Sunday 8 March 2026
Golaha mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku bahoobeen mucaaradka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha maamul goboleeddada Soomaaliya ayaa sheegay in ay wada hadal la galayaan Xukuumadda iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Golaha oo ka jaawaabaya warqad casuumad ah oo u diray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada hadalladan ku xidhay shuruudo ay ka mid yihiin “In gabi ahaanba la joojiyo wax ka beddelka Dastuurka “ iyo “In heshiis loo dhanyahay laga gaadho hannaanka doorashada.”


Shuruudahan ayaa sal u ah is fahanwaaga ka dhexeeya Golaha Wadatashiga oo Xukuumaddu hoggaaminayso iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, qodobka Dastuur beddelka oo ay riixayso xukuumaddu ayaa ahaa qodobadda ugu waaweyn ee huriyey khilaafkan siyaasadeed. Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka ayaa aqbalaaddooda sabab uga dhigay in ay Soomaaliya gashay marxalad xasaasi ah oo ay dawladnimadeedu halis daaqayso.
Tan iyo kolkii uu bilaabmay khilaafkan siyaasadeed ee sababay in Golaha Mustaqbalku shir ku qabsadaan Magaalo xeebeedda Kismaayo ee Jubbalaan, 18-20 Diisemeber 2025 waxa isa soo taraya walaaca la xidhiidh qabashada doorashooyinka, iyo wax ka qabashada xaaladda amniga iyo dhaqaalaha Soomaaliya ee ka soo daraya.
Walow uu Golaha Wadatashigu soo dhaweeyey go’aankan, haddana shuruudaha ay mucaaradku ku xidheen wada hadalka waa kuwo lid ku ah qorshihii Xukuumadda ee ahaa doorasho qof iyo cod ah taas oo la sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu weli ku hawlanyahay hirgelinteeda isaga oo Barlaamanka ka doonaya in ay deg deg u dhammeeyaan qodobadda dastuuriga ah ee wax ka beddelka lagu samaynayo.