Sunday 12 July 2026
Barnaamijyada luuqadeed ee waaweyn sida ChatGPT waxay noqdeen kaaliye degdeg ah oo ay adeegsadaan ardayda, qoraayaasha iyo hal-abuurayaashu. Hal gujin gudaheed ayaa maqaallada lagu qoraa, jawaabahana lagu diyaariyaa, cilmi-baadhis iyo dadaal saacado badan qaadan lahaana la soo koobaa. Laakiin iyadoo aynu la dhacsan nahay fudaydkan yareynaya dadaalka iyo culayska garasho ilaa heerkiisa ugu hooseeya, daraasado cilmiyeed oo casri ah ayaa durba garaacaya badhanka digniinta, waa qiimo qarsoon oo laga yaabo inaynu mustaqbalka bixinno, kaas oo loo yaqaan “deynta garashada”.
Sida ay “deynta farsamo” (technical debt) ugu ururto dunida barnaamijyada marka la doorto xalal fudud oo ku meel gaadh ah, ayaa “deynta garashada” iyana ugu uruurtaa maskaxdeenna marka aynu ku tiirsanaanno jawaabaha diyaarsan ee garaad-gacmeedka, innaga oo aan marin hab feker iyo falanqayn toona. Waxay u muuqan kartaa mid dhib yari leh maanta, balse mustaqbalka waxay ka tagi kartaa farqi ku yimaadda xirfadaha iyo awoodaha garasho ee aynu leenahay. Haddaba, kaaliyahan caqliga badan ma isu beddelayaa — marka si xad-dhaaf ah loogu tiirsanaado — “bakoorad garasho” oo daciifisa awooddeenna aan kaligeen ugu socon lahayn jidka fekerka?
Si looga jawaabo su’aashan walaaca leh, daraasad cilmiyeed ay sameeyeen cilmi-baadhayaal ka tirsan Machadka Teknolojiyadda Massachusetts (MIT) ee Maraykanka ayaa isku dayday inay baadhaan kharashka garasho ee dhabta ah ee ka dhalanaya adeegsiga barnaamijyada luuqadeed ee waaweyn marka lagu jiro waxbarasho aasaasi ah sida qorista maqaallada.
Cilmi-baadhayaashu waxay naqshadeeyeen tijaabo faahfaahsan oo socotay afar bilood, oo ay ka qayb galeen 54 mutadawac, si loo cabbiro saamaynta tiknoolajiyaddani ku leedahay maskaxda iyo waxqabadka. Ka qaybgalayaasha waxaa bilowgii loo qaybiyay saddex kooxood oo waaweyn, kuwaas oo mid walba martay waayo-aragnimo qoraal oo ka duwan tan kooxaha kale.
Saddexda kooxood waxay kala ahaayeen: Kooxda Garaad-Gacmeedka (LLM): xubnaheedu waxay adeegsadeen ChatGPT si uu uga caawiyo qorista maqaalladooda. Iyo Kooxda Raadinta Elektarooniga ah: xubnaheedu waxay ku tiirsanaayeen adeegsiga websaydyada raadinta ee caadiga ah si ay xog u uruuriyaan, iyaga oo aan helin gargaar toos ah oo dhinaca qorista ah. Iyo Kooxda “Maskaxda oo Keliya”: xubnaheedu waxay qoreen maqaalladooda iyaga oo si buuxda ugu tiirsan aqoontooda iyo dadaalkooda maskaxeed, iyaga oo aan adeegsan wax qalab gargaar dibadeed ah.
Si loo ogaado saamaynta muddada dheer, ka qaybgal kasta wuxuu saddex kulan oo xidhiidh ah ku qaatay kooxdiisii. Kulankii afraad se wuxuu watay isbeddel lama filaan ah oo muhiim ah. Kooxdii Garaad-Gacmeedka waxa la faray inay ka tagaan kaaliyahoodii caqliga badnaa oo ay ku qoraan maskaxdooda oo keliya. Dhanka kale, kooxda “Maskaxda oo Keliya” ayaa markii ugu horreysay loo oggolaaday inay isticmaalaan ChatGPT. Ujeedka isbeddelkani waxay ahayd in la ogaado in saamaynta ku-tiirsanaanta garaad-gacmeedku tahay mid ku meel gaadh ah ama ay ka tagayso raad waara.
