Saturday 6 December 2025
Gobolka Sanaag waxa lagu tiriyaa mid ka mid ah gobollada ugu muhiimsan dhaqaale ahaan gobollada Somaliland, marka la eego noocyada kala duwan khayraadka dabiiciga ah ee uu gobolkani leeyahay, gaar ahaan dahabka. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ku yaalla 11 goobood oo filiqsan dahabka laga qodo, waana wax tilmaamaya jiritaanka hanti macdaneed. Goobahaasi inta badan waxa ay ku yaallaan gobolka Sanaag, gaar ahaan tuulooyinka ku hareeraysan magaalada Ceerigaabo, waxa soo labeeya tuulooyin u dhow magaalada Boorama ee gobolka Awdal, waxaana jira goobo kale oo u dhow magaalada Hargeysa, iyo goobo ku yaalla buuraha sare ee Calmadow, oo maamul ahaan raacsan Buntilaan. Filiqsanaantan jiquraafiyadeed waa mid ka turjumaysa ballaadhnida kaydka dahab, tilmaanna u ah suurogalnimada dhaqaale badan oo laga soo saaro iyo xoojinta fursadaha maalgashi ee gobolka.
Gobolka Sanaag waxa ka hanaqaaday dhaqdhaqaaq xooggan oo dhinaca dahab qodista ah, waxaana gobolka soo galay kummanaan dad ah oo gobollo kala duwan isaga yimi, waxa kale oo jooga shirkado badan oo maxalli ah oo ujeedkoodu yahay dahab qodista. Dadka dahabka qoda ee Somaliland waxa lagu qiyaasaa shan iyo toban kun oo qof, sida lagu sheegay tirokoobyo madaxbannaan. Tuulada Milxo ee bariga Sanaag, waxa ku sugan ku dhawaad toddoba kun oo shaqaale ka hawlgala qodista dahabka, arrinkan oo ka turjumaya xaddiga dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee kobcaya.
Waxa la filayey in shaqooyinka dahab qodashada ee gobolka Sanaag ka qayb qaataan kor u kaca heerka nololeed iyo wanaajinta adeegyada aasaasiga ah, hase ahaatee abla’ablaynta waaqiciga ahi waxa ay muujinaysaa natiijo sidan ka duwan, oo kama ay qayb qaadan xoojinta badhaadhaha bulsho ee deegaanka.
Laga soo bilaabo sannadkii 2016, gobolka Sanaag waxa uu xuddun u noqday isbeddello dhaqaale oo muuqda, waxaana ugu weynaa kor u kaca dhaqdhaqaaqa dahab qodoshada. Arrinkan waxa xoogaysigiisa ka qayb qaatay helitaankii dadka deegaanka ee dahabka qaydhin ee deegaannada Shidan iyo Cirshiida, oo ka tirsan gobolka Sanaag, siiba inta Somaliland gaadho. Sidoo kale, Milxo, oo ku taalla buuraha Calmadow, lixdan kiiloomitirna ka fog magaalo-xeebeedda Laasgoray, waxa ay noqotay xarun firfircoon oo dhanka dahab qodista ah tobannaankii sanno ee ugu dambeeyey. Dahabka sannadkii laga soo saaro Milxo waxa lagu qiyaasay 300 kiiloogaraam, kuna qiimaysan 1.5 milyan doollar, sida lagu xusay warbixin bishii Noofambar ee 2022 uu soo saaray Maxadka Caalamiga ah ee Horn ee Deraasadaha Istaraatiijiyadda, oo ah xarun cilmibaadhis oo aan macaashdoon ahayn, fadhigeeduna yahay Nayroobi, Kiiniya. Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay: “Loollanka Daran ee loogu Jiro Gacan-ku-Dhigga Xarumaha Dahabka ee Soomaaliya”, waxa ay gobolka Sanaag ka dhigtay gobollada ugu daran ee uu ka jiro loollankaas dahab qodistu, goobaha dahab qodistuna xarun u noqdeen kumannaan dad ah.
