Skip to main content

Saturday 8 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Feker

Geerida Farsamada Holokoostiga

25 September, 2025
Image
Geerida Farsamada Holokoostiga
Your Holocaust Here - by Mr. Fish (clowncrack.com)
Share

Maqaalkan waxaa soo turjumey Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil

“Anigu waxaan ahay aqoonyahan ku takhasusay xasuuqa. Waan garanayaa goorta aan arko… Waxaan ku barbaaray aqal qoys Sahyuuni ah, noloshayda qaybteedii horena waxaan ku qaatay Israa’iil, waxaan u adeegay ciidanka Israa’iil. Noloshayda shaqada inteeda badan waxaan baarayey oo wax ka qorayey denbiyada dagaalka iyo xasuuqa, tani waxay ahayd natiijo xanuun badan oo la gaaro, intii karaankayga ahna waxaan isku dayey in aan isdiidsiiyo. Laakiin, muddo rubuc qarni ah baan arday u dhigayey duruus ku saabsan xasuuqa. Natiijada aan sina looga baxsan karin waxay tahay in Israa’iil ay xasuuq ku hayso shacabka reer Falastiin. Xasuuq marka aan arko waan garan karaa. [xasuuqa Falastiinidu] wuxuu khatar ku yahay aasaaska akhlaaqeed ee aynu dhammaanteen ku tiirsannahay.” - Omar Bartov[i].

“Haa, waa xasuuq. Xasuuq macnihiisu waxa weeye in bulsho ama qayb ka mid ah si ula kac ah loo burburiyo. Taasina waa waxa ka socda Qasa. Natiijaduna shaki la’aan waa xasuuq… Israa’iil waa ku khaldan tahay haddii ay u qaadato in ay lagama maarmaan tahay in xasuuqu uu dhan walba uga ekaado Holokoostigii Yurub ka dhacay. Waxay sawiranayaan tareenno iyo foornooyinkii gaaska… In wixii sannadihii 1940-aadka Yurub ka dhacay aysan dhan kasta uga ekayn waxa Qasa ka dhacaya 2024, tan danbe kama dhigayso mid ka xasuuq yar tii hore.” - Amos Goldberg[ii].

-----------------------

Xasuuqa Qasa ka socdaa waxa uu daaha ka qaaday in Holokoostigu uu yahay aalad aan loo adeegsan si looga hortago xasuuq, balse sidii loo sii wadi lahaa, ma aha in tagtada la baaro, balse in taaganta la maroorsado.

Ku dhawaad dhammaan baarayaasha Holokoostiga oo u arka dhaleecayn kasta oo Israa’iil loo jeediyo in ay tahay khiyaano loo geysanayo Holokoostigu, waxay diideen in la canbaareeyo xasuuqa Qasa ka taagan. Mid qura oo ka mid ah hay’adaha u heellan baaridda iyo xuska Holokoostigu ma aysan soo bandhigin isbarbardhig taariikheed oo ku aaddan Holokoostiga iyo waxa Qasa ka socda, mana aysan canbaarayn xasuuq wadareedka Falastiinida lagula kacayo.

Dhammaan baarayaasha Holokoostigu, marka laga reebo tiro yar oo fara ku tiris ah[iii], waxay muujiyeen in ujeeddadooda dhabta ahi aysan ahayn in la baaro dhinaca mugdiga ah ee dabeecadda aadanaha, ama iilashada idilkeen nagu duugan ee ah in shar la sameeyo, laakiin ujeeddadoodu ay tahay in Yahuudda loo aqoonsado in ay yihiin kuwo weligood dhibbaneyaal ahaa iyo in dowladda Israa’iil ee ku taagan qowmiyadda dhiigga ku dhisan laga beri yeelo denbiyada gumeysiga ee dhul iyo dad ku habsiga, midabtakoorka, iyo xasuuqa.

Afduubka Holokoostiga, ku guuldarraysiga in la difaaco dhibbanayaasha Falastiin iyada oo sababtu tahay in ay Falastiini yihiin oo keliya, ayaa dhulka la jaray awooddii xagga akhlaaqda ee baaritaannada Holokoostiga iyo taallooyinka lagu xasuusto. Waxaa caddaatay in Holokoostigu uusan ahayn aalad xasuuqa looga hortago ee uu yahay aalad lagu fuliyo, ma aha aalad lagu sahamiyo tagtadii la soo maray, balse waa mid lagu maamusho taaganta — oo loo adeegsado wax isdabamarin.

Baaritaannada Holokoostigu, ma ay noqon hab lagaga hortago xasuuqa. Waxa ay noqotay qaab lagu fuliyo xasuuq laguna beri yeelo dawladda Israa’iil oo ku dhisan qoomiyad dhiig ku taagan, iyo dambiyga gumeysiga, dhul-ku-habsiga, takoorka iyo dhaca – sidaa awgeed, inta badan baareyaasha Hologostigu waa ay diideen in ay xasuuqa Qasa barbardhigaan midkii Yurub ka dhacay 1940eeyadii.

Aqoonsi kasta oo diirran oo tusiya in Holokoostigu uusan noqon karin hanti ay si gaar ah u leeyihiin Israa’iil iyo taageerayaasheeda Sahyuunida ahi si degdeg ah ayaa loo bakhtiiyaa[iv]. Matxafka Holokoostiga ee magaalada Loos Anjales barta uu ku leeyahay Instagram-ka waxa uu ka tirtiray erayo ku qornaa oo ahaa: “Mar Kale Maya /Never Again,” macnaheedu kuma koobna “MAR KALE KUMA DHICI KARO YAHUUDDA” oo keliya, arrinkaas oo yimid ka dib markii gadood adag lagala hortagay. Sahyuuniyiinta agtooda “Mar Kale Maya” si buuxda waxay uga dhigan tahay: Yahuudda oo keliya ayaan mar kale lagu samayn karin.

