Tuesday 19 May 2026
Kolkii Maraykanka iyo Israa’iil ay bilaabeen dagaalka 28-kii Febraayo, waxaa si weyn loo filayay Iiraan in ay ceejin doonto isusocodka maraakiibta ee Marinka Hormus. Aad bay se u yarayd in la saadaaliyo, wax ka yar laba bilood ka dib, in Donald Trump uu ku soo rogi doono go’doomin isaga u gaar ah, taas oo bartilmaameedsanaysa dhaqdhaqaaqa maraakiibta ee ku socota iyo kuwa ka imaanaya dekedaha Iiraan iyo xeebaha agagarkooda ah. Tallaabadani waxay dhaqangashay 13-kii Abriil. Trump wuxuu rejaynayaa in curyaamintan dhaqaale ay ku qasbi karto Iiraan inay furto marinka, maaddaama duqayntii ay ku furi wayday. Tani waa khamaar halis ah oo sii xumayn kara dhibaatada tamarta ee dunida, horseedi na kara xiisad-kordhin cusub.
Sababta uu Maraykanku tan u cuskaday waa mid fudud. Hanjabaadaha Iiraan ayaa si weyn u yareeyay tirada maraakiibta shidaalka ee mara . Balse Iiraan waxay sii wadatay dhoofinta shidaalkeeda, in kasta oo uu heerkoodu hoos u dhacay. Sidoo kale, waxay u oggolaatay maraakiibta qaarkood inay gooshaan haddii ay bixiyaan lacag; laba markab oo waaweyn oo ay leedahay dawladda Shiinaha oo siday shidaal laga leeyahay Ciraaq iyo Sucuudiga ayaa maray marinka 11-kii Abriil, sidoo kale waxaa maray markab sita calanka Laybeeriya. Farriinta Trump waa mid cad: haddii alaabta dhexdhexaadka ah aysan waxyeello la’aan u gudbi karin, tan Iiraan na ma mari doonto.
Dhinaca milatariga ee qorshahan waa "mid gebi ahaanba suurtogal ah", ayuu yiri Mark Montgomery oo ah admiral hawlgab ah. Maraykanku wuxuu si sahal ah u dhex geli karaa oo uu u qabsan karaa maraakiibta; wuxuu qabsaday toban markab oo lala xiriiriyay Fansuweela intii u dhaxaysay Diisembar iyo Febraayo. "Khasab ma aha in la qabto markab kasta," ayuu raaciyay. "Keliya in ku filan in ay farriinta la gudbiso."
Dhinacyada dhaqaale iyo siyaasadeed iyagu waa kuwo maangad ah. Ujeeddadu, sida loo malaynayo, waa in la siibo xididka dhaqaale ee Iiraan si loogu qasbo nidaamka inuu tanaasul ka sameeyo wadahadallada nabadda, gaar ahaan barnaamijkiisa nukliyeerka. Marka aragti ahaan loo eego, Iiraan waa mid nugul. Marka la eego heerka kaydka shidaalkeeda ee hadda, waxaa laga yaabaa inay ku qasbanaato inay hoos u dhigto waxsoosaarka, muddo 20 maalmood gudahood marka ay bilaabato go’doomin buuxda ah—waxaana laga yaabaa inay xataa ku suuragasho toban maalmood gudahood, sida uu qabo Ernest Censier oo ka tirsan shirkadda xogta ee Vortexa. "Maadaama dhoofinta shidaalka Iiraan ay burburayso, ma jiri doonto lacag caddaan ah oo wax lagula soo dego, sidaas darteed dhaqdhaqaaqa dhaqaaluhu wuxuu noqonayaa mid curyaama, lacagtuna waxay galaysaa silsilad hoos-u-dhac ah oo keenta sicir-barar baahsan," ayuu ku doodayaa Robin Brooks oo ka tirsan machadka Brookings Institution. "Shaki iigama jiro in tani ay wadaaddada keeni doonto miiska wadahadalka iyagoo niyadsami wada."
