Skip to main content

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Sawirro

Geeska Podcast: Sooyaalka Aqooneed iyo Fikir ee Prof. Xuseen Cabdillaahi Bulxan

10 July, 2026
Share

Wada-sheekaysigan cilmiyeed waxaannu ku martigelinnay Prof. Xuseen Cabdillaahi Bulxan, waxaana daadihinayey Khadar Maxamed Muxumed.

Waxa lagu eegayaa taariikh-nololeedka Prof. Bulxan, sooyaalkiisa waxbarasho iyo waxdhigis, aragtiyaha ku duugan buugaagtiisa iyo qoraalladiisa, iyo doorkii ballaadhnaa ee uu ka soo qaatay aqoonta, fikirka iyo bulshada Soomaalida.

Wada-sheekaysigu waxa kale oo uu si qoto dheer u dul istaagayaa saddex ka mid ah buugaagtiisa: In-Between Three Civilizations, The Politics of Cain iyo Losing the Art of Survival and Dignity. Waxa lagu eegayaa doodihiisa ku saabsan asalka Soomaalida, wixii ay rumaysnaayeen ka hor diinta Islaamka, isdhexgalka xaddaaradaha, saamaynta gumaysiga, siyaasadda qabiilka iyo qaabkii dawladnimo ee laga dhaxlay gumaysiga.

Waxa si gaar ah loo falanqaynayaa samaysankii haldoorka siyaasadeed ee dawladnimadaas dhaxlay, sida qabiilka iyo awoodda dawladda loo adeegsaday, iyo sababihii horseeday burburkii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed. Waxa kale oo lagu eegayaa kala duwanaanshihii habkii siyaasadeed ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Maxamed Siyaad Barre, iyo doodda Prof. Bulxan ee ku saabsan lumitaankii isku-filnaanshaha iyo karaamada bulshada Soomaalida.

Ugu dambayn, wada-sheekaysigu waxa uu taabanayaa doorkii Prof. Bulxan ka qaatay nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta, iyo aasaaskii Akademiyadda Nabadda iyo Horumarinta Somaliland.