Aimé Césaire, buuggiisa “Gumeystow Lagula Dood” waxa uu ku sheegay in sababta qura ee Hitler uu manaxe ba’an ku noqday ay tahay ka dib kolkii uu bilaabay in uu “qofka cad ee reer Yurub kula kaco dulleysi” u eg hagardaamooyinkii xilligaas ka hor “gumeystayaashu ay sida gaarka ah ugu qoondeeyeen carabta al-Jeeriya, xoogsatada Hindiya iyo madowga Afrika.”

Marin habaabintaas lagu sameeyey Holokoostiga oo ahaa dhacdo naxdin leh, ayaa ahayd shiddada ugu badan ee uu la kulmay Birimo Lefi, oo sannadihii 1944-1945 ahaa maxbuus ku jirey xabsigii Ooshfiitis, qorayna buug uu u bixiyey “Ka Badbaadidda Ooshfiitis[v]”. Wuxuu aad u dhaleeceeyay dawladda midab-takoorka ee Israa’iil iyo sida ay ula dhaqanto Falastiiniyiinta. Xasuuqii Holokoostiga wuxuu u arkay “il ay ka soo burqato xumaan aan dhammaad lahayn” taas oo “lagu waariyo nacaybka kuwa badbaaday, kuna faafta kun siyaabood oo kala kaan ah, kana soo horjeedda doonista dadyowga kale oo dhan, sida u oomid aargoosi, sida burbur akhlaaqeed, sida inkiraad, sida daal, iyo isdhiibid.”

Wuxuu aad uga xumaaday “Maanawiyiinta[vi],” kuwaas oo “ka fogaada kala duwanaanta iyo ummuuraha qallafsan” oo “socodka dhacdooyinka taariikhda aadamiga ku soo kooba loollano, iyo khilaafyo laba geesood ah, annaga iyo iyaga.” Waxa uu ka digay in “shabakadaha xiriirrada dadka ee ka jirey gudaha xeryihii Naasidu aysan ahayn kuwo fudud: laguma soo koobi karo labo qolo, dhibbanayaal iyo jiitayaal wax silciya”. Waxa uu ogaa in cadowgu uu “dibedda joogay, laakiin sidoo kale gudahana uu ku jirey.”

Lefi wuxuu wax ka qoray Moordikhaay Khaayam Rumkofiski (Mordechai Chaim Rumkowski, 1877-1944) oo ahaa Yahuudi gacan siin jirey Naasida oo xukumay xaafadda Loodji ee Yahuudda lagu ooday (Lodz ghetto). Rumkofiski oo loo yaqiin magaca “Boqor Khaayam,” xaafadda wuxuu u beddelay xero ciidan oo dadka qasab loogu shaqaysto, arrinkaas oo isaga iyo Naasiduba ay hanti badan ka sameeyeen. Kuwa amardiidda lagu eedeeyo wuxuu u musaafurin jirey xeryaha dhimashada. Wuxuu kufsaday oo faraxumeeyey gabdho iyo dumar badan. Waxa uu dalbaday in si buuxda loogu hoggaansamo, wuxuuna yeeshay xumaantii dhagarqabayaashii isaga iyo dadkiisa cadaadinayey. Lefi waxa uu tusaale ugu ahaa waxyaabaha ka suurooba qaar badan oo naga mid ah marka duruuf taas oo kale ahi ay la soo gudboonaato.

Moordikhaay Rumkofiski iyokoox saraakiil Jarmal ah
Moordikhaay Rumkofiski oo koox saraakiil Jarmal ah kula sheekaysanaya mid ka mid ah jidadka xerada Lodz ee dalka Boolan, sannadkii 1940.

 

Moordikhaay Rumkofiski oo koox saraakiil Jarmal ah kula sheekaysanaya mid ka mid ah jidadka xerada Lodz ee dalka Boolan, sannadkii 1940.

Lefi buuggiisa “Kuwa Qarqoomay iyo Qaarka Badbaaday /The Drowned and the saved” waxa uu ku yiri: “Dhammanteen waxaynu ka tarjumaynaa Rumkofiski, mugdigiisu waa sifo aan leennahay, waa dabeecaddeenna labaad, waxaan nahay isku qas ka kooban dhoobo iyo ruux.” “Qandhadiisu waa qandhadeenna, qandhada ilbaxnimadeenna reer Galbeedka ee ‘ka soo degta cadaabta iyada oo wadata turumbooyin iyo durbaanno,’ dhalaalkeeda liita baana ah sawirka fooshaxun ee summaddenna sharafta bulshada.”

Lefi waxa uu ku daray: “Sida Rumkofiski, annaguna aad baan u la indha-daraandarnaa awoodda iyo heybadda ilaa heer aan hilmaanno itaalyarideenna aasaasiga ah. Si ikhtiyaarkeenna ah ama aan ahayn, baan u la heshiinnaa awoodda, annaga oo is-illowsiinayna in giddigeen aan ku jirno xero derbi ku hareeraysan yahay, xerada bannaankeedana ay xukumaan ugaasyada geerida, tareenkuna dhawaan agtooda ayuu nagu sugayaa[vii].”

Halkaan ka daawo barnaamij si kooban uga hadlaya wadashaqayntii Rumkofiski iyo Naasida:

Casharradaan kharaar ee Holokoostigu waxay ka digayaan in khadka u dhexeeya dulmanaha iyo dulmilowgu uu aad u dhuuban yahay, dhammaanteenna ay naga suurowdo in si rabitaankeenna ah aan ku noqonno dulmi falayaal, in qofku uu ahaado Yahuudi ama mid ka badbaaday Holokoosti siin mayso sarrayn xagga akhlaaqda ah, taas oo ah waxa Sahyuuniyiintu ay doonayaan in ay inkiraan. Sababtaas awgeed, baa Lefi wuxuu ku noqday ruux aan laga rabin gudaha Israa’iil (persona non grata).

