Skip to main content

Wednesday 19 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Gargaarka Shisheeye: Cadquudheed iyo Caqabad Horumar

30 September, 2025
Image
Gargaarka Shisheeye: Cadquudheed iyo Caqabad Horumar
Share
Hordhac

Ugu horrayn in gargaar la bixiyo ama la qaato waa wax ku xidhan xaalad gaar ah, sababo iyo ujeeddooyin koobanna leh. Dhibaato ka tan badani markay cid gaar ah ku dhacdo in si dadnimo leh loogu damqado oo gargaar dhaqaale iyo gurmad loo fidiyo waa dadnimo. Balse waxa ay mushkilad noqotaa kolka dhinaca wax bixinaya, taageeradu ayna ka ahayn dadnimo saafi ah ee ay wax u laabanyihiin, iyo kolka dhinaca la gargaarayaa uu taas ka dhigto dhaqan iyo caado dabadeed ku noolaado gacmo hoorsi . Deeqaha iminka loo bixiyo “gargaarka binii aadantinimmo (humaniterian aid) deeq na maaha binii aadamtinimona maaha ee waa wax labadaas ka duwan, sababta oo ah dhanka deeq bixiyeyayaasha waa sida magacu ku caan baxay e, waxa ay u noqotay aalad saameyneed oo lagu muraad qunsado, halka deeq qaateyaashana ay u noqotay camal iyo nolol.

Dunida hantigoosiga laga ma yaqaan wax bilaash ah, dhab ahaanna waa duni ku dhisan danaysi iyo wax is dhaafsi. Sida dabciga u ah, hantigoosigu wuxuu abuuraa kala sarreyn iyo tiro kooban oo oo leh awood dhaqaale, kuwaas oo gacanta ku haya khayraadkii dhulka intiisa badan. Awoodda ka dhalata dheelliga dhaqaale ayaa loo adeegsadaa in lagu abuuro saamayn siyaasadeed iyo mid istaraatijiyadeed, waxaana laga bixiyaa xoogaa cawrigef iyo cadquudheed ah oo raad xun ku yeesha nidaamyada iyo maamullada baahan. Gargaarka shisheeye badankiisu wuxuu abuuraa saamayn taban oo isugu jirta, ku tiirsanaan, islaxisaabtan la’aan iyo isku tashi la’aan. Sidaas awgeed, qormadan waxaan isku dayi doonaa, in aan toosh ku ifinno saamaynta taban ee gargaarka shisheeyuhu ku leeyahay horumarka dhaqaale guud ahaan, iyo gaar ahaan Soomaaliya.

Milicsi: Horumarinta Dhaqaale ee Soomaaliya

Ugu horrayn aan is wayddiinno su’aasha ah, waa maxay horumarin dhaqaale? Soomaalidu se halkee ka joogtaa? Haddaan si kooban isugu dayno inaan qeexno, dhextaalka horumarku waa iskutashiga bulsho ay ku go’aansato in ay wax ka beddesho heerkeeda nololeed. Waa dedaalka lagu bixiyo in kor loo qaado waxsoosaarka, sida in la kordhiyo soosaarista alaabaha loo adeegsado tayaynta nolosha, sida cuntada, huga iyo hoyga. Sidoo kale in kor loo qaado kaabeyaasha nolosha fududeeya sida isgaadhsiinta, waddooyinka gaadiidka iyo isusocodka, kaabeyaasha dhoofinta iyo soodejinta. Halka ay adeegyada xubnaha bulshadu helayaan ee aqoonta iyo caafimaadku ugu mudan yihiin, laga dhigayo mid wax ku ool ah oo halbeeg tayeed leh.

