Skip to main content

Tuesday 11 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Feker

Gashiga Maqnaanshaha Kaalinta Indheergaradka Somaliland

19 October, 2025
Image
Gashiga Maqnaanshaha Kaalinta Indheergaradka Somaliland
Share

Ummad kasta oo dunida ka jirta waxay horumar dhaqaale iyo mid maskaxeed ku gaadhaa talada iyo fekerka ay bixiyaan indheergaradka , aqoonyahannada, cilmi-baadhayaasha, hal-abuurka iyo dhallinyarada firfircoon ee u taagan horumarinta bulshada. Hase yeeshee, waxa dhacda in la isku murgiyo ama la kala garan waayo farqiga u dhexeeya aqoonyahan iyo indheergarad, sidaa awgeed waa muhiim in la fahmo waxa ay kala yihiin.

Aqoonyahan waa qof waxbartay, haysta xirfad, shahaado, ama aqoon gaar ah oo ku saabsan meel cayiman sida sharciga. Wuxuu yaqaannaa macluumaad badan, balse aqoontiisu, inta badan, ma gaadhsiisna falanqaynta iyo naqdinta nidaamyada guud. Waxa uu noqon karaa qof aqoontiisa ku koobay shaqo, xirfad ama cilmigiisa takhasuska ah. Indheergaradku, se, waa aqoonyahan ka gudbay heerka macluumaad-ururin; waa maskax dhaliisha, falanqeysa, kana fekerta danta guud. Waa qof aqoontiisa iyo damiirkiisa u adeegsada hagidda bulshada iyo ilaalinta qiimaha dawladnimo. Marka la waayo indheergaradka noocaas ah, aqoonyahannadu waxay ku koobnaadaan dad aqoon haysta balse aamusan, bulshada dhexdeedana waxa ka luma codkii hagayay fekerka iyo jihada.

Dadka indheergaradka ah waa kuwa lagu tilmaami karo maskaxda iyo muraayadda ummadda; waxay arkaan halka ay bulshadu ka liidato, waxayna iftiimiyaan jidka toosan ee horumarka. Waa kuwa dhisa doodaha siyaasadeed, tilmaama khaladaadka hoggaanka, isla markaana soo jeediya xalal ku salaysan aqoon, waayo-aragnimo iyo damiir waddani ah. Bulsho kasta oo ku tallaabsata horumar siyaasadeed ama dhaqaale waxay leedahay indheergarad aan ka baqan runta, aan ku milmin dano gaaban, isla markaana awood u leh inay hoggaamiso fekerka guud ee bulshada. Marka codkaas laga waayo, waxaa bilaabma jahawareer, hoggaan la’aan iyo fawdo maskaxeed oo burburiya nidaam kasta oo qaranimo.

Haddii uu aqoonyahan yahay qof aqoon u leh laan aqooneed oo gaar ah kuna kooban, indheergarad waa aqoonyahan ka gudbay heerka aqoon gaar ah oo awood u leh in uu falanqeeyo, dhaliilo oo si aqooneysan u suureeyo nidaamyada guud ee bulshada; dhibaatooyinkooda iyo xalalkooda. La’aanta indheergaradku waxa ay bulshada ku keentaa jahawareer iyo qasnaan

Haddaba, maxaa dhaca kolka kaalinta indheergaradka la waayo? Taariikhdu waxay marar badan ina tustay in booska bannaan ay buuxiyaan dad aan lahayn aqoon, aragti, waayo-aragnimo iyo xilkasnimo hoggaamineed. Ibn Khaldun, oo ka mid ahaa faylasuufyadii iyo taariikh-yahannadii ugu caansanaa dunida Islaamka, wuxuu buuggiisa caanka ah ee Muqaddimah ku adkeeyay in bulsho kasta oo hoggaankeedu gacanta u galo “waxma-garato” ay u nuglaanayso kala-daadasho, khilaaf iyo burbur. Fekerkiisu, wuxuu si cad u muujiyay in hoggaan aqoon la’aan ahi yahay caqabad aan ummad badbaadin karin, guul kasta oo gaabanina ay ku dambayso dib-u-dhac iyo fowdo waqti dheer ah.