Daraasaddu waxay ku dhisnayd hannaan dhammaystiran. Dhaqdhaqaaqa neerfayaasha maskaxda ee ka qaybgalayaasha waxaa lagu cabbiray farsamada sawir-qaadista hirarka maskaxda (EEG) si loo ogaado heerka ka qaybgalka maskaxeed. Sidoo kale tayada qoraallada waxaa qiimeeyay macallimiin iyo barnaamijyo qiimeyn oo otomaatig ah, waxaana la qaaday wareysiyo shakhsiyeed kadib kulan kasta si loo dhugto waayo-aragnimadooda iyo heerka ay u dareemayeen lahaanshiyaha shaqada ay qoreen.
Natiijooyinka daraasaddu waxay muujiyeen kala duwanaansho muuqda oo walaac leh oo u dhexeeya saddexda kooxood, waxayna xaqiijiyeen inuu jiro is-weydaarsi dhab ah oo u dhexeeya hawl-yarida adeegsiga degdegga ah iyo qiimaha waxbarashada muddada dheer.
Xogta EEG-gu waxay muujisay in kooxda “Maskaxda oo Keliya” ay diiwaangeliyeen isku-xidhnaanta neerfayaasha ee ugu xooggan uguna baahsan, taas oo tilmaamaysa ka qaybgal maskaxeed oo qoto dheer oo xooggan inta lagu jiray qorista. Dhanka kale, kooxda Garaad-Gacmeedku waxay ahayd kooxda ugu hooseysay xagga dhaqdhaqaaqa maskaxda. Si kale haddii loo dhigo, mar kasta oo taageerada dibaddu sii korodho, dadaalka maskaxdu wuu sii yaraadaa. Ku-tiirsanaanta ChatGPT waxay dhalisay falcelintii maskaxeed ee ugu liidatay, taas oo ka dhigan “maskax dadaal yar marka gargaar dibadeed la helo.”
Intii lagu jiray wareysiyada, ka qaybgalayaashii isticmaalay ChatGPT waxay sheegeen in dareenkooda lahaanshaha qoraalladii ay qoreen uu ahaa mid hooseeya, sidii in qoraalku aanu ka dhalan fekradahooda dhabta ah. Tani waxay sidoo kale ka muuqatay awooddooda xusuusashada, maadaama qaar badan oo ka mid ahi ay ku adkaatay inay soo xigtaan ama dib u xasuustaan qaybo ka mid ah maqaallo ay qoreen daqiiqado yar ka hor. Dhanka kale, xubnaha kooxda si madax-bannaan wax u qortay waxay ku dareemeen lahaanshiyo iyo faan ka sarreeya qoraalladooda, waxayna si fiican u xasuusteen faahfaahintooda. Sida daraasaddu xustay, kuwa adeegsaday garaad-gacmeedka waxay la kulmeen waayo-aragnimo ah “xusuus liidata iyo dareen lahaanshiyo oo dhiman.”
Cilmi-baadhayaashu waxay sidoo kale ogaadeen in maqaallada kooxda Garaad-Gacmeedku ay si weyn isugu ekaayeen qaabka iyo fekradaha, taas oo muujinaysa in adeegsiga isla barnaamijku uu soo saaro natiijooyin isku nooc ah isla markaana yareeyo kala-duwanaanta. Barnaamij-luuqadeedku waxay u janjeedhaan inay macaamiishooda siiyaan qaabab qoraal oo isku dhow, taas oo cidhiidhi gelinaysa fursadda hal-abuurka shakhsiga. Taas beddelkeeda, maqaallada kooxda “Maskaxda oo Keliya” waxay ahaayeen kuwo kala duwan oo asalnimo badan leh, kana turjumaya codka gaarka ah ee qoraa kasta.
