Skip to main content

Wednesday 19 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Ganaaxa Tayo-Xumada: Jidka Halbawlaha Somaliland oo Roobab Jareen

21 September, 2025
Image
Ganaaxa Tayo-Xumada: Jidka Halbawlaha Somaliland oo Roobab Jareen
Share

Mid ka mid ah biriijyada ugu muhiimsan Somaliland ayaa dumay, ka dib markii ay da’een roobab keenay daadad xooggan. Biriijka Lafaruug oo ka gudba togga weyn ee Cabaad-Weyne ayaa dumay habeen hore waxana qaybo badan oo ka mid ah xejisyadii biriijka qaaday biyaha xoogga u socda ee dooxa, halka uu mid ka mid ah tiirarka dhexe ciiray ka dibna keenay in qabcad weyn oo biriijka ahi dunto. Arrintan ayaa keentay in uu joogsato isu socodka jidka 1aad ee Somaliland, illaa ay goor dambe xukuumaddu soo faragalisay oo ay isku dayday in ay furto jid ku meelgaadh ah oo dooxa dhex mara, kaas oo ay adag tahay in si habsami ah loo adeegsado xilligan roobban.

Biriijka dumay, oo horena ay u soo gaadheen waxyeellooyin, ayaa waxa uu ka mid ahaa mashruuca dhismaha jidka Dhabbaha Berbera (Berbera Corridor) oo isku xidhaya Berbera iyo Wajaale, qaybna ka ahaa horumarinta Kaabeyaasha Dekedda Berbera. Mashruucan oo qaybo ka mid ahi hore u fashilmeen sida jidka Kala-baydh ilaa Wajaale, ayaa marar badan lagu eedeeyay in aad loo tayo-xumeeyay, isla markaana la musuqay nidaamkiisii fulinta.

Biriijkan hadda dumay ayaa waxa uu saaran yahay mid ka mid ah togagga ugu ballaadhan uguna biyaha badan Somaliland oo sidaas loogu magacdaray Cabaad-Weyne, ha se ahaato e waxa ay shirkaddii dhisaysay ka shaqeysay in ay biriij saarto wax ka yar kala-badh baaxaddii dooxa oo keentay in ay sii xoojisay awoodda biyaha, iyada oo aan sameyn tiirar iska caabbin kara waana midda sababtay in uu dumo oo uu kala xidhmo jidka halbawlaha Somaliland.

Dhaliilaha la xidhiidha tayada mashaariicda oo inta badan ku lammaan ‘musuqmaasuq’ iyo wax-isdaba-marin ayaa caan ku ah mashaariicda laga fuliyo Somaliland oo ay, inta badan, kala fog yihiin ku-talagalka hore ee natiijada ka soo baxda ugu dambeyn.