Skip to main content

Sunday 8 March 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Gaabiska Jiitamaya ee Kobocii Dhaqaalaha Shiinaha — Q1.aad

28 January, 2026
Image
Gaabiska Jiitamaya ee Kobocii Dhaqaalaha Shiinaha — Q1.aad
Share

Kobocii xawliga ahaa ee dhaqaale ee Shiinuhu waa uu soo afjarmay. Heerka korodhka dhaqaale ee sannadlaha ah ee dalku waxa uu kasoo hoobtay figtiisii u sarraysay ee uu gaadhay 2007-dii, oo ahayd boqolkiiba 14, isagoo boqolkiiba 6 wax ka yar soo gaadhay sannadkii 2023. Wadarta dayntu (daymaha gudaha iyo kuwa dibadduba) waxa ay gaadhay heer werwer leh, oo ah in ay boqolkiiba 365% ka noqoto waxsoosaarka gudeed ee dalka, rubucii hore ee 2024, sida uu xusayo Maxadka Maaliyadda Caalamiga ah, waana heer aad uga sarreeya heerka dayn ee dalalka kale ee la midka ah, ee ah dalalka dakhliga dhexe, sida Baraasiil (208%), Arjantiin (152%), iyo Indooneesiya (86%). Daalaadhaca iyo caqabadaha dhaqaale ee Shiinuhu wajahayo waxa kale oo laga dheehan karaa burburka (kicidda) shirkado waaweyn oo guryaha iyo hantida ma guurtada ah ka shaqaynayey, sida shirkadda Evergrande, shirkadahan oo sannado kooban ka hor astaan u ahaa mucjisada dhaqaale ee Shiinaha.

Soddonkii sanno ee u dambeeyey, Shiinuhu waxa uu la kulmay dhibaatooyin dhaqaale oo dhawr ah, kana dhashay khalkhal gudaha ah ama dhaawacyo dibedda kaga yimi, waxaana ka mid ahaa sicirbararkii darnaa ee ka dhashay korodhka dhaqaale ee degdegga ah ee sannadihii 1992-1993, hoos-u-dhacii dhaqaale ee ka dambeeyey dhibaatooyinkii maaliyadeed ee Eeshiyaanka sannadihii 1997-98 iyo saamaynaha dhibaatadii maaliyadeed ee caalamiga ahayd, 2008. Markasta se, dhaqaalaha Shiinuhu waxa uu usoo kacayey si dhokhso ah, soo kabashada degdegga ahna waxa sababahooda lahaa tallaabooyinka siyaasadeed ee la qaadayey (dib-u-habayntii Zhu Rongji ee 1994), u furankii cusbaa ee ganacsiga (kolkii uu Shiinuhu ku biiray Ururka Ganacsiga Adduunka sannadkii 2001), iyo dardargelin maaliyadeed oo xooggan (ololihii maalgalinta ballaadhan ee ay xukuumaddu samaysay sannadihii 2009 iyo 2010).

Koboc aan dardargelin lagu heli karin

Gaabiska dhaqaalaha Shiinaha oo soo bilaabmay bilawgii 2010, waxa uu gunta soo taabtay xilligii xanuunka Karoonaha. Laga soo bilaabo kolkii xayiraadaha Karoonaha la laalay, dawladda Shiinuhu waxa ay ka labalabaynaysay in ay qaaddo tallaabooyin dhiirrigelin ah oo ay ku baaqeen dhaqaaleyahanno gudaha Shiinaha iyo dibeddiisaba joogaa. Ka labalabayntani waxa ay lahayd sabab macquul ah: heerka daynta ee sii badanaya iyo dhibaatooyinka maaliyadeed ee jira awgood, tallaabooyinka dardargelinta ah ee la qaadaa waa kuwo culayska daynta sii kordhinaya bilawga, xitaa haddii ay ugu dambayn ku guulaystaan soo noolaynta kobocii dhaqaale – waa haddiiba ay koboc keenaan e. Habraacyadii sababay koboca dhaqaale ee degdegga ah waxa dabbaqaaddooda la laastay intii u dhaxaysay 1980 ilaa 2010, in koboc badqaba jidkiisa mar kale lagu dhacaana waa wax u baahan dib u qaabayn gun iyo baar ah oo lagu sameeyo siyaasadda dhaqaale ee Shiinaha, iyadoo loo marayo dib u xoojinta heerka adeegsiga qoyska ee maxalliga ah.