Waagii hore, waxaa la aaminsanaa in waxyaabahani si dabiici ah isaga yimaaddaan oo ay wakhtiga la socdaan, waa na mid suuragal ah, laakiin caalamka maanta waa mid ay adagtahay in ay wax iska yimaaddaan, waxaa soo baxday in aanay suuragal ahayn in horumarku si iskiis ah u iman karin. Sababta ugu weyn ayaa ah in waddamo iyo bulshooyin gaarahi gacanta ku dhigeen dhaqaalihii iyo ilihii wax soo saarka ee dunida. Caqabado tiro badan ayaa horyaalla (ama la hordhigaa) dawladaha soo koraya, jallaafooyin ayaa saynsaaban. Waayo bulshooyinka dibdhacay, mar waa suuq, mar waa maaddo caydhiin, dad iyo duunyaba waa la miirtaa, mar waa halis ay tahay in la iska ilaaliyo, kolkaa suuragal maaha in aad sidii dabiiciga ahayd horumarku ku yimaaddo. Tusaale ahaan, kaynta cidlada ah ee ugbaadka ah dhirtu way hamashtaa, haddii duruufta dabiiciga ahi u saamaxdo, geed waliba tankiisa iyo tamartiisa ayuu baxaa, illaa cawska ugu yar illaa damallada laamaha dhaadheeri si iskood ah ayey u bullaalaan, haddii se kayntaasi diqowdo oo duurjoog iyo xoolo badani ku foofaan, keliya geedkii laan sare leh ayaa badbaada, halka geedgaabka iyo cawska cagta iyo ciddida lagula tago, calafna laga dhigto. Kolkaa waa lagama maarmaan in la soo farageliyo oo kayntaas la qorsheeyo, qayb la xidho, seerayaal la sameeyo, meelaha qaarkoodna si ay bullaalaan daaqista loo diido.

Sidaas oo kale, waxaa lagama maarmaan ah horumarka dhaqaale in aan “iskii” lagu hallayn ee dedaallo ujeeddaysan iyo qorshayn uu yeesho. Taas oo ku soo biirtay masuuliyadda dawladda casriga ah. Xilka dawladdu, waagii hore waxaa lagu qeexi jiray inuu yahay ilaalinta ammaanka (gudaha iyo dibedda) iyo fulinta xeerarka iyo heshiisyada oo keliya, iminka se tiirka qorshaynta oo horumarka dhaqaaluhu wuxuu noqday qodobka saddexaad ee haddii ay gabto ay dawladdu aysan jiri karin.

Marka la milicsado Soomaaliya iyo horumarinta dhaqaaleha, marna ma aysan yeelan qorshe dhaqaale oo taabbogal ah, burburkii ka hor iyo kadib labadaba. Xornimadii ka dib, dawladiihii rayidka ahaa (1960 – 1969), ma jirin qorshe horumarin dhaqaale oo taabbogal noqday (haddii ba ay niyadda ku hayeen) oo ay fuliyeen. Nayaayiradii iyo niyadwanaagii loo hayey xornimada iyo dawladnimada ba waxaa aayirey aqoondarro iyo eelkii gumeystuhu ka tegay iyo dhaqanxumo siyaasadeed oo eexaysi iyo musuqmaasuq lagu sheegay. Niyadjabka laga qaaday qorshe xumada dawladda iyo kartixumadeeda waxaa si fiican laga karaa suugaantii xilliyadaas la tirin jiray. Abwaan Axmed Diiriye (Qaasin) oo markii hore ku geeraaray, “niibtii xareed baa ka timi, naanida ahayd, nayaayiradii waa taa la helay, naxashka saarrayd” waa kii markii danbe na ku halaanhalay, “isma doorin gaalkaan diray iyo, daarta kii galay”. Waa isla halkii uu Guhaad Cabdi-gahaydh na ka lahaa “good iyo abees baa is bedelay, garanna maysaan”.

Xilka saaran dawladda, waagii hore, waxaa lagu qeexi jiray inuu yahay ilaalinta ammaanka (gudaha iyo dibedda) iyo fulinta xeerarka iyo heshiisyada oo keliya, iminka se tiirka qorshaynta oo horumarka dhaqaaluhu ku xidhanyahay wuxuu noqday qodobka saddexaad ee haddii ay gabto ay iyada iyo bulshada rayidka ahiba ay awood gabayaan.

Dawladdii kacaanka 1969 – 1990, way jirtay in ay higsi iyo himilo weyn ay dadka gelisay, inay qorshe hantiwadaag ah isku dayday, iyo inay ku dhawaaqday in ay isku filaansho cunto gaadhi doonto iyo barwaaqo gadhka la gelin doono, waxaa se hal-bacaad lagu lisay ka dhigay wixiiba ku tiirsanaan gargaar shisheeye. Soofiyeedkii ay isu dhiibtay, ee wax kasta ka sugaysay, markii uu baxay, ayaa dumitaankeedii bilowday.

