Thursday 15 May 2025
Faallooyinka ka digaya in Afrikada Bari qarka u saaran tahay colaado dib isu soo cusboonaysiiya waa mid aad u tirabadan maalmahan. Ma jirin tan iyo 2018-kii dal gobolka dhaca oo aan lagu baaqin in qarka laga soo qabto; Suudaan, Suudaanta Koonfureed, Itoobbiya, iyo Soomaaliyaba waxaa lixdii sanno ee u danbeeyay ka dhacay dagaalo burbur badan keenay, oo jilibka u dhigay dawladdaha dalalkaas. Waxa nasiib daro ah, in maanta iyadoo aynu ku jirno sannadka 2025, weli ay taagan tahay digniinta in Afrikada Bari qarka u saaran tahay colaado cusub.
Dadkii bilawgii sannadkan 2025 ka rejo qabay in habka duwan ee Doonal Taraam horseedi doono nabad dhaanta tan madaxweynihii ka horreeyay ee Jow Baydhan, waa loo cudurdaari karaa daacad miskiinimadooda, kolka la eego sida arrimuhu isu soo tarayeen. Maanta dunidu way ka khatar badan tahay waqtiyadii la soo dhaafay, ballanqaadkiisii ahaa in uu noqon doono nabad dhaliye, hal bacaad lagu lisay ayay noqotay, isagoo madaxweynuhu hadda bilaabay in uu si gaar ah u xoogsado oo uu iibiye u noqday shirkadda Tesla.
Sannadka 2025 waxa uu gobolka ugu bilaabmay qabsashadii kedisada ahayd ee kooxda Ruwaanda taageerto ee M23 iyo dallada guud ee Xulafadda Webiga Koongo kula wareegeen magaalooyinka Gooma iyo Bukaafu oo kala dhaca Waqooyiga iyo Koonfurta Kiifu ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo. Weli gebi ahaan ma cadda waxa uu yoolkoodu yahay. Qoraal uu Geeska u qoray Faafa Taamba oo ah aktifist reer Koongo ahi waxa uu ku dooday, in madaxweynaha Ruwaanda ee Bool Kagaame, kaas oo dhawaan natiijo aan la rumaysan karin oo 99% ah kol kale ku doorteen dadweynaha Ruwaandi, uu damac dhuleed ka leeyahay bariga JDK. Halka qaar kale ku doodeen in M23 keliya ay tahay koox u fududaysa in Kigaali si sharci daro ah uga gurato dalka “macdanta dhiiga leh”. Iyadoo Ruwaandi ay tahay dal khayraadku ku yaryihiin, haddana sannadihii u danbeeyay waxay noqotay dalalka u horeeya ee dhoofiya macdanaha koltan, qasaca (tin) iyo kobalt, oo dhammaan ah biro ceegaaga Waqooyiga iyo Koonfurta Kiifu.
Waxa yaabka sii lahaa waa baaqii Korniile Nanga, oo madax u ah Xullafada Webiga Koongo – oo ay kooxda M23-na qayb ka tahay – dhamaadkii Janaayo, kolkuu yidhi, “Gaardiga xorraynta waxaan sii wadaynaa ilaa Kinshaasa.” Emmet Lifigstoon oo ah saxafi saldhigiisu yahay JDK, kaas oo u socdaalay Gooma maalmihii la la wareegay magaaladan ayaa saxaafadda NPR weydiisay in la rumaysan karo baaqa Nangaa ka soo yeedhay, iyo in uu iska yahay bane uun. Warcelintiisu waxay ahayd “waa run.” Wuxuuna ku daray in ay se taasi waqti qaadan doonto, balsa, aan meesha laga saari karin suuragalnimada in isbeddel maamul ka dhici doono JDK. In kastoo aanay caddayn inta ruux ee lagu dilay dagaalka, waxaynu ognahay ka hor intaan M23 bilaabin weeraradeeda, todoba milyan oo qof ayaa barakacayaal ku ahaa JDK gudaheeda, sannadkanna waxaa ku soo biiray tiradaa boqolaal kun oo kale.
