Tuesday 15 September 2026
Malaayiin Muslimiin ah oo ka kala yimaadda daafaha dunida ayaa sannad kasta u xaja Kacbada. Waxay ku wareegaan iyagoo rajaynaya inay helaan fursad ay ugu dhawaadaan taabashadeeda; laakiin qofna kama fikiro ma suurtowdada: albaabkeeda ma furi karaa oo ma ogaan karaa waxa gudaha ku jira?
Hal qof oo keliya ayaa haysta furaha Kacbada; wuxuu geli karaa mar alaalle marka uu doono, qofkii uu doonana wuu gelin karaa. Waa saadinka/السادن, oo luqaddu ku qeexdo xijaabaha ama adeegaha Kacbada; saadinka macbadka, oo loola jeedo gaadh-hayihiisa.
Qoraaga iyo taariikhyahanka Sucuudiga ah Maxamed Cali Maqribi wuxuu buuggiisa “Kitaab Aclaam Al-xijaas fii Al-Qarn Al-Raabic Cashar Lil-Hijra” ku leeyahay: “Markii Nabi Ibraahim Al-Khaliil (NKH), uu dhisay Kacbada barakaysan, masuuliyadda daryeelkeedu waxay gacanta u gashay wiilkiisa Ismaaciil (NKH). Geeridiisii kaddibna waxay u gudubtay wiilkiisa Taabit bin Ismaaciil, ilaa ay ilma-abtiyadiisa reer Jurhum xoog kaga qaateen. Daryeelkeedu waxay gacanta Juhrumk u jirtay dhowr qarni, ilaa ay Khusaaca ka xayuubisay, dabadeedna ay Khusaaci gacanta ku haysay dhowr qarni oo kale”
Taariikhyahannadu iskuma raacsana muddadii ay xukumeen qabiilka Khusaaci Maka, laakiin inta badan waxay isku raacsan yihiin in hoggaamiyihii ugu dambeeyay ee Khusaaca uu ahaa
Xaliil Al-Khusaaci. Ibn Qutaybah wuxuu buuggiisa “Al-Macaarif” ku sheegay in furaha Baytku gacantiisa ku jiray, ka hor intii uusan ka qaadan Qusay bin Kilaab, oo ahaa awoowgii afraad ee Nebiga.
Qusay ayaa gacantiisa ku xoojiyay xukunka Quraysh ee Maka. Taariikhyahannadu waxay siyaabo kala duwan uga warrameen sida ay awooddu ugu soo wareegtay. Qaar waxay qabaan inay ku timid kaddib guul ciidan oo ay Quraysh si weyn uga gaadheen dagaal, halka kuwo kalena ay aaminsan yihiin inay si nabad ah ku timid, iyadoo Xaliil uu dardaarmay in Qusay uu xilka ka dhaxlo, ama uu u dardaarmay gabadhiisa Xubaa, taas oo iyaduna xilka siisay Qusay kaddib markii ay is guursadeen.
Markii Xubaa Al-Khusaaci, oo ahayd xaaskii Qusay, ay sidday dardaarankii aabbaheed Xaliil, waxay ogaatay inaysan awoodin inay qaaddo mas’uuliyadda furitaanka iyo xidhitaanka Kacbada. Waxay Qusay ku tiri: “waad ogtahay inaanan awoodin inaan albaabka furo oo aan xidho” Wuxuu u soo jeediyay inay xilkaas u dhiibaan mid ka mid ah ragga reer Khusaaca, isagoo yidhi: “Anigu furitaanka iyo xidhitaanka waxaan u dhiibayaa nin adiga kuu qaban kara.” Sida uu ku wariyay Ibn Jariir Al-Tabari buuggiisa “Taariikh Al-Rusul wa Al-Muluuk” isagoo ka soo xiganaya Ibn Hishaam, wuxuu doortay Abuu Qabshaan, oo ahaa Saliim bin Camr bin Buwey bin Malkaan bin Afsa.