Burburkii 1990-kii ka dib, masalada “horumarinta dhaqaale” waa la iska illaaway. Xaalad adag baa la galay, dagaallo ummulo doox ah baa dhacay, waa la qaxay, waa lakala irdhoobay, waa la silcay oo waa la macalluulay. Qayladhaan ayaa is qabsatay, islaam iyo gaalo ba waxaa la is tusay bal in la soo farageliyo xaaladda waddankan burburay. Xilliyadaas 1991 – 2000naddii waxaa soo bilaabmay ku tiirsanaanta gargaarka iyo deeqda shisheeye.

Hagardaamada Gargaarka Shisheeye

Marka la isku dayo, in la qiimeeyo waxtarka gargaarka shisheeye, waa in saddexdiisa weji ee waaweyn mid kasta sidiisa loo dul istaago:

  • Gargaar aadaminimo (humanitarian aid), kaas oo meel dhibaato degdeg ahi ka jirto wax lagaga qabto.

  • Deeq horumarineed (developmental aid) iyo,

  • Kab dawladeed, oo ah dhaqaale toos loo siiyo xukuumaddaha.

Saddexdaas nooc ee gargaarka shisheeye ka kooban yahay, mid kasta wuxuu leeyahay marmarsiinyihiisa iyo ujeeddooyinkiisa u gaarka ah. Kan ugu horreeya ee gurmadka aadaminimada ah, waa kan ugu marmarsiinyaha fiican, waxaa lagu sababeeyaa sida magaciisa ba ka muuqata diirnaxa binii aadaminimo, runtii na xoogaa waxtar wuu u leeyahay bulshooyinka tabaalaysa, wax ka qabashada musiibooyinka iyo xaaladaha degdegga ah. Walow uu abuuro xaaladda isdhigashada iyo ku tiirsanaanta hadda na waa jaadka gargaarka loogu qaatay. Labada nooc ee kale sababayntoodu waxay ku qeexan tahay ujeeddada, horumarin iyo kaabi, waa se aalado dublamaasiyadeed oo loo adeegsado saamaynta iyo go’aaminta masiirka dawladaha.

Taariikh ahaan waxay sheekada gargaarka shisheeye ee casriga ah ka soo bilaabatay shirkii Biritan Wuudhis (Bretton Woods) 1944-kii, dagaal weynihii 2aad intii uusan dhammaan, waxaana soo bilaabeen Ingiriiska iyo Maraykanka. Dagaalka kadib se waxay u kacday heer kale. Qorshihii Maarshaal ee Maraykanku ku maalgelinayey dib u dhiska Yurubtii dagaalka ku burburtay wuxuu ku bixiyey 20 Bilyan oo doollar taas oo u dhiganta wax ku dhow 300 Bilyan doollarka hadda ah. Gargaarkaasi wuxuu Yurub ka caawiyey inay ka soo kabato burburkii dagaalka dhaqaaleheedu na dhismo. Waayo wuxuu ahaa mid daacad laga yahay, oo qorshe sax ah loo maray, ujeeddadiisa dhabta ahi na horumarin tahay. Markaa ka dib, 1950-maadkii ayay soo bilaabatay in Afrika gargaar la siiyo. Gargaarka shisheeye ee Afrika ku soo qulqulayey oo ka imaanayey labadii awoodeed ee dagaalkii qaboobaa isku hayey, Maraykanka iyo Soofiyeedkii, ujeeddooyin siyaasadeed iyo xeelad juquraafiyadeed ayuu lahaa, laakiin marmarsiinyihiisa ugu wayn wuxuu ahaa kaalinta horumarka dhaqaale ee waddamada soo koraya. 1970-maadkii marka kale ayaa ujeeddadii gargaarku guurtay, xilligii qalalaasaha saliiddu dhacay, waxay ka wareegtay dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha oo waxay isu rogtay adeegbixin. Ugu danbayna fashilka ku yimi in gargaarka shisheeye uu dhiirigeliyo horumar dhaqaale oo Afrika ka dhaca, 1990-maadkii ayaa mar kale loo wareegay in xoogga la saaro maamul wanaagga iyo dhiirigelinta diimuqraadiyadda. Tan oo ah, u badheedhida faragelinta nidaamka siyaasadeed ee dawladaha.