Sahyuuniyiinta agtooda, Holokoostigu waa wax u gooni ah Yahuudda, waana in aanu mar kale ku soo noqon ‘keliya’ Yahuudda. Sidaa awgeed, waxa uu matxafka Hologoostiga ee Los Anglese dhawaan bartiisa Instigram ka tirtiray tibaax ku qornayd oo ahayd ‘Mar kale dhici maayo’ ka dib markii ay dhalisay gadood – waxa ay caddeeyeen in liidka u dhexeeya dulmanaha iyo dulmilowgu uu yahay mid dhuuban, Holokoostiguna uu, agtooda, ku suubban yahay ciddii aan Yahuud ahayn.

Baaritaannada Holokoostiga oo si weyn u faafay toddobaatanaadkii qarnigii laga soo gudbay, iyaga oo awliyo ka dhigaya Elie Wiesel oo ahaa cunsuri Sahyuuniyaddu madaxmartay oo ka badbaaday Holokoostiga -naaqidkii suugaanta ee Alfred Kazin na uu ugu yeeray in uu yahay “Ciisaha Holokoostiga /Jesus of the Holocaust”- hadda way ka hareen sheegasho kasta oo run caalami ah lagu difaacayo. Sida uu tilmaamay Norman Finkelstein, aqoonyahannadan ku takhasusay Holokoostiga, sharku uma aha halbeeg “lagu hago akhlaaqda, balse wuxuu u yahay naadi aydaloojiyadeed.” Finkelstein waxa uu qalinka ku duugay in halkudhegga “Ha isbarbardhigin uu yahay halkudheg ay isticmaalaan kuwa wax ku dhaca handadaadda dhanka anshaxa ah [lama oggola in isbarbardhig lagu sameeyo xasuuqa Yahuudda loo geystay iyo kuwa loo gaystay ummadaha kale oo qaar ka mid ah ay Yahuudda qudhoodu gaysteen welina wadaan][viii].”

Sahyuunidu Holokoostiga iyo dowladda Yahuudda waxay ka helaan dareen hadaf iyo macne xanbaarsan, iyo sidoo kale isla sarrayn xad dhaaf ah oo xagga akhlaaqda ah. Ka dib dagaalkii 1967, markii Israa’iil ay qabsatay Qasa iyo Daanta Galbeed, sida uu u kuurgalay Nathan Glazer Israa’iil waxay noqotay “diinta Yuhuudda Maraykanka[ix].”

Baaritaannada Holokoostigu waxay ku salaysan yihiin fekrad khaldan oo nuxurkeedu yahay in dhibaatada iyo qaxarka gaarka ah lagu mutaysto xuquuq dheeri ah oo gaar ah. Tani had iyo jeer waxay ahayd ujeeddada waxa Finkelstein uu u bixiyey “Warshadaha Holokoostiga /the Holocaust Industry.”

Taariikhyahanka reer Yurub ee Jaarles S. Meyar buuggiisa “Tagtada Aan La Maarayn Karin: Taariikh, Xasuuq, iyo Aqoonsiga Waddaniyadda Jarmalka[x]” waxa uu ku leeyahay: “Dhibaatada Yuhuudda qabsatay waxaa loo sawiraa sida in ay tahay mid aan la tilmaami karin, oo aan la gudbin karin, isla jeerkaana ay waajib tahay in mar walba la sheego.” Waa saxariir si weyn gaar u ah, oo aan cidi la wadaagin, loona baahnayn in la khafiifiyo, laakiin isla mar ahaantaas waa in la baahiyo si dadyowga aan Yuhuudda ahayni ay u ogaadaan denbiga Yuhuudda laga galay. Dhibaatadaan sida weyn gaarka u ah waa in lagu xardhaa goobaha dadweynaha: Matxafyada Holokoostiga, beeraha xusuusta, goobaha masaafurinta, iyada oo aan loo qoondaynayn sida wax u gaar ah Yuhuudda balse loo muujinayo xusuus-bulsho oo la wadaago. Laakiin muxuu noqonayaa doorka matxafka waddamada la midka ah Maraykanka ee ka fog meeshii Holokoostigu uu ka dhacay? … Duruufo caynkee ah ayaa murugada gaarka ah isku mar loo adeegsan karaa in ay tahay murugo guud? Haddii xasuuqa loo aqoonsado murugo dadweyne, markaas ma waajib bay noqonaysaa in aan la aqbalin murugooyinka kale ee gaarka ah? Armeeniyaanka iyo Kamboodiyaanku, sidoo kale, xaq ma u leeyihiin in dhibkooda lagu soo bandhigo matxafyada xasuuqa ee dowladdu maalgeliso? Oo ma u baahannahay in aan dhisno taallooyin lagu xasuusto dadkii ka tirsanaa kaniisadda Sabtida iyo kuwii kuwa ku jinsiga ah galmada la wadaagi jirey ee gacmaha Raaykhii Saddexaad lagu silciyey?

Baaritaannada Holokoostigu waxa ay ku dhisan yihiin fekrad khaldan oo ah in dhibaatada, sida xasuuq, lagu muteysto xuquuq iyo sed dheeri ah. sidaa awgeed, Sahyuuniyaddu waxa ay Holokoostiga, oo ah xusuus aadane oo ay ahayd in lagaga gadoodo xasuuq oo dhan, u isticmaashay sidii wax u gaar ah Yahuudda oo aan lahayn wax la barabardhigi karo – waxana ay u beddeleen agab caawiya in ay iyagu geystaan xasuuq

Hoggaamiyeyaasha Israa’iil Holokoostiga waxay u adeegsadaan sida in uu yahay hubka ugu halista badan ee ay kula dagaallamaan Carabta iyo guud ahaan dunida. Holokoostiga iyo aayadaha diiniga ah ee la sheego in saddex kun oo sano ka hor buugga Baybalka lagu qoray, waa tiirarka ugu culus ee fekradda Israa’iisha weyni ay ku taagan tahay. Bulshada Yuhuuddu ma laha qaddiyad ka culus Holokoostiga, oo gaaray heer uu noqdo caqiido leh xarumo looga barakaysto[xi].

