Monday 23 June 2025
Dhawaan waxa dunida ka baxay Jose Alberto Mujica (1935 – 2025), oo madaxweyne ka noqday Urugway muddadii u dhaxaysay 2010 ilaa 2015. Waa madaxweynaha lagu tilmaamo, laguna tilmaami doono madaxweynihii dunida ugu saboolsanaa. Dunidan hadda ee wax kasta degdegga yihiin, laguna koobsado cinwaannada soo jiidashada leh, weedhaas kooban ninkan iyo sooyaalkiisaba lagu soo koobaa, laguna aasaa aragtidiisii iyo falsafaddiisii. Intaas baa lagaga koobsadaa madaxweynahan lagu bartay isdhuldhigga, boqolkiiba sagaashan mushaharkiisana u qaybin jiray saboolka. Madaxweynahan diiday in uu qasriga madaxtooyada ku noolaado, si uu hoy ugu noqdo dadka bilaa hoyga ah. Madaxweynahan watay baabuurkiisa Volks-ka buluugga ah ee soo baxay 1987-kii, diidayna in uu ku iibiyo milyanka doollar. Madaxweynaha sidan u dhaqmayey waxa uu noolaa dunidan la weyneeyo dhaqanka Hantigoosadka ee ku faanta hodantinnimada, dadkaas hodanka ahina cirka u baxeen, kuwa saboolka ahina dhulka gogladaan. Sidaas oo ay tahay, madaxweynahani isuma aqoonsanayn sabool, oo aragtidiisa, saboolku maaha qofka aan wax badan haysan, se waa qofka aanay waxba deeqin, ee hanqaltaagga badan, waxaanu leeyahay “habnololeedkaygu waa midhahaan beertay, qof sooyaalkiisa ku abtirsada ayaanan ahay, waxaanan soo noolaa sannado aan ku faraxsanaa waxa ugu yar ee aan haysto”.
Waa ay yartahay in dunidan loo damqado madaxweyne ama hoggaamiye dhintay, sababtoo ah badankoodu waxa ay ka tagaan kayd xoolo ah oo ay xoogeen iyo xasuuso ay ka buuxaan dambiyo, tacaddiyo iyo fadeexado, xoolaha ay boobka ku heleenna waxa ay uga tagaan dadka dhaxlaya; waa xoolo aanay sina ku mutaysan, ee ay boobeen, ama ay xilka ku heleen. Se, Madaxweyne jose Albertowaa qof sidaas aad uga duwan, waana mid habboon in aan la illaawin, amaba aan la is illawsiin siyaasaddiisii, aydhiyoolajiyaddiisii iyo sooyaalkiisii halgan. Jose Alberto, waxa uu siyaasadda ku biiray isagoo 14 jir ah, waxaanu ballanqaaday inaanu halganka dhigin ilaa qabriga loo qaado. Waxa uu bartay sharciga, se waxa uu ku biiray halgankii ardayda, sidaas ayaanu waxbarashada kaga tagay. Bilawgii lixdanaadkii, waxa uu ka mid ahaa aasaasayaasha dhaqdhaqaaqii kacdoon ee Tupamaro, oo ku raadaysantay Kacaankii Kuuba. Kacdoonkooda waxa hormuud u ahaa Raul Sendic, waxaanay dagaal jabhadayn ah ku qaadday nidaamkii Uruguay ka talinayey. Magaca jabhaddooda waxa ay kasoo qaateen Tupac Amaru-hii Labaad, oo ah ninkii u dambeeyey boqorradii Inka, hoggaaminayeyna halgankii beeralaydu kula jirtay gumaystihii Isbaanishka ee koonfurta Beeruu, se xukunkiisa ku fidiyey ilaa Arjantiin iyo Booliifiya.
Isbaanishku waxa ay sannadkii 1781-kii xidheen Tupac Amaru iyo qoyskiisa, waxaanay ku khasbeen in uu goobjooge ahaado carruurtiisa iyo xaaskiisa oo hortiisa lagu dilayo, dabadeed na isaga ayay madaxa iyo gacmaha ka jareen. Halganka uu bilaabay se wuu sii socday, ilaa ugu dambayn Isbaanishku soo saareen in ay dhammaan cafiyeen. Haddaba, jabhaddan Tupamaro waxa ay u halgamaysay bulsho bilaa dabaqado ah, waxaanay soo dhacayeen bangiyada, si ay ugu quudiyaan saboolka.
