Skip to main content

Saturday 7 March 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Gaabiska Jiitamaya ee Kobocii Dhaqaalaha Shiinaha — Q2.aad

29 January, 2026
Image
Gaabiska Jiitamaya ee Kobocii Dhaqaalaha Shiinaha — Q1.aad
Share
Casriyeynta Tiknoolajiyadda

Marka laga yimaaddo in fursaddii da’da bulsho ee Shiinuhu hoos u socoto, haddana horumarka Shiinuhu ka samaynayo casriyeynta warshadaha iyo koboca waxsoosaar waxa uu aad uga hooseeyaa dalalka kale ee Eeshiya ee wax dhoofiya, oo marxlado koboc oo tiisa la barbardhigi karo mar soo maray. Laga soo bilaabo 2010-kii, Shiinuhu waxa uu dardargeliyey xoojinta in la tayeeyo waxsoosaarka, lana badiyo dhoofinta qalabka farsamo ahaan sarreeya. Kolka si guud loo eego, Shiinuhu qodobkan horumar wuu ka sameeyey, sida ka cad waxyaabaha uu dhoofiyo ee tiknoolajiyadda sare loo adeegsaday.

Hase ahaatee, runtu waxa ay tahay in casriyeynta Shiinuhu aad uga hoosayso sidii la rabay. Inta u badan shirkadaha wax dhoofiya ee Shiinaha oo dhoofiya qalabka qiimaha sare leh, waxa ay si xooggan ugu tiirsanyihiin qalab farsamo sare oo lasoo dhoofsaday ama tiknoolajiyadda dibedda ee dalalka kale. Ka sokow in qalab qiimo sare leh oo horumarsan badanka lagu rakibo Shiinaha, haddana qaybihiisa kala duwani waa kuwo meelo kale laga soo dhoofiyey, tusaalena waxa ah moobilka Ayfoonka, saldhigga Huwaawi ee shabakada jiilka shanaad (5G) iyo diyaaradda Shiinuhu sameeyo ee C919.

Xukuumadda Shiinuhu waxa ay lacago badan ku maalgelisay dhiirrigelinta curinta, arrinkan oo keenay koboc degdeg ah oo ku yimi tirada liisannada curinta ee tobankii sanno ee u dambeeyey laga diwaangeliyey Shiinaha. Sidaas oo ay tahay, gorfayn qotodheeri waxa ay tilmaamaysaa in liisannadaasi ganacsi ahaan bilaa faa’ido noqdaan; sababta oo ah boqolkiiba sagaashan liisannadaas dib looma cusboonaysiin shan sanno ka dib. Dabagal xukuumadeed oo cusubi waxa kale oo uu muujinayaa in liisanno badani been yihiin amaba yihiin kuwo tayo ahaan liita oo ay waaxo cilmibaadhiseed iyo shirkado usoo saaraan in ay natiijo muujiyaan ka dib marka ay lacago badan ku helaan deeqaha cilmibaadhista. Xaaladdu waxa ay gaadhay heer halis ah oo xukuumadda ku khasbay inay bilawdo olole la dagaallan musuqmaasuqa ah, oo si gaar ah u beegsanaya curinta been-abuurka ah.

Sidoo kale, maqnaanta ilaalinta xuquuqda lahaanshaha feker waa mid si weyn caqabad ugu ah hal-abuurka gudaha. Miisaaniyadda kharashaadka xuquuqda lahaanshahu waxa ay muujinaysaa in Shiinuhu khasaare weyn halkan kaga jiro, arrinkan oo ka dhigan in Shiinuhu lacago badan ku bixiyo liisannada iyo xuquuqaha lahaansho ee ajnabiga ah in ka badan inta shirkadahaas ajnabiga ahi siiyaan Shiinaha. Khasaarahan maaliyadeedna waxa uu sii batay kolkii kor loo qaaday waxsoosaarka Shiinaha ee qalabka qiimaha sare leh lagu soo saaro (soo saaridda qalab tayo leh), isla arrinkan oo muujinaya in inta badan waxsoosaarka Shiinuhu ku tiirsanyahay tiknoolajiyad dibadeed.

Muran kuma jiro in kaalmada weyn ee xukuumaddu siisay shirkadaha si loo fudaydiyo ka shaqaynta farsamooyin xaddidan ay xaqiijisay guulo waaweyn. Tusaalaha ugu mudani waa guushii ugu dambaysay ee dhinaca gawaadhida koronta ku shaqaysa ee Shiinuhu gaadhay, kuwaas oo ku shaqeeya baytariga kharashka yare e lithium-ka, oo uu Shiinuhu si dhab ah ugu farayaraystay. Sidaas oo ay tahay, horumarkan tiknoolajiyadeed kuma dhaboobmin wax aan ahayn ballaadhin xad-ka-bax ah oo lagu sameeyey maalgashiga gawaadhida korontada, arrinkan oo isna sababay fatahaadda awooddii waxsoosaar, iyo tartan qiimayaasha ah. Shirkadda BYD ee Shiinaha waxa u suurogalay in ay gawaadhidan soo saarto, suuqyada dunidana cidhiidhsato, se shirkado kale oo badan oo dhinacan ka shaqaynayey ayaa kacay ama ku dhow kicitaan. Faa’idadan tiknoolajiyadeed waxa ay sababsatay si xun u maamulka raasamaalka iyo biyodhicin aan habboonayn.