Waxa la isku raacsan yahay in muddadii Abuu Qabshaan hayay furaha Kacbada aysan dheeraan. Sida ay taariikhyahannadu sheegayaan, ninku wuxuu ka caajisay inuu xilkaas hayo isaga oo aan wax gunno ah ku helin. Ama sida uu Ibn Sacad ku sheegay “Al-Tabaqaat Al-Kubraa”: carabtu xilli kasta oo la gaadho xajka waxay siin jireen gunno. Se xilliyada qaar ayey ka dhimeen, qaarna wayba ka joojiyeen wixii ay siin jireen.”
Ibnu Sacad wuxuu intaas ku darayaa markii uu Abuu Qabshaan cadhooday, in Qusay bin Kilaab uu u yeedhay, dabadeedna uu Baytka kaga iibsaday aswaad/أزواد (aswaad, oo ah jamaca saad, micnaheeduna yahay cunto ama sahay safar). Laakiin wuxuu sidoo kale sheegayaa in qaar ay qabaan in iibkii xilka iyo masuuliyadda Kacbada lagu kala iibsaday “saq/زق khamri ah”; saquna waa weel harag ka samaysan oo dareeraha lagu shubo.
Isla riwaayaddan waxaa weriyey in ka badan hal taariikhyahan oo horreeyey amaba danbeeyey, laakiin waxay si gaar ah uga muuqataa Ibnu Kasiir buuggiisa “Al-Bidaayah wan-Nihaayah” oo uu ku leeyahay: “Qaar ka mid ah reer Khusaaca waxay sheegaan in markii Qusay uu guursaday Xubaa, gabadhii uu dhalay Xaliil, Xaliilna ay ku cuslaatay maaraynta Baytka, uu xilkaas u dhiibay gabadhiisa Xubaa, iyaduna ay wakil uga dhigtay Abuu Qabshaan Saliim bin Camr bin Buwey bin Malkaan bin Afsa bin Xaarisah bin Camr bin Caamir. Markaas Qusay wuxuu isaga kaga iibsaday xilka Baytka weel khamri ah iyo awr. Sidaas darteed waxaa la odhan jiray ‘wax kala iibsi ka khasaaro badan kii Abuu Qabshaan lama arag”
Waxa layaabka leh ayaa ah in heshiiskii Abuu Qabshaan uu ka dhigay qof ay tusaale ka dhigtaan taariikhyahannadii iyo qoraayaashii dhaxalka suugaaneed doqonnimadiisii iyo fudaydkiisii xad-dhaafka ahaa. Abuu Hilaal Al-Caskari wuxuu buuggiisa “Jumharat Al-Amsaal” ku weriyey gabay cid tirisay aan la garanayn, oo meerisyadiisu leeyihiin:
“Khusaaci waxay iibisay Baytka illaahay iyadoo sakhraansan,
Iyagoo ku beddeshay weel khamri ah, maxaa ka heshiis xun!
Waxay khamri ku iibiyeen xilkii daryeelka Baytka, wayna ka tageen,
Iyagoo ka huleelay maqaamkii, halka Baytka iyo golihiisuba nagaadeen.”
Al-Balaadhuri wuxuu isaguna buuggiisa “Ansaab Al-Ashraf” ku soo daray gabay kale oo ku saabsan heshiiskaas, isagoo leh:
“Abuu Qabshaan ayaa ka dulmi badan Qusay,
Kana dulmi badan reer Faharka Khusaaca.
Sidaas darteed Qusay ha ku canaananina iibsashadiisa;
ee odaygiinna canaanta, isaga ayaa iibiyaye.”
