Sunday 12 July 2026
Waxaan ka mid ahay ardayda Soomaaliyeed ee gudaha dalka wax ku barata, khaasatan aqoonta kombuyuutarka iyo barnaamijyadiisa. Markii aan arkay ardayda Soomaaliyeed ee kumanaanka ah ee jaamacadaha ka baxay casrigan, aragtidaydu waxay ila tahay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay heehaabayaan laba mowjadood oo is hareer socda. Waxaan is weydiiyey dhalinyarada Soomaaliyeed ee hiigsigoodu ahaa takhasuska cilmiga casriga ah, rajadoodu sidee ku dhammaan doontaa? Dhalinyaro badan oo cilmiga dijitaalka ah xirfad u leh ayuu maanta suuqii shaqadu ciriiri ku yahay, mana ay u suurto galin inay gaaraan hadafkoodii iyo wixii ay ka aaminsanaayeen aqoontii intaas oo sano ay qalinka iyo buugga u siteen.
Taasi waxay keentay in aanay aheyn walwel shaqsi, balse ay tahay su'aal bulshada oo dhami ka siman tahay. Garaadka macmalka ahi casrigaan wuxuu awood u yeeshay qabto hawlo badan oo hore looga baahnaan jiray dhalinyaradii xirfadleyda aheyd. Sababtaas oo ka dhigtay in barnaamijyadii uu qofku saacado ku qaban lahaa, uu garaadka macmalka ahi daqiiqad ku dhammeystiri karo. Waxaa sidoo kale saamay dareemay xisaabiyayaal shaqooyin waaweyn qaban jirey, oo iyagana shaqooyinkoodii loogaga faaiidaystay garaadka macmalka ah.
Tani ma aha aragti fog oo aan ka dhex arko mustaqbalka, ee waa xaqiiqo aan wada arkayno maanta. Waxaynu markhaati marag ma doonta ah ka nahay, in ardaydu ay wakhti, lacag, juhdi iyo dadaal badan ku bixiyaan takhasuska tignoloojiyadda, hase ahaatee suuqii iyo shaqadii way iska badaleen wixii ay baranayeen. Jaamacaduhuna wax isbeddel ah kuma sameyn manhajyadoodii hore, waxay sii barayaan manhajkii hore iyo farsamooyin aan si buuxda ula jaanqaadin baahida cusub ee suuqa. Sidaas darteed dhalinyaro badan oo soo qalin-jabisay kolka ay shahaadada soo qaataan, waxay isku arkayaan meel bannaan oo u dhexaysa waxa ay soo barteen iyo waxa suuqa looga baahan yahay. Farqigaas, oo aan yareyn ayaa noqda xayndaab weyn oo hortaagan rajadooda iyo hammigooda. Qaar badana way quusteen oo badaha isku gureen goor hore, iyagoo u arkayey sannadihii ay wax soo baranayeen inay ahaayeen sannado ka khasaarey.
Waxay ila tahay way yartahay gaabis waxbarasho oo ardayda lagu tuhmayo, kolka loo eego tirada ardayda soo baxda, ee waxaa jira nidaam waxbarasho oo aan si ku filan ula socon casriga (aan la cusboonaysiin) iyo suuqii oo u baahan wax cusub. Labadaas arrimood ayaa dhallinyarada dhex dhigay xaalad adag. Garaadka macmalka ahi casrigan adeegsigiisu waxa uu noqday qayb muhiim ah oo loo adeegsado si maalinle ah. Kasoo bilow shirkadaha waaweyn, isbitaallada, dugsiyada, iyo jaamacado ayaa joogteeya isticmaalkiisa. Waxaa sidoo kale kamid ah dhinacyada aan ku dhalliilayo garaadka gacmeedka ah inuu ka qeyb qaatay been abuurro badan. Haddii aan qodobkan tusaale ku iftiimiyo waxaa weeye, in garaad gacmeedka loo adeegsado baddalidda wakhtiga iyo macluumaadyo badan. Maalin dhaweyd waxaan sameeyey wax aan u qaadan waayey, waxay aheyd sidaan: Taleefankayga waxaa ku jiray sawir nin aanu saaxiibbo nahay uu ii soo diray, waliba sawirkaas isla isaga ayaa gacantiisa ku sawiray, kaddib anigu waxaan ku sameeyey dib-u-habayn ama dayactir, si aan ugu qanciyo inaan sawirkaas anigu qaaday, waliba anigu sawirka garaad gacmeed ayaan ku dayactiray anigoo taariikhda sawirka la qaaday uun aan baddalay, arrintaas saaxiibkay aad buu ula dhacay isagoo igu amaanay shaqada aan qabtay. Bal maxay noqon kartaa ma faa'iido mise been abuur?
Mar kalena waxa aan markhaati ka noqday qoys Soomaaliyeed oo uu sabab u noqday garaad gacmeed, kala taggooda. Taasina waxa ay aheyd musiibo kale oo aan usoo taagnaa, in labo ruux oo wada jooga reer qurux badanna u dhisnaa, gabadhii xaaska ahayd ayaa la tusay sawir lagu sameeyey garaadkan, oo muujinaya sawir gabar kale iyo seygeedii oo laabta isku haya, bal kaalay adigu xaaskii ka dhaadhici waxaani waa garaad gacmeed, sidii baana warqadda lagu kala qaatay. Dhacdooyin noocaas ahi way jiraan oo inaga qarsoon, kana dhaca maalin kasta ummadda dhexdeeda, ha sheegin bulshada noocyadeeda haba ugu horeeyaan, siyaasiyiintu. Iyaduna ma faaiidaa mise waa halis-qarsoon?
19-kii May 2026, shirkadda Google waxa ay shirkeedii sanadlaha ahaa kusoo bandhigtay adeegyo cusub. Maanta waxa jira qalab iyo noocyo badan oo Google leedahay, sida Gemini app, Gemini Live, Gemini Spark, Gemini Flash, Gemini Pro, Gemini Omni, NotebookLM, Project Astra, Antigravity, Gemma4, iyo kuwo kale aan horey u ogayn. Dhammaantoodna waxay ku shaqeeyaan isla AI-ga Google, laakiin magacyo iyo adeegyo kala duwan ayaa loo kala bixiyay, sidaas si la mid ah mid walba shaqo gaar ah ayuu qabtaa. Waxaa iyana horey u jiray kuwo xad dhaaf ah oo iyana xili xaadirkaan ageegsigoodu aad u sareeyo, waana Perplexity, DeepSeek, Runway, HeyGen, Midjourney, ChatGPT, iyo Claude oo saameyntiisana aan indhaha ku haynay 4tii bilood ee ugu danbaysay ee Soomaaliya loo fasaxay isticmaalkiisa. Intuba waxay u diyaarsan yihiin inaan la fekerin maskax iyaga ka madax banaanna ayna dadka iyo dalka wax cusub oo anfacaya ku soo kordhin. Taasina miyeyna halistii aan soo sheegnay ahayn?
Ugu dambayn, bal aynu falanqeyn qoto-dheer sameyno kana jawaabno su'aalahaas. Ma waxaan barannaa oo aynu saacado tiro badan ku bixinnaa, isticmaalka garaad gacmeedkaas aan soo aragnay, sida uu mid walba u shaqeeyo, shaqada uu mid walba qabto? Ma diidani inuu faaiido leeyahay, laakiin waxaan aragti ahaan qabaa inuu yahay geed dhinac ka qallalay; dhinaca kalena ka qoyan iyo halis qarsoon oo aan indhaha laga dadan karin.