Skip to main content

Saturday 8 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Buug

Gedgeddoonka Awoodda ee Geeska Afrika: Gorfeyn ku Saabsan Dawlad-dhiska iyo Tubaha Kala-daadashada

20 September, 2025
Image
Gedgeddoonka Awoodda ee Geeska Afrika: Gorfeyn ku Saabsan Dawlad-dhiska iyo Tubaha Kala-daadashada
Share

Geeska Afrika waa mid ka mid ah gobollada Afrika ee ugu kakan, uguna murugsanaanta weyn, iyadoo sooyaalka siyaasadeed la falgalo juquraafiga kala duwan, kana soo dhex baxo isku milan dhif ku ah sheekooyinka dawlad-dhiska iyo dumitaankooda. Christopher Clapham, buuggiisa “The Horn of Africa: State Formation and Decay” waxa uu ku soo bandhigayaa aragti gorfayneed oo qotodheer, oo daaha ka qaadaysa waxa ku hoos duugan khibradahaas is burinaya ee u dhexeeya xaalado aan deggenayn iyo wakhtiyada fawdada. 

Qoraagu kuma koobsanayo tixidda dhacdooyinka sooyaal, ee hab intaas ka xeeldheer ayaa uu ku lafagurayaa hay’adaha maamul iyo isbeddellada juquraafi iyo bulsho ee raadka ku leh geeddiga dawladnimo. Isagoo soo qaadanaya xaaladaha dalal ay ka mid yihiin Itoobiya, Soomaaliya iyo Eretariya, waxa uu bayaaminayaa sida awoodaha gobol iyo faragashiga dibeddu isula falgaleen ee ay u abuureen waaqac siyaasadeed oo murugsan, oo illaa hadda raadkiisu ka muuqdo gobolka.

Qaabdhismeedka Talada iyo Juquraafiga Siyaasadeed: Gunta Caqabadaha Dawlad-dhiska:

Marka Geeska Afrika la joogo, dhidibbo-u-taagidda dawladnimadu waa shaqo kakan oo culus, oo aan laga sooci karin juquraafiga kala duwan, isna burinaya ee gobolkan. Dhulka Sare ee Itoobiya, sida degaanka Amxaarada, waa waxa abuuray xuddunta siyaasadeed iyo dhaqaale oo saamayn leh, gabbaadna siiyey boqortooyadii Itoobiya, oo iskaga caabbisay awoodihii gumeysiga reer Yurub, qarnigii 19aad, Itoobiyana sidaas kaga mid noqotay dawladaha Afrikaanka ah ee kooban ee madaxbannaanidooda ilaashaday. Sidaas si ka duwan, dhulalka godonta ah, sida Soomaaliya iyo Somaliland, waxa ay la dhibtoodeen caqabado ku yimi gundhigga dhismaha dawladnimo oo kala duwanaanshaha beelaha iyo maqnaanta juquraafi xuddun ah oo mideeya, waxa ay kaalin ka qaateen debcinta maamulka dhexe iyo dabadheeraanta dagaallada gudeed. Kala duwanaantan u dhaxaysa dhulka sare iyo dhulka godanka ahi waa waxa sababay in shaqada dawlad-dhisku noqoto mashruuc tabcaan ah oo si fudud ugu raadaysma cadaadisyada gudeed iyo kuwa dibedeed.

Dhulka Sare ee Itoobiya waxa uu abuuray xuddunta siyaasadeed iyo dhaqaale ee Itoobiya oo gabbaad u noqotay boqortooyada Itoobiya, si ay isaga caabbido awoodihi gumeysiga Reer Yurub. Se dhulka godanta ah, sida Soomaaliya iyo Somalilad, ma ay helin xudduntaas dawlad-dhiska