Kuwo kale ayaa iyana shaki ka qaba. Iiraan waxay hore u xisaabsatay in dhoofinta shidaalkeeda la carqaladeyn doono, ayuu yiri Esfandyar Batmanghelidj, oo ah madaxa fulinta ee mu’asasada Bourse & Bazaar. Dhoofin kasta oo xilliga dagaalka dhacda, sida tan loo diro Hindiya, waxay u ahayd "faa’iido dheeraad ah," ayuu yiri . Shidaalka cayriin ee Iiraan dhoofiso ayaa hoos ugu dhacay wax ka yar 400,000 oo fuusto maalintii sannadkii 2020-kii, xilligaas oo Trump uu isku dayay inuu burburiyo dhaqaalaha dalkaas, isagoo ka soo degay 2.2 milyan oo fuusto maalintii sannadkii 2018-kii. Iiraan taas waa ay ka badbaadday. Waxay u adkaysan kartaa cadaadiskaas, qiyaastii muddo lix bilood ah iyadoo daabacanaysa lacag, iibinaysa ku dhowaad 100 milyan oo fuusto oo shidaal ah oo ugu jira kaydadka badda dul-sabbeynaya (floating storage) ee u dhowaa Malaysi iyo Shiinaha, iyo iyadoo amaah aan rasmi ahayn ka helaysa shirkadaha wax u soo dhoofiya.
Iiraan waxay ku tiirsan tahay qaar ka mid ah badeecadaha badda loo soo mariyo. Shan meelood meel (20%) oo ka mid ah sarreenka ay soo iibsato—oo ah dalag daruuri ah—ayaa ka imaan jiray Imaaraadka Carabta. Inta badan galleyda dalku waxay ka timaadaa Baraasiil iyo Yukrayn iyadoo soo marta dekedaha Gacanka ama kuwa u dhow. Qaar ka mid ah hadhuudhkaas waxaa lagu beddeli karaa sahay ka timaadda Ruushka iyo Kazakhstan oo soo marta dekedaha badda kaasbiyaanka (Caspian) ama dhulka iyadoo loo sii marayo Turkiga iyo Bartamaha Aasiya, in kasta oo ay qiimo qaali ah ku imanayso. Nuglaanta ugu weyn, ayuu yiri Mr. Batmanghelidj, waa digirta sooyada (soyabeans): dhammaan calafka xoolaha iyo saliidda cuntada ee Iiraan waxaa laga sameeyaa badeecado dibadda laga soo dhoofiyo. Carqalad kasta oo timaadda waxay si xawli ah u kicin doontaa qiimaha cuntada. Qiimahaas awalba kor u kacay boqolkii ba boqol iyo toban (110%) bishii Maarso, marka loo eego sannadkii hore.
Tani waxa ay dhalinaysaa laba su’aalood oo waaweyn. Midda koowaad waa saamaynta ay ku yeelan karto suuqyada tamarta, oo uu ku jiro kan Maraykanka, halkaas oo Trump uu wajahayo hoos-u-dhac weyn oo xagga taageerada shacabka ah iyo doorashooyinka xilliga dhexe oo toddoba bilood kaliya ay innaga xigto. Luminta waxsoosaarka Iiraan oo keliya musiibadu ma aha ee waxay sii murginaysaa sahayda baaxadda leh ee Khaliijka ee ku xayiran marinka xidhan. Maaddaama xabbadjoojintu u muuqato mid nugul, Iiraan ma jiro wax ku dhiirrigelinaya in ay dib ugu furto marinka; waxaa na hubaal ah inay dib u bilaabi doonto weerarrada ka dhanka ah maraakiibta dhexdhexaadka ah.
Weerarrada noocaas ah waxay dhibaato weyn ku noqon doonaan waddamada sida Ciraaq, oo 5-tii Abriil markab u diray dalka Malayshiya, kaas oo noqonaya markabkii ugu horreeyay ee mara tan iyo markii uu dagaalku bilowday. Waddamada wax soo dejistaa waxay ku qasbanaan doonaan inay isticmaalaan kaydkoodii yaraa ee u haray, taas oo keeni karta in qiimaha shidaalka caydhin ee (Brent) uu gaadho $150 fuustadiiba marka la gaaro dhammaadka Abriil. Haddii lagu daro khatarta weerarrada Iiraan ee xarumaha waxsoosaarka Sucuudiga, Imaaraadka, iyo kuwa kale ee Khaliijka—iyo waliba dhuumaha iyo dekedaha—Iiraan waxay horay ugu hanjabtay inay aargudan doonto haddii go’doomintu dhaqangasho. Waxaa intaas dheer suurtogalnimada weerarro ay xulafada Iiraan ee Xuutiyiinta Yaman qaadaan maraakiibta Badda Cas; beegaalkani uma muuqdo mid u dulqaadan kara dhowr toddobaad isaga oo aan abuurin in ascaartu cirka isku shareerto.