Waxaa jirta dood sheegaysa in dhagxaanta lagu dhiso ummadaha casriga ahi ay yihiin dhardhaarta laga guro qabriyada facyaashii hore ee dadkaasi ay ka soo tafiirmeen, oo dareenka ummadnimadu waa in uu ka soo maaxdaa xabaalaha awoowayaashii seban hore abaaday. Sidaas darteed, dowladda Israa’iil waxaa la aasaasay iyada oo laga duulayo qubuuraha Yahuuddii la laayey, oo dhimashada caadiga ah ee Yahuudda laga dhigayo mid dal darti loo dhintay, dhibkii Naasidu ay Yahuudda u geysteenna lagu fasirayo guul u soo hoyatay qowmiyadda Yahuudda ama Sahyuuniyadda. Yahuudi kasta oo wax isku falayaa waa in uu noqdo Sahyuuni.

Dadka Yahuuddu waxay soo mareen dhowr kun oo sano oo dowlad la’aan iyo addoonnimo ah. Yahuudda cusub ee Sahyuunidda noqdayna si ay u dareemaan in ay yihiin dad xor ah oo dowlad hanan kara, waa in ay bartaan gacan qaadka iyo adeegsiga awoodda. Yahuudiga cusubi si uu u noqdo mid dal leh waa in uu noqdaa Sahyuuni naftiisa ku kalsoon oo diyaar u ah in uu u dhinto sidii uu ku heli lahaa dhul iyo dal uu isagu leeyahay.

Yahuudiga cusub ee Sahyuuniga noqday waa mid quursada Yahuuddii hore, oo rumaysan in taariikhda Yahuudda laga jaro muddo ugu yaraan labo kun oo sano ah, oo ku eg markii ay qabsadeen Falastiin. Dooddaas oo macnaheedu yahay in qofka Yahuudiga ahi uusan qiimo yeelan karin jeer uu ka noqdo Sahyuuni deggen dhulkii Eebbe u ballanqaaday. Dhulka Sahyuun iyo Quddus.

Sahyuuniyaddu waxay qabtaa in ruuxa Yuhuudiga ahi uu ikhtiyaar u leeyahay in uu labo arrimood mid doorto. Kan koowaad waa inuu noqdo wan la gawraco sidii dhacday dagaalkii labaad ee dunida. Kan labaadna waa in uu noqdo Sahyuuni dil iyo duudsi geysta ka hor inta aan isaga/iyada la hunguriyeyn. Sahyuuniyaddu qofka Yahuudiga ah waxay kala doorransiisaa in uu wan iyo waraabe mid noqdo. Waa in uu cid walba ku qadeeyaa ka hor inta aan isaga/iyada lagu cashayn. Waa in uu noqdaa Daa’uudkii geesiga ahaa ee muquuniyey Jaaluutkii carabka ahaa.

Haddii geela lagu xergeeyo xusuus, ummadahana waxa lagu dhisaa dhagaxaanta laga soo guray xabaalaha awoowyaashii beri hore abaaday. Tusaaleha ugu wanaagsan ee arritani waa dawladda Israa’iil oo lagu dhisay xusuusta Yahuuddii la laayay iyo sooyaalka adoowyadii jiray labo kun oo sannadood ka hor. Kolkaa, waxa qofka Yuhuudiga ah la baraa, maanta, in uu noqdo Boqor Daa’uudkii awowga u ahaa ee dilay Jaaluutkii Carabka ahaa – waxa la baraa in aanu noqon midka la gawraco ee uu noqdo midka wax gawraca; waa in uu noqdo Sahyuuni

Dembi walba oo Israa’iil ay ku geysato magaca badbaadadeeda –“xaqa ay u leedahay in ay jirto”- waxay ugu qiilbixisaa magaca kadeed si gaar ah u gaaray (=Holocaust exceptionalism)[xii]. Ma laha wax xudduud ah. Dunidu waa madow iyo caddaan, dagaal aan dhammaad lahayn oo lagula jiro Naasida, oo lagu qeexo hadba cidda ay Israa’iil u danleedahay ee bartilmaameedka u ah. In la diido dhiigcabnimadaan waxaa lagu fasiraa Yuhuud nacayb (=antisemitism) fududaynaya xasuuq kale oo Yuhuudda lala maaggan yahay.

In arrinka qaabkaan loo fududeeyaa ma aha oo keliya mid u adeegaya danaha Israa’iil, laakiin sidoo kale waa mid u adeegaya danaha quwadihii gumeysiga ee iyagu markii hore xasuuqa fuliyey, oo doonaya in ay tirtiraan raadka denbigii ay galeen. Maxay ahayd dabargoyntii dadkii asal ahaan deggenaa dhulka Maraykanka ee ay fuliyeen reer Yurubkii dhulkooda ku duulay, kii Armeenida ee Turkidu fuliyeen, Hindidii Bengaal ee Ingiriisku gaajada ku baabi’iyey, iyo gaajadii Soofiyeetku ay Yukreen ku markadeen? Maxay ahaayeen qunbuladihii nukliyeerka ee lagu dhuftay Hiroshiima iyo Nagasaaki? Qaddarta Caddi[xiii] miyey ka duwan tahay fekraddii Naasida ee Lebensraum[xiv]? Kuwaasi sidoo kale waxay ahaayeen xasuuqyo, ay huriyeen duul dadnimada dafirsan oo dhiig u oomman.

