Skip to main content

Saturday 13 June 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Goleha Deegaanka Hargeysa ayaa xilkii ka qaaday Duqii Caasimadda iyo Kuxigeenkiisii kuwo Cusubna Doortay; Maxay ka Dhigan tahay?

12 May, 2026
Image
Gole Deegaanka Hargeysa ayaa xilkii ka qaaday Duqii Caasimadda iyo Kuxigeenkiisii kuwo Cusubna Doortay; Maxay ka Dhigan tahay?
Share

Xubnaha Goleha Deegaanka Hargeysa ayaa saaka yeeshay kulan aan caadi ahayn, si ay go'aan uga gaadhaan mooshin ka dhan ahaa Duqii Caasimadda iyo Kuxigeenkiisii, Cabdikariin Axmed Mooge iyo Khadar Axmed Cumar, oo lagu eedeeyay in ay kala qaybiyeen magaalada, isla markaana maamuli kari waayeen loollan ka dhex jiray Goleha Deegaanka.

10 xubnood oo ka qaybgalay kulankan aan caadiga ahayn, oo uu guddoominayay Guddoomiyeha Gobolka Maroodijeex, ayaa si aqlabiyad buuxda ah xilkii kaga xayuubiyay Cabdikariin Axmed Mooge iyo Kuxigeenkiisii waxana ay Duq cusub iyo Kuxigeen u kala doorteen, Cabdirisaaq Wiiwaa iyo Aadan Jaamac Xaddi, sida ay isugu xigaan.

Muddo xileedkii goleyeesha deegaannada ee la doortay ayaa dhammaanaya bisha soo socota, ha se ahaato e Guurtida Somaliland ayaa dhawaan muddo labo sannadood ah kordhisay, taas oo ka dhigan in Golehani uu muddo-dhaaf ku sii joogi doono labada sannadood ee soo socda. Cabdikariin Axmed Mooge oo shan sannadood ka hor lagu doortay cod aad u ballaadhan ayaa hore u ballanqaaday in uu xilka ka degayo marka ay dhammaato muddadii la doortay, arrintan oo la filayay ayaana dhawaan dhalisay loollan xooggan oo qabiileysan oo loogu jiro xilka Duqa Caasimadda ee la filayay in uu Mooge iskii u banneyn doono. Mudane Mooge ayaa si weyn loogu eedeeyay in uu qayb ka ahaa qaybsanaantaas oo gaadhay in ay xalay xasarado ka dhacaan meelo magaalada ka mid ah, waxana ay eeddaasi ku soo baxday xaashida loo cuskaday xil ka qaadistiisa.
Waxaa xusid mudan in Mooge uu hore ugu ololeeyay aragtiyo la xidhiidha isla-xisaabtan iyo inuu xilka baneeyo marka ay muddo xileedkiisu dhammaado waxana Cabdikariin Axmed Mooge loo saadaalinayay in uu bisha soo socota noqon karo masuulkii u horreeyay ee xilka uga taga in ay muddadii la doortay dhammaatay, isaga oo haysta muddo kordhinta Guurtida ee ay caddeysteen goleyaasha Somaliland. Ha se ahaato e, arrintaas ayaa u dhicisowday in Golihiisii, oo weliba u badan garabkiisii, ay maanta xilkii ka tuureen isaga oo ku eedeysan kala qaybin iyo in uu magaalada maamuli kari waayay.

Maxay, haddaba, ka dhigan tahay doorashada hoggaanka cusub ee caasimadda Hargeysa?

Doorashada hoggaankan cusub ayaa dhalisay falcelin siyaasadeed iyo mid bulsho oo kala duwan. Qaybo bulshada ka mid ah ayaa u arkay isbeddel maamul oo fursad cusub u noqon kara caasimadda, halka dhinacyo kalena ay si cad uga soo horjeesteen, una arkeen arrin qayb ka ah loollanka siyaasadeed ee Golaha Deegaanka Hargeysa muddooyinkii u dambeeyay ka dhex jiray. 
Hoggaanka cusub ee Golaha Deegaanka Hargeysa ayaa xilka kala wareegaya maamulkii uu hoggaaminayay Cabdikariin Axmed Mooge, kaas oo muddadii uu xilka hayay si weyn loogu xasuusto doodo la xidhiidha ballanqaadyadiisii horumarinta bilicda magaalada, qorshaynta adeegyada bulshada iyo dib-u-dhiska Suuqa Waaheen.

Maamulka cusub ayaa xilka ku joogi doona muddo kordhin dhawaan golaha Guurtida Somaliland ay sameeyeen, oo dhan 27 bilood, taas oo ka dhigan inay yihiin hoggaan ku-meel-gaadh ah oo muddo dhaaf ku jooga.

