Skip to main content

Saturday 6 December 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Geeska Afrika oo Qar ka Lusha: Damaca Itoobiya ee Casab iyo Tallaabada Maraykanka la Gudboon

12 November, 2025
Image
Geeska Afrika oo Qar ka Lusha: Damaca Itoobiya ee Casab iyo Tallaabada Maraykanka la Gudboon
Share

Labaatankii bilood ee dhammaaday, xilli Bariga Dhexe dhex dabbaalanayey mawjado dagaallo ba’an, dhinaca koonfureed ee Badda Cas isna waxa uu isku rogay bar walaac caalami ahi kasoo fool leeyahay. Bilawgii 2025, Maraykanku waxa balaayiin doollar ku bixiyey hawlgal milatari oo uu ku qaaday Xuutiyiinta Yaman, ka dib markii ay bartilmaameedsadeen isu-socodka badda caalamiga ah ee ka gudbaya mid ka mid ah marinnada ugu mashquulka badan dunida, xilli uu taaganyahay dagaalka Israa’iil ku qaadday Qasa. Hase ahaatee, awoodaha gobolka iyo kuwa caalamiga ahiba si weyn bay isaga indho tireen dhibaato aan ka halis yarayn oo ka taagan dhinaca kale ee Afrika ee Badda Cas, oo ah dhibaato dhereran xeebaha Geeska Afrika, oo u eg in ay si dhakhso ah isugu beddesho holac ballaadhan, haddii aan si degdeg ah looga arrinsan.

Salka dhibtu waa mid ka dhexeeya dal xeebeedka Eretariya iyo jaarkiisa Itoobiya, oo ah dal ka go’doonsan badda tan iyo kolkii ay Eretariya madaxbannaanida ka qaadatay 1993-kii. Bishii Noofambar ee 2023, Raysalwasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed waxa uu shaaciyey in helitaanka marin ay u maraan Badda Cas ay Itoobiya u tahay “arrin jiritaan”, isagoo si gaar ah u xusay dekedda Casab ee koonfurta Eretariya, waxaanu ku tilmaamay deked ay habboontahay in ay Itoobiya maamusho. Laga soo bilaabo maalintaas, xanafta labada dal cirka ayay isku shareertay, waxaana loo arkay in Itoobiya ay xoogaggeeda si toos ah u gaynayso Casab oo xuduuddeeda ka fog keliya 60 kiiloomitir. Inkaste oo uu Abiy dafiray in Itoobiya hayso niyad lagu dagaal galo, haddana labada dhinacba waxa ay dedaal ugu jireen tartan is hubayn oo qarsoon: diyaaradaha bilaa duuliyaha ah, nidaamyo ka hortaga diyaaradahaas, gantaallo iyo fagaarayaal laga gano, hub kala duwan iyo gawaadhida gaashaaman ee ku habboon ku dagaallanka deegaanno lamadegaan ah.

Toddobaadyadii u dambeeyey, unugyo ciidamo ah oo labada dhinac ka kala socdaa usoo dhawaaday xuduudda labada dal wadaagaan, hadallada xanafta leh iyo hanjabaadaha labada dhinacna aad bay u kordheen.

Ku dagaallanka dekadCasab oo kale ahi ma aha wax sahlan, se haddana waxa halista dagaalka muuqda sii labajibbaarayaa waa suurogalnimada in uu ku fido dhinaca waqooyi ee ah gobolka Tigrayga, dhinacana ku haya Eretariya, sidoo kalena fagaaraha u ahaa dagaalkii aadka u weynaa ee socday 2020 ilaa 2022, una dhexeeyey xukuumadda Federaalka Itoobiya iyo TPLF. Waxa laga rejo qabay in Heshiiskii Nabadda ee la gaadhay – ka dib kolkii 600 oo kun oo qof ku naf waayeen dagaalkaas, boqollaal kun oo rayid ahina ku dhinteen, qax iyo burbur kalena uu sababay – in uu dhaliyo deggenaansho cusub oo gobolka iyo Itoobiya oo dhanba ah. Hase ahaatee, qodobbadii heshiiska waxyar baa la fuliyey. Illaa hadda unugyo ciidamo Eretariyaan ah ayaa ku sugan gobolka Tigrayga, qaybo kale oo gobolka ka tirsan waxa la raaciyey Dawlad-deegaanka Amxaarada, jabhaddii TPLF-na waxa ay u kala jabtay laba garab oo is colaadiya, garab kastaana waxa uu samaystay isbahaysi ka kale mucaarid ku ah oo kala ah Addis Ababa iyo Asmara, waxaanay bilawday samaynta garabyo kala qaybsan oo hubaysan.

