Tuesday 15 September 2026
14-kii August, waxa maydka Jason Arday laga helay gurigiisa oo ku yaallay London, ninkanoo ahaa, cilmibaadhihii ugu da’da yaraa cilmibaadhayaasha madawga ah, ee derejada borofaysarnimo ka gaadha jaamacadda Cambridge. Markan maydkiisa la helay toddobaad ka hor, waxa uu iska casilay xilkii jaamacadda, ka dib olole ballaadhan oo toddobaaddo socotay oo lagu eedaynayay inuu qoraallo xaday.
Warbaahinta Ingiriiska, baraha bulshada iyo koox gorfeeyayaal ah, ayaa baadhitaan ku sameeyey dhinac kasta oo ka mid ah nolosha xirfadeed iyo ta shakhsi ee cilmibaadhahan 41 jirka ahaa. Waxa la baadhay qaab hadalkiisa ilaa derejooyinka aqooneed ee uu haysto. Ugu dambayn waxa ay buunbuuniyeen inay soo saareen “beenihiisa” iyo qoraallada uu xaday, waxaanay ku bilaabeen olole aan loo miidaan dayin. Tallaabadan waxa ay haayadaha warbaahineed ku sheegeen “xaqiiqo raadin”. Se, bilawgiiba, muran kuma jirin in dabagalkan loo ekaysiiyey “been muujin”, ay keliya ahayd jid lagu bannaysanayay weerarka ninkan: waa falal xaqiijiyey hufnaan la’aanta dedaallada sinnaanta iyo koobsashada dadka kale duwan ee akaadamiyadaha lagaga baaqo.
Weerarradan keliya may wadin dhinaca midig, iyadoo labada majalladood ee The Spectator iyo The Telegraph, ay faafinayeen maqaallo xidhiidh ah oo Arday ku saabsan, balse sidoo kale waxa weerarrada ka qayb qaatay bidixda. Aaron Bastani, tusaale ahaan, oo ah mid ka mid ah aasaasayaasha garabka bidix ee Outlet Novara Media, isagoo aragtidiisa ku qoray barta X, waxa uu xusay in muxaadaro 40 daqiiqo ah oo ku jirta YouTube, oo uu Arday leeyahay, inaanu “wax macno leh ka hadlin”, ka dibna waxa uu ku tilmaamay khaa’in xuquuqaha dadka kale xada.
Waxa la innagu laab qaboojiyey in dhammaan weerarradaasi ay ku biyo shubanayeen danta ilaalinta anshaxa akaadami. Lama samayn baadhitaan qotodheer oo rasmi ah oo dhabeeya ama beeniya falalkan lagu beegsaday, laguna ceebeeyey cilmibaadhe madow oo ku dhex jira madalaha akaadami. Taas cagsigeeda, dhammaan waxay ku bahoobeen olole lagu colaadinayo sinnaanta, kala duwnaanshaha iyo ka mid ahaanshaha: garabka bidix waxa sitaa fikrad ah “siyaasadaha dirsooca ku dhisani waa wax xun”, halka midigtu ay ku dhaqmayaan takoor badheedh ah.
Jason Arday miyaa uu soo xaday buuggiisa qalinjabinta ama qoraalladiisa kale wax ka mid ah? Dabagal la sameeyey waxa lagu soo gunaanaday inaanu waxba soo xadin, halka dabagal kale socdo. Natiijada dabagalkaas, oo u muuqata mid hubaal ah, waxa lagu saleeyey ama la cuskaday xogta baraha bulshada oo goosanno ka mid ah qoraalladiisii la barbardhigay qoraallada cilmibaadhayaal kale.
Waxa kale oo faafay hadallo badan oo ku saabsan in Arday uu lahaa autism iyo guulihiisa jimicsi, oo si weyn looga maadsaday. Hadalladaasi waxa ay u dhexeeyeen kuwo si toos ah u dafiray naafannimadiisa, maqaallo malaayacni ah oo ku saabsan inuu ka habsaami jiray jeedinta casharrada, amaba sida mid ka mid ah ardaydu ku dooday, inaanu keeni jirin tixraacyo ku filan sheegashooyinkiisa la xidhiidha takoorka.
Cilmibaadhayaal badan baa sannad kasta u hoggaansama dabagal ku tuhunsan inay dhaqan darro sameeyeen markay cilmibaadhista wadeen. Waxa jira xatooyo aqooneed, se waxa kale oo jira habdhaqanno anshaxdarro ah, oo madalaha cilmibaadhisaha ka jira. Habdhaqannadaas waxa lagaga doodaa shirarka, waxa la saxeexaa cilmibaadhisyo lagu codsanayo inay haayaduhu wax ka qabtaan, dadka sameeyaana waxa ay maraan tallaabooyin la xisaabtan ah.
Se, ma habboona in tallaabooyinkaas lagu hoos qariyo sumcad dil ama beegsi takoor ku salaysan. Ololahan sumcad dilka ahaa ee Arday waxa ahayd jaadgoonni. Inta badan lama maqlo codad sidan u codsanaya ciqaab marin oo heerkan buuq yeesha, xitaa xaaladaha la xaqiijiyo in cilmibaadhayaal ay ku dhaqmeen habdhaqanno jinsi oo aan ku habboonayn ardaydooda ama saaxiibbadood.