Sannadkii 2009-kii dhaqaaleyahannada u dhalatay dalka Saambiya ee Dambisa Moyo ayaa qortay buug ay u bixisay Deid aid: Why Aid is not working how is there way better for Afrika. Buuggan oo dhawaan loo turjumay Soomaali waxa ku faroyaraystay Saxardiid Axmed isaga oo u bixiyey Cad qudheed: Sababta aanu gargaarku midho dhal u ahayn iyo sida Afrika jid dhaama ugu furanyahay. Dhab ahaanna buuggu waxa uu xambaarsanyahay dood weyn oo ka dhan ah waxtarka gargaarka shisheeye u leeyahay horumarinta dhaqaalaha waddamada taagta daran gaar ahaan Afrika

Dambisa Moyo kolka ay buugga qoraysay waxay qiyaastay in wax ka badan hal tirilyan oo doollar oo gargaar ah Afrika lagu bixiyey, weli se aysan jirin wax horumar ah oo la sheegi karo oo Afrika ka jira, kaas oo loo aanayn karo in uu keenay gargaarku. Waxtardarrada gargaarka shisheeye Moyo waxa ay u tiirisay dhowr sababood; (1) ugu horrayn gargaarku wuxuu dhiirrigeliyaa musuqmaasuqa, wuxuu dumiyaa haayadaha dawladnimada, waayo bay tidhi, waxay abuurtaa dareen ku tiirsanaan ah, sidoo kale dawladdu waxay noqotaa mid aan muwaadiniinteeda u tirsanayn ee meel kale laga quudiyo. Taas oo keenta in aan lagu dedaalin haayado dhis, isla xisaabtan iyo daahfurnaan. (2) Marka labaad gargaarka shisheeye wuxuu curyaamiyaa maalgashiga gaarka ah iyo halabuurka. Suuqa ayuu carqaladeeyaa, ganacsatada na dhabarkuu ka jebiyaa. Sidoo kale lacagtan badan ee bannaanka sida bilaashka ah uga soo qulqulaysaa waxay abuurtaa sicirbarar. (3) Ugu danbaynta na gargaarka shisheeye wuxuu abuuraa giraan madhan oo filasho iyo isdhigasho ah, taas oo dhaawacda kalsoonida bulshada iyo xorriyada qarannimo.

Si kasta ba ha noqotee, gargaarka shisheeye haddii ujeeddooyinkiisa cayiman dhab yihiin waxtar wuu yeelan karaa, laakiin sida muuqata inta badan gargaarka Afrika la siiyaa waa mid ujeeddooyin qarsoon leh.

Gargaarka Shisheeye iyo Soomaaliya burburkii kadib

Gargaar shisheeye (foreign aid) waa kaalmo dhaqaale oo dawlad siiso dawlad kale, iyada ujeeddo ka leh. Qayb waa gargaar aadaminimo (wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah), qayb waa kaalmo horumarineed (dhisidda kaabayaasha dhaqaale iyo dhisidda haayadaha dawladda), qayb na waa kaabis xukumadeed si toos ah loogu kabo miisaaniyadda. Soomaaliya saddexda nooc ee gargaarka shisheeya ba way qaadanaysay soddomeeyadiii sano ee u danbeeyey.

Intii ka horraysay 2000, kaalmada shisheeya ee Soomaaliya soo gaadhaysay waxay u badnayd faragelinta degdegga ah (emergency intervention), taas oo u badnayd raashin la qaybiyo iyo wax u tarista kaamamka qaxoontiga. Waxii intaas ka dambeeyey na Soomaaliya waxa soo gaadhay kaalmooyin kale oo u badan horumarin. Sida ay sheegtay Qarammada Midoobay 2017-kii kaalmada horumarineed waxay gaadhay 1.7 bilyan oo doollar, halka ay 2020-kii na ka cagacagaysay 2 bilyan oo doollar. Sidoo kale, kaalmada tooska ah ee miisaaniyadda dawladda lagu kabo ayaa aad kor ugu kacday intii u dhaxaysay 2015-2020 kii, taas oo ka kacday 27 milyan illaa 284 milyan.