Weynaynta xasuuqii Naasidu waxa uu bixiyaa wax isdhaafsi la yaab leh. Hubaynta iyo maalgelinta Israa’iil, iyo in laga horyimaado go’aannada Qaramada Midoobay ee lagu cunaqabataynayo ama lagu canbaaraynayo denbiyadeeda, iyo sheydaaminta Falastiiniyiinta iyo taageerayaashooda, waxay marag cad u tahay kafaaragudka iyo taageerada loo hayo Yuhuudda. Taa beddelkeeda, Israa’iil waddamada reer Galbeedka waxay ka cafisaa danayn la’aantii ay muujiyeen waagii uu socday xasuuqii Holokoostigu, si gaar ahna Jarmalka waxay uga cafisaa xasuuqii uu geystay.

Isbahaysigaas aan barakaysanyn Jarmalku wuxuu uga faa’iideystaa si Naasinnimada looga saaro taariikhda kale ee Jarmalka, marka lagu daro xasuuq wadareedyadii gumeystayaashii Jarmalku ay kula kaceen dadyowga Nama iyo Herero ee Afrikadii Koonfur-Galbeed ee Jarmalku uu gumaysan jirey, oo hadda ah dalka Namiibiya.

Raz Segal oo ah taariikhyahan Israa’iili ah oo baara mawduuca xasuuqa, waxa uu qoray: “Sixirka jaadkaan ahi wuxuu sharciyad siinayaa cunsuriyad ka dhan ah Falastiinida, waqtigaan xaadirka ah ee Israa’iil ay ku aqdaamanayso xasuuqa ay iyaga ku hayso. Sidaa darteed, fekradda in Holokoostigu uu yahay wax Yuhuudda ku gaar ah waxay dib u dhalaysaa -halkii ay ka hortagi lahayd- qowmiyad colaad wadata iyo gumeysi dadyow kale dhulkoodka duullaan ku ah, falkaas oo ah isla midkii markii hore keenay xasuuqa.”

Segel oo ah agaasimaha barnaamijka Holokoostiga iyo baaritaannada Xasuuqa ee Jaamacadda Istokton ee Niyuu Jersi, ayaa maqaal uu ka qoray Qasa 13kii Oktoobar 2023 -lix maalmood ka dib markii Xammaas iyo dagaalyahannada kale ee Falastiinidu ay weerarka ku qaadeen Israa’iil- waxa uu cinwaan uga dhigay “Kiiska Xasuuq Tusaale Noqon Kara /A Textbook Case of Genocide.” Waxa uu ahaa canbaarayn ka timid aqoonyahan Israa’iili ah oo ku xeeldheer mawduuca xasuuqyada, oo xubno qoyskiisa ka mid ahi ay ku dhinteen Holokoostigii Naasida, wuxuuse ahaa mowqif hal aqoonyahan oo aan cid kale tarraxin.

Codsigii degdegga ahaa ee Israa’iil ay ku codsatay in Falastiinidu ay ka guuraan Qasa, iyo qaabkii argagaxa lahaa ee saraakiisha Israa’iil ay sheydaanka ugu sheegeen Falastiinida -oo waa tii wasiirka gaashaandhigga ee Israa’iil uu yiri: “waxaan dagaal kula jiraan xayawaanno muuqaal bani’aadam leh, habdhaqankayaguna middaas buu ka duulayaa /we are fighting human animals and we act accordingly[xv]”- Segal arrimahaas wuxuu ka uriyey xasuuq soo socda.

Segal kolkii aan waraysiga la yeeshay waxa uu yiri: “Idil ahaan fekradda ka hortagga iyo in aan “arrinku mar kale soo laaban” -sida aan ardayda u dhigno- waxaa asal u ah in ay jiraan calaamado cas oo diginin bixiya, kuwaas oo isla marka la arko loo baahan yahay in dhaqso loogu hawlgalo sidii looga hortagi lahaa inuu isa soo taro xasuuqu, xataa haddii uusan weli noqon xasuuq buuxa.

Xasuuqa Holokoostigu ma noqon wax Israa’iil oo keliya u adeega, marka ay ciddii dhaliishaba ku summaddo in uu neceb yahay ‘isirka Saamiga’ iyo in uu Yahuudda la maaggan yahay Holokoosti kale. Waxa uu se u adeegaa, oo kale, xulafadeeda reer Galbeedka oo geystay xasuuqyo ka badan Holokoosti, laakin in ay ka dhigaan mid aan wax kale la barbardhigi karin, ama xasuuqa keliya, waxa ay ku qariyaan wax badan oo ay geysteen, Israa’iilna waxa ay kafaaro-gud joogto ah kaga qaadataa taageero aan xad lahayn

Halkaan baad ka daawan kartaan waraysigii aan la yeeshay Segal:

Segal waxa uu yiri: “Baaritaannada Holokoostigu takhasus ahaan waxaa laga yaabaa in ay dabar-go’aan, khasabna ma aha in arrinkaasi uu xun yahay,” wuxuu sii raaciyey “Haddii dhab ahaantii baaritaannada xasuuqyadu, tan iyo bilowgii, ay ku milmeen aydaloojiyadda xusuusta caalamiga ah ee xasuuqii Jarmalku u geystay Yuhuudda, waxaa laga yaabaa in ay fiican tahay in faraha laga qaado baaritaannada Holokoostiga ku saabsan. Waxaana dhici kara in arrinkaasi uu irdaha u furo cilmibaarisyo aad u xiiso iyo ahmiyad badan oo ku saabsan taariikhda xasuuqyada, oo noqon kara taariikh dhab ah.”

Segal waxa uu bixiyey qiimaha geesinnimada iyo run sheegga uu muujiyey. Waxaa la diiday codsigiisii ku aaddanaa in uu hoggaamiyo Xarunta Cilmibaaridda Holokoostiga iyo Xasuuqa ee Jaamacadda Minnesota – oo aan soo saarin wax canbaarayn ah oo ku saabsan xasuuqa Qasa.