Maraykankuna waa uu ka soo toosay hurdadii uu arrintan kaga jiray, wuxuuna qorshaynayaa in uu xayiraado saaro Jaymis Kabarebe, oo wasiir ka ah Ruwaanda, kaas oo la aaminsan yahay in uu yahay ninkii dejiyay qorshaha weerarkii M23 iyo Lawrans Kanyuka Kingistoon oo ah afhayeenka kooxda. Hasa yeeshee, kooxdu waxay sii wadataa gaardigeeda, iyadoo madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, Filigis Jikaseedi uu ku gacan saydhay in uu wada hadalo toos ah la galo kooxda, isagoo ku adkaysanaya in uu toos ula hadlo madaxa ka danbeeya. Halka Kagaame kaga adkaysanayo, si kastoo caddaymuhu cagsiga u tilmaamayaan, in kooxda M23 ay tahay dhaqdhaqaaq reer Koongo wadaan, oo ay tahay in Jikaseedi iyaga toos ula hadlo. Sidaas oo kale Kanyuka isagoo ka qaylinaya madaxadayga Jikaseedi waxa uu yidhi, daacad kama aha in uu daraf ka noqdo dedaalka Angooli xalka ku raadinayso. Waxaan ku suganahay is mariwaa, mana cadda in Kagaame ama Jikaseedi midkoodna tanaasuli doono. Dhanka kalena, meel kasta oo ay cagta dhigto kooxda M23 waxa ka soo baxaya warbixinada hooga ay kooxdu dhigayso, hadday tahay kufsi wadareedyada baaxadda ballaadhan ilaa carruurta hubaysan.
Koonfurta Suudaan oo jaarkeeda ah, waxaa caasimada Jubba soo gaadhay ciidamo Yugaandhiis ah, si ay uga hortagaan suuragalnimada dagaal dhex mara xoogagga daacada u ah Madaxweyne Salfa Kiir iyo xoogagga daacada u ah Riik Maajar, oo ka mid ah shanta madaxweyne ku xigeen ee dalkaas ka jira.
Todobaadadii u danbeeyay xiisadu cirka ayay isku sii shareeraysay, xilli tallaabooyinka labada dhinac qaadayaan wiiqaysay nabadii nugleyd ee labada dhinac loo kala saxeexay 2018-kii. Heshiiskan oo soo afmeeray dagaal sokeeye oo socday shan sanno, kaas oo galaaftay 400,000 oo ruux, ayaa maanta khatar ku jira. Bartamihii Febraayo, Salfa Kiir waxa uu caydhiyay dhawr wasiir iyo badhasaa la la xidhiidhiyo Maajar, waxa uu sidoo kalena ka hawlgaliyay xoogagga dawladda – tallaabooyin Maajar ku tilmaamay in ay jebinayaa heshiiskii 2018.
Dib u hawlgalintani waxay isku dhacyo ka dhex dhalisay xoogagga xukuumadda iyo ciidamo maleeshiyaad lagu magacaabo Ciidanka Cad, kuwaas oo ay ka tirsan yihiin xubno ka soo jeeda qawmiyadda Maajar ee Nuweerka, oo sidoo kalena la la xidhiidhiyo madaxweyne ku xigeenka. Dagaalka waxaa soo qaadatay warbaahinta caalamiga ah horraantii Maarj, ka dib markii diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah oo Qaramada Midoobay leedahay oo u qaabilsan gurmadku, ay weerareen Ciidanka Cad, xilli ay ka daadguraynaysay Maamul Goboleedka Niilka Kore, ciidamada Koonfurta Suudaan, halkaas oo lagu dilay 17 qof siday xukuumadu ku warbixisay. Halka dhankooda Ciidanka Caddi daadafeeyay sheegashadan, iyagoo ku andacooday in ay iska difaaceen rasaas ay ku fureen ciidankii ilaalinayay diyaaradu. Xadhigii lagu la kacay xubno xullafo la ah Maajar horraantii bishan, taas oo keentay mudaharaado, ayaa sii cakiraysay jawiga kala shakiga ee raggan dhexyaala. Alan Boosweel oo Ururka Xasaradaha Caalamiga ah isha ugu haya Suudaanta Koonfureed ayaa u sheegay saxaafadda New York Times in dalku “ku sii hoobanayo colaad buuxda.”