Markii Qusay bin Kilaab da’ noqday, Cabdul-Daar wuxuu ahaa wiilkiisa ugu weyn, laakiin ma uusan gaadhin maqaamka saddexda kale ee walaalihiis, Cabd Manaaf, Cabdul-Cusa iyo Cabd Qusay. Sidaas darteed aabbihii iyo hooyadii way u damqadeen xaaladdiisa oo naxariis bay u qaadeen. Kolkaas Xubaa waxay Qusay ku tiri: “Ilaahay baan ku dhaartaye, ma raalli noqonayo ilaa aad Cabdul-Daar siisid wax aad ku gaadhsiiso walaalkiis (waxay ula jeeddaa Cabd Manaaf e).” Qusay wuxuu ku jawaabay: “Ilaahay baan ku dhaartee waan gaadhsiin doonaa, oo waxaan gaadhsiin doonaa meesha ugu sarraysa ee sharafta, si aanu qof ka mid ah Quraysh ama cid kale Kacbada u gelin oggolaanshihiisa la’aantiis.” Sida uu Al-Asraqi ku sheegay buuggiisa “Akhabaar Maka”, Qusay wuxuu Cabdud-Daar siiyay saadanadda, oo ah xilka xijaabka iyo daryeelka Kacbada, iyo sidoo kale Daar An-Nadwah, oo ahayd goobta lagu tashado laguna gaadho go’aannada.
Kaddib, Cabdul-Daar wuxuu dhaxalsiiyay wiilkiisa Cusmaan, kaas oo isaguna u sii gudbiyay wiilkiisa Cabdil-Cusa. Isaguna wuxuu u sii gudbiyay wiilkiisa Dalxa, kaas oo isna u gudbiyay wiilkiisa Cusmaan, ilaa uu Nebi Maxamed ka qaatay maalintii Maka la furtay. Sida uu Al-Asraqi wariyay: “Rasuulku wuxuu Kacbada ka soo baxay isagoo furihii laabta ku haysta.”
Arrinta la yaabka leh ayaa ah in Nebi Maxamed iyo Cusmaan bin Dalxa ay hore wax u dhex mareen, taas oo ku saabsan furaha Kacbada. Waa sheeko uu Ibn Al-Qayim ku soo weriyay buuggiisa “Saad Al-Macaad Fii Hudaa Khayr Al-Macaad”, isagoo ka soo xiganaya “Al-Tabaqaat”-ka Ibn Sacad. Cusmaan qudhiisa ayaa yidhi: “Xilligii jaahilyada waxaan Kacbada furi jirnay maalmaha Isniinaha iyo Khamiisaha. Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Nebigu, NNKH, yimid isagoo doonaya inuu dadka la galo Kacbada. Si adag ayaan ula hadlay oo waan ku xumeeyay, laakiin wuu ii dulqaatay. Dabeeto wuxuu yidhi: ‘Cusmaanow, waxaa laga yaabaa inaad maalin aragto furahan oo gacantayda ku jira, oo aan dhigo meeshan doono.’ Waxaan idhi: ‘Waa maalin ay Qurayshi halaagsantay oo dullowday.’ Wuxuu yidhi: ‘Mayee waa maalinta ay badhaadhe iyo sharafba gaadhi doonto.” Cusmaan wuxuu intaas ku daray in maalintii Maka la furtay uu xasuustay dhacdadii isaga iyo Nebiga dhex martay, uuna mooday in Nebigu canaanan doono. Laakiin wuxuu la yaabay markii Nebigu dib ugu celiyey, isagoo yidhi: “Idinku haysta, ha idiin ahaado mid weligiin idinla jira oo aad iska dhaxashaan; dulmi wade mooyee cid kale idinka qaadi mayso. Cusmaanow, ilaahay wuxuu idinku aaminay Baytkiisa, sidaas darteed wixii si wanaagsan idiinkaga soo gaadha Baytkan ka qaata.” Kaddibna Cusmaan wuxuu qaatay Islaamka.
Kaddib markii Cusmaan bin Dalxa uu Islaamay xilligii Maka la furtay, isla markaana uu dhammeeyay waajibaadkiisii ahaa inuu Nebiga amarkiisa ku hayo furaha Kacbada, wuxuu u hijrooday Madiina. Sidaas darteed ina-adeerkiis Shaybah bin Cusmaan ayaa kaligii la wareegay haynta furaha Kacbada sharafta leh, furahaasina ilaa maanta wuxuu gacanta ugu jiraa carruurta iyo faraca Shaybah bin Cismaan, sida uu Ayuub Sabri Baasha ku sheegay buuggiisa “Kitaab Mawsuucat Mir’aat Al-Xaramayn