Antonio Gramsci, faylasuuf Talyaani ah, wuxuu buuggiisa Prison Notebooks ku sharraxay in bulsho kasta ay u baahan tahay indheergarad masuul ah (organic intellectuals) kuwaas oo ka dhasha dabaqadda hoose sida xoogsatada, kana shaqeeya wacyigelinta, abaabulka, iyo hoggaaminta bulshada. Wuxuu u kala saaray indheergaradka laba qaybood isaga oo u bixiyey indheergarad dhaqameed iyo indheergarad bulsho, isagoo aaminsanaa in, haddii indheergaradka bulshadu maqnaadaan, ay fursad helaan dad aan aqoon iyo aragti hoggaamineed lahayn. Gramsci wuxuu, sidoo kale, sharraxay fekrad uu ugu yeedhay “hegemony”, taas oo ah marka hal koox fekerkeedu qabsado bulshada, si tartiib ahna loogu caadiyeeyo in nidaamka jira uu yahay “ka ugu saxsan.” Fekerkan waxaa lagu faafiyaa warbaahinta, waxbarashada, diinta, iyo dhaqanka, taas oo keenta in bulshadu u aragto fekrad wada sax ah oo bulshada horumar u keeni karta.

Sida uu qabo Antonio Gramsci, maqnaanshaha indheergaradku waxa uu fududeeyaa in aragti kooxeed oo gaar ahi ay bulshada afduuban karto una sawiri karto in ay tahay midda keliya ee saxda ah, iyada oo loo marayo dhammaan agabyada maan-qabsiga – hegemony.

Indheergaradka bulshadu waxay jebiyaan fekradaha bulshada lagu dulleeyo, waxayna keenaan aragtiyo kale oo ku dhisan feker xor ah iyo dood furan, taas oo lagaga hortago fekradaha ay dadka madaxweynta ahi ku haystaan bulshada, waxayna horseedaan isbeddel bulsho oo dhab ah. Marka aynu xaaladdan ku dabaqno Somaliland, waxa si cad u muuqata in indheergaradkii masuulka ahaa uu ka maqan yahay dhinac kasta oo bulshada ah; haddii ay noqon lahayd dhinaca siyaasadda, arrimaha bulshada iyo dhinacyada kale ee looga baahan yahay indheergaradka masuul ka ah.

Xisbiyada siyaasadeed ee dalku ma laha aydhiyoolajiyad cad oo ay bulshada ku hagaan, hoggaamiyeyaashuna, inta badan, kuma tiirsana aqoonyahannada, balse waxay ku dhisan yihiin taageero qabaa’ileed iyo dano gaaban. Taasina waa waxa maanta Somaliland ka muuqda: xisbiyo aan aragti lahayn, siyaasado aan cilmi ku dhisnayn, iyo hoggaan ku tiirsan qabyaalad iyo dano shakhsi. Sidaas awgeed, xisbi kastaa wuxuu isu beddelay urur ku wareegsan hal shakhsi, halkii uu ka noqon lahaa madal feker iyo dood siyaasadeed oo bulshada u hagta jihada mustaqbalka.

In kasta oo Somaliland u samaysatay xisbiyada siyaasadeed si ay uga gudubto nidaamka qabyaaladeed uguna tallaabsato dhismaha hannaan ku dhisan aragti iyo mabda’, haddana xisbiyadii waxay dib ugu noqdeen isla qabyaaladdii la rabay in laga gudbo. Waxa ay xudunta fekerkooda ka dhigteen qabyaalad, taas oo meesha ka saartay himiladii lagu dhisay nidaamka xisbiyada. Sidaa darteed, xisbiyadu ma aha kuwo bulshada u soo bandhiga aragtiyo kala duwan oo lagu kala raaco, balse waxay noqdeen kuwo ku fashilmay shaqadii iyo doorkii siyaasadeed ee loo igmaday. Hoggaanka xisbiyadu wuxuu gacanta u galay shakhsiyaad aan lahayn aragti indheergaradeed iyo qorshe siyaasadeed oo cad. Ma soo bandhigaan istiraatiijiyad iyo aragti fog oo hagta ummadda. Natiijadu waxay noqotay in maanta xisbiyadii siyaasadeed ee Somaliland ay marayaan heer ay reero kala sheegtaan, halkii ay noqon lahaayeen goleyaal ku saleysan mabda’ iyo aragti feker.

Maqnaanshahaa indheergaradku waxa uu si cad uga muuqdaa Somaliland; dhan kaste oo nololeed. Waxa uu tusaaleha ugu weyni ka muuqdaa xisbiyada siyaasadda ee isu beddelay kooxo qabiil oo ka madhan aqoon, ka caaggan indheergarad kuna soo ururay agab bilaa feker ah.

Isbarbardhig ahaan, xisbiyada siyaasadeed ee dunida kale waxay si toos ah ugu tiirsan yihiin mac’hadyada cilmi-baadhista iyo xarumaha fekerka (think tanks), kuwaas oo soo saara deraasado iyo xalal lagu wajaho dhibaatooyinka adag ee bulshada. Tusaale ahaan, xisbiga Shaqaalaha ee Ingiriisku wuxuu si dhow ula shaqeeyaa xarumo cilmiyeed sida Institute for Public Policy Research (IPPR), halka xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanku uu taageero ka helo mac’hadyo feker sida Heritage Foundation iyo American Enterprise Institute. Xarumo noocan ah ayaa ah kuwa diyaariya siyaasadaha caafimaadka, waxbarashada, dhaqaalaha iyo arrimaha dibedda, kuwaas oo xisbiyada u fududeeya inay bulshada u soo bandhigaan qorshayaal cad oo wax ku ool ah.

