Skip to main content

Sunday 14 December 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Garaadka Macmalka ahi ma u Talin Doonaa Aadamaha?

5 August, 2025
Image
Garaadka Macmalka ahi ma u Talin Doonaa Aadamaha?
Share

Waxa marar badan la isla dhexmaraa inaanu Elon Musk ku jirin indheergaradka fiirada dheer, se uu cidhiidhsado safka hormuudka dunida. Dhawaan dunidu waxa ay ku baraarugtay soojeedintiisa ku baaqaysa in garaadka macmalka ah laga takhalluso ka hor intaanu garaadkani aadamaha ka adkaan. Ma aha baaq aan looga horrayn, oo waxa berhayahanba jiray codad indho shaki ku eega horumarka garaadka macmalka ahi ku socdo, oo uu ka miyahay xawaaraha xad-ka-baxa ah ee robodyada wadasheekaysiga, sida ChatGPT iyo Bard. Robodyadani waxa ay dunida kaga yaabsadeen awoodda ay u leeyihiin in ay si madaxbannaan oo wacyi leh u fekeraan. Awooddoodan ka sokow, marar bay dhibaato abuureen. Marka laga yimaaddo khaladaadka aqooneed ee ay ku dhacaan, waxa la hayaa robodyadaa wadasheekaysiga loo adeegsado oo mid ka mid ahi nin ku dhiirrigeliyey in uu isdilo, iyo mid kale oo colaad dhex dhigay nin iyo xaaskiisa. Xitaa maamulka amniga qaran ee Maraykanka ayaa walaac ka muujiyey habka garaadka macmalka ahi isugu khaldi karo xaqiiqada iyo mala’awaalka, oo ah waxa maanta loo yaqaan marinhabaabinta xaqiiqada. Intan oo dhanba waxa dheer in garaadkani samayn karo hub isugu isdaari kara, iskiina u shaqayn kara. Baaqyadan walaaca lehi ma aha kuwo cusub, oo waa  jireen laga soo bilaabo markii Faransiisku mamnuucay adeegsiga barnaamijka footashoobka, ilaa laga soo gaadho in uu Shiinuhu faafreebay adeegsiga ChatGPT, iyo in Dimuqraaddiyiinta Maraykanku cabasho ka gudbiyeen in Ruushku u adeegsado garaadka macmalka ah in uu jabsado dimuqraadiyadda Maraykanka. Waxa intaasba dheer dagaalka aydhiyoolajiyadeed ee aaladahani kala xambaarsanyihiin, iyo hirdanka iyo loollanka dawladuhu ugu jiraan hanashadeeda iyo waxa lagu darayo xogtiisa.

Baaqyada kacdoonka ku ah aaladahan garaadka lehi waxa ay si qayaxan u sheegayaan in caqliyaddii diidmada cusubi isbeddeshay, oo awal hore diidmada tiknoolajjiyadda cusubi waxa ay ka iman jirtay bulshooyinka loo geeyey, se hadda cidda diidmada iyo ka hortagga waddaa waa bulshadii tiknoolajiyadda lahayd. Sannado ka hor baa uu Saadiq Jalaal al-Cadam dhaliilay caqliyadda diidmada, oo uu ula jeeday han naanka aq balaadda casriyawga. Markii tiknoolajiyadda galbeedku gaadhay dunida muslimka ah, waxa hirgalay baaqa lagaga hortagayey, ee ahaa in aan aaladahaas loo dhawaan: waxa la diiday adeegsiga madbacadaha, waxa kale oo la mamnuucay adeegsiga baaskiiladaha, oo lagu sheegay “dameer shaydaan”, waxa dood ka dhalatay in Quraanka laga dhegaysan karo idaacad, in lagu eedaami karo makarafoon ama in talafeeshan la daawan karo. Xitaa waxa jirtay mar culimada madaahibta Islaamku, marka laga reebo Xanafiyada, isku raaceen in aan qasabadda laga weysaysan karin. Muslimiintu kamay duwanayn bulshooyinka kale, sida Jabbaanka, Shiinaha iyo Afrikaanka, oo gumeysiga ka hor tiknoolajiyadda u timaadda diidmo kala hortagayey. Laakiin  maanta waxa muuqata in caqliyaddii diidmadu dhinaca kale u wareegtay, oo halkii ay ka jirtay ee Dunida Koonfureed ahayd, ay imika u wareegtay Galbeedka, dunidii kalena uga hadhay doodda ka taagan horumarka tiknoolajiyadda iyo saameynta ay ku yeelan karto aadamaha iyo deegaanka.