Haddii dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Eretariya, gobolka Tigrayga ayaa mar kale noqonaya meesha la isku foodsaaro, walow uu dagaalkani yeelanayo cawaaqib argagax leh oo gaadha gebi ahaan Geeska. Labada dhinacba waxa ay heegan la yihiin ciidamo diyaarsan, waxaana kala hoggaaminaya hoggaamiyayaal u diyaarsan khaasaraha. Dagaalkani waa mid sababaya inay meesha ka baxdo nabaddii aan awalba cagaha adag ku taagnayn iyo dumidda habraacyadii nabadda ee gobolka, Soomaaliya iyo Suudaanna waxa uu sii gelinayaa qalalaase hor leh oo aan dhammaan. Dagaalkan suurogalnimadiisu sarrayso waxa hurinaya awoodo Bariga Dhexe ah oo ku loollamaya gobolka; Imaaraadka Carabta oo u janjeedha Itoobiya, iyo dalalka Masar, Sucuudiga iyo Turkiga oo u muuqda inay u dhawyihiin danaha Eretariya.

Sidaas oo ay tahay, dagaalkani geed-ka-go’an maaha. Cadaadis maangala oo dunidu bixisaa waxa uu Itoobiya ku khasbi karaa fulinta Heshiiskii Nabadda ee Biritooriya oo la saxeexay bishii Noofambar 2022, waana isla codsigii hore ee dadka Tigrayga. Sidoo kale, hoggaanka Tigrayga waxa masuuliyaddooda ah ka fogaanta in deegaanku noqdo bar ay ku hirdamaan Addis Ababa iyo Asmara. Arrinka xaqiiqada ahi waa in dhexdhexaadnimada Tigraygu, haddii weeye hoggaanku deegaanku qaato e, ay adkaynayso suurogalnimada in Abiy isku dayo gaadhidda Casab, kana dhigayso mid aan suurogal ahayn siyaasad ahaan iyo milatari ahaanba.

Sannado kooban ka hor, halista ah in uu qarxo dagaal weyn oo Geeska Afrika ah waxa jaangoynayey isbeddelka diblumaasiyadda Washington, Yurub, Qaramada Midoobay iyo Midawga Afrika. Hase yeeshee maanta, Galbeedku waxa uu ku mashquulsanyahay arrimo kale, ururradii caalamiga ahaana waa kuwo sii talaxgabaya. Dhinaca keliya ee soo hadhay ee awood u leh in dhammaan dhinacyada is haya uu isugu keeno miiska wadahadalku waa Maraykanka.

Sifaynta xisaabo hore

In gobolka Tigraygu xuddun u noqdo khilaafka iyo saansaanta colaadeed ee ka dhex taagan Itoobiya iyo Eretariya waxa sababteeda leh natiijada dagaalkii hore ee deegaankan ka dhacay. Kolkii dagaalkaasi qarxay, Itoobiya iyo Eretariya oo dhinac ah ayaa soo wada saftay, ujeedkooduna waxa uu ahaa jabinta TPLF. Abiy Axmed waxa uu rabay qaab siyaasadeed oo gudeed, oo jabhadda daciifisa, ugu dambaynna xisbul-xaakimkiisa kusoo darta. Madaxweynaha Eretariya, Asiyaas Afawekina waxa uu jabhadda u hayay colaad hore oo uu rabay in uu ka aarsado, isagoo keliya aan u dan lahayn kala furfurkeeda, ee sidoo kale raba in jabhaddu ka caagto in ay xitaa mustaqbalka khatar ku noqon karto Eretariya. Isbahaysigan waxa kale oo ku biiray malleeshiyaadka Amxaarada oo iyaguna rabay in qaybo ka mid ah gobolka Tigrayga lagu daro gobolkooda oo ay sooyaal ahaan sheeganayeen.