Xukuumaddu, iyaduna, halkii ay ka noqon lahayd meel lagu kobciyo siyaasado cilmi-baadhis ku dhisan, waxay noqotay mid ka fog la-talinta indheergaradka iyo mac’hadyada madaxa-bannaan. Taasi waxay si weyn hoos ugu dhigtay tayada go’aamada siyaasadeed ee la qaato, maaddaama aan lagu dhisin deraasad, falanqayn qoto dheer iyo qorsheyaal istiraatiiji ah oo waara. Halkii laga filayay in ay noqoto hay’ad hoggaamineed oo talo iyo cilmi ku dhisan, waxa ay isu beddeshay meel dad badani u arkaan il dhaqaale laga sameeyo oo loo shaqo tago. Dadka xilalka ka haya xukuumadda ama golayaasha sharci-dejinta, intooda badan hadafkoodu waxa uu noqday sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen muddada ay ku sugan yihiin xafiiska, halkii ay ka noqon lahaayeen masuuliyiin ummadda u adeegaya. Waxaa meesha ka baxay xilkasnimadii, isla-xisaabtankii, daah furnaantii iyo dhaqankii dawladnimo ee ka turjumi lahaa danta guud. Markii dhaqankan la caadiyeystay, waxa soo ifbaxay dabeecad ah in qof kasta oo doonaya dhaqaale degdeg ah uu xil raadsho, haddii uu xukuumadda ka waayana uu isku dayo inuu golaha wakiillada ku biiro si uu halkaas uga sameeyo dhaqaale.

Halkan ayaa ay aragtida Max Weber (1864-1920) si toos ah uga muuqataa. Weber, oo ka mid ahaa aasaasayaashii cilmiga bulshada ee casriga ah, wuxuu ku adkaystay in dawladnimada casriga ahi ku dhisan tahay waxa uu ugu yeedhay ‘rational-legal authority’ — awood ku dhisan sharciyad iyo caqliyad oo ku tiirsan xirfad iyo aqoon. Marka uu hannaanka dawladeed lumiyo isla-xisaabtan, caddaalad iyo sharci ku dhisan go’aan qaadasho, waxa uu galaa marxalad uu ku tiirsan yahay dano shakhsiyeed iyo shakhsiyaad aan aqoon iyo xirfad u lahayn maamulka. Sidaa awgeed, Somaliland waxay tusaale u tahay sida ay uga baxday dariiqii dawladnimo ee hufnaa ee Weber ku tilmaamay aqoonta iyo nidaamka sharciga ku dhisan, una weecatay dhaqan ku dhisan dano gaaban iyo ka faa’iidaysi xilal ku meel gaadh ah.

Dawladnimada ka madhan indheergarad, sidoo kale, waa dawlad aan ku dhisnayn feker, cilmibaadhis iyo mabaadi’ waxana ay markaa lumisaa seeskii sharciyadda iyo caqliyadda ee ay ahayd in ay ku dhisnaato dawladdu, sida uu qabo Max Weber, waxana beddesha dawladnimo ku dhisan dano shakhsi iyo ka faa’iideysi xileed –waana mid si weyn uga muuqata Somaliland

Ha se yeesho e, arrintaasi ma taabanayso oo keliya siyaasiyiinta; balse waxay si ba’an u taabatay hay’adaha cilmibaadhista, jaamacadaha, iyo bulshada rayidka ah ee laga filayay inay noqdaan codka aqoonta iyo baraarugga. Jaamacadaha iyo mac’hadyada cilmi-baadhista ee Somaliland waxa ay ku doodaan in ayna haysan maalgelin ay ku fuliyaan deraasado madax-bannaan, in kastoo taasi sabab noqon karto haddana waxa dhab ah in aanay qorshahooda kuba jirin in ay furaan doodihii looga baahnaa. Waxaa meesha ka maqan xidhiidhka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya dawladda, jaamacadaha, iyo ururrada cilmiyeed — xidhiidh horseedi lahaa in la helo deraasado salka u dhigaya qaabaynta siyaasadaha guud ee dalka.