Dagaallada xuduudeed ee Geeska Afrika waxa kale oo ay si qayaxan u muujinayaan kaalinta weyn ee Juquraafigu ku leeyahay qaabaynta siyaasadda. Dagaalkii u dhexeeyey Itoobiya iyo Eretariya (1998 illaa 2000), keliya ma ahayn dagaal siyaasadeed, ee sidoo kale, waxa uu ahaa ismaandhaaf dhuleed oo isu beddelay qaab madaxbannaanida iyo sarraynta lagu xaqiijiyo, dibna loogu qeexo aqoonsiga waddaniyadeed. Sidoo kale, khilaafyada ka taagan gobollo ay ka mid yihiin Ogaadeeniya, ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, waxay muujinayaan sida beelaha iyo isirrada juquraafi cayiman oo deggan looga dhigto jid lagu huriyo dagaallo, kala qaybsanaantana lagu xoojiyo. Dhulku, halkan, keliya ma aha xuduud jeexan oo khariidadda ku yaalla, ee waa fagaare dhinacyada maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ahiba ku loollamaan, lagana dhigto hab lagu jaangooyo gorgortanka dheellitirka gobol. Sidaas darteed, juquraafigu waa jaangooye dhibaatooyinka siyaasadeed iyo milatariba sii labanlaaba.

Ka sokow in qaabdhismeedka dhuleed ee kala duwan loo arko caqabadda hortaagan samaysanka dawlad nabdoon, isla dhinaca kalena waa hab albaabka u fura samaysanka qaabab jaadgoonni ah oo isku xidhnaan bulsho iyo siyaasadeed ah. Qoraagu, waxa uu aaminsanyahay; in fahanka kaabayaashaas maxalliga ah, sida nidaamka beelaha ee Soomaalida iyo hannaanka maamul-daadejinta Itoobiya, uu lagama-maarmaan u yahay furidda sirta dagaallada joogtada ka noqday gobolka. Buuraha iyo togaggu keliya ma aha unugyo dabiici ah, ee waa kuwa marti galiya aqoonsiyo maxalli ah iyo dhaqamo iska caabbin leh, oo ka qayb qaata qaabaynta hannaanka xukun. Iyadoo qodobkan laga duulayo, furdaaminta dhibaatooyinka Geeska Afrika ma suurogalayso haddii aan lagu soo darin saamaynta juquraafiga, si loo fahmo xididka ismaandhaafka, loona dhiso xalal siyaasadeed oo waaqici ah, joogtona noqda.

“Dagaalladii xuduudeed ee gobolka ka dhacay, sida kii Eretariya iyo Itoobiya, iyo loollankii dhuleed ee Soomaaliya iyo Itoobiya, waxa ay caddeynayaan in juquraafigu aanu ahayn keliya astaamo dabiici ah ee uu yahay jaangooye muhiim u ah dawlad-dhiska iyo colaadaha”

Sooyaalka iyo Boqortooyada: Dhaxalka Itoobiya oo Awood Jaangoyn ku leh Gobolka

Qoraagu, waxa uu u kuurgalayaa dhaxalka sooyaal ee Itoobiya, isagoo u arka xaalad jaadgoonni ku dhex ah Geeska Afrika, sababtoo ah boqortooyadani waxa ay ku guulaysatay iska caabbinta mawjaddii gumeysiga Yurub, heersare oo madaxbannaani ahna way ilaashatay, si ka duwan inta badan dalalka Afrika oo gumeysiga hoos tagay. Kaalintii Boqor Miniliggii Labaad ayaa halkan bedka imanaysa, isagoo hoggaamiyey dagaalkii Cadwa ee sannadkii 1896-kii, oo la iska caabbinayey Talyaaniga, summadna u noqotay madaxbannaanida waddaniyadeed iyo ka guulaysiga awoodihii waaweynaa. Tijaabadan sooyaal, keliya ma muujinayso geesinnimadii hoggaanka, ee sidoo kale waxa ay muujinaysaa sida bulshada Itoobiya ugu furfuranyihiin ka hortagidda caqabadaha dibedda kaga yimaadda, arrinkan oo ka qayb qaatay dhisidda aqoonsi waddinayadeed oo isku sidkan, adagtahayna in laga sooco xididkeeda ku aroora boqortooyada.