Mudadaas waxaa lagu eegi doonaa sida ay uga jawaabaan baahiyaha magaalada, sida ay u mideeyaan golaha iyo sida ay u dhammeystiraan mashaariicda waaweyn ee horyaalla.

Maamulkan cusub waxaa horyaalla hawlo culus oo si toos ah u taabanaya nolol maalmeedka shacabka Hargeysa. Waxaa ka mid ah dib-u-dhiska iyo dhammaystirka Suuqa Waaheen, iyo dhisidda waddooyinka iyo isu-socodka magaalada, maadaama Hargeysa ay si xawli ah u ballaadhatay, tirada gaadiidkuna korodhay. Cidhiidhiga waddooyinka, qorshe la’aanta dhismayaasha qaar iyo baahida loo qabo nidaam casri ah oo gaadiid ayaa ka mid ah arrimaha maamulka cusub laga sugayo inuu wax ka qabto.

Waxa kale oo horyaalla maaraynta qashinka iyo nadaafadda caasimadda, oo ah arrin si joogto ah uga mid noqota cabashooyinka shacabka caasimadda.

Arrin kale oo muhiim ah waa qorshaynta dhulka iyo fiditaanka magaalada. Hargeysa waxay wajahday koritaan degdeg ah oo mararka qaar ka horreeya awoodda adeegyada dawladda hoose. Arrimaha la xidhiidha dhulka, waddooyinka, biyaha, caafimaadka deegaanka iyo xaafadaha cusub ayaa u baahan qorshe fog, maamul adag iyo nidaam sharci oo la wada ixtiraamo.

Doorashada Maayirka iyo Maayir ku-xigeenka cusub ee Hargeysa waxay leedahay saddex weji oo muhiim ah: weji siyaasadeed, weji bulsho iyo weji maamul. Wejiga siyaasadeed wuxuu la xidhiidhaa sida isbeddelkani u saameynayo awoodaha Golaha Deegaanka iyo xulafaysiga siyaasadeed ee gudaha caasimadda. Wejiga bulsho wuxuu ku saabsan yahay rajada, kala qaybsanaanta iyo dareenka shacabka ee ku wajahan hoggaankan cusub. Wejiga maamulna wuxuu ku xidhnaan doonaa awoodda maamulka cusub u yeesho fulinta adeegyada aasaasiga ah iyo mashaariicda waaweyn.
Si guud, hoggaankan cusub wuxuu imanayaa xilli Hargeysa u baahan tahay maamul degdeg wax uga qabta baahiyaha aasaasiga ah, isla markaana leh aragti fog. Magaaladu waxay u baahan tahay nidaam ka gudba ballanqaadyo siyaasadeed oo keliya, una gudba fulin, qorshayn iyo isla-xisaabtan muuqda.

Imtixaanka Ugu Weyn: Waxqabad Mise Astaan?

Shacabka Hargeysa waxay si gaar ah u eegi doonaan sida Maayirka cusub iyo ku-xigeenkiisu u maareeyaan baahiyaha guud ee magaalada. Waxaa laga sugayaa inay muujiyaan wada-shaqayn, daahfurnaan iyo awood fulineed. Haddii Golaha Deegaanka iyo hoggaankiisa cusub ay ku guulaystaan inay mideeyaan xildhibaannada, la shaqeeyaan dawladda dhexe, ganacsatada iyo bulshada rayidka ah, waxaa suuragal ah in caasimaddu gasho marxalad cusub oo horumar maamul ah.
Haddii se hoggaanku ku mashquulo khilaafyo siyaasadeed, dano kooxeed ama isqabqabsi gudaha golaha ah, rajada bulshada ee isbeddelkan ku yimi maamulka caasimaddu way dhaawacmi kartaa. 
Si kastaba ha ahaatee, doorashada Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Wiiwaa) iyo Eng. Aadan Cabdi Jaamac (Mideeye) waxay calaamad u tahay bog cusub oo u furmay maamulka Caasimadda Hargeysa. Hargeysa waxay u baahan tahay hoggaan ka jawaaba baahiyaha shacabka, dhammeeya mashaariicda waaweyn, kana jawaaba adeegyada aasaasiga ah, isla markaana abuura maamul lagu kalsoonaan karo.
Indhaha bulshada Hargeysa waxay ku jeedaan maamulka cusub: sida uu u shaqeeyo, sida uu u mideeyo golaha, iyo sida uu uga dhabeeyo rajada iyo su’aalaha maanta hareer socda doorashadiisa.