Badhtamihii 2024, xaaladda koboca dhaqaale ee Shiinuhu aad bay hoos ugu dhacday, heer xukuumadda Xi Jinping ay bilawday qaadidda tallaabooyin dhiirrigelineed oo muddo la sugayey. Kolkii hormadii koowaad ee tallaabooyinkaas la shaaciyey bishii Sebtamber, khubarada dhaqaalaha iyo suuqyada maaliyadeed waxa ay tallaabooyinkaas ku qaabbileen niyadsami iyo farxad, iyagoo naawilayey in xukuumaddu samayso tallaabooyin dhiirrigeliya wax-iibsiga. Shiinaha waxa hor yaallay ama u furnaa qaabab iyo siyaasado guulaystay oo la tijaabiyey sida in lacag la siiyo dabaqadaha hoose, si la mid ah barnaamijka Bolsa Familia ee Baraasiil, iyo siyaasadda cashuur-dhaafka loo sameeyo qoysaska, sida cashuur-dhaafka carruurta ee Maraykanka ka jira.

Laakiin ugu dambayn, tallaabooyinka dhiirrigelin ee xukuumaddu qaadday may yeelan dardargelintii wax-iibsiga, ugu yaraan xitaa wakhtigaa la joogay. Taas beddelkeeda, tallaabooyinka dhiirrigelin ee ay dawladdu qaadday waxa ay noqdeen kuwo raacay isla jidka dedaallo dhiirregelin oo hore loo qaaday, sida: xoojinta daymaha bangiyada, in dawladaha hoose ee dhaqaale ahaan daaladhacaya loo oggolaado dib-u-maalgashiga daymahooda taagan, iyo dhiirrigelinta iibsiga guryaha iyadoo loo marayo fududaynta amaahda guryaha. Xitaa Sanduuqa Lacagta Adduunka, oo lagu yaqaan shuruudihiisa ad’adag, waxa uu ka digay in Shiinuhu qaado tallaabooyin dardargelin, se aan ku filnayn hor-istaagga xaddigii koboca dhaqaale ee hoosta u socda.

Dhammaadkii 2024 waxa ay ilo rasmi ahi sheegeen in xukuumadda dhexe ee Shiinuhu sannadka 2025 soo saarayso shahaadooyinka daynta ee dawladda (bonds) oo qiimahoodu dhan yahay saddex tirilyan oo Yuwaan (411 bilyan oo doollar), iyadoo uga dan leh koboc si weyn saamayn u yeesha, se ilahaasi may faahfaahin qaabka loo adeegsanayo lacagaha dayntan lagu ururiyo. Sannadkii 2024, boqolkiiba toddobaatan waa la adeegsaday faa’idadii (dulsaarkii) shahaadooyinka daynta ee dawladda ee muddada dheer, iyadoo lagu maalgeliyey mashaariico kaabayaasha ah iyo xoojinta nabadgalyada qaranka, halka boqolkiiba soddonka soo hadhayna lagu kharash gareeyey casriyeynta lagu sameeyey qalabka shirkadaha iyo maalgelinta iibsiga qalabka guryaha iyo gawaadhida.