Laba sanno oo dagaal ba’ani socday, sidoo kalena ay u dheerayd xayiraad gobolka qarka u saartay macaluul, Tigraygu waxa ay yeeleen heshiis nabadeed. Maraykanku waxa uu ku guulaystay in uu xukuumadda Itoobiya iyo TPLF isugu keeno miiska wadahadalka ee magaalada Biritooriya ee Koonfur Afrika, waxaana dhinaciisa hawsha kala waday Midawga Afrika, wadahadalkaasna waxa ka dhashay heshiiskii dagaalka soo afjaray ee bishii Noofambar 2022. Hase ahaatee, heshiiskani gunta kama wada dhisnayn: si degdeg ah ayaa loo abaabulay, qaababka fulinta iyo korjoogtayntuna sal adag ma lahayn. Inkastoo loogu dabbaal degay in uu yahay guul weyn oo diblumaasiyadeed, haddana cadaadiskii la iska rabay lama saarin dhinacyada si loo dammaanad qaado fulintiisa, waana sababta labada dhinac isaga indho tireen inta badan tiirarkii heshiiska. Xitaa lama fulin baahiyahii aadamannimo ee aasaasiga u ahaa gobolka Tigrayga.

Arrinka intanba ka halista badani waa in Heshiiska Biritooriya uu meesha ka saaray laba dhinac oo muhiim ahaa: Eretariya iyo hoggaankii deegaanka Amxaarada. Dhexdhexaadiyayaashu waxa ay sawirteen in labadan dhinac ay Abiy Axmed ku daba faylsan yihiin, se judhiiba khilaafkoodaa soo baxay. Bilawgii 2023, Abiy waxa uu amray hub-dhigista malleeshiyada Faano ee Amxaarada, sidoo kalena ciidamadeeda lagu soo koobo booliska rabshadaha la dagaallama. Faano waa ay diidday amarkan, toddobaaddo kooban ka dibna waxa ay dagaal toos ah kala hor timi ciidamada qaranka oo ay dagaalka kaga fureen furimo badan oo isla deegaanka Amxaarada ah. Laga soo bilaabo kolkaas, waxa iska soo daba dhacayey warbixino bille ah oo sheegaya tobanaan ama boqolaal ku dhintay dagaallada, xasuuqyo iyo weerarrada diyaarado aan duuliye lahayn, Qaramada Midoobayna waxa ay qiyaastay ku dhawaad nus milyan dad ah oo dagaalka ku barakacay, una baahan gargaar.

Dhinaca kale, Eretariya waxa ay dareentay in Heshiiska Nabaddu dhabarka ka toogtay. Afawerki waxa uu rabay in dagaalka la sii wado illaa si dhammaystiran loo burburinayo TPLF, waxa kale oo uu walaac ka qabay isku dhawaanshaha Itoobiya iyo Washington, waxaanu ka cabsanayey in heshiiska loo sameeyey in lagu shiikhiyo kaalintiisa. Kolkii xidhiidhka labada dal madmadawga galay, labada dhinacba waxa ay raadiyeen wax uu ka kale ku cadaadiyo: Addis Ababa waxa ay kaalmaysay xoogag mucaarad oo gudaha Eretariya ah, Asmarana waxa ay kaga jawaabtay garabsiinta kooxo Itoobiya kasoo horjeeda, malleeshiyada Faano ayaanay hub siisay. Noofambar 2023, Abiy waxa uu shaaciyey in baahida Itoobiya u qabto bad aanay kaliya ku salaysnayn arrin dhaqaale, ee ay sidoo kale xaq taariikhi ah u leeyihiin helidda dekedda Casab. Kolkaas may kala caddayn in uu ku rabo tanaasulka Eretariya iyo in uu qorshaynayo in uu dekedda ku helo jidka dagaalka.