Dambisa Moyo oo ah khabiir ku xeel dheer arrimaha dhaqaalaha waxa ay ku doodday, gargaarku in uu dhiirigeliyo musuqmaasuqa iyo in uu curyaamiyo maalgeshiga iyo halbuurka, sidaas awgeedna loo baahanyahay jid kale oo ay Afrika ku hodmi karto dhaqaale ahaan.

Sida lagu sheegay warbixinta Qaramada Midoobay 2021-kii kaalmadan xoogeeda waxaa bixinayey Maraykanka oo dhiibay 50% waxaa iyana qayb ka ahaa Jarmalka 10%, Ingiriiska 7% iyo haayadaha Midowga Yurub 5%. Halka gargaarka horumarineed uu badankiisu ka imaanayey Bangiga Adduunka 35%, sidoo kale waxaa ka qayb qaatay Jarmalka, Ingiriiska Iswiidhan iyo Midowga Yurub. Sidoo kale, waxaa iyana door ku leh deeqahan Turkiga iyo Sucuudiga. Kaalmadan badankeeda waxaa la soo marsiiyaa wakaalladaha Qarammada Midoobay WFP oo mucaawinada raashinka iyo kaashka qaabilsan, UNICEF oo nafaqada iyo waxbarashada ka shaqaysa iyo UNHCR oo xeryaha qaxoontiga gudaha (IDPs) isu xilsaartay.

Haddaba, mar haddaynu isla aragnay, xaddiga, ujeeddada iyo meelaha ay ka timaaddo kaalmadu, su’aasha muhiimka ahi waxay tahay; gargaarkani wax ma ka taray dhibaatooyinka ka midka yihiin; hoos u dhiggida saboolnimada, dhisidda haayadaha dawladnimo iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaale. Jawaabta oo kooban waa MAYA!

Gargaarka aadaminimo oo u badan cunto, kaash iyo hoy, waxa uu badbaadiyey nololo badan, balse ma uu yareyn saboolnimada, mana uu abuurin xal waara oo wax laga ga qabanayo dhaqaalaha hooseeya iyo nolosha liidata ee ka jirta waddamo badan oo Afrika dhaca.

Caqabadihii ay Dambisa Moyo tilmaantay iyo saamayntii gargaarka shisheeye ayaa si toos ah uga soo ifbaxay Soomaaliya. Is dhigasho, kutiirsanaan, dhaqanxumo iyo musuqmaasuqu, intu ba waa kuwo caado ka noqday dhulka Soomaaliya. Waxaa wax caadi ah iska noqday, in haddii sanadkaas roobku daaho, ama kaliishu dheeraato aad TV-yada ku aragtid odayaal saf ku jira, oo aan roob doon tukanayn, Allahood na aan baryayn, awooddooda iyo kartidooda na aan midna aan ku tashanayn ee leh, “waxaanu caalamka ka codsanaynaa inuu gargaar nala soo gaadho!”. Waxaa nolol maalmeedka ka mid noqotay in masuul Soomaaliyeed oo saxaafadda la hadlayaa uu si toos ah TV-ga uga dhex tuugsado isaga oo baaqyo gargaar dalab ah saxaafadda marinaya. Waxaad sidoo kale joogto u maqlaysaa, deegaamo ka cabanaya in deeqdii adduunku ugu talagalay laga leexsaday.

Soomaaliya waxay heshay gargaar shisheeye oo aad u farabadan, hase yeeshee saamayntiisii horumarineed aad bay u kooban yahay. Heerka saboolnimada Soomaaliya waxa ay weli ka mid tahay kuwa ugu hooseeya Afrika, iyadoo in ka badan kala badh shacabka ay ka hooseeyaan xariiqda saboolnimada. Gargaarka aadaminino, oo u badan cunto, kaash iyo hoy, waxa uu badbaadiyey nololo badan, balse ma uu yareyn saboolnimada, mana uu abuurin xal waara.