Ururka Xasaradaha Caalamiga ah oo xiganaya dublamaasiyiin aan la magac dhabin, ayaa ku warbixiyay in colaadaha ka soo cuboonaaday gobolka Niilka Kore ay u badan tahay in ay la xidhiidho daabulka hubka ee ka imanaya dagaalka sokeeye ee Suudaan ka socda. Bilihii u danbeeyay xukuumada Koonfurta Suudaan ee lacag yaridu hayso waxay la daalaa dhacaysay in ay dhoofiso saliideeda, taas oo ka dhalatay burburka soo gaadhay tuunbada dhex marta Suudaan ee saliida gaadhsiisa Badda Cas. Isagoo arrintaa ka falcelinayay Salfa Kiir waxa uu xidhiidh la sameeyay ciidamada Janjaweedka (Xoogagga Birmadka ee Suudaan) iyo Iimaaraatka Carabta. Waxay dublamaasiyiinta qaar aaminsan yihiin, in Ciidamada Suudaan xidhiidh dib ula bilaabeen maleeshiyaadka Nuweerka oo xullafo la ah Maajar, iyagoo xidhiidhkaa ka falcelinaya. Ururuka Xasaradaha Caalamiga ah ayaa tafsiirkan u arkay mid macquul ah ka dib markay baadhis sameeyeen.
Dhawaanna, Suudaan ayaa ku tilmaantay cusbitaalka uu Iimaaraatku ka dhisay meel u dhow xuduudka Suudaan ay la leedahay Suudaanta Koonfureed in uu yahay furin looga gol leeyahay in ay gargaar caafimaad u fidiso Janjaweedka, iyadoo maamulka Jubbi arrintaa beeniyay. Xataa madaxweynaha Soomaaliya ayaa wacay Kiir iyo Maajar ba isagoo u muujiyay walaaca ba’an ee uu ka qabo xiisada dhawaanahan ka taagan dalka, xilli uu laftiisu baadigoobayo wadahadal xal loogu raadinayo dirirta kala dhaxaysay hogaamiyaha Buntilaan, Siciid Deni iyo Axmed Madoobaha Jubbalaan. Siduu tilmaamay tifaftiraha qaybta Ingiriisida ee Geeska, Faysal Cali, dhammaan dhinacyada isku haya Soomaaliya in ay iyagu wadahadlaan waxa uga sahlan in ay la hadlaan Maxamed Bin Saayid, iyadoo weliba ay Daacish iyo al-Shabaab dalka ka wadaan weeraro ku-dhufoo-ka-dhaqaaq ah (insurgencies). “iyagoo iska indhatiraya isweydiinta waxa la faa’idi lahaa haddii ay xoogooda isku geeyaan, ayaa xukuumada federaalka iyo xoogagga maamul goboleedyadu dhexdooda is haystaan oo is dagaalayaan,” ayuu qoray, isagoo hoosta ka xusay, iska hor imaadyadyadii Diisambar ka dhex qarxay, taas oo ku khasabtay xoogagga federaalku in ay hubka dhigaan oo u firdhadaan Kiiniya.
Haatan, hogaanka Buntilaan iyo sirdoonka Maraykanku waxay aaminsanyihiin in hogaankii caalamiga ahaa ee Daacish u soo wareegay Waqooyiga Buntilaan, iyadoo xoogagga maamul goboleedku todobaadadii u danbeeyay ku hawlanaayeen in ay ciidamada Daacish u caydhsadaan buuraha, iyagoo boggooda Telegaraamkana ka buuxiyay muuqaalada argagaxa leh ee maydadka. Madaxda Garoowe waxay ku guuleysteen in ay taageero ka helaan Iimaaraatka iyo Maraykanka, iyagoo labaduba ciidamada Buntilaan ku taageerayay duqeymo cirka ah iyo siinta xogaha dayax-gacmeedka ee sheegaya aagaga cadawgu ku jiraan. Intaa wax ka badan ayaa suuragali lahaa haddii ay heshiis ahaan lahaayeen xukuumada Federaalka, oo taageero dheeraad ah ayaa loo fidin lahaa, siduu madaxweyne Xasan Sheekh ballanqaaday kolkuu dib u furay Baarlamaanka bishii hore. Hasa yeeshee, Deni iyo Xasan Sheekh ismari waa ayaa ka dhexeeya, kaas oo salka ku haya wax ka beddelka dastuurka Soomaaliyeed ee Xasan Sheekh soo jeediyay iyo qabashada doorashooyinka shaki la’aan noqon doona, maaweelo.
