Skip to main content

Tuesday 14 July 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp

Geeska Podcast: Sooyaalka Aqooneed iyo Fikir ee Prof. Axmed Ismaaciil Samatar

17 July, 2025
Share

Xalqaddeena 1-aad ee geeska podcast waxa aanu wada sheekaysi qoto dheer la yeelannay Barofesoor Axmed Ismaaciil Samatar oo ah aqoonyahan ku xeeldheer lafa-gurka iyo diraasaynta arrimaha Soomaalida. Wada sheekaysigu wuxuu daarran yahay sooyaalkiisii aqooneed iyo waayo-aragnimadiisa ku saabsan cilmibaadhista Soomaalida. Waxa kale oo uu ka hadli doonnaa doorka suugaanta iyo fanku uugu jiraan bulshada. 

Samatar waxa waraysanaya Khadar Maxamed Muxummed, oo ah qoraa iyo cilmibaadhe daneeya cilmibaadhista Soomaalida, isla markaana ku xidhan waxsoosaarka Barafesoorka.