Dhanka haayadaha dawladda, gargaarku waxa uu taageeray dib-u-dhiska maamulka, isbeddellada maaliyadeed, iyo isku-duwidda deeq-bixiyeyaasha. Awoodda dawladdu weli waa liidataa, iyadoo nidaamyada canshuuraha daciif yihiin, musuqmaasuqu baahsan yahay, awoodda dawladduna aanay ka gudbin caasimadda. Musuqmaasuqa ayaa noqday caqabad weyn, iyada oo gargaarka si joogto ah loo leexsado oo ay ku takri falaan kooxo hantidoon ah, taas oo yaraysa waxtarka isla markaana sii balaadhisa sinnaan la’aanta.

Isku hallaynta iyo ku tiirsanaanta gargaarka iyo kaalmooyinka dibadeed waa mid si baaxadleh uga muuqata guud ahaan Soomaaliya. Qorshaha horumarineed ee dawladdu wuxuu ku dhisan yahay isku hallaynta deeqo shisheeye, halkii ay ahayd in la isku tashado oo waxsoosaarka gudaha iyo maalgashiga xoogga la saaro. Way adag tahay, inaad maqasho, ama aad la kulanto masuuliyiinta la doortay, heer federaal iyo heer maamul goboleed ba, oo soo jeedinaya qorshe horumarin dhaqaale oo ka madaxbannaan isku hallaynta gargaar shisheeye. Waxaan odhan karnaa, gargaarka shisheeye, horumarinta dhaqaale keliya caqabad kuma aha, ee in laga fekero waddooyinka horumarka ee saxda ah, ayuu caqabad ku yahay.

Qorshaha horumarineed ee Soomaaliya wuxuu ku dhisan yahay isku hallaynta deeqo shisheeye, halkii ay ahayd in la isku tashado oo waxsoosaarka gudaha iyo maalgashiga xoogga la saaro.

Waxaa intaa dheer, ku tiirsanaanta iyo isdhigasha, gargaar shisheeye maaha wax la isku hallayn karo, waa wax la helo ama la waayo, waa wixii laguu garto, iska ba daa in qorshe lagu dul dhistee. Tusaale ahaan qormadan oo dhawaan lagu faafiyey shabakada Geeska, waxay hogatusaalaynaysaa in Maraykanka oo ah bixiyaha ugu wayn ee cadquudheedka Soomaalidu cunto, uu hakiyey intii badnayd deeqdii uu Soomaaliya siin jiray.

Gunaanad

Soomaaliya waxa ay si weyn ugu tiirsan tahay gargaar shisheeye, iyadoo sannadihii u dambeeyey caawimaadda dibeddu ay ka badnayd 40% dhaqaalaha guud ee dalka (GDP). Ku tiirsanaantan waxaa sii xoojiyey maalgelinta aan joogtada ahayn ee ku salaysan xaaladaha degdegga a, taas oo abuurtay waxa loo yaqaan “dabinka kaalmada aadaminimo”.Gebogebadii, inkasta oo gargaarka shisheeye uu door muhiim ah ka ciyaaray ka hortagga macluusha iyo badbaadinta malaayiin Soomaali ah, saamayntiisa horumar waara waa mid aad u kooban. Saboolnimo baahsan ayaa weli jirta, haayadaha dawladduna waa kuwo liita, musuqmaasuqna waa xididdaystay, iyadoo qaybo badan oo gargaar ahi la leexsado ka hor inta aanu gaarin kuwa loogu talagalay. Ku-tiirsanaanta Soomaaliya ee gargaarka bani’aadantinimo ee aan xasilloonayn ayaa sii shiidaalisa silsiladda ku-tiirsanaanta, taasoo dalka ka dhigtay mid nugul oo ay ku soo noqnoqdaan dhibaatooyinku, waxaana loo baahanyahay xal waaara oo laga ga gudbi koro mushkiladdan. Si looga baxo mashaqadan waa in la xoojiyo haayadaha dawladda lana dhiso mu’asasaad dawladeed oo dajin kara qorshayaal dhaqaale oo lagu horumari karo.

Qoraallada kale ee qoraaga