Hadda oo ku dhawaad labo sano ay ka soo wareegtay xasuuqa, ayaa ugu danbayntii Ururka Caalamiga ah ee Aqoonyahannada Xasuuqu waxa uu markii ugu horraysay soo saaray bayaan sheegaya in hab-dhaqanka Israa’iil uu buuxinayo qeexitaanka sharciga ah ee ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay ee Xasuuq-wadareedka.

Sidaas oo ay tahay, weli tirada ugu badan ee aqoonyahannada baara xasuuqyadu way aammusan yihiin, waxay si adag u canbaareeyeen gaboodfalladii ay Xammaas geysatay, iyaga oo iska indhatiraya foolxumooyinka ay Israa’iil ku aqdaamatay. Waxay aammuseen kolkii Koonfur Afrika ay maxkamadda caddaaladda adduunka horteeda kaga doodday in Israa’iil ay geysanayso xasuuq. Waxa kale oo ay aammuseen markii ururka Amnesty International uu, bishii Diseembar 2024, daabacay warbixinta uu Israa’iil ku eedeeyay in ay xasuuq ku kacday.

“Waa immisa tirada ardayda Falastiinida ah ee codsada barnaamijyada waxbarashada sare ee ku takhasusa Holokoostiga iyo cilmibaarisyada xasuuqa ee adduunka oo dhan? Immisa aqoonyahan oo Falastiini ah ayaa isu aqoonsan in ay yihiin aqoonyahanno ku takhasusay laantaan aqooneed ee xasuuqyada? Tiradoodu marna kama badna faraha hal gacan” sida Segal uu ku xusay maqaal isaga iyo wadaygiis ay wadajir ugu faafiyeen Joornaalka Cilmibaarista Xasuuqa (the Journal of Genocide Research).

Gumaadka iyo xasuuqu waa wax ku duugan unugyada DNA-da gumeysiga reer Galbeedka. Falastiin baana arrinkaas si cad bannaanka u keentay. Xasuuqa ayaa ah marxaladda ku xigta waxa aqoonyahanka cilmiga aadanaha ee Arjun Appadurai uu ugu yeeray “sixitaan Maaltoosi ah oo si ballaaran dunida oo dhan u gaaraya” danta laga leeyahayna ay tahay “in dunida loo diyaariyo abaalmarinta kuwa caalamiyeynta ama xero-edagaynta (=globalization/العولمة) ku guulaystay, iyada oo aan dheg jalaq loo siinayn sawaxanka daran ee kuwa guuldarraystay.”

Maalgelinta iyo hubaynta Israa’iil ee Maraykanka iyo waddamada reer Yurub ay bixiyaan, iyada oo Israa’iil ay xasuuq geysanayso, waxay keenayaan in uu burburo nidaamka caalamiga ah ee adduunka ee samaysmay dagaalkii labaad ee dunida ka dib. Nidaamkaani ma haysto wax kalsooni ah. Reer Galbeedku hadda cidna uma jeedin karaan khudbado ku saabsan dimoqoraadiyad, xuquuqu insaan ama shey kale oo lagu tilmaami karo in uu yahay wanaag ay leedahay ilbaxnimada reer Galbeedku.

Maalgelinta iyo hubeynta reer Galbeedka ee Israa’iil oo geysanaysa xasuuq, iyada oo xitaa xarumihii cilmibaarista xasuuuqa ee Galbeedku ay diiddan yihiin in la cambaareeyo ama la tilmaamo ‘xasuuq’ ay Israa’iil geysanayso, waxa ay burburinaysaa nidaamka caalamiga ah ee adduunka waxana ay reer Galbeedkii ka tuuraysaa hu’ kaste oo lagu tilmaansan karo in uu yahay ilbax loo soo joogsado

Pankaj Mishra oo ah qoraa u dhashay dalka Hindiya buuggiisa “Dunida Qasa Kadib /The World After Gaza,” waxa uu ku leeyahay: “Isla marka ay Qasa soo jiidato dawakhaad, dareemidda fawdo iyo marnaan, ayay dad tiro beel ah oo aan awood lahayn waxay u noqonaysaa shardiga lamahuraanka u ah wacyiga siyaasadeed iyo kan akhlaaqeed ee qarniga kow iyo labaatanaad – si la mid ah sidii dagaalkii labaad ee adduunku uu u ahaa fac dhan oo ka mid ah dadyowga reer Galbeedka[xvi].”

Waa ay idlaatay awooddii lagu faafin jirey sheekoxariirta ah in Holokoostigu uu yahay fal ku gaar ah Naasida, ama in Yahuuddu ay leeyihiin xuquuq gaar ah. Xasuuqa hadda socdaa waa ifafaale muujinaya curashada nidaam caalami ah oo cusub, kaas oo Yurub iyo Maraykanka iyo wakiilkooda Israa’iil ay noqonayaan kuwo la dayrshay. Qasa waxay iftiin weyn ku shidday xaqiiqo dahsoonayd: Dugaagnimada iyo ilbaxnimada reer Galbeedka lama kala sooci karo.

Tixraac

[i]. Omar Bartov; I’m a Genocide Scholar. I Know It When I See It (New York Times, July 15, 2025). Bartov marka uu leeyahay: ““Tani waxay ahayd natiijo xanuun badan oo la gaaro, intii karaankayga ahna waxaan isku dayey in aan isdiidsiiyo.” Naftiisa oo qura kama uu hadlayo, balse waxa uu ka tarjumayaa dareenka in badan oo ka mid ah aqoonyahannada xasuuq-wadareedyada dersa.

[ii]. Amos Goldberg; Yes, it is genocide ().

[iii]. Lingixa ka eeg magcaanta aqoonyahannada dersa xasuuq-wadareedyada ee saxiixay bayaanka lagu canbaareeyey xasuuqa fooshaxun ee Israa’iil ay Qasa ka waddo.