Siday doonto ha ahaatee, Buntilaan waxay buuraheeda Waqooyi kula dagaalamaysaa cadaw ka kooban, halista u weyn ee Soomaaliya oo ah al-Shabaab, kuwaas oo xukuumada ka soo riixday gobolka Shabeellada Dhexe. Maalmo yar uun ka hor, iyadoo cududeeda muujinaysa al-Shabaab waxay weerartay oo go’doomisay Hudheelka Qaahira ee Beledweyne ku yaal, halkaas oo ay isku urursadaan siyaasiyiinta, saraakiisha ciidanka iyo haldoorka kale ee deegaanku, waxayna halkaa ku dileen 10 qof. Tani waxay dabasocotay warbixino sheegayay in kooxdu aad isugu fidiyeen Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan. Dhamaadkii Febraayo al-Shabaab waxay weerartay oo cagta marisay saldhig ciidamada Soomaaliya ku lahaayeen Balcad, oo ah magaalo 35km oo keliya u jirta caasimada Muqdisho. Bishan Maarj-na waxa warbixino gudaha ka soo baxayaa tilmaameen in al-Shabaab hareeraysay Jowhar, oo ah magaalo madaxda maamul goboleedka Hirshabeelle, oo ay sidoo kalen qabsatay tuulooyin iyo magaalooyin kale oo gobolka ku yaal. Siduu xusay Cabdalla Axmed Muumin, al-Shabaab waxay qabsatay 15 degaan tan iyo dhamaadkii Febraayo. Itoobbiya ayaa loo habarwacday si ay duqeymo cirka ah u qaadaan oo u hakiyaan is fidintooda.
Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu booqasho kedis ah todobaadkii hore ku gaadhay Abuu Dhabi, iyadoo ay sii kordhayaan saadaalaha sheegayana in al-Shabaab wax yar u jirto in ay xukuumada afgembido, waxa la aaminsan yahay in uu codsaday taageero maalyadeed iyo mid milatari. Marka dhinac la iska dhigo, hadaladii ka dhanka ahaa Iimaaraatka ee uu bilihii u danbeeyay dhurayay ee la xidhiidhay xidhiidhka ay Soomaalilaan la leeyihiin, waa madaxweynihii ballanqaaday markuu xukunka yimid in uu cidhibtiri doono kooxda. Haatan, shacabka Soomaaliyeed waxay saadaalinayaan masiirka u danbayn doona xukuumada federaalka, heer uu is tusay Mukhtaar Roobow oo ah wasiirka arrimaha Diintu baahida in uu ka falceliyo. Baaq is difaac ah oo dublamaasiyad ahaana laga wacnaa, waxa uu ku sheegay “Muqdisho Kaabul maahan, Muqdishana Dimishiq maahan, Axmedkiinuna, Axmed Sharac maahan,” intaa waan isku waafaqsanahay. Saadaasha dhicista Muqdisho halka ay hadda wax marayaa waa midaan cago adag ku taagnayn, hasa ahaatee, in kastoo ay run tahay in aan Axmed Diiriye ahayn Axmed al-Sharac, sidaas oo kale ayuuna Xasan Sheekhna u ahayn, oo Axmed al-Sharac laba maalmood gudahood waxa uu heshiis kula gaadhay xoogagga dimuqraadiga ee Siiriya ee ay hor kacayaan Kurdidu in ay qayb ka noqdaan dawladda, heshiis kaas oo kale ahna waxa uu la gaadhay bulshada Duruusta ee Suweyda ku sugan, isagoo ku hagaajiyay dawladdiisa dhantaalan tanaasul iyo mudakarnimo. Halka Xasan Sheekh kala daadiyay guulihii koobnaa ee laga gaadhay dawlad-dhiska Soomaaliya sannadihii u danbeeyay. Muddo xileedka labaad ee Xasan Sheekh Soomaaliya waa mid fadhiid ah oo sabaynaysa, xukuumadiisu waa midaan waxba soo wadin oo iska daba meeraysanaysa.