Dhammaadkii lixdanaadkii iyo bilawgii toddobaatanaadkii, jabhaddu waxa ay hawlgallo ka fulisay kaydadka hubka dalka, waxaanay bilawday qafaalashada siyaasiyiin nidaamka taabacsan, ee bulshada dhibta ku haya. 1970-kii waxa ay jabhaddu afduubtay la taliyihii ciidamada xoogga dalka ee Uruguay, oo Maraykan ahaa, waxaanay ku fulisay dil. Waa sheekada laga soo dheegtay filimka “Go’doon” oo 1972-kii lasoo saaray. Maamulka dalku waxa uu dilay 300 oo ka mid ah xubnaha jabhadda, waxaanay xidheen saddex kun, oo uu ka mid ahaa hoggaamiyihii jabhaddu, Sendic. Sendic waa uu ka baxsaday xabsiga, isaga oo ay la socdaan boqol ka mid ah saaxiibbadii oo uu Jose Alberto ku jiro, iyaga oo ku baxsaday hog ay ka qodeen xabsiga. Jose waxa uu xabsiga ka baxsaday laba jeer, se waxa ugu dambayn la xidhay 1972-kii, waxaanu 14 sanno ku qaatay xabsiga oo ciqaab adag lagu mariyey, toban sanno oo ka mid ahna keligii uu meel ku xidhnaa, inta badanna ah gunta hogag dhaadheer, oo uu halkaas kula sheekaysto raha iyo cayayaanka kale, si aanu u waalan, jiirkana la wadaagayey jajabka roodhida. 2018-kii ayaa uu Alvaro Breshner soo saaray dhukumantari uu magac uga dhigay “Habeennadii Laba iyo Tobanka Sanno”, oo ka warramaya jidhdilkii iyo ciqaabtii uu Jose Mujica iyo labadiisa saaxiib ee Eleuterio Fernandez, oo wasiirka difaaca noqday muddadii u dhaxaysay 2011 ilaa 2016, iyo gabyaagii iyo qoraagii Mauricio Rosencof.
Kaddib isbeddelkii dimuqraaddiyadeed ee dhacay 1985-kii, waxa inta badan lasii daayey dadkii siyaasadda u xidhnaa. Jose Mujica xabsiga dabadii kama fadhiisan siyaasadda. Xaaskiisa, Lucia Topolansky, oo xabsiga iyo halgankaba kula saaxiibtay ayaa uu ula guuray beer ka baxsan caasimadda, halkaas oo ay ku beeri jireen tamaadhada iyo ubaxa oo ay u iib geeyaan suuqa. Xubnihii Tupamaro waxa ay sameeyeen xisbiga Wadaagga Bulshada, Jose Mujica-na waxa uu ahaa hoggaamiyeyaasha ugu cadcad. Xisbigu waxa uu ku biiray isbahaysigii ballaadhnaa ee doorashooyinkii 1989-kii, Rose Mujica na waxa loo doortay Golaha Baarlamaanka oo uu ku jiray intii u dhaxaysay 1995 ilaa 2000. Waxa uu baarlamaanka ku tagi jiray mootadiisa. Waxa la tebiyaa in mid ka mid ah ilaaladu arkay isaga oo mootada dhiganaya baarlamaanka hortiisa, oo uu wayddiiyey in uu muddo badan ku jiri doono baarlamaanka, isaguna ugu jawaabay “sidaas bay u egtahay”. Kaddib waxa loo doortay Golaha Sare, sannadkii 2000, haddana waxa loogu celiyey sannadkii 2004.
2005 bulshada Uruguay waxa ay madaxweyne u doorteen hoggaamiyihii isbahaysiga Hantiwadaagga ah, Tabare Ramon, oo noqday madaxweynihii u horreeyey ee Hantiwadaag ah. Rose Mujica waxa uu qabtay Wasaaradda Beeraha ilaa sannadkii 2008 ayuu hayey. 2010-kii ayaa Rose Alberto Mujica loo doortay madaxweyne, siyaasaddiisa dhaqaale iyo bulsheedna waxa ay noqotay mid guulaysata. Muddadii uu xilka hayay waxa hoos u dhacay heerka shaqo la’aanta, saboolnimada iyo dhimashada carruurta, waxaanu horumariyey tamarta cusboonaata.
Hadalladiisii dhaxalgalka noqday waxa ka mid ah: “waxa aynnu ku noolnay duni aynaan noolaan karin haddii aan loo hoggaansamin aragtida suuqa. Siyaasadda hadda jirtaa gebi ahaan waa mid ku tiirsan aragtida dheefta ee tixgalisa muddada kooban, waxa keliya ee la inoo soo reebayna waa in aynnu sidii qalab u fulinno waxa uu suuqu inoo yeedhiyo. Horumarinta ilbaxnimadu waa habka keliya ee aynnu kaga adkaan karno, kuna xakamayn karno bahalka innagu dhex nool. Waxa ii muuqda in aynnu halaag ku soconno, oo aynnu dhammaan wada saarannahay hal doon, doontaasna dhinac walba ka kharribayno. Ma habboona in aynnu isku celinno wakhtigii aadamaha hogga, ee waxa habboon in aynnu khayraadkeenna ilaashanno oo aynnu dhisno duni aan shuqul ku lahayn danaysi, oo aynnu ku noolaan karno. Dunida maanta waxa diin u ah lahaanshaha gaarka ah iyo kala boobka hantida, oo xitaa laga horraysiiyo qiimihii nolosha”.
Qormadan waxa laga soo turjumay halkan