[iv]. Tusaale ahaan, maalmahaan waddamada reer Galbeed qaarkood ayaa waxay ku dhawaaqayaan in ay Falastiin dawlad u aqoonsadeen. Hase ahaatee, dadka qaddiyadda u dhuundaloola badankoodu waxay qabaan in aqoonsiga hadda la siinayo Falastiin uusan xaaladda dhabta ah waxba ka beddelayn, danta qura ee laga leeyahayna ay tahay in lagu dejiyo dadyowga waddamada reer Galbeedka qaarkood ka wada isu-soobaxyada lagu taageerayo Falastiinida, laguna canbaaraynayo xasuuqa arxandarrada ah ee Israa’iil ay geysanayso.

[v]. Primo Levi (1919-1987) oo ka mid ahaa Yahuuddii Talyaaniga waxa lagu tiriyaa dadka sida quruxda badan wax uga qoray mawduuca Holokoostiga. Buuggaan “Ka Badbaadidda Ooshfiitis /Survival in Auschwitz,” waxa uu aad caan ugu yahay cinwaan kale oo ah “Hadduu Kani Aadmi Yahay /If This Is a Man/ Se questo è un uomo.” Buugga bilowgiisa waxaa ku qoran gabay lagu magacaabay “Haddii uu Kani Aadami Yahay,” oo meerisyadiisa ay ka mid yihiin kuwo oranaya:

Kuwiinna nabadda ku nool

Aqalladiinna dugsoon,

Ee fiidkii markay ku laabtaan ka hela,

Cunto kulul iyo wejiyo gacaltooyo:

Bal ka feker inuu kani nin yahay

Wuxuu ka shaqeeyaa dhoobada

Nabad ma yaqaan

Wuxuu halgan ugu jiraa cad rooti ah

Geeridiisuna waxay ku xiran tahay erayga Haa ama Maya

Bal u fiirsada in tani ay haweenay tahay

Magac iyo timo midna ma laha

Xusuusna laguma oga

Indho maran iyo dhab qabow

Sida rah xilli xagaa jooga

Bal maleeya in middaani dhacday:

Erayadaan baan idiin dardaarmayaa.

Qalbigiinna ku xardha

Markaad guri joogtaan ama aad bannaanka socotaan,

Markaad seexanaysaan ama aad soo toostaan;

Xifdisiiya carruurtiinna.

Ama gurigiin ha ba’o,

Ama cudur ha idin curyaamiyo,

Ubadkiinnuna wejiga ha idinka dadbeen.

(Dharka, timaha iyo magacu waxay ka mid yihiin waxyaabaha ugu danbeeya ee ruuxu uu ku mintido, marka waxyaabahaas khaaska ah xoog looga xayuubiyana wuxuu u nuglaadaa isdhiibidda).

[vi]. Maanawiyiintu waxay ahaayeen dugsi diin iyo falsafad ah oo ku abtirsada nebi lagu magacaabi jirey ‘Manu” oo noolaa qarnigii 3-aad ee ka hor dhalashadii nebi Ciise. Waxay qabeen aragti ah in walxaha oo idil ay kooban yihiin labo shey oo si buuxda isaga soo horjeeda (=Dualistic framework), sida dhalasho iyo dhimasho, lab iyo dheddig, maalin iyo habeen, cadde iyo gudcur, samaan iyo xumaan, shar iyo kheyr, xaq iyo baaddil, farxad iyo naxdin, if iyo aakhiro, iyo qaar kale. Taa awgeed, ma aysan oggolayn in arrimuhu yeelan karaan meel dhexe oo aan caddaan iyo madow midna ahayn (grey erea), oo runta iyo beenta, iyo saxa iyo khaladka ay wax u dhaxayn karaan. Arrinkaasina waxa uu keenay in faylasuufyada doodaha jeceli ay erayga ‘Maanawi /Manichaean” sarbeeb ahaan ugu adeegsadaan cidda arrimaha fududaysa ee waxyaabaha mugdiga iyo aragti kala duwanaanta keena ka cararta.

[vii]. Faylasuufaddii Jarmal-Ameerikaanka ahayd ee Xannaa Arent (Hannaha Arendt, 1906-1975), waxay adeegsatay eraybixinta caanka ah ee “Liidashada Sharka /the Banality of Evil/تفاهة الشر”. Xanna sannadkii 1961, waxay ka qaybgashay maxkamadayntii Adolf Eykhman oo lagu eedeeyey in uu madax ka ahaa hawshii Yahuudda loogu daabbulayey xeryihii lagu xasuuqay. Xanna oo xilligaas u shaqaynaysay wargeyska New York Times, hawsha maxkamadaynta waxay ka diyaarisay maqaallo ay goor danbe ka dhigtay buug ay u bixisay “Eykhman oo Qudus Jooga: Warbixin Liidashada Sharka /Eichmann in Jerusalem: A Report on the Banality of Evil, 1963,” waxayna ku doodday in aysan khasab ahayn in falalka fooshaxun ee sharka wataa ay ka soo fulaan dad sharlowyo ah, balse ay dhici karto in shar badani uu ka soo fulo duul aan lahayn sabab dhab ah oo ku bixinaysa, ee ay ugu wacan tahay oo keliya in aysan ka fekerin falka ay ku kacayaan. Sidaa awgeedna, fekerid la’aantu ay marar badan keento in qofku uu dhib geysto. Waxayna ku doodday in Eykhaman oo ku eedaysnaa in uu safka hore uga jiro dadkii geystay xasuuqii Holokoostigu uu ahaa qof caadi ah, oo denbiyadii uu galay ugu qiilbixiyey in uu ahaa ruux fuliyey amarradii la siiyey, oo u hoggaansamay qawaaniintii lagu shaqaynayey oo keliya.

