Skip to main content

Tuesday 11 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp

Gabowga & Hab-nololeedka

4 October, 2025
Share

Geesku waxa uu soo qabanqaabiyay muxaadiro cinwaankeedu ahaa: Gabowga & Hab-nololeedka – muxuu jidhkeennu degdeg ugu gaboobaa? Maxaan se ka qaban karnaa? 

Barnaamijkan waxa lagu lafa-guray xidhiidhka ka dhexeeya gabowga iyo hab-nololeedka maalin kasta. Waxa si gaar ah diiradda loogu saarey doorarka ay ka ciyaaraan cuntooyinka, jimicsiga, hurdada, maaraynta walbahaarka, iyo xidhiidhada bulsheed ee caafimaadka iyo cimriga dheer. Waxa kale oo lagu eegay waxa uu saynisku ka yidhaahdo gabowga dabiiciga ah iyo kan degdega ah, iyo xeeladaha caafimaadka iyo nolosha wanaagsan lagu ilaalin karo. Waxaa marti ku ahaa barnaamijka Dr. Maxamed Xirsi, oo ah khabiir caafimaad, qoraa iyo cilmi-baadhe.