Layaabku intaas kuma ekaan. Caddeynta ugu xooggan ee isbiirsiga “deynta garashada” ayaa timid markii si lama filaan ah looga reebay ChatGPT ka qaybgalayaashii la qabsaday taageeradiisa. Waxay muujiyeen dhaqdhaqaaq maskaxeed oo daciif ah iyo waxqabad hooseeya. Waxay u muuqatay sidii in maskaxdoodu, oo la qabsatay “bakooradda garashada”, ay ku adkaanayso inay kaligeed shaqeyso. Dhanka kale, markii garaad-gacmeedka loo oggolaaday kuwii markii hore ku tiirsanaa maskaxdooda oo keliya, waxay muujiyeen awood sare oo ay uga faa’iidaystaan barnaamijka iyaga oo aan lumin ka qaybgalka maskaxeed. Qaybaha maskaxda ee mas’uulka ka ah xusuusta iyo fekerka naqdiga ayaa weli firfircoonaa.
Daraasaddu kuma baaqayso in tiknoolajiyadda la fogeeyo, balse waxay ku talinaysaa adeegsi baraad iyo qorshe ku dhisan. Iyagoo ka duulaya natiijooyinkan, cilmi-baadhayaashu waxay soo jeediyeen aragtiyo muhiim ah oo ku wajahan go’aan-gaadhayaasha dhinacyada waxbarashada iyo dhaqanka. Aragtida ugu horreysa waa mabda’a ah: “Waxbarasho marka hore, taakulayn marka labaad.” Taas macnaheedu waa in waxbarashada firfircoon ay sii ahaato laf-dhabarta geeddi-socodka waxbarashada, gaar ahaan marxaladaha aasaasiga ah.
Ardayda waa in la siiyo fursad ay ku dhistaan xirfadahooda iyaga oo isku filan ka hor inta aan loo soo bandhigin barnaamij caawiya, si tiknoolajiyaddu u noqoto xoojiye waxbarasho ee aanay u noqon beddelkeeda.
Daraasaddu waxay sidoo kale ku talisay in garaad-gacmeedku kiciyo fekerka, halkii uu beddeli lahaa. Waxay sheegtay in horumariyayaashu ay naqshadeeyaan qalabyo soo bandhiga su’aalo hagaya oo tilmaamo siinaya, halkii ay si toos ah u siin lahaayeen xalal diyaarsan, si loo ilaaliyo ka qaybgalka maskaxeed ee adeegsadaha.
Waxay sidoo kale ku baaqday ilaalinta kala-duwanaanta dhaqanka, iyadoo ku dhiirrigelisay hay’adaha dhaqanka iyo warbaahinta ee adeegsada garaad-gacmeedka inay sameeyaan habab dib-u-eegis bini’aadamnimo si looga hortago soo saarista nuxur isku nooc ah, loona ilaaliyo hodantinimada iyo badnaanta codadka kala duwan.
Sidoo kale waxay ku baaqday in kor loo qaado wacyiga adeegsadayaasha. Waxaa jirta baahi degdeg ah oo loo qabo in dadka la fahansiiyo khatarta ku-tiirsanaanta buuxda ee garaad-gacmeedka, lana dhiirrigeliyo inay hubiyaan xogta oo ay dib ugu habeeyaan wax-soo-saarka luuqaddooda gaarka ah si loo xaqiijiyo in waxbarasho dhab ahi dhacdo.
Daraasaddan hormuudka ah waxay xaqiijisay in aynu ku jirno xilli u baahan dheellitir caqli badan oo u dhexeeya ka faa’iidaysiga awoodaha waaweyn ee garaad-gacmeedka iyo ilaalinta iyo kobcinta hibada maskaxda bini’aadamka ee aan laga maarmi karin.
Waxaynu tiknoolajiyadda u adeegsan karnaa si aynu u ballaadhinno awooddeenna iyo kartideenna, balse taas waxa keliya oo suurtagal noqonaysaa markaynu ka taxaddarno in aynaan lumin waxa inaga dhigaya hal-abuurayaal iyo fekerayaal madax-bannaan.