Bilawgii sannadkii 2024, khilaafku waxa uu hoos u dhacay kolkii Itoobiya is-afgarad la saxeexday Somaliland. Is-afgarad dhigayey in Itoobiya aqoonsato Somaliland, taa beddelkeedana ay hesho marin ay badda u marto. Hase ahaatee, qorshahani waa uu kala daatay kolkii Soomaaliya olole weyn oo arrinkan ku mucaaradayso ay samaysay, iyadoo ka cabsi qabta madaxbannaanida Somaliland iyo in Itoobiya gobolka ku xoogganaato. Bishii Diisambar ee 2024, Turkiga ayaa dhexdhexaadiyey Soomaaliya iyo Itoobiya, waana kolka uu Abiy dib u bilaabay in uu Casab kusoo jeesto.

Haddii uu Abiy Axmed ku adkaysto in uu dagaalka ku socdo, ciidankiisu mabda’ ahaan way awoodaan in ay si toos ah u gaadhaan magaalada Casab oo ka fog caasimadda Asmara iyo deegaannada kale ee Eretariya dadku ku badanyihiin. Hase ahaatee, siday doonto ha noqoto natiijada ismiidaamintaasiye, waxa ay u badantahay in sidoo kale ay meesha imanayaan hawlgallo milatari oo deegaanka Tigrayga ka dhex qarxa, ahna deegaan labada dhinacba dano ku leeyihiin. Sababta u weyni waa jiritaanka Xoogagga Difaaca Tigrayga, oo ah ciidanka deegaanka ee TPLF hoggaamiso, lana unkay dagaalkii 2020, tiradoodana lagu qiyaaso 274 kun oo dagaalyahan. Waxa ciidamadan ku jira rugcaddaa hore oo kasoo dagaallamay dagaalkii 1974 ilaa 1991-kii, waxa kale oo ku jira askar iyo saraakiil uu Abiy ka saaray ciidanka Itoobiya. Bilihii u dambeeyey, Addis Ababa iyo Asmara waxa ay tartan ugu jireen soo jiidashada Tigrayga iyo xoogaggaas, dhinac kastaana waxa uu isku dayay in uu gudaha Xoogagga Difaaca saamayn ku yeesho.

Kala fogaanta Itoobiya iyo Eretariya awgood, xasilloonidii Tigrayga ee aan awalba adkayni waa ay sii dumaysaa. Inkastoo maamulkii ku meelgaadhka ahaa ee TPLF ka samaysay Maqalle, Heshiiska Biritooriya ka dib uu la tiicayey dhibaatooyin maamul, haddana waxa gundhig u ahaa soo afjaridda dagaalka iyo xoojinta xasilloonida. Saamaynta dagaalku waa ay weyneyd; magaalooyin dumay, dad macaluulaya oo qaxay iyo dugsiyo iyo cisbitaallo shaqadii joojiyey oo la xidhay. Shaqada maamulka u taallaa kolkaas waa ay cuslayd, se intii hore waxa muuqatay in Maamulka Kumeelgaadhka ahi uu jidkii saxda ahaa ku socdo.