Su’aasha labaad waxa ay tahay waddamada ay saamayn doonto go’doomintan. Hindiya, tusaale ahaan, waxay diidday inay bixiso lacag si maraakiibteedu u gudbaan, taas oo Trump uu 12-kii Abriil sheegay inay horseedi doonto in maraakiibtaas la xannibo. Balse isla maalintaas, Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) wuxuu sheegay in go’doominta aan si buuxda loogu fulin doonin—taas ah shuruud uu dhigayo sharciga caalamiga ah—isla markaana lala beegsan doonin dhammaan maraakiibta waddamada kala duwan u soo maraya dekedaha Iiraan ama xeebeheeda.
Taas macnaheedu waa in xannibaaddu saamayn doonto maraakiibta Hindiya. Sidoo kale, shidaalka u socda Shiinaha, Bakistan iyo Taylaan ayaa ka baxay maalmihii ka dambeeyay xabbadjoojinta. Faransiiska iyo Turkiga, oo labaduba xulufo la ah Maraykanka, ayaa diray maraakiibtooda ka hor xilligaas iyagoo sida muuqata oggolaansho ka helay Iiraan. Maraykanku waxaa laga yaabaa inuu u baahdo oo kaliya inuu qabsado tiro yar oo maraakiib ah si uu kuwa kale uga hor istaago inay isku dayaan jebinta go’doominta. Balse xitaa tallaabadaas waxay ka cadhaysiin kartaa qaar ka mid ah waddamada saaxiibka la ah. John Ollett oo ka tirsan hay'adda Ascaarta Argus Media ayaa sheegay in toddobaadkii hore laga wada hadlayay ugu yaraan siddeed heshiis oo shidaal ah, kuwaas oo dhammaantood fashilmay markii wadahadalladu ay istaageen. In kasta oo mas'uuliyiinta Maraykanka qaarkood u malaynayaan in Shiinuhu uusan ka horiman doonin go'doominta, haddana haddii uu oggolaado waxay keenaysaa qiilbixin (halis ah. Waayo Shiinuhu wuxuu muddo dheer ka walaacsanaa suurtogalnimada go’doomin lagu soo rogo Marinka Malaga haddii uu dagaal ka qarxo Badweynta Baasifigga.
Haddii Trump uu ku guuleysto inuu ka jaro lacagta qalaad ee Iiraan u soo xaroota uuna abuuro carqalad dhaqaale—isagoo isla markaana xaddidaya saamaynta qiimaha shidaalka, maaraynaya xiisad-abuurka milatariga iyo diblomaasiyadda cakiran ee go’doominta maraakiibta caalamiga ah—waxay u horseedi kartaa inuu miiska wadahadalka ugu soo laabto si uu u helo shuruudo isaga u roon. Balse nidaamka Iiraan wuxuu aamminsan yahay inuu ku guuleystay loollankii ugu horreeyay ee dhanka adkaysiga ee kala dhexeeyay Maraykanka, maaddaama uu ka samatabaxay dagaalkii, oo uu wali haysto qalabkiisii nukliyeerka, gacantana ku hayo Marinka. Waxay haystaan sababo ay ku aamminaan inay mar kale ka adkaysi badnaan karaan Trump. "Waa mid muddo dheeraata ama waa eber," ayuu yiri Kevin Rowlands, oo ahaa madaxii machadka cilmibaadhista ee Ciidanka Badda ee Boqortooyada Ingiriiska, haddana tifaftire ka ah joornaalka milatariga ee RUSI. "Go’doomin muddo toddobaad ah, waxba ma keeni tarto."
Marka si guud loo eego, go’aanka Trump ee ku aaddan go’doominta—kaas oo yimid ka dib markii uu ka fekeray fekradda ah inay Iiraan "si wadajir ah" u maamulaan , taas oo beddeli lahayd sharciga caalamiga ah ee maamula marin-badeedyada noocan ah—waxay muujinaysaa in mabda’a xorriyadda isu-socodka badda uu wajahayo culays aad u weyn. Mr. Rowlands wuxuu ku soo gabagabeeyay in tani ay tahay "aasidii ugu dambaysay ee lagu sameeyo sheegasho kasta oo ah inuu jiro nidaam ku dhisan xeerar ama sharci caalami ah."
Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.