Ka sokow in gobolka Sanaag leeyahay kaydad waaweyn oo dahab iyo macdano kale ah, arrinkan oo ka dhigaya mid ka mid ah gobollada ugu hodansan dhinaca macdanta, haddana weli si hufan loogama faa’iidaysan macdantan. Sababta u weyni waa caqabadaha ka taagan dhinaca dahab qodista, oo ay ka mid yihiin: maqnaanta kaalintii xukuumadda ee kala nidaaminta iyo faafidda falalka macdan qodista ee aan nidaamsanayn. Arrintan awgeed, inta badan dahabka waxa laga tahriibiyaa buuraha Golis, iyadoo la geeyo suuqyada madow ee Imaaraadka, lagana dhoofiyo dekedo qarsoon, arrinkan oo adkaynaya xaqiijinta xaddiga la tahriibiyo.
Sidoo kale, xaaladdan nidaam la’aanta ahi waxa ay sababtay kor u kaca loollanada loogu jiro gacan-ku-dhigidda godadka dahabka, sida lagu xusay warbixinta Mac’hadka Horn ee Caalamiga ah. Waxa kale oo dheer, in shaqada dahab qodistu ay la’dahay maalgashi ku filan iyo agabkii farsamo. Inta badan dadka dahabka qodaa waxa ay adeegsadaan agab macdan-qodis oo duug ah. Intaasba waxa dheer in joogitaanka al-Shabaab iyo Daacish ee [qaar ka mid ah] deegaannada macdan qodistu ay halis ku tahay socoshada shaqada dahab baadhista iyo horumarinteeda.
Waxa la saadaalinayey in shaqooyinka dahab qodashada ee gobolka Sanaag ka qayb qaataan kor u kaca heerka nololeed iyo wanaajinta adeegyada aasaasiga ah, hase ahaatee abla’ablaynta waaqiciga ahi waxa ay muujinaysaa natiijo sidan ka duwan, oo kama ay qayb qaadan xoojinta badhaadhaha bulsho ee deegaanka. Cagsiga arrinkaas, waxa muuqda saamayn taban, sida faafidda mukhaaddaraadka, korodhka hub haysashada iyo kor u kaca dagaallada qabiileed, oo ah waxyaabo ka turjumaya in shaqooyinka macdan qodistu ku fashilmeen xaqiijinta faa’iidooyin dhaqaale iyo bulsho ee la rejaynayey.
Gobolka Sanaag, marka la eego xuduuddii lixdankii oo ay Somaliland cuskato, waa qayb ka mid ah Somaliland, se haddana Buntilaan iyo Khaatumaba waxa ay sheegtaan qaybo ka mid ah deegaannada bari ee gobolkan, iyagoo ku jaangoynaya arrimo qabiil ama siyaasadeed. Khilaafkan waxa sii adkeeya hantida macdaneed ee gobolku leeyahay.
Axmed Boos oo ka ganacsada dahabka, waxa uu caddaynayaa in waxa loo yaqaan “ku welefka dahabku” uu beryahan dambe keenay dagaallo hor leh, isagoo tilmaamay jiritaanka laba dhacdo oo ka dhacay goobahaas dahabka laga qodo bishii Noofambar ee sannadkii 2019. Meel ka mid ah meelaha ugu caansan ee dahabka laga qodo, laguna magacaabo “Shidan” ayaa uu dagaal ku dhex maray labada beelood ee Nuux Cumar (Warsangali) iyo Muuse Ismaaciil (Isaaq), dagaalka oo sababay dhimashada 15 qof iyo dhaawaca labaatan kale. Walow heshiis laga gaadhay in si ku meelgaadh ah dagaalka loo joojiyo, haddana weli mulkiyadda goobta iyo xuquuqda ka faa’idaysiga khayraadka dabiiciga ah ee goobtu waa wax weli la isku hayo, arrinkan oo muujinaya walaaca kordhaya ee gobolka.