Hase ahaatee, midnimadii Tigraygu waxa kala daatay muddo yar ka dib, TPLF-na waxa ay u kala jabtay laba garab: garab uu horkacayo Debretsiyoon Gabremakaa’il oo Asmara u janjeedha, iyo garab kale oo uu hoggaaminayo Gataajaw Reda oo Addis Ababa u janjeedha. Xitaa hoggaanka sare ee Xoogagga Difaaca Tigrayga oo kolkii hore iska fogaysay khilaafka labada garab hadda waa ay kala qaybsantay; Tadesse Werede oo dhinac ah ayaa hoggaaminaya xukuumadda dawlad-deegaanka hadda, halka garabka dhinaca Eretariya u janjeedhana uu hoggaaminayo ganacsade deggan Khaliijka, Dawit Gebregziabher, oo bookhashooyinkiisu ku soo laablaabteen Asmara. Warbixino ayaa sheegaya xidhiidho ay saraakiil jabhadda ahi la sameeyaan saraakiil Eretariyaan ah.

Sababaynta u furfuranka Eretariya waa mid siyaabo kala duwan loo dhigo. Koox baa aaminsan in u furfurankani jid u yahay in Itoobiya laga go’o oo la sameeyo Tigray madaxbannaan, koox kale ayaa aaminsan in Addis Ababa ay gobolkan dayacday, oo la safashada dadka Tigrayga ku hadlaa tahay siyaasad dheef ku dhisan oo dhibta lagaga bixi karo, hase ahaatee sheekada rasmiga ahi waa in jabhaddu ku doodayso in ay xaq u leedahay doorashada cidda ay la macaamilayso ee danteedu ku jirto. Eretariya dhinaceeda waxa ay xidhiidh la samaynta TPLF u aragtaa xidhiidh danteeda u adeegaya oo ay ku jilcin karto awoodda Tigrayga iyo cadaadiska Itoobiya.

Kala jiidashadani waa waxa sababay in seeskii siyaasadeed iyo bulsheed ee gobolku dumo. Waxa si weyn loo aaminsanyahay in musuqmaasuqu si weyn uga qayb yahay khilaafka. Laga soo bilaabo kolkii dagaalku dhammaaday, ku walafka dahabka ayaa gobolka ka dillaacay, macdan qodista rukhsad loo haysto iyo mid aan loo haysanna waa la dardar galiyey. Waxa kale oo gobolka ka bilaabmay in dahabka la tahriibiyo, lagana iibiyo Bangiga Dhexe ee Itoobiya oo kolkaa dhibaato dhaqaale iyo suququl doollar ku jiray. Xuduudda gobolka oo dhan baa isku beddeshay meelo wax lagala dhuunto, oo sida Maamulka Kumeelgaadhka ahi shaaciyey, waxa jira caddaymo ka ganacsiga aadamaha. Cisbitaalladu waxa ay xaqiijinayaan in ay si maalinle ah ula kulmaan tobannaan kasoo badbaaday xadgudub galmo, intooda badanina ka yimaaddeen deegaannada ay weli haystaan ciidamada Eretariya.

Isla jeerkan, waxa si joogto ah loogu tuntaa qodobbadii Heshiiskii Biritooriya. Ciidamada Amxaarada oo haysta inta badan galbeedka iyo waqooyi-galbeed Tigraygu waxa ay si badheedh ah u diideen in ay deegaannadaas ka baxaan, sidoo kale ciidamo Eretariyaan ah ayaa weli gobolka ku sugan. Dad ka badan 1.5 milyan qof oo qaxay ayaa weli ku nool xeryo qaxoonti ama dhismayaal dadweyne. Dugsiyada, cisbitaallada iyo wakaaladaha biyaha ee xidhmay weli dib looma furin, mushaharka shaqaaluhuna waa uu soo habsaamaa. Ciidamo ka badan 200 kun oo dagaalyahannadii Xoogagga Difaaca Tigraygu weli may helin xuquuqdii kala diridda, dhaawac badanina waxa ay u baahanyihiin adeegyo aasaasi ah. Gaajada lafteedu waa mid joogto ah, saamaynta u xunna waxa ku yeeshay hoos u dhaca daran ee uu Maraykanku ku sameeyey kaalmooyinkii USAID.

