Thursday 15 May 2025
Soomaaliya waxa ay gashay xaalad amni oo cakiran, iyadoo uu sii xoogeysanayo iska horimaadka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo ururka al-Shabaab. Dagaalka oo markii hore ahaa weerarro goos-goos ah, ayaa hadda isu beddelay dagaal fool-ka-fool ah, kaas oo u muuqda mid ay al-Shabaab ku doonayso inay horumar istiraatiiji ah ka gaadho dhinacyada juqraafiga, siyaasadda iyo ammaanka, gaar ahaan gobollada ku xeeran Muqdisho.
Tan iyo bilowgii 2025, al-Shabaab waxay xoojisay hawlgalladeeda ciidan, iyadoo ka faa’iidaysanaysa habacsanaanta iyo kala daadsanaanta hannaanka amniga ee gobollada qaarkood, khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamul-goboleedyada, iyo danaynta beesha caalamka oo hoos u dhac ku yimid.
Bishii la soo dhaafay, xarakadu waxa ay kordhisay weerarrada tooska ah ee ay ka geysaneyso gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, taas oo muujineysa in dhaq-dhaqaaqyada ururku ay si weyn isku soo tarayaan.
Tusaale, Ururku waxa uu la wareegay gacan ku haynta degmada Aw Diigle ee gobolka Shabeellaha Hoose, ka dib dagaal culus oo qaatay saacado. Sidoo kale, weerarro abaabulan ayay dagaalyahannada al-shabaab ka fuliyeen deegaanno ku dhow Mahadaay iyo Balcad oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, waxayna kooxdu la wareegtay degaanno muhiim ah ay ka mid yihiin, Biyo cadde, Ceel baraf, Miir Taqwo, Laba Garas, Bursha Sheekh, Masaajidka Cali Guduud, Guullane, Xagarey, iyo Aadan Yabaal.
Degmada Aadan Yabaal ayaa ugu muhiimsan liiskan marka loo eego muhiimaddeeda istaraatijiyadeed, maadaama ay isku xidho labada gobol ee Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan. Qabsashada al-Shabaab ee degmadani waxa ay muujinaysaa isku dheellitirnaan la’aanta awoodeed ee labada dhinac; Xarakada iyo ciidamada dowladda.
Sidoo kale, weerarradan ayaa tilmaamaya in xarakadu ay dib u qabsatay deegaanno horay looga saaray, taas oo calaamad u ah caqabadaha hor yaalla dedaallada xorraynta iyo xasillinta dalka.
Dhinaca kale, gobolka Hiiraan, gaar ahaan dhinaca bari ee degmada Beledweyne, ayaa waxaa ka socda dhaq-dhaqaaqyo cusub oo ay wadaan dagaalyahannada al-Shabaab, halkaas oo ay la wareegeen deegaanno ay ka mid yihiin Yaasooman iyo Aboorey kaddib dagaal qadhaadh oo qaatay maalmo dhawr ah.
Gobolka Galgaduud, gaar ahaan tuulooyinka ku dhow degmada Ceelbuur, ayay xarakadu iyagana weerarro dhawr ah ku qaadday, iyadoo la sheegay in ay si ku-meel-gaar ah u qabsadeen dhawr tuulo oo muhiim u ah isu socodka ciidamada dowladda.
Xogaha amni ee la helayo waxay muujinayaan in al-Shabaab ay dib u habeyn ku samaysay howlgalladeeda, iyadoo diiradda saareysa weerarro qorshaysan, qabsashada deegaanno istiraatiji ah, iyo abuuridda xaalad amni darro oo ballaaran. Warbixinnada sirdoonka ayaa tilmaamaya in xarakadu ay xoogga saarayso isku xidhka gobollada Jubbada Dhexe, Shabeellaha Hoose, iyo Bartamaha dalka — taasoo ay uga gol leedahay inay isku fidiso dhul muhiim ah oo gacan ka siinaya diyaargarowga weerarro waaweyn.
Al-Shabaab waxay beddeshay xeeladdeedii hore ee weerarrada degdegga ah, iyadoo hadda diiradda saaraysa isku fidin juqraafiyeed iyo maaraynta deegaannada. Tusaale ahaan, kooxda ayaa si buuxda ula wareegtay degmada Aw-Diigle (Shabeellada Hoose), iyadoo ujeeddadeedu tahay inay hareerayso caasimadda Muqdisho gaar ahaan dhanka koonfureed.
Haddii aynnu qiimayno oo aan isbarbardhig ku samayno qodobbada xooggan iyo tabardarrida labada dhinaca ee isku haya awoodda Soomaaliya: Dowladda Federaalka iyo kooxda al-Sabaab:
Awoodda Dowladda Federaalka:
Taageerada Bulshada: in kasta oo ay dowladdu lumisay in badan oo ka mid ah taageeradii bulshada Soomaaliyeed, haddana waxa ay weli haysataa taageero dhanka gudaha ah marka la barbardhigo kooxa al-Shabaab.
Tabardarrada Dowladda Federaalka
Awoodda Kooxda al-Shabaab
Xidhiidh dhaqaale: Waxay leedahay ilo dhaqaale gudaha ah iyo xidhiidho qarsoon oo gudaha iyo dibadda ah.
Tabardarrada Kooxdan Argagaxisada ah:
Xaaladda amniga Soomaaliya waxay wajahayaan halis ballaadhan oo ka imanaysa istiraatiijiyadda cusub ee al-Shabaab, taas oo xoogga saaraysa hareeraynta iyo go’doominta caasimadda Muqdisho iyo xakameynta marinno muhiim ah. Haddii aan si degdeg ah dib loogu habeyn nidaamka ammaanka gudaha, lana xoojin iskaashiga amni iyo sirdoon ee gudaha iyo dibadda, waxaa halis weyni ka imaan kartaa horumar joogto ah ee ay kooxdu ka samayso dhanka juqraafiga, taasoo dhaawac weyn u geysan karta dowladnimada Soomaaliya.