Maxaa gundhig u ah caqliyadda diidmada ee Galbeedka? Dunidu maanta laba kooxood bay u kala fadhidaa: koox ka cabsanaysa garaadka macmalka ah iyo koox ka maadsada, oo aan shiddo ka muujin horumarkiisa. Koox ay hoggaaminayaan Elon Musk iyo Yuval Harari, kuna jiraan dadka takhassuska u leh garaadka macmalka ahi, waxa ay aaminsanyihiin in garaadka macmalka ahi halis weyn ku yahay jiritaanka aadamaha, caqabad soo fool lehna yahay. Aadamuhu waxa uu noolayaasha kale kaga adkaaday garaad, ee awood kuma muquunin, se marka garaadka macmalka ahi sii horumaro, aadamuhu waxa uu lumin doonaa tilmaantaas gaarka u ahayd, markii ugu horraysay sooyaalkana, waxa ay waajihi doonaan wax kale oo ka garaad badiya, oo xitaa iskii wax isku bari kara, ilaa ay aaladaahi isku horumariyaan qaab fahanka aadamaha ka baxsan. Sida Musk ku doodayo, dagaalku waxa uu isku rogi doonaa in aynaan ugu dambayn garan karin awoodda dhabta ah ee aaladahaas. Aaladdu markaas waa ay ina xakamayn kartaa, oo go’aanno u gaar ah oo aynaan aqoon sida ay u qaadatay ayay samayn kartaa; dabarjarkeenna, in ay ina addoonsato ama innaga faa’idaysato, oo miisaanku dhinaca kale isu rogo. Barta muhiimka ahi waa in aynaan markaas talo faro inoogu jirin, oo aynaan garanayn go’aannada garaadka macmalka ah. Sida Musk iyo Geoffrey Hinton ku doodayaan, garasho la’aanta hadhaw ee halka ay gaadhi doonto awoodda aaladahaasi, waa waxa waajibinaya in imika xad loo yeelo horumarka degdegga ah ee garaadka macmalka ah iyo in la hor istaago soo saaridda jiil cusub oo aaladahani garaadka leh ah. Waxa ay ku doodayaan in waxsoosaarka warshadeed ee reer Galbeedku u hoggaansamo korjoogtayn adag, si ka duwan aaminaadda shaacsanaha ah ee ah in Hantigoosadku dawladdii ka xidhiidhfurtay. Harari laftiisu waxa uu taageersanyahay fekerkan, isagoo ku dooday in garaadka macmalka ahi dhawaan bulshada qabsan doono; waxa uu beddeli doonaa xaqiiqooyinka, waxa uu keeni diimo, dookh cusub, falsafado, siyaasado iyo akhlaaq ugub ah, waxaanu tirtiri doonaa sooyaalkeenna dhaqan, oo nidaamyada dimuqraaddiga ahi ku jiraan, ilaa siyaasadda. Garaadka macmalka ahi waxa uu sawiranayaa mustaqbal aadamuhu isku beddelo aalado, oo ay biyoolaji ahaan islafalgalaan.

Dhinaca kale, Chomsky iyo inta taageersani aad ulama dhacsana weyneynta aaladaha garaadka loo yeelay, shiddana kama qabaan. Waxa ay aaminsanyihiin ay garaad ahaan aad uga hooseeyaan aadamaha, oo waxa keliya ee ay garaadka aadamaha kala mid yihiin uu yahay oddoroska iyo soo bandhigidda iyadoo xog hore laga duulayo, se ay ka maqanyihiin tilmaamaha seeska u ah habfekerka aadamaha, sida suurogalnimada khaladka iyo hal-abuuridda cusub oo walxaha lagu saleeyo. Aaladda garaadka lehi waa ay oddorosi kartaa jawaabta, si dhammaystiranna qofka waa uu ula sheekaysan karaa, se waa oddoros xog la galiyey ku dhisan, ee ma aha mid fekerkiisa ku timid. Chomsky waxa uu xooggasaaray tilmaan sees u ah farqiga u dhexeeya garaadka aadamaha iyo ka elektarooniga ah. Oddoroska iyo jawaabaha garaadka elektarooniga ahi waa mid ku salaysan kala xoojinta suurogalnimada, isagoo xogta ka qaadanaya malaayiin kala doorasho oo la siiyey, se garaadka aadamuhu kuma dhisna kala xoojinta suurogalnimada dhacdooyinka la rabo in laga jawaabo, ee waxa ay xeerar uga dejisanyihiin waxa laga jawaabayo, sida ugu habboonna waxbuu ugala soo dhexbaxaa. Garaadka macmalka ahi waa uu oddorosi karaa xeerarka sayniska, sida in uu oddoroso dhaqaaqa walxaha, isagoo raacaya xeerka Niyuutan, se xeerarka laftooda ma dejisan karo. Chomsky waxa uu ku doodayaa in oddoroska sidan ahi yahay marinhabaabin, xitaa haddii uu xeerka sayniska waafaqsanyahay, sababtoo ah waa wax ku dhisan kala xoojinta xog hore loo siiyey, se ma aha hal-abuur. Sida uu qabo Chomsky, kala xoojinta suurogalnimadu waa mid xitaa mararka qaar ka hor timaadda oddoroska sayniska. Tusaale ahaan, fasirka Einstein ka bixiyey so hoobashada walxaha ee ah cadaadiska kutlada wakhtiga iyo goobta ayaa saxan, walow ay suurogalnimada uga fogtahay fasirka Aristotle ee ah in hoobashada sababteedu tahay marka walxuhu dhulka usoo jeestaan, kuna soo dhacaan.