Hadda, halka walaaca u darani ka jiraa waa Itoobbiya. Muddadii uu xilka hayay Abiy Axmed kolba waxa uu ku dul kufayay colaado is daba taxan, isagoo isla mar ahaataanna hantay abaalmarinta Noobal ee nabadda. Wuxuu cagta ku mariyay gobolka Tigreega dagaal laba sanno socday, wuxuu dagaal ka bilaabay gobolka Amxaarada, wuxuu ku riixay ONLF in ay tixgeliyaan in ay hubka dib u qaataan, sidoo kalena falaago Oromo ah oo ka farcantay OLA ayaa tan iyo xukunkiisa ka hor sii xoogaysanaysay oo wax celiya la la’aa, iyadoo aanay jirin wax rejo ah oo dhankaas ka soo cusboonaan kara. Waxa Ogostii na dhaaftay lagu kala kacayay wareegii labaad ee wadahadallo Daarasalaam uga socday labada dhinac, iyadoo labada dhinacba aanay ku jirin rabitaan in ay miiska wadahadalka dib ugu laabtaan. Heshiiskii Diisambar oo ay qayb ka ahayd OLA waa guul u soo hoyatay xukuumada, Shimeliis Cabdiisa oo ah madaxweynaha Oromiya, wuu ku saxsanaa kolkuu yidhi “waa guul u soo hoyatay dadka Oromada”, balse, heshiisku waa mid badhan, iyadoo weli ay taagan tahay xaaladda kooxda OLA ka farcantay ee uu hogaaminayo Jaal Sagni oo abbaanduule u ahaa OLA. Waa siduu markaa u dhigay Jawaar Maxamede, “in kastoo arrintan loo sawiran karo caqabad ku timid OLA, waa in aan la buunbuunin oo laga dhigin tallaabo wax ku ool ah oo soo afajari karta colaada Oromiya.” Waxa uu sheegay in heshiisyo hore oo la mid ahiba “aanay ku keenin wax saamayn ah jabhadda.”
Bartamihii sannadkii 2024, waxa gudaha Itoobbiya barakac ku ahaa dad gaadhaya 4.5 milyan, halka uu Abiy Axmed buunbuuninayay muhiimada gaadhista badda. Hadaladii xanafka lahaa ee uu Abiy Axmed ku sheeganayay xaqqa muqadaska ah ee uu u leeyay in uu rug ka hanto Badda Cas – kaas oo ahaa baane uu diyaar u ahaa in uu u fuliyo madaxweynihii hore ee Soomaalilaan, isagoo eeganaya danaha muddada dhaw ee uu maamulkiisu ka faa’idayo – ayuu hadda u jeediyay dhanka Eretariya, iyadoo xiisada ka dhex taagan labada dal sii kululaanayso. Cayayaanka Baraha Bulshada ee taageersan Abiy Axmed ayaa wareejinayay khariidado Badda Cas ah, kuwaas oo muujinaya qayb ka mid ah xeebta Eretariya oo la liqay, iyagoo isla mar ahaantaana soo noolaynaya heshiisyo qadiim ah oo qayb ka siinaysa Itoobbiya Casab.