Hase ahaatee, in Itoobiya ku guulaysatay ilaashiga madaxbannaanideedu kama dhigna maqnaanshaha caqabado gudeed, sababtoo ah dawladdani waxa ay waajahday dagaallo u dhexeeya xuddunta talada iyo darafyada, iyadoo uu sababay kala duwanaanshaha isir iyo af. Soomaalida, Oromada iyo qoomiyado kale ayaa noqday bu’da qalalaasaha siyaasadeed iyo bulsheed, iyadoo qoomiyadahani codsadeen in loo kordhiyo heerka ismaamul, mararna goosasho dalbaday.

Clapham waxa uu tilmaamayaa in maamulka awoodda badan ee xuddunta ah ee ay Itoobiyi dhidibbada u taagtay ay yihiin middi laba af leh; mararka degganaansho jiro, waxa ay xoojiyaan iskuxidhnaanta talo, se judhaba, marka dhibaatooyin gudeed jiraan, waxa ay isku beddelaan waxa sababa taagdarrada. Sababtan awgeed, Itoobiya waxa ay tahay muunad lagu fahmo isla falgalka midnimada waddaniyadeed iyo kala duwanaanshaha isir ee Afrika.

Xilligan oo qalalaasahaasi sii labajibbaarmayo, Itoobiya waxa ay dhex heehaabaysaa isku dayga casriyeynta iyo degganaanshaha oo dhinac ah, iyo qalalaasaha siyaasadeed iyo fallaagawga oo dhinac ah. Dalkan waxa soo maray dhacdooyin dhawr ah oo fallaagoobid ah, uguna dambeeyey dagaalkii Tigrayga oo dadka xusuusiyey sida dawladdani ugu jilicsantahay dagaallada gudaha, si kasta oo ay dhaxal guun ah uga haysato boqortooyadii. Diraasadaha wakhtigan taagan ee buuggan ku jiraa, waxa ay tilmaamayaan in dimuqraaddiyadda Itoobiya badanka ku xidhantahay marxalad kala guur ah, oo halis badani ku gedaamantahay, kolkan oo codsiyada shacabku isku beddelaan dagaallo hubaysan, marka ay maqanyihiin hay’adihii dawladeed ee dammaanad qaadayey dheellitirka siyaasadda. Isdiiddadan u dhaxaysa dhaxalkii boqortooyo iyo casriyowga qalalaasaha hadda jiraa, Itoobiya waxa uu ka dhigayaa tusaale nool oo loo qaato kakanaanta dawlad-dhiska Afrika iyo dhibaatooyinkeeda joogtada noqday.

“Itoobiya waa dal jaadgooni ka ah Geeska Afrika, marka la eego xuddunta dawladeed ee ay sameeysay oo suuragalisay in ay ka badbaaddo gumeysigii. Haddana, loollanka u dhexeeya xuddunta iyo hareeraha ayaa ah barta nugeylkeeda. Qoomiyaha Soomaalida iyo Oromada ayaa, tusaale, in badan saluugsanaa xukunka dhexe ee Itoobiya – Isirku waa jaangooye kale”

Ismaandhaaf iyo Fallaagoobid: Kala Furfuranka Dawladda iyo Caqabadaha Degganaanshaha ee Geeska Afrika:

Dagaallada iyo degganaansho la’aantu waa u astaan meelaha qaar, sida Soomaaliya, Eretariya iyo Somaliland, iyadoo dhibaatadu dhaafsiisantahay dagaallo sokeeye, se ay koobsanayso kala daadashada hay’adihii dawladeed iyo ku guuldarraysigeeda in ay soo saarto hannaan siyaasadeed oo joogto noqon kara. Marka Soomaaliya la eego, tusaale ahaan, dumitaankii dawladda ee 1991-kii waxa uu dhaliyey xaalad madhnaan siyaasadeed ah oo daba dheeraatay, waana sababta albaabka u furtay in ay awoodaystaan malleeshiyaad beeleed iyo dhaqdhaqaaqyo Islaami ah, sida “Maxkamadihii Islaamiga” iyo soo ifbixii dambe ee “al-Shabaab”. Marka Eretariya la eegana, walow ay madaxbannaanayd tan iyo 1993-kii, ka dib dagaal dheer oo ay la gashay Itoobiya, haddana judhiiba dalkani waxa uu galay kelitalisnimo iyo ismaandhaaf xuduudeed oo ay Itoobiya la gashay. Tusaalayaashani waxa ay ka turjumayaan adkaanta in dhidibbada loo taago hay’ado dawladeed oo xooggan, oo nabdoon, lagana hirgaliyo deegaan kala qaybsanaanta beelaha iyo ku tartanka xukunku ku xoogganyihiin.