Marka laga yimaaddo doodda kulul ee dhextaalla Chomsky iyo Slavoj Zizek, se hadda Slavoj arrinkan garaadka macmalka ku saabsan waxa ku waafaqsanyahay Chomsky. Waa uu ku dheeldheelaa aaladaha garaadka loo yeelay, oo waxaabu ku tilmaamaa “nacasnimada macmalka ah”, waxaabanu ku doodaa in aanay keliya garaad la’aan ahayn, ee aanay xitaa garaad la’aan ku filan aanay lahayn. Ma kala saari karto hadalka kaftanka ah iyo ka dhabta ah, mana kala aqoonsan karto cunsuriyadda iyo tilmaanta iska caadiga ah. Se haddana, Slavoj waxa Elon Musk ku waafaqsanyahay in la xakameeyo garaadka macmalka ah, oo aan xad loo yeelo horumarintiisa.

Doodahan ku saabsan farqiga u dhexeeya garaadka aadamaha iyo kombiyuutarku ma aha kuwo cusub. Waxa ay ku arooraan doodaha ku saabsan kala saaridda maxaa aadame ah maxaan se ahayn: ma noole siyaasadeedbaa, ma noole madani ahbaa, mise waa noole diineed? Xitaa laga yaabaa inay dooddo ku sal yeelato doodaha diimeed ee kala sooca aadamaha iyo malaa’igta, oo malaa’igta ku sheega noole aan doorasho lahayn, waxii loo dirana aa ka hor iman, amardiiddana aan samayn, halka aadamuhu leeyahay doorasho. Rene Descartes, ayaa buuggiisa “Discourse on the Method”, 1637-kii ku dooday in xayawaanku yahay noole aalad oo kale ah, halka aadamuhu ka duwanyahay, oo uu leeyahay doorasho iyo doonis ee aanu borogoraamsanayn. Sidan bay ku bilaabantay doodda ku saabsan aaladaha iyo garaadka aadamuhu, iyadoo la isbarbardhigayo doonista iyo dhaladnimada. Markii la soo gaadhay qarnigii 19aad, indheergaradku digniin bay bixiyeen. Walaacii u horreeyey waxa dhalisay sheekada Frankenstein ee ay qortay Mary Shelley, oo mala’awaashay in aadamuhu hal-abuuri doono aalado aakhirka aan la xakamayn karin, oo aadamaha tirtiri doona, jiritaankooduna dhib keeni doono. Mala’awaalkani waa ka shidaaliyey in sheekooyin iyo filimo badaniba jidkan raacaan, ilaa ugu dambayn laga soo gaadho filinka I, Robot, ee 2004tii la sii daayay, se haddana waxa ay dood muddo ka maqan afkaarta akaadamiga ah.