Kala jabka ka dhex taagana xisbiga Jabahadda Xorraynta Dadka Tigreega TPLF, ayaa ah arrinta cusub ee ugu mudan, in kastoo gorfeynaha arrintan laga soo saaray ahaayeen kuwo ku baaqaya in nabad iyo wadahadal lagu dhameeyo khilaafka, haddana waxa macquul in ay tahay arrinta horseedi doonta dagaal toos ah oo ka dhex qarxa Itoobbiya iyo Eretariya. labada dal waxaa hore u dhexmaray dagaal qadhaadh oo markii danbe ay dhexdhexaadiyeen Algeeriyaanku oo soo afmeermay horraantii 2000-dii, balse, markii danbe isu beddelay dagaal qabaw oo dadban oo u dhexeeya labada dhinac, kaas oo ka taagnaa guud ahaan gobolka, ilaa uu xukunka yimid Abiy Axmed 2018-kii. Isaayas Afwerki oo necbaa TPLF-ta iyo Abiy Axmed oo rabay in uu taliskii ka horreeyay daba jaro ayaa isla gartay in la tirtiro TPLF-ta oo is gaashaan buuraystay 2020-kii oo dagaal isku dubaridan ku beegsaday gobolka Tigreega. Heshiiskii nabada ee dagaalka soo afjaray oo ka qabsoomay Biritooriya, ma qancin hogaankii duuga ahaa ee TPLF-ta iyo Afwerkiba, kaas oo ay hadda u muuqatay in uu kooxda u adeegsan karo wajahida Abiy Axmed.
Haatan TPLF-tu waxay u kala jabsan tahay laba garab; garab uu hogaaminayo Getaju Reda, oo la safan maamulka ku meel gaadhka ah ee Tigreega iyo xukuumada Itoobbiya, iyo garab mucaarad ku ah, oo uu hogaaminayo Debrasiyoon Gebramaikaayiil. “kala qaybsanka ku yimid ururku waa mid salka ku haya heshiiskii Biritooriya,” ayuu yidhi Maxamed Kheyr Cumar, oo ah cilmibaadhe iyo khabiir ku xeeldheer gobolku. Wuxuu ku dooday go’aankii uu Abiy ku riday Debrasiyoon Gebramaikaayiil, isagoo Tigreega u baadigoobaya hogaamiye cusub ayaa jidka u xaadhay loollankii awoodda ee dabasocday, kolkuu bilaabay Debrasiyoon Gebramaikaayiil in uu iska fogeeyo dhinacyadii heshiiska taageeray ee ka tirsanaa hogaanka TPLF. Oktoobartii sannadkii hore, ayaa xiisadu cirka isku shareertay, ka dib markii Debrasiyoon xisbiga ka caydhiyay Getaaju, taas oo uu kaga falceliyay in uu isna shaqo ka fadhiisin ku sameeyo saraakiil sare oo Tigree ah kuwaas oo la safnaa TPLF-ta.
Mid ka mida lataliyayaasha saree Getaaju, Woldhesalaase Woldhemikaayiil ayaa u sheegay saxaafadda The New Humanitarian in “Getaaju si joogto ah ayuu u taageersanaa heshiiskii Biritooriya. Halka Debrasiyoon ka rabo in uu hakiyo heshiiska, oo uu ka dhigto agab siyaasadeed oo uu ku horjoogsado hirgalinta heshiiska, dabadeedna, hadhow yidhaa waxaas oo dhan waxaa ka danbeeya Getaaju.”
Debrasiyoon waxa uu go’aankiisa uu ku daadafaynayo heshiiska Biritooriya ku sababeeyay in aan Getaaju gorgortan gelin ee uu amaro uun soo qaatay, isagoo u sawiray nin u jilba joogsaday oo isu dhiibay Abiy Axmed, oo isla mar ahaantaana ku guuldaraystay in uu ka shaqeeyo danta dadkiisa. “qodobada heshiiska oo dhan waxaa yeedhisay xukuumada”, ayuu yidhi. Garabka la safan Gebrasiyoon ayaa tan iyo markaa qabsatay magaalooyin dhawr ah, oo ay ka mid yihiin Adigraat iyo Adi-Gudeem, oo ah laba magaaloo waaweyn iyo madaarka caasimada Maqalle. Reeda tallaabooyinkan waxa uu ku tilmaamay afgembi wuxuuna taageero weydiistay federaalka.