Inta badan dhulalka hodanka ku ah macdanta iyo dahabku waa meelo walaac dagaal ka jiro. Bishii Abriil ee 2024, waxa dagaal dhex maray beelaha Muuse Tuurwaa iyo Uduruxmiin oo Isaaq ah, dagaalka oo laba maalmood socday, kana dhashay cidda gacanta ku dhigaysa mid ka mid ah godadka dahabka oo ku yaalla deegaan la dhaho “Burco-Yarey”. Dagaalkaas waxa ku dhintay hal qof, waxaana ku dhaawacmay lix qof oo kale.
Axmed waxa uu hadalkiisa ku biirinayaa in inta badan dhulalka beelahani isku haystaan ay kolkii hore ahayd dhulal aan cid gaar ahi lahayn, se kolkii dahabka laga helay ay isku beddeleen goobo la isku hayo, dabna kusii shiday khilaafkii beelaha iyo dadkaba u dhexeeyey. Waxa uu aaminsanyahay in maqnaanta adeegyadii dawladdu ay ka qayb qaadanayso hurinta dagaallada beeleed.
Dhinaca bari ee gobolka Sanaag, siiba magaalada Milxo oo ku taalla buuraha Calmadow, waxa ka socda shaqooyin badan oo dahab qodis ah, waxaana isugu yimi kumanaan dadka deegaanka iyo kuwo gobollada ka yimiba leh oo dahabkaas qota. Arrintani waxa ay kor usii qaadaysaa dagaallada iyo loollanada ka dhasha gacan-ku-dhigidda godadka dahabka.
Cabdi Mahad Axmed oo ah dahabqote, da’diisuna tahay saddex iyo soddon jir, waxa soo gaadhay dhaawac ah lugta oo jabtay iyo dhaawacyo halis ah oo xubinka taranka ah. waa dhaawacyo uu ku sababay dagaal bishii Julaay ee 2021 dhex maray saddex beelood oo dhinac ah (Xasan Cali, Xuseen Ciise iyo Abuukar Cali), iyo beesha Aadan Siciid, kuna sal lahaa samaynta maamul hoosaad ay yeelato magaalada Milxo.
Inta badan meelaha dahabka laga qodo ama laga helo waa meelo xasaasiya oo ay ka dhacaan shaqaaqooyin u dhexeeya beelaha deegaanka ah taas oo ay sabab u tahay dabacsanaanta nidaamka.
Dhammaan iskudayadii lagu xallinayey waa lagu fashilmay, khilaafka labada dhinac u dhexeeyeyna waa uu sii ballaadhay, waxaana ku dhintay siddeed qof, saddex qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen. Waxa jira ilo sheegaya in ururka al-Shabaab uu kasoo horjeeday in magaaladan loo sameeyo maamul-hoosaad, arrinkan oo dagaalka sii adkeeyey.
Waxa cad in dagaallada la xidhiidha godadka dahabka ee gobolka Sanaag ay ka dhashaan sababo dhawr ah oo isla falgashan, sidoo kalena dagaallada ka oogan beelaha dhexdooda ee godadka dahabku keliya ma aha kuwo ay shidaalinayaan khilaafka khayraadka, ee sidoo kale waa dagaallo quuta maqnaanta kala dambaynta sharci iyo maqnaanta ha’yadihii rasmiga ahaa. Arrinkani waa waxa godadkii dahabka ee fursado noqon lahaa u beddelaya inay noqdaan il walaac iyo dagaal. Ku baraarugga qodobkaasi waa tallaabada koowaad ee xal u helidda loollankan gobolka ka jira iyo ka faa’iidaysiga dahabka si uu u noqdo mid horumarinta iyo xasilloonida bulshada ka qayb qaata, halkii uu ka noqon lahaa mid sababa dhib.