Marka goobaha aqoonta sida jaamacadaha iyo xarumaha cilmi-baadhistu ka maqnaadaan saameynta ay ku yeelan karaan arrimaha siyaasadda iyo bulshada, waxa abuurma faaruq maskaxeed (intellectual vacuum). Aqoonyahanno Afrikaan ah oo badan ayaa arrintan si qoto dheer uga hadlay. Tusaale ahaan, Fred Amonya wuxuu maqaalkiisa Representative Politics in Africa: The Vacuum of Ideology ku tilmaamayaa in siyaasadaha qaaraddu ay yihiin kuwo firfircoon oo dhaqdhaqaaq leh, balse aanay falsafad sal adag leh lahayn – vibrant but ideologically limited, taasoo ka dhalatay awood la’aanta hay’adaha aqoonta. Sidoo kale, Achille Mbembe wuxuu arrintan ku tilmaamay “vacuum of critical thought” — faaruqnimo feker oo horseeday in siyaasadaha Afrika ay ku salaysnaadaan xaaladda wakhtigaas jirta (status quo), halkii laga heli lahaa dood furan, hal-abuur, iyo dib-u-feker falsafadeed oo qoto dheer.

Jaamacadaha iyo xarumihii cilmibaadhista oo, iyaguna, maqan ama gabay kaalintii xogsiinta iyo hagidda siyaasadaha, ayaa ka qaybqaatay faaruqnimada maskaxeed ee siyaasadda Somaliland

Dhallinyaradii aqoonta iyo firfircoonida wadatay ee laga filayay inay noqdaan codka isbeddelka bulshada, intooda badani waxay ku milmeen danaha siyaasadeed ama waxay u leexdeen dhinacyo aan saameyn bulsho lahayn. Waxa yaraatay inta u heellan inay u hadlaan danta guud, u ololeeyaan isla-xisaabtan iyo hufnaan, ama dhiirrigeliyaan dood cilmi ku dhisan oo ku saabsan jihada ay bulshadu u socoto. Dhanka kale, ganacsatada oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha, iyaguna door muuqda kuma laha dhismaha aqoonta bulshada. Halkii ay maalgelin lahaayeen mac’hadyada cilmi-baadhista, ama jaamacadaha madax-bannaan ee soo saari kara aragtiyo iyo deraasado, ganacsigooda iyo dhaqaalaha waddanka wax tari lahaa way ka gaabiyeen doorkoodii kaga aadanaa ee bulshada ka taageeri lahaa horumar aqooneed iyo mid siyaasadeed.

Natiijada guud waxay noqotay bulsho ay ka maqan tahay maskaxdii hagi lahayd, halka awoodda siyaasadeed iyo dhaqaaluhu ay ku urureen dad aan aqoon iyo aragti dheer lahayn, taas oo si dhab ah u xaqiijinaysa digniintii ay hore u bixiyeen Ibn Khalduun iyo Gramsci: marka indheergaradka laga saaro talada ummadda, dawladnimadu waxay u sii sahlanaanaysaa burbur gudaha ah iyo musuq si nidaamsan u baaha.

Kaalin kaste waxa ka maqan indheergaradkii, waxana ay natiijadii noqotay middii ay saadaaliyeen Ibnu Khalduun iyo Gramsci; nidaam gudaha ka dumaya

Ugu dambeyn, si loo helo kaalinta indheergaradka, dhallinyaro firfircoon, iyo mac’hadyada cilmi-baadhista ee Somaliland, waxa loo baahan yahay isbeddel nidaamsan oo ka bilaabma bulshada iyo dawladdaba. Waa in la abuuro xarumo cilmi-baadhiseed oo madax-bannaan oo ka shaqeeya arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, iyo maamulka dawladnimo, si loo helo talooyin iyo qorsheyaal ku dhisan cilmi. Dhallinyarada aqoonta leh waa in la dhiirrigeliyaa, loona abuuro fursado ay ku cabbiraan fekerkooda, u ololeeyaan danta guud, isla markaana ay qayb ka noqdaan go’aan qaadashada bulshada. Halkaas waxa ka soo bixi kara codka isbeddelka iyo ka hortagga dhaqanka musuqmaasuqa ah ee hadda la caadiyeeyey. Ganacsatadu waa in ay u arkaan in maalgelinta jaamacadaha, mac’hadyada cilmi-baadhista aysan ahayn keliya meel ay lacag siinayaan, balse ay tahay maalgelinta mustaqbalka bulshada iyo dawladnimo hufan. Iskaashiga jaamacadaha iyo hay’adaha dawladdu waxa uu hubin karaa in siyaasadaha la dejinayo ay ku salaysnaadaan xog, cilmi, iyo falanqayn qoto dheer. Haddii talaabooyinkan la qaado, Somaliland waxay dib u abuuri kartaa hannaan dawladnimo ee ku dhisan aqoon, caddaalad, iyo isla-xisaabtan, kana fog danaha shakhsi iyo qabaa’il.