Skip to main content

Saturday 8 August 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp

Geeska Podcast: Sooyaalka Aqooneed iyo Fikir ee Prof. Xuseen Cabdillaahi Bulxan | Qaybta 2aad

18 July, 2026
Share

Wada-sheekaysigan cilmiyeed waxaannu ku martigelinnay Prof. Xuseen Cabdillaahi Bulxan, waxaana daadihinayey Khadar Maxamed Muxumed. Qaybtan labaad waxa lagu falanqaynayaa aragtiyaha ku duugan buugaagtiisa In-Between Three Civilizations iyo The Politics of Cain. Waxa kale oo lagu eegayaa doodihiisa ku saabsan asalka Soomaalida, wixii ay rumaysnaayeen ka hor diinta Islaamka, isdhexgalka xaddaaradaha, saamaynta gumaysiga, siyaasadda qabiilka, dawladdii gumaysiga laga dhaxlay iyo haldoorkii siyaasadeed ee dhaxlay dawladnimadaas.