Talaxgabka awoodda iibsi

Laga soo bilaabo dhammaadkii sagaashanaadkii, masuuliyiin Shiine ah iyo dhaqaalayahanno ayaa ka digayey in hannaanka koboc ee Shiinuhu uu si xad-dhaaf ah ugu tiirsanyahay kordhinta wax-soo-saarka iyo dhoofinta, isagoo hannaankani hafinaya awooddii iibsi ee gudaha (waxa ugu caansan Raysalwasaarihii Shiinaha, Wen Jiabao, oo 2013 ka digay in dhaqaalaha Shiinuhu yahay “mid aan dheellitirnayn, isku xidhnayn oo aan joogto ahaanayn”). Waa hannaan keliya shaqayn kara uun inta Shiinuhu alaab dunida u dhoofinayo, se kolka dhaqaalaha dunidu iska beddelo ganacsiga xorta ah, ee uu isubeddelo ka hortagga warshadaha dibadeed “kala xayndaabashada alaabaha”, sidoo kalena alaabo badan oo xadiidka, gawaadhida ilaa dhuxusha ahina heerkooda waxsoosaar figta ka gaadhaan, qiimayaashu hoos u dhacaan, macaashkuna gaabis bilaabo, kolkaas Shiinuhu waxa uu baahi weyn u qabayaa dib u qaabaynta siyaasadihiis iyo khayraadkiisa, oo ka duwan siyaasadda dardargelinta awoodo cusub oo waxsoosaar, una jihaysan xoojinta awoodda-iibsiga gudaha.

Ka dib dhibaatadii dhaqaale ee caalamiga ahayd ee 2008, xukuumadda Shiinaha waxa hortaallay fursad ay ku qaadi karto tallaabo dhiirrigelin oo xoojisa awoodda-iibsiga, hase ahaatee, tallaabada uu Shiinuhu kaga falceliyey dhibaatadaasi waxa ay noqotay dardargelinta iyo fududaynta daynta bangiyada si dayntaasi u kaalmayso dhismayaasha shirkadaha waaweyn iyo dawladaha hoose, gebi ahaanna waxa meesha ka maqnaa tallaabo lagu xoojiyo awoodda-iibsi ee qoyska. Ugu dambayn, tallaabadaas dardargelinta ahi waxa ay sababtay wax ka dheeraad ah awooddii waxsoosaar ee dhinacyada xadiidka, tamar-ka-dhalinta dhuxusha iyo guryaha.

Toban sanno ka hor, waxa aan buuggayga “Koboca Shiinaha” ku dooday in adkaanta u wareegidda dhiirrigelinta awoodda-iibsi ee qoysku, iyadoo weliba siyaasado wax-ku-ool ahi ay jiraan, ay sababteeda leedahay caqabad siyaasadeed. Warshadaha iyo dawladaha hoose, oo si weyn ugu tiirsan mashaariicda horumarineed ee dhulka iyo dhismaha, ayaa saamayn weyn ku leh qaadashada siyaasadaha, halka dabaqadaha hoose ee miyiga iyo magaalooyinka joogaa aanay metelaad lahayn. Barnaamijyada lacag qaybinta tooska ah, oo xukuumado kale oo dunida ahi sababo olole doorasho u tijaabiyeen, kamay helin wax taageero ah nidaamka Shiinaha dhexdiisa, xitaa iyadoo cilmibaadhayaal badani xoojiyeen lagamamaarmaannimada dib-u-qaabaynta dheellitirka dhaqaale ee muddada fog. Nidaamka siyaasadeed waxa uu isbeddelayey iyada oo aan xukuumaddu marna ku dhiirran qaadashada siyaasadda dhiirrigelinta awoodda-iibsi ee qoyska.

Suququl Dimuqaraafi

Dhaqaalaha Shiinuhu waxa uu wajahayaa caqabado kale oo qaabdhismeed, oo ay ka mid tahay isbeddelo waaweyn oo dimuqaraafi. Muddo tobannaan sanno ah, giraanta waxsoosaar ee dalku waxa ay si weyn ugu tiirsanayd tartanka mushaharaadka ee ka jira dhinacyada warshadaynta. Dadka badan ee miyiga deggani waxay abuureen fursad aan u muuqan mid dhammaanaysa oo shaqaalinnimo, welibana ay sii caawiyeen maqnaanta guddiyo madaxbannaan oo ka dagaallama mushaharaadka hooseeya, una dooda codsiyada kale ee shaqaalaha.