Iyadoo ay jiraan casriyeyn lagu hungoobay, maalgalino biyo-coldhaanshay ah iyo ka tan badin awooddii waxsoosaar, koboca dhaqaale ee degdegga ah ee Shiinuhu waxyar buu taray tayada hal-abuur. Koboca wadarta tiirarka waxsoosaar waa mid gaabis bilaabay ama xitaa hoos u dhac, Shiinuhuna waxa uu inta badan ku tiirsanaa koboca degdegga ah ee habqanka ah – kordhinta ka shaqaysiinta shaqaalaha iyo khayraadka – halkii ay ahayd in la adeegsado koboca habboon ee ku imanaya kobcinta hal-abuurka.

Shiinuhu qaabkii ugu wanaagsanaa ee hal-abuur waxa uu ku jiray sannadihii ka dambeeyey 2001, kolkaas oo uu ku biiray Ururka Ganacsiga Adduunka, waxaana sababay maalgashigii dibedda, hase ahaatee arrinkani waxa uu cagsiga isku rogay wixii ka dambeeyey 2010-kii, ka dib kobocii awoodda shaqaale is dhintay, maalgashiga hantida-ma-guurtada ah ee lagu maalgeliyey dayntuna xadkii u dambeeyey gaadhay. Kolkan buu dhaqaaluhu bilaabay gaabis wakhtiga fog ah. Kolka aynnu barbardhigno koboca wadarta tiirarka waxsoosaar ee Shiinaha kuwa kale ee dalalka Eeshiya, innagoo kasoo qaadayna in xilliga warshadawgu bar kasoo wada bilaabmay, gaabiska Shiinaha ku jiraa waxa uu noqonayaa mid cad.

Muddadii u dhaxaysay 1951 ilaa 1981, koboca wadarta tiirarka waxsoosaar ee Jabbaan waxa uu kobcayey heer ah 115%, halka ka Taywaan iyo Kuuriyada Waqooyi ay kala kobcayeen 114% iyo 50% (siday isugu xigaan), intii u dhaxaysay 1960 ilaa 1990. Hase ahaatee Shiinaha, koboca wadarta tiirarka waxsoosaar waxa uu ahaa 1.7% intii u dhaxaysay 1980 ilaa 2010, halka uu 2010 ilaa 2023 kobcay 4%.

Walow Jabbaan, Taywaan iyo Kuuriyaba la kulmeen hoos-u-dhac nisbi ah oo dhinaca tirada xoogga shaqeeya ah, qaybna ka ah isbeddelka dimuqaraafi, haddana dhaqaalahoodu koboca waa uu sii waday – weliba Taywaan iyo Kuuriya in ka badan ka Jabbaan – iyagoo kobocaa u maraya kordhinta hal-abuurka shaqo iyo raasamaalka. Waa arrin wanaaggeeda ay sababtay xoojinta ilaalinta xuquuqda feker iyo dib-u-qaabaynta maaliyadda iyo maalgelinta loo qoondeeyey kaalmaynta hal-abuurka maxalliga ah, se waxan oo dhammi waa wax aan weli Shiinaha ka hirgelin.

Saamaynta dimuqaraadiga tabani ku leeyahay wax-iibsiga

Kolka la eego dhaqaalaha dalalka kale ee Eeshiya, xukuumadduhu waxa ay horumariyeen haayadihii caafimaadka iyo waxbarashada guud, iyo haayadihii kale ee daryeelka bulsho intii lagu gudo jiray sannadihii koboca. Korodhka daryeelka bulsho waxa uu caawiyey in uu xadeeyo u janjeedhsiga badan ee kaydsiga dhaca kolka bulshadii shaqadu gabowdo (u janjeedhsiga kaydka hawlgabka). Intan waxa xiga, iyadoo dadka gaboobay badanayaan, korodhkii dimuqaraafiguna gaabis noqonayo, haddana wax-iibsigii gaarka ahaa waxa uu ahaa mid sugan oo kaalintiisii dhaqaale weli ku jira. Waa dhif in heerka wax-iibsiga ee qoysasku ka yahay waxsoosaarka guud ee dalku is dhimay dalalka Taywaan, Jabbaan iyo Kuuriyada Koonfureed, oo hoos uga dhacay boqolkiiba konton laga soo bilaabo kolkii dalalkaasi cagta saareen dhabbaha horumarka lixdanaadkii. Waa heer aad uga sarreeya ka Shiinaha, oo heerka wax-iibsigu aanu boqolkiiba 45 dhaafin sannadihii 2000, halka wixii 2005 ka dambeeyeyna uu ka hooseeyeyba boqolkiiba 40.