[viii]. Sannadkii 1949, Israa’iil waxaa soo gaaray lammaane lagu kala magacaabi jirey Genya and Henryk Kowalski oo ka samatabaxay xasuuqii Yahuudda loogu gaystay Yurub. Isla markii ay lammaanuhu Israa’iil soo gaareen waxaa la siiyey aqal goglan. laakiinse, durba waxay arkeen in saxuunta miiska saaran ay cunto bisili ka buuxdo, arrinkaas oo ay ka fahmeen in guriga ay deggenaayeen Falastiini cabsi darteed si halhaleel ah uga cararay, falkaas oo maskaxdooda dib ugu celiyey maalinkii ay gurigoodii Yurub sida kedada ah baqdin darteed uga baxsadeen. Lammaanuhu waxay caddeeyeen in weligood aysan gurigaan degayn, sababtana waxay ku sheegeen: “waxa uu na xusuusiyey sidii degdegga ahayd ee aan uga cararnay aqalkayagii iyo wax walba oo aan haysannay jeerkii Jarmalku ay na soo gaareen oo ay xerada nagu xareeyeen (=ghetto).”

[ix]. In badan oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha Maraykanka oo isugu jira aqoonyahanno, saxafiyiin, siyaasiyiin, wadaaddo, iyo qaar kale baa si joogto ah xiriir u dhexdhiga Maraykanka iyo Israa’iil, oo sheega in Maraykanka iyo Israa’iil ay wadaagaan xuddun ruuxi ah oo adag. Tusaale ahaan, dadka Maraykanka qaarkood waxay ku doodaan in dalka ugu dhow Maraykanka ee la barbardhigi karo uu yahay Israa’iil, dadka aragtidaas qabaana waxay adeegsadaan weedha “Israa’iisheenna Maraykanka /Our American Israel.” Labada deegaanna waxay wadaagaan in ay yihiin dhulal laga dhacay dadkii horay ugu dhaqnaa. Dadka labada dhul u harayna waxay ku andacoodaan in dhulalkaani ay ahaayeen dhulal aan dad lahayn oo Alle dad siiyey, waxay adeegsadaan weedha caanka ah ee tiraahda “Dhul aan dad lahayn, oo ay helaan dad aan dhul lahayn /Land with no people, for people with no land.”

[x]. Charles S. Maier; The Unmasterable Past: History, Holocaust, and German National Identity.

[xi]. Akhristaha sharafta leh waxaan ku baraarujinayaa in faqradaan/baragaraafkaan iyo labada ka danbeeyaba aan anigu maqaalka ugu daray si fekradda maqaalku u sii caddaato. Waana fekrad uu Chris Hedges qudhiisu qabo oo qoraalladiisa iyo hadalladiisa kale laga dhex helayo. Marka erayada aniga ayaa leh, laakiin fahanka waan wadaagnaa.

[xii]. Gaarnimada Holokoostigu waa fekrad ku andacoota in xasuuqii Yahuudda loogu geystay Yurub uu yahay mid gaar ah oo uusan jirin xasuuq kale oo la barbardhigi karo oo abid dunida ka dhacay, ayna waajib tahay in Yahuuddu ay xasuuqaas ku mutaan u garaabid iyo xuquuq dheeri ah. Tusaale ahaan, khaasnimada xasuuqii Yahuudda ee Yurub waxaa ka dhashay in lagu andacood oo dunida oo dhan -siiba Galbeedka- lagu faafiyo in Israa’iil ay dowladaha kale ka geddisan tahay in la siiyo taageero iyo daryeel gaar ah.

[xiii]. Qaddarta Cad ama Masiirka Muuqata (Manifest Destiny) waa aydaloojiyad gumeyste oo qarnigii 19-aad si weyn u faaftay oo nuxurkeedu yahay in dadka caddaanka ahi ay xaq rabbaani ah u leeyihiin in ay wada qabsadaan qaaradda Ameerika oo ay keligood ku noolaadaan. Waa mid ka mid ah fekradihii loo adeegsaday xasuuqii iyo barakicintii dadkii waagii hore dhulkaas ku dhaqnaa ee Hindida Cas loo bixiyey.

[xiv]. Lebensraum waa eraybixin ay Naasidii Jarmalku adeegsadeen oo ay ugu qiilbixiyeen dhul ballaarsigooda, iyaga oo ku andacoonaya in dadka Jarmalku si ay u barwaaqoobaan, horumarna u sameeyaan ay u baahan yihiin in ay helaan dhul ballaaran oo muwaadiniintoodu ay sida ay doonaan isugu kala bixiyaan. Waa dood la mid ah midda sanooyinkaan danbe uu Abiy Axmed Geeska Afrika ka wado, ee uu dadkiisa ku kicinayo, uguna baaqayo in ay boobaan dhulka ummadaha deriska la ah, isaga oo ka dhaadhicinaya in ay ku jiraan xabsi korka ka furan, ayna ku khasban yihiin in ay helaan dhul ay isku fidiyaan oo ay sareedo ku gaaraan.

[xv]. 10kii Oktoobar 2023, madaxa isku duwidda hawlaha ciidamada ee Israa’iil Jeneraal Gasaam Calayaan oo si toos ah u la hadlaya dadka reer Qasa baa waxa uu ku yiri: “Duunyada muuqaalka bani’aadam leh waa in loola dhaqmo sida ay tahay. Koronto, biyo iyo wax kale midna ma jirayaan, waxa keliya ee aad helaysaan waa burburin. Cadaab baad rabtaan, cadaab baadna heli doontaan.”

[xvi]. Labaatanaadka qarniga 21-aad Qasa dhallinyarada adduunka waxay ugu jirtaa halkii Fiitnaan dhallinyarada ugu jirtey dabayaaqadii lixdamaadkii qarnigii 20-aad.