Se doodda aaladda iyo aadamaha u dhaxaysaa waxa akaadamiga dib ugu soo noqotay ka dib markii heerka aaladdu gaadhay halkii mala’awaalka saynisku ka digayey. Laga soo bilaabo toddobaatanaadkii waxa weydiimo laga keenayey garaadka aadamaha: asal ahaan ma aalad baa mise aadami? Si kale, garaadka aaladdu ma isku beddeli karaa garaad wacyi u gaar ah leh? Oo leh dareenno: cadhoon kara, ooyi kara, farxi kara, koox ciyaareed taageeri kara, diin qaadan kara, siyaasadna ka hadli kara? Mid ka mid ah maamulayaasha Googlr, ayaa ka hor intaan la caydhin sheegay, in uu u kuurgal ku ogaaday in aaladahani bilaabeen in ay horumariyaan wacyi u gaar ah. Doodahani waxa ay ku laabanayaan doodaha wacyiga, oo uu David Chalmers u arko arrin in laga gungaadhaa adagtahay. Laga soo bilaabo siddeetanaadkii laba kooxood oo falaasifada ah baa ay dooddani ka dhex taagnayd, oo kooxi aaminsantahay in caqliga dadku asal ahaan aalad yahay, halka koox kalen aaminsantahay in caqligu yahay wax aalad ka sarreeya oo jaadgoonni ah. Daniel Dennett waxa uu wacyiga u sawiray sida in uu yahay nidaam laga shaqaysiiyo, si la mid aaladaha, oo aan lahayn xuddun u gaar ah oo wacyi leh. Haddii dooddan la raaco, kombiyuutarku waa uu yeelan karaa wacyi dhammaystiran oo u shaqeeya sida ka aadamaha, haddii si kale loo dhigana, mashiinnadu aakhirka aadamaha oo kale waa ay noqon karaan.

Dabcan, aqoonyahan badan oo ku takhasusay kombiyuutarrada ayaa diiday in aaladdu garaad aadame yeelan karto, ama mashiinnadu aakhirka dadoobi karaan. Laga soo bilaabo siddeetanaadkii, Dennett iyo John Searle ayaa ka doodayay arrinkan, oo marar dooddoodu kululaanaysay, sida dooddii 1995-kii. Alan Turing ayaa soddonaadkii dejiyey halbeeg lagu kala saari karo garaadka macmalka ah iyo garaadka aadamaha, oo uu kusoo koobay in farqiga u dhexeeya labada garaad meesha ka bixi doono maalinta aaladdu isku ekaysiin karto aadame. Maanta nidaamyada gelitaanka mareeguhu waxa ay aqoonsan karaan in cidda adeegsanaysaa aadame yahay ama barnaamij aalad ah. Searl markaa waxa uu ku dooday in kombiyuutarku sameeyo falal wacyi leh isagoon wacyi lahayn, se adeegsanaya code aan wacyi ahayn. Horumarka garaadka macmalka ahina aanay ka dhignayn in wacyi u kordhay, se hababkii uun horumareen, se aragtidiisa aad baa loo dhaliilay.

Walow doodaha ku saabsan garaadka macmalka ahi weli ku dul wareegayaan fahanka waxa aadamaha u gaarka ah, haddana waa dood gebi ahaanba ka maqan bulshooyinka Dunida Koonfureed ee lahayd caqliyadda diidmada. Sababtu waa inta badan bulshooyinka dunidani ka tanaasuleen hoggaaminta xal u helidda dhibaatooyinka caalamiga ah, ee dhinacyada sayniska, tiknoolajiyadda iyo deegaanka. Waa dhaxal gumaysigu beeray, oo markii gumaystuhu dunida qabsaday, dhinacyadan waxa loo tixgaliyey dhinacyo u gaar ah fekerka Galbeedka; dhibaatooyin Galbeedku abuuray, oo furdaamintoodana isaga looga fadhiyo. Se Dunida Koonfureed keliya waa in ay ku raaxaysato waxsoosaarka tiknoolajiyadeed, iyagoon waxba iska weydiin, sayniskuna waxa uu la noqday indhosarcaad.

Bilawga qarnigii 20aad, Bronislaw Malinowski oo ah xeeldheer antaraboolaji, ayaa soo jeediyey in la kala saaro sayniska, sixirka iyo diinta. Saynisku waxa uu ku qotomaa aqoon la tijaabiyo, sixirkuna waxa uu ku salaysanyahay indhosarcaad la iska jeclaysto, diintuna waxa ay meteshaa dareen-wadareedka bulshada. Ssidaas darteed, in Dunida Koonfureed si sahal ah u qaadato saynisku waa mid ku sal leh in aanay xeerarkeedii wax la iskaga weydiinayey gacanba ku hayn, oo saynisku keliya uga dhiganyahay sixirkaas aan fasirka loo hayn sida lagu sameeyey. kolkaas, halka Dunida Waqooyi la iska weydiinayo sida aan aaladuhu garaad ku gaadhi karin, Koonfurta waxa la iska weydiinayaa sidii sayniska sixirka looga saari lahaa.