Sannadkii 2022, Maraykanku waxa uu maalgaliyey in ka badan boqolkiiba 50 guud ahaan 2.3 bilyan doollar oo kaalmooyinka caalamiga ah ee Itoobiya la siiyey. Hase ahaatee sannadkan, oo gargaarkii aadame sii yaraaday, dalku waxa uu helay boqolkiiba 6.7 baaqii Qaramada Midoobay, oo u dhiganta 612 milyan oo doollar, halka gargaarkii Maraykanku uu ku dhaw yahay in uu istaago. Isku dhexyaacani waa ka sahlaya ku laabashada hubka. Ma adka in Tigraygu helaan askar cusub iyo kuwo hore oo raba in ay dagaal ka qayb qaataan, si ay uga baxaan giraanta aan waxba kasoo bidhaamayn. Hase ahaatee, dagaal cusubi waa mid ka dhigan uun burbur cusub iyo macaluul hor leh.

Ka hortagga in aan dagaal cusubi ka dhicin Geeska Afrika

Walow xaaladdu adag tahay, haddana dhexdhexaad ka noqoshada Tigrayga ee dagaalka la filan karo waa arrin weli suurogal ah. Gobolkani waxa uu awoodaa in uu diido u janjeedhsiga dhinacyada is haya ee Itoobiyo iyo Eretariya. Labada garab ee TPLF waxa ay dantoodu ku jirtaa ka fogaanshaha dagaalka iyo in aan la isku dhex laynin. Ka sokow in iskhilaafkoodu sababay la kala safasho dhinacyo, haddana waxa ay awoodaan ka fogaanshaha in ay deegaankooda dagaal usoo jiidaan.

Dadka Tigrayga ayaa hadda awood u leh jaangoynta waxa ay Addis Ababa iyo Asmara rabaan, labadan dhinacna ma awoodaan rididda dagaal aanu gobolkan ku jirin, dhinacna aanu la safnayn. Dagaalka Casa waa wax u eg maahmaahdii “laba qaawani isma qaaddo”. Haddiiba Itoobiya millatari ahaan guulaysato, oo ay dekeddaas qabsato, waa xadgudub cad oo qaanuunka caalamigaa ah, shirkadaha shixnadaha iyo dekeduhuna waa ay ka fogaan doonaan deked khasab lagu qabsaday, sidaas awgeed, xukuumadda Abiy waxa ay ku jiri doontaa go’doon caalami ah. Sidoo kale ma cadda in qabsashadiisa dekeddaasi xoojin doonto taageerada gudaha. Dhinaca Eretariya, waxa adag in ay ku dagaallanto ama ilaashato dekeddan cidhifka lamadegaanka ku taalla, se kolka ay lumiso dekeddan, kuma adkaanayso in ay gudaha Itoobiya dab ka huriso, oo ay caawiso garabyo dagaal kula jira Addis Ababa, arrinkan oo Itoobiya cagaha u galinaya xasillooni darro cusub.

Ka sokow gargaarka aadamnimo ee dadka loo fidinayo, sidoo kale waxa baahi weyn loo qabaa fulinta qodobbadii Heshiiskii Biritooriya. Ma aha qodobbo adag, oo xitaa kakan; waa bixitaanka ciidamada Amxaarada, xuduudda dawlad-deegaanka oo halkii dagaalka ka hor lagu celiyo, dib u dejinta qaxoontiga, furidda wadahadallo Tigrayga ah iyo booska ay ku yeelanayaan siyaasadda dalka. Dhammaan qodobbadani waa ay laalanyihiin, sababtoo ah dhinaca xoogga badan ee Federaalka ayaan weli cadaadis sax ah lagu saarin fulintooda.

Dalalka Galbeedka ee gargaarka bixiyaa waa ay awoodaan in ay gargaarkooda shardi uga dhigaan fulinta qodobbadaas, cadaadiskaa awgiina waxa suurogali kara in miiskaas wadahadalka la iskugu yimaaddo, bilaw cusubina yimaaddo.