Sidaas awgeed, Shiinuhu waxa uu muddo ka badan dalalka kale ee Eeshiya haystay faa’idada mushaharaadka hooseeya. Badnaanta xoogga shaqaale keliya may ahayn dhacdo dabiici ah oo qaab-u-noolaanshaha bulsho sababay, ee sidoo kale waa wax ka dhashay siyaasadaha xukuumadda ee ku wajahan miyiga wixii ka dambeeyey 1994, siyaasadahaas oo ahaa in maalgalinta miyiga la yareeyo, sidaasna uu ku talaxgabo horumarkii beeraha iyo warshadaha miyigu. Waa arrin sababay in dad badani miyiga kasoo qaxaan, iyagoo fursado shaqo ka raadsanaya magaalooyinka xeebaha oo ay eegtaan fursadaha ka jira warshadaha wax dhoofiya. Hase ahaatee, astaantii mushahar hoosayntu waxa ay hoos-u-dhac bilawday wixii 2010 ka dambeeyey, kolkii kaydkii shaqaale ee miyigu gabaabsi noqday.

Kolka la eego dhaqaalaha kale ee dalalka Eeshiyaanka ee dibedda wax u dhoofiya, waxa si qumman isu barbar socday horumarka dhaqaale, iyo hoos-u-dhaca heerka dhasha iyo hoos-u-dhaca tirada dadka ku jira da’da shaqada. Waa arrin sida caadiga ah sababaysa hoos-u-dhaca dadka miyiga deggan iyo kor-u-kaca mushaharaadka warshadaha. Waa isbeddel ay la kulmeen dalalka Jabbaan, Kuuriyada Koonfureed iyo Taywaan sannadihii toddobaatanaadkii iyo siddeetanaadkii. Dalalkani waa ay xalliyeen dhibaatadaa koboc ee ka dhalatay dhiigbaxa ku socda kaydkii shaqaale ee miyiga – oo aqoonta dhaqaalahana looga yaqaan “Barta Isbeddelka ee Lewis” – iyagoo dib u xaqiijiyey koboc cusub oo ay u mareen casriyeynta warshadaha iyo dib-u-qaabaynta maaliyadda, arrinkan oo ka qaybqaatay xoojinta waxsoosaarka. Waa waxa aynnu ka arki karno jihada koboca wadarta tiirarka waxsoosaar, ee kulansanaya hal-abuurnimada shaqo iyo maaraynta raasamaalka.

Tobankii sanno ee u dambeeyey Shiinuhu waxa wajahayey isla caqabaddaas ka timi isbeddelka dimuqaraafi. Hase ahaatee, kolka la eego siyaasadda ‘ tirada dhasha’ ee uu sida adag u qaatay Xisbiga Shuuciga ahi laga soo bilaabo 1980-kii ilaa 2015, isbeddelka dimuqaraafi ee Shiinuhu waxa uu yimi xilli ka horreeya kobocii loo baahnaa, marka la barbardhigo xilliga isbeddelkani kaga soo beegmay dalalka kale ee Eeshiya. Hoos-u-dhaca heerka dadka da’dii shaqada ku jira iyo kor-u-kaca kaalmaynta dadka gaboobay kolka la eego, Shiinuhu waxa uu wajahayaa gabow bulsheed oo xilligiisii kasoo horumaray, xilli dakhliga qofka Shiinuhu uu imika uun gaadhay heerka dakhliga dhexdhexaadka ah. Sannadkii 2022, markii koowaad laga soo bilaabo macaluushii 1961-kii, ayaa ay tirada dadka Shiinuhu hoos u dhacday.

Qoraallada kale ee qoraaga