Skip to main content

Saturday 15 March 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Aragti

‘Geerida Cabdey sheegayaan gacal ha waayaane’

1 July, 2024
Image
Abdiraman Adan
Share

Erayada ayaa u muuqda kuwo aan ku filnayn in lagu muujiyo murugada iyo xajmiga tiiraanyada taabtay Alle ha u naxariistee Cabdiraxman Aadan qoyskiisa, asxaabtiisa iyo dhammaan intii taqaanay. Cabdiraxmaan waxa uu ahaa shakhsi leh naxariis, karti iyo hufnaan aan caadi ahayn. Joogistiisu waxay ahayd hibo xagga Eebbe ka timid; wuxuu ahaa shakhsi koobsaday sifooyinka mudan in qof lagu bogaadiyo. Aqoonta aan u leeyahay Cabdiraxmaan waxay bilaabantay dabayaaqadii 1999-kii markaas oo aan gurigooda ugu tegay si aan uga soo qaado buug walaalkay Qaasim oo ay saaxiib ahaayeen kaga tagay gurigooda intuuna dhoofin.

Xidhiidhkayagu waxa uu sii xoogaystay sannadihii la soo dhaafay, gaar ahaan 2013, markaas oo aan Norway jaamacad kaga jiray isna uu Jaamacad ka dhiganey Kampala. Waxaan inta badan is dhaafsan jirnay buugaag iyo maqaallo, gaar ahaan kuwa la xiriira Cilmi-baarista Soomaalida. Isbahaysigan indheer-garadka ahi waxa uu daliil u ahaa deeqsinimadiisa iyo jacaylka uu u qabo aqoonta.

Cabdiraxmaan saaxiib kaliya ma ahayn; wuxuu saaxiib dhow la ahaa afar wiil oo Ilma Xaaji Siciid ah oo aan anigu ugu yaraa. Tani waxay ka tarjumaysaa naxariistiisa, dun wanaaggiisa, isdhuldhiggiisa, iyo jacaylka uu dadka u qabey. Sannadihii la soo dhaafay, waxaan wadaagnay farriimo aan la soo koobi karin, oo inta badan diiradda saarayay akhriska iyo qoraalka.

Cabdiraxmaan sida uu u jeclaa aqoonta iyo sida uu ugu heellanaa in uu bulshada la wadaago fikradaha waxtarka leh ayaa runtii ahaa mid dhiirrigelin leh. Waxa uu ahaa mufakir furfuran iyo hal-abuure dedaalkiisu joogta yahay. Lingaxa hoos ku tolani waa tusmadii Waasuge oo uu Cabdiraxmaan curiyay iyo Tusmadii Warmahaye oo aan anigu qoray, anigoo ka falcelinaaya Tusmadii Waasuge ee Cabdiraxmaan. Labada sheekaba waxay ku soo baxeen mareegta Wardheer horraantii 2019.

https://wardheernews.com/tusmadii-waasuge-sheeko-gaaban/

https://wardheernews.com/tusmadii-warmahaye-sheeko-gaaban/

 

Waxa sidoo kale sharaf ii ah, in aan ka mid noqday tafatirayaasha buuggiisa cajiibka ah ee Dan iyo Dareen. Waxaan xusuustaa xamaasaddii iimayladiisa ku jirtay markii aan is weydaarsanay fikrado aan ku turxaan bixinaynay qoraalka buugga. Qoraalkiisu ma ahayn uun mid ka tarjumaya fikirradiisa, balse waxa uu ahaa durdur iyo wabi ay ka buuxaan xikmad, naxariis, iyo faham qotodheer oo ku saabsan xaaladda horumarineed ee bulshadeenna. Wax-is-weydarsigayagii ku saabsanaa qoraalka waxaa mar walba ka buuxdey farxad iyo ixtiraam. 

Qaar ka mid ah iimaylada xusuusta leh ee aan si dhaafsannay ayaa iftiiminaya isdhuldhiggiisa iyo mahadnaqa uu u hayo iskaashiga:

Date: 08.09. 2019

Abdirahman,

 

Salaam kadib, lifaaqa ku lingixan farriintan, waxaan kugula wadaagayaa 50kii baal ee u horreeyay ee aan akhriyay, oo aan felcilna ku soo sameeyay. Ilaa hadda inta aan akhriyay, si guud waxaan ugu riyaaqay murtida iyo xikmadda dhiganahu xambaarsan yahay. Si gaar ah, waxa aan aad uga mabsuuday farshaxanka iyo hal-abuurka aad isticmaashay. Waa dhigane, sida laastiigga u laablaabmi kara oo meela badan taabanaya (flexible wisdom). Inta adigu aad noo soo gudbisay, waxa ku dhawaan karta inta akhristuhu ka tafsiirsan karo. Mahadsanid. Wixi talo ah waxaan kuugu reebay qaybta faallada ee Wordka.

Tu san,

Abdilaahi

Date : 08.09.2019

 

Mahadsandi Abdillahi. Waa sidii aan filayay. Meelo badan waad iga fikirsiisay inaan dib ugu noqdo ayaana lama huraan noqotay. Meelo dhawr ah, wax indhahaygu qaban waayeen ayaad qabatay. Guud ahaan aad buu ii anfacay. Qaybaha danbe ayaan kaa sugi, hadba sida waqtigu kuugu saamaxo. 

 

Mahad badan,

Abdirahman

Date: 22.09.2019

 

Abdirahaman,

Marka hore waxaan kaa raalli galinayaa daahitaanka aan la daahay qoraalka, mashquulkoo igu badnaa awgii. Wixii faallo ah, qaybta faallada ayaan kuugu reebay. Waxaan se jecelahay, in mar aan si guud uga wada-sheekaysano wixii talo ah ee an halkan ku ilduufay. Mahadsanid.

Tu san,

Abdilaahi

Date : 22.09.2019

 

Aad baad u mahadsan tahay Abdillahi. Xalay ayaan ka shaqeeyey, ka dibna waxaan u gudbiyey nin kale oo asxaabta ah oo dib u eegistii u danbaysay ku samaynaya. In kasta oo qoraalku sida xabaasha ama iilka oo kale yahay. Waad aragtay iilka ilaa maydka la dhigo, gacanta laga ma qaado. Qoraalkuna waa sidaa oo ilaa madbacad aad u dirto, kolba meel uun baad isha ku dhufan oo aad beddeli. Waa si fiican walaal, diyaar aan mar ka sheekaysanno buugga. Weekend kan marti ayaa ii joogtee, ama wiigga dhexdiisa ayaynu ka dhigan, ama weekend ka danbe. 

 

Mahad badan, 

Abdirahman

 ***

Afkaar isweydaarsigan wuxuu tusaale u yahay qaddarintiisa dhabta ah ee iskaashiga iyo u heellanaanta xirfadiisa. Buuggiisu waxa uu weli ka marag kacayaa kartidiisa iyo sida ay uga go’nayd in uu bulshadiisa ku soo kordhiyo wax badan oo waxtar leh . Xidhiidhkayagu wuxuu ku socday habab kala duwan oo ay WhatsApp ka mid tahay. Farriintiisii u dambaysay ee ku sahabsanayd dhanka qoraalka, wuxuu ii soo diray 06.05.2024, waxayna u dhigneyd sidan:

 

https://medium.com/@abdirahman.adan/solidarity-from-the-furthest-ca5de731ffab

Salaam Abdilaahi. Hope all is well. Just sharing a short write up.

Date: 06.05.2024

 

Hey Abdirahman, nice to hear from you. I hope you are all well.

The piece you shared evoked profound emotions within me. Thank you for providing such a poignant contribution.

Until soon,

Abdilaahi

 

Gunnaandkii, Eebbe ha u naxariistee, aragtida Cabdiraxmaan had iyo jeer waxay ahayd mid af badan oo sibigtiran. Falcelintiisu waxay ahayd mid wax dhisaysa, dhiirigelintiisuna aan leexleexad lahayn. Xikmadiisii, naxariistiisi, dhaxalka uu inooga tagey or ay ka mid yihiin labadii buug “ Labo Kala Leexday Iyo Dan Iyo Darren” waxay sii wadi doonaan inay dhiirigeliso in aan qalbiga ku hayno goorwalba walaalkeen. Allaha u naxariisto. Aamiin.