In kastoo uu dhan yahay khilaafka kala dhexeeya TPLF-tu, haddana xeeldheerayaashu waxay walaac ka muujiyeen in khilaafka gudaha ee Tigreegu uu horseedi karo isku dhac dhex mara Itoobbiya iyo Eretariya oo labada dhinac la kala safan. Addis Ababa iyo Asmari waxay heegan galiyeen ciidamadooda, taas oo ku riixday Janaraal Itoobbiyaan ahi in uu ku doodo in hadda dagaal “lagama baaqsadaan yahay”. “Dabciga u diyaargarawga dagaalku waxa uu gaadhaa heer, ay adag tahay in la celiyaa,” ayuu Africa Report u qoray Janaraal Tsadkan. Dublamsiiyiin sare oo Yurubiyaan iyo Ameerikaan ah ayaa sidoo kale si adag uga digay qoraal ay u qoreen Foreign Policy: “xilli uu qalalaase ka taagan yahay gobolka iyo caalamkaba, xaaladda sii xumaanaysa ee Tigreegu waa xaabo sugayso kabriid in la qabadsiiyo, taas oo qarxin karta dagaal dhex mara Itoobbiya iyo Tigreega”.
Baytoon Noof oo ahaa ergaygii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa Geeska Afrika, iyo Aleksandar Rondoos, oo ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub gobolka ku metela, ayaa waxay aaminsan yihiin in dagaal kale oo qarxaa uu yahay halis ku soo jiidi karta Suudaan in ay qayb ka noqoto, Suudaan waxa TPLF-ta kala dhexeeya xidhiidh diiran oo soo taxnaa tan iyo horraantii 1990-dii. Waxa la sheegaa in dagaalyahano Tigree ahi ka barbar dagaalamayaan ciidamada Suudaan, dagaalkooda ka dhanka ah Ciidmada Birmadka/Janjaweedka. “Dagaal ka dhex qarxa Itoobbiya iyo Eretariya oo uu sababo burburka heshiiska Biritooriya, waxa uu liqi karaa guud ahaa Waqooyigabari ee Afrika iyo degaanada muhiimada degal-siyaasadeed leh ee Badda Cas,” ayay yidhaahdeen Noof iyo Randoos.
Muuqaalka guud ee gobolku maaha mid la mahadiyo, haddii aan dhabbe cusub oo jidka nabada ku haga la helin, hoog ayaa ka dhalan doona. Nidaamkeena siyaasadeed u sii qafaalnaan maayo doqmo dagaal oogayaal ah, oo doorkii xukuumada ku koobay qaybsashada qaniimada, si ay uga baaqsadaan in ay is xabbadeeyaan. Waxa sidoo kale aad muhiim u ah in aan dadku raacin siyaasiyiintan oo aanay qadaaso siin taallooyinkooda ka samaysan rejada dhalanteedka ah, waa siduu Nuuradiin Faarax ku tilmaamay isku daygii taliskii Siyaad Barre ku sheeganayay dhaxalo uu is lahaa waxay xoojinayaa oo sharciyad siinayaan taliskiisa. Sheekooyinkay inooga sheegayaan adduunku maaha kuwo ka turjumaya xaqiiqada.
Jiilka maanta hogaaminayo gobolku waa kuwo ka karti liita jiilashii ka horeeyay, iyagoo ah da’ yar waxbarasho wanaagsan helay, taas oo lamahuraan ka dhigaysa in aynu ku dhiirano in aan si duwan u fekerno oo aan ku kobcino aragtiyaheena fekradaha u wanaagsan ee aan heli karno. Mushkiladaha ina haysta waxba ka qaban kari mayno, oo waxay iska noqonaysaa milil dusha laga dhayayo, inta ay golaha baarlamaanka ee Soomaaliya ceegaagaan wakiilo qabiil oo wax ma tarayaal ah, inta Itoobbiya ay isku haystaan hogaamiyayaal dakano isu wada qaba oo u heellan in ay u loogaan da’ yarta damacooda ay ku baadigoobayaan aargoosi, ama is ballaadhin sida Kagaame, ee ay u suuragal tahay in ay u xoogsheegtaan dalalka jaarka la ahay oo ay gurtaan macdanahooda. Haddii kale aakhirka digniinahaa joogtada ee daaran colaada qarka gobolku u saaran yahay marka danbe way dhaboobi, meel fog baana la innaga dooni. In qarka dib looga soo joogo oo keliya inaguma filna, waxaan u baahanahay hiigsiga mustaqbal dhaafsiisan siyaasadda isku jiqsiinta iyo caqliyadda suquuqulka.