Halkii ay ahayd in la ballaadhiyo daryeelka bulsho, sidan cagsigeeda, dib-u-habaynta suuqa ee Shiinaha waxa garab socotay kala diridda haayadihii bulsho, sida dalladaha bulsho ee miyiga iyo magaaladaba, oo bixin jiray hoy, daryeel caafimaad, waxbarasho, kharashaadka hawlgabka ka dib iyo adeegyo kale, lagumana beddelin tallaabooyin kale. Waa sababta keentay in wax ka badan soddon sanno oo dib u habayn ah ka dib, qoysaska Shiinuhu ay suuqa ku tiirsanyihiin si ay u haqabtiraan baahiyahooda aasaasiga ah, iyagoo adeegsanaya kaydkooda hawlgabka. Waxa intan dheer, in koboca heerka wax-iibsi ee qoysaska Shiinuhu uu wax badan ka dambeeyo koboca dhaqaale. Kala tagsanaantani waa seeska khalkhalka dhaqaalaha Shiinaha.

Kolka gabawga bulshadu sii bato, qoysaska aan ku tiirsanayn daryeelka bulsho waxa ay si weyn uga taxaddarayaan kharash garaynta iyo wax-iibsiga. Isbeddelkan dimuqaraafi waa ka keenaya gaabis ku yimaadda heerkii wax-iibsiga. Kolka heerka wax-iibsigu fashilmo, waxa la filayaa uun in dhaqaalaha Shiinuhu ku tiirsanaado dhoofinta iyo maalgashiga ajnabiga, oo iyaguna yaraanaya kol haddii xooggii shaqaale ee miyiga ee mushaharka yaraa gabaabsi noqday. Isbeddelkan, oo ay la jiraan nidaamyada siyaasadeed iyo bulsho ee aan dib-u-hagaajinta lahayn, waa waxa sababaya dhibaato dhaqaale oo aanay suurogal ahayn in la xalliyaa iyada oo gebi ahaanba dib-u-qaabayn gunta ah lagu sameeyo hannaanka koboc ee Shiinaha mooyee.

Ilaalinta nidaamka halkii koboca laga dardargelin lahaa

Laga soo bilaabo kolkii la sameeyey dib-u-habaynta suuqa, siddeetanaadkii qarnigii tagay, dadka isha ku hayay xaalka Shiinuhu waxa ay aaminsanaayeen in mudnaanta Xisbiga iyo dawladdu tahay in koboca dhaqaale laga dhigto jid sharciyad nidaamka loogu helo. Laakiin taasi inay sax noqotaa waajib ma aha; mudnaanta dhabta ah ee Xisbiga iyo dawladdu waa inay dammaanadqaadaan sii waaridda nidaamka.

Dib-u-habaynta lagamamaarmaanka ah ee dib loogu noolayn karo firfircoonidii dhaqaale ee Shiinuhu waa tallaabo u baahan hawlgelinta khayraad iyo tallaabooyin badan, si dabaqadda shaqaalaha awood loo siiyo, lana taageero nidaam sharci oo madaxbannaan, si loo ilaaliyo xuquuqda lahaanshaha feker, sidoo kalena la xorreeyo nidaam maaliyadeed oo u dabran gacan-ku-haynta dawladda. Waa tallaabooyin tusaalayaal ah, oo aan shaqada loo baahanyahay ku idlayn.

Haddaba, dib-u-habaynta sidan ah oo la isku daray waa mid halis ah oo wiiqaysa gacan-ku-haynta Xisbiga iyo dawladda oo gacan ku hayaan bulshada iyo dhaqaalaha. Si jidkan looga fogaado, Xisbiga Shuuciga ee Shiinuhu waxa uu doortay jid kale oo madow: u dulqaadashada hoobashada dhaqaalaha iyo xoojinta nabadgalyada dawladda iyadoo loo marayo cabudhin badan iyo kordhinta dhiigbaxa khayraadka dhaqaale gaabis bilaabay. Muhiim uma aha in gacan-ku-hayntaas badani dhib gaadhsiinayso dhaqaalaha, kol haddiiba dawladdu leedahay gacanta sare, joogitaanka nidaamkuna dammaanad qaadanyahay. Qaabkan ayaa ay nidaamyada kelitaliska ahi uga dabbaashaan dhibaatooyinka dhaqaale – laga soo bilaabo Kuuriyada Waqooyi, Ruushka, Iiraan ilaa Fanisweela.

Ka sokow in dad badani saadaalinayaan in Shiinuhu jidka hore dooran doono, haddana waxa ay u muuqataa in uu jidkan dambe ku socdo.

Qoraallada kale ee qoraaga