Tusaale aynu usoo qaadanno xaaladdii qabsatay Peter Hutchinson, oo 2015kii lagu eedeeyey inuu 10 ka mid ah ardaydiisa uu xaalado galmo la xidhiidha kula kacay Jaamacadda Cambridge dhexdeeda. Ka dib markii jabiyey ciqaabta lagu soo rogay baadhitaanka ka dib, waxa uu ku qasbanaaday inuu afaaraha kulliyadda ka baxo, xilkiisiina laba sanno uu ka maqnaado. Balse, qaddiyaddaasi iskuma rogin fadeexad dalkoo dhan gaadha.
Waxa kale oo jira dhinac kale, oo muhiimad ballaadhan leh, lana xidhiidha qaddiyadda Arday. Dhinacan waxa dabada ka riixayey Nathan Cofnas, oo isku qeexa inuu yahay cunsuri waaqici ah. Waxa uu maqaallo badan kaga hadlay sheegashooyinkiisa ah in dadka madow aanay lahayn garaad ku filan.
Cofnas waxa uu la kulmay dhaliilo badan, ugu dambayna waxa laga saaray jaamacadda Cambridge sannadkii 2024, ka dib markii uu barta Substack ku faafiyey qoraal uu ku doodayo inaanay jaamacadda Harvard ka tirsanayn barayaal madow ahi, sababtoo ah karti baa lagu xushaa barayaashooda. Sidaas oo ay tahay, Cofnas waxa uu ka mid ahaa dadka ka hadla xorriyadda hadalka iyo cabbirka ee Ingiriiska.
Sannadkii 2024, ka dib markii qaar ka mid ah ardayda Cambridge ay codsadeen in baadhitaan lagu sameeyo, koox cilmibaadhayaasha ugu waaweyn ah ayaa qoray warqad ay ku difaacayaan xaqa uu u leeyahay xorriyadda hadalka.
Xidhiidhka isku xidhaya caydhinta Cofnas iyo dhiirrigelintiisa guulaysatay ee sumacd-dilka Arday, waa guuldarraysiga haayadda akaadami iyo warbaahineed ee ku fashilmay inay aqoonsadaan takoorka abaabulan, oo ay xitaa ku guuldarraysteen shakhsiyaad si muran la’aan isugu tiriya inay kasoo horjeedaan cunsuriyadda.
Afkaaraha faashistaha ahi waxa ay hadallada dadweynaha ee qumman ugu dhex dhuuntaan ka faa’idaysiga halbeegyo loo arko akaadami iyo kuwo waaqac ah. Kolka shaxannada Cofnas ee la xidhiidha aqoonta isirka ee dhinaca garaadka loo arko wax lagu kalsoonaan karo, waxa laga soo qaadayaa wax aan muran geli karin.
Ka gaabinta warbaahin kasta oo sheeganaysa karti iyo dhexdhexaadnimo ay ka gaabisay baadhidda weerarka iyo ololaha lagu qaaday Arday iyo dagaalkii uu kula jiray kuwa ku baaqayay in jaamacadaha laga sifeeyo barayaasha madow, waa masuuliyad darro weyn.
Waxa aan dareemayaa in dhibaatooyin badan oo la xidhiidha beenaha laga iyo dhaliilaha lagu oogay Arday aan si wanaagsan u garanayo. Tobannaan sano, Hindiya oo dalkaygii ah, haldoorka dabaqadeed waxa ay ku adkaysanayeen in hufnaanta akaadami ay u baahantahay in meesha laga saaro cilmibaadhayaasha dabaqadaha hoose ah.
Cilmibaadhaha Harvard, Ajantha Subramanian, oo cilmibaadhisteeda ugu kuurgashay qodobka “mudnaan siinta” ee Koonfurta Eeshiya, waxa xusaysaa, walow aynu mudnaanta u naqaanno in cidda habboon ee kartida badan mudan yahay fursadda, haddana, waxa suurogal ah in mudnaanta lafteedu takoor iyo kala sooc qariso. Haddii kooxi leedahay sooyaal fog oo fursad u helidda aqoonta, hantida iyo kaalinta bulsho ah, waxa dabiici ah, oo hubaalna ah, in dadka kooxdaas kasoo jeedaa ay noqonayaan kuwa natiijooyin fiican helaya, se si aan ka fiirsi lahayn loo odhanayo inay mutaysteen. Sidaas darteed, nidaamku waxa uu u muuqdaa mid dhexdhexaad ah oo caddaali ah, se dhab ahaan waa uun nidaam dib usoo cusboonaysiinaya sinnaan la’aanta. Sidaas darteed, halkii weerarrada Arday lagu qaaday loo arki lahaa keliya in shakhsiyaad aanoggolayn ay cidhiidhi galiyeen, waxa ka habboon, baadhidda in haayadaha waxbarasho gudahooda ay ka jirto dhibaato ah inay qofka madow ka dhigayaan qof u bandhigan dhaqankaas.
Sidan awgeed, haayadaha waxbarasho ama warbaahineed ayaa sababaya dil, waa toogasho ku sal leh midabtakoor, cidhiidhi gelin iyo sumcad dil, kuwan oo ugu dambayn sababaya in qofka ay soo foodsaaraan xaalado adag.