Clapham, waxa uu xoojinayaa in faragelinta dalalka dibeddu kaalin mug weyn ku leedahay sii qotodheeraynta dhibaatooyinkan, sababtoo ah waxa ay kaga qayb qaadataa soo waarididda hubka iyo la kala safashada dhinacyada is haya, arrimahan oo dagaallada sii muddo dheereeya. Dagaalkii Eretariya iyo Itoobiya (1998 illaa 2000), ma ahayn keliya mid ku kooban qaddiyad xuduudeed, ee sidoo kale waxa uu ku dabo lahaa loollan aydhiyoolajiyadeed iyo dano goboleed, oo sii ballaadhiyey heerkiisa, kana dhigay dagaal labada dalba ku dhiigbaxaan dhaqaale ahaan. Sidoo kale, Soomaaliya waxa ay isku beddeshay fagaare ay ku loollamaan awoodaha gobolku, sida Itoobiya iyo Kiiniya, oo dhinac ah, iyo ka qaybqaatayaasha caalamiga ah ee u socda la dagaallanka argagixisada, oo dhinac kale ah. Faragelintani waxa ay dagaallada ka dhigaan lakabyo aan laga sooci karin jiquraafiga siyaasadeed ee gobolka.

Faragalinta shisheeye oo isugu jirta ilaashiga danaha iyo ganacsiga hubka ayaa, iyaguna, ah jaangooye kale oo saameeya dawlad-dhiska iyo burburka awoodeed ee Geeska Afrika

Ka sokow caqabadahan waaweyn, buuggu waxa uu soo bandhigayaa dedaallada unkidda urur-goboleedyo dheellitira gobolka, sida ururgoboleedka IGAD, oo ku dedaala dhexdhexaadinta iyo taageerada dedaallada nabadaynta. Sidoo kale, dedaalladii laba geesoodka ahaa, ee Itoobiya iyo Eretariya sannadkii 2018-kii ku saxeexeen heshiis nabadeed oo soo afjaray sannaddo kala go’naan ahi, waxa ay ka turjumayaan rabitaanka dib u qaabaynta xidhiidhida, si loo helo degganaan. Haddana, dedaalladani waa kuwo xaddidan, inta aan furdaaminta laga bilaabin sababaha seeska u ah dagaallada, sida debecsanaanta haayadaha xukunka iyo kala qaybsanaanta qabyaaladeed. Sidaas darteed, Clapham, waxa uu tilmaamayaa in dhibaatooyinka Geeska Afriki ku arooraan jaangooyeyaal gudeed oo xididdaystay, walow faragelinta shisheeyuhuna xaaladaha sii cakirto.

Buugga Clapham, waxa uu akhristaha daaqad uga furayaa isdiiddooyinka Geeska Afrika, iyadoo juquraafiga iyo sooyaalka isla falgalay ay abuuraan xaalado kakan oo dagaallo iyo aqoonsiyo ah. Qoraagu kuma koobsanayo soo bandhigidda dhacdooyinka, ee waxa uu dhex muquuranayaa fasiraadda jaangooyeyaasha awoodaha gudeed iyo kuwa caalamiga ah, ee tobanaanka sanno soo qaabaynayey gobolkan.

Gorfayntani waxa ay dib u milicsi ku samaynaysaa fahanka dawladnimo laftiisa ee deegaanno qalalaasaha iyo kala duwanaanshuhu ku xoogganyahay. Waa run in buuggu soo bandhigayo xajmiga caqabadaha hortaagan xasilloonida, se sidoo kale, waxa uu muujinayaa fursado ku duugan dhaxalka xaddaaradeed iyo siyaasadeed ee bulshooyinka gobolka, oo sees u noqon kara horumar cusub iyo jid loo qaado mustaqbal sidan ka xasillooni badan, kana qurxoon.