida oo kale in uu isku dayay in uu u qoro erayada sida loogu dhawaaqo, oo si inoo xusuusinaysa dabeecadaha fartii Carabiga iyo Cusmaaniyada, waxa tusaale ka mid ah: Qodto oo uu ku saldhigay; qoto. Baradtay oo uu ku saldhigay; baratay.

Isaga oo ku sii socda falanqaynta qoraalkaa buu ka soo tibaaxayaa naqdinta weyn ee uu u soo jeediyay Cabdiraxmaan Faarax "Guri Barwaaqo" si gaar ah qoraalkiisa "Gorfaynta Qaamuuska Cusub" oo uu ku naqdiyay qoraalkaa. Wuxuu xusay gorfayntaa, in waxtarka qaamuuskaa uu ka badan yahay waxtardarradiisu. Iyo in uu furay doodihii "anigaa idhi ee ha i la dhegaysto" oo door muuqda aanu qaamuusku ka geysan xallinta iyo maaraynta dhibaatooyinkii Afka haystay, iyo doodaha ka aloosan habqoraalka far Soomaaliga.

Marka uu qaadaadhigayo Soomaaliga qoran wuxuu xusayaa in ay muhiim tahay heerarkan soo socda in aynu tixgalin siinno kolka aynu u kuurgalayno halka ay wax marayaan:

a. tiraabta la dhigto:

1. Khayaalka,

2. Qoraallada sheekooyinka ah iyo sheekooyinka falkalooriga ah,

3. Curisyada,

4. Qaamuusyada hal luuqadleyada ah

5. Naxwayaasha,

b. tixda qoran, iyo murtida qoran sida maahmaahyada, halkudhigyada iyo wixii la mid ah,

c. qoraallada sharciga ah, sida dastuurrada, iyo wixii la mid ah,

d. wargeysyada;

e. buugagga dugsiyada;

f. qoraallada maalinlaha ee dadka wax bartay;

g. qoraallada maalinlaha aan ahayn ee dadka aan waxba baran;

h. barkulannada aan tooska ahayn iyo farriimaha internetka.

Wuxuu ku xusayaa qaybaha danbe in gobolka Mudug meel dhexe ugu jiro Soomaalida oo uu isku xidhi karo lahjadaha Koonfur Maxaa-tiri iyo Woqooyi Maxaa-tidhi. In toddobaataneeyadii iyo siddeetaneeyadii lagu kaftami jiray in Mudug ay ugu jirto Soomaaliya halkii ay Florence ugu jirta Talyaaniga, oo waxa la xusaa in Florence ay ahayd meesha ugu wanaagsan ee lagaga hadlo af Talyaaniga, sidaa awgeedna ay Mudug u noqon karto goob tiirdhexaad iyo kaalin muhiim ah ugu jirta af Soomaaliga. Mudnaan la siiyo kolka la halbeegayo farta Soomaaliga.

Wuxuu uga soo gudbayaa oo lafagurayaa heerarka kala duwan ee sheekada sooyaalka ah ee Waasuge iyo Warsame (Socdaalkii 30ka Maalmood), ee uu qoray Xuseen Sheekh Axmed Kaddare, oo ka soo jeeday gobollada Koonfur Maxaa-tiri, xubinna ka ahaa Guddiga Af Soomaaliga. Wuxuu tilmaamayaa in, Kaddare, heerarkiisa qoraalka Soomaaliga ee ku dhigan sheekadiisa, Waasuge iyo Warsame, sidan ay tahay:

1. Kaddare tiraabtiisa mala'awaaleed;

2. gabayga iyo suugaanta murtida ee Koonfur Maxaa-tiri Soomaali;

3. gabayo uu leeyahay Sheekh Axmed Gabyow;

4. gabayga iyo suugaanta murtida ee maxalliga ah ee Koonfur Maxaa-tiri Soomaali.

Isaga oo soo xiganaya dhanka kale wuxuu ku doodayaa in eraybixinta degaan ay ka saxan tahay tan kale ee had iyo jeeraale la adeegsado ee deegaan, dabcan maaddaama oo erayga asalkiisu ahaa deg. Qodobbada kale ee uu Axmed Faarax Idaajaa ka soo xiganayo waxa ka mid ah 'hababka wadaraynta magacyada' iyo sida mararka qaar looga geddiyo sidii ay saxda ku ahaayeen, wuxuu tusaale u soo qaadanayaa in ay ka mid yihiin:

In la adeegsado wadaraynta erayga Carabiga ah ee (iin) sida dagaalyahaniin oo sida saxda ahi waxay ahayd in la adeegsado dagaalyahanno. Wuxuu raacinayaa oo, Idaajaa la qabaa, in adeegsiga erayga bareejo oo ka yimi Talyaani “pareggio” kolkaa beddelkiisa wuxuu soojeedinayaa in la adeegsado erayadii soojireenka ahaa ee barbardhac iyo barbarro oo aynu hiddaheenna ciyaareed adeegsan jiranay, si gaar ah legdinta iyo bootimaalaysiga kolka la sifaynayo natiijada ka soo baxday.

Guntii iyo gunaanadkii warqaddan mudnaanta leh ee aynaan muhiimaddeeda ka geyoon karayn wuxuu ku soo gebagebaynayaa in sheekooyinka, Maana-faay ee uu qoray Maxamed Daahir Afrax, Aanadii Negeeye oo uu Ibraahin Axmed Yuusuf "Hawd" qoray, iyo tan uu ku farayarastay Cali Jimcaale Axmed ee Gaso Ganuun iyo Gasiin ay yihiin sheekooyin mudan in si gaar ah loo derso oo loogu fiirsado. Wuxuu ku xejinayaa oo farta ku fiiqayaa doorka IT-gu ka ciyaarayo halbeegaynta habqoraalka far Soomaaliga. Wuxuu ku gunaanadaya dedaallada muhiimka ah ee Koorborada elektaroonigga ahi ku leeyahay horumarinta farta qoran ee Soomaaliga, si gaar ah kan uu dhidbay Jaamac Muuse Jaamac ee Kayda Af Soomaaliga iyo tan kale ee uu Nilson nashaqeedayay ee Somali Korp.