Saturday 13 June 2026
Sida ay shaacisay warbaahinta dawladdu, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa mar kale ku guulaystay hoggaaminta Jabuuti isaga oo helay 97.8% codadkii laga dhiibtay doorashadii dhacday. Waa markii lixaad ee uu talada ugu guulaysto si xidhiidh ah, arrintan ayaa sii dheeraynaysa muddada xukunkiisa. Ka dib markii lagu dhawaaqay natiijada, Geelle, waxa uu la hadlay warbaahinta isaga oo sheegay “in uu ku guulaystay doorashadii dhacday “.
Maaddaama uu tartanku ahaa mid aad u kooban, waxa si weyn loo filayey natiijada doorasashada. Doorashadan dhanka mucaaradka waxa ka socday hal tartame oo la yidhaahdo Maxamed Samatar kaas oo ka sharraxnaa xisbi yar oo aan lahayn wax aqlabiyad ah isla markaasna aanay xubno u fadhiyin golaha Baarlamaanka. Xisbiyada ugu tunka culus mucaaradka Jabuuti ayaa sannado badan ka maqan saaxadda siyaasadda iyo doorashooyinka iyaga oo ku sababeeyey jiritaan la’aanta caddaalad iyo hufnaan doorasho. Awoodda siyaasadeed ee sii joogista Geelle ee xukunka waxa aad u sii xoojiyey isbeddello dastuuri oo dhawaan dhacay kuwaas oo meesha ka saaray qodobka xadidayey da’da.
Guddoomiyaha Midawga Afrika Maxamed Yuusuf oo hore u ahaa Wasiirkii arrimaha dibedda Jabuuti ugu na muddada dheeraa wasiirradii soo maray wasaaradda ayaa si weyn u hambalyeeyey Guusha Ismaaciil Cumar Geelle, sidoo kale na waxa uu ammaanay hannaanka ay doorashadu u dhacday, waxaanu bayaan uu soo saaray ku yidhi “ Waxa aan si u weyn hambalyeynayaa dib u doorashada Ismaaciil cumar Geelle” dhanka kale waxa uu ammaan huwiyey shacabka Jabuuti isaga oo bogaadiyey doorka ay ka qaateen qabsoomidda doorashada.
Geelle, kolkii koowaad, talada Jabuuti waxa uu gacanta ku dhigay sannadkii 1999 isaga oo beddelay adeerkii Guuleed Xasan Abtidoon oo xukunka hayey tan iyo markii ay jabuuti xorriyadda qaadatay 1977-kii. Geelle inta aanu xukunka wada qabsan waxa uu ka mid ahaa dadka ugu awoodda badan xukuumaddii Abtidoon waxaanu soo qabtay xilal dhawr ah oo ugu cuslaa madaxa amniga taasina waxa ay siisay awood uu ku fidiyo saamayntiisa siyaasadeed iyo milatari.
Nidaamkan doorasho ee haddda waxa uu soo bilawday sannadkii 1999-kii oo uu doorashadii koowaad is weyn ugu guulaystay isaga oo markaas ka faa’iidaystay awoodda dawladda iyo dhaxalkii xisbiga xukuumadda. Wixii intaas ka danbeeyey gaar ahaan doorashooyinkii dhacay sannadadii 2005, 2011, 2016, 2021, waxa ay sii xoojiyeen oo dhidabadda u sii aaseen xukunka Geelle dhammaantood na wuxu ugu guulaystay si aqlabiyad ah oo gaadhsiisan 85%, halka ay mucaaradku qaadaceen.
Waxyaabaha u fududeeyey in uu sidan ugu guulaysto doorasho kasta oo dhacda ayaa waxa ka mid ah in uu gacan bir ah ku maamulo ha’ayadaha ku shaqada leh amniga gudaha iyo Garsoorka oo dhammaantood u fududeeyey in uu talada ku nagaado.
Si kastaba waxa jira xiisado iyo dildillaacyo gudaha oo bilaabay wixii ka danbeyey wax ka beddelka dastuurka, waxaana tan iyo markaas jiray dedaallo uu wado Xisbiga talada kuwaas oo daarran in Ismaaciil Cumar Geelle loo sawrio hoggaamiye la huranyahay.
Ugu danbeyn, guushan Geelle ayaa ah mid aad loo filayey, waxaanay doorashadu ku soo idlaatay mid aan lahayn tartan dhab ah, isla markaas na ay ka maqnaayeen badi Xisbiyadii Mucaaradka ee ugu waaweynaa Jabuuti, taas oo natiijada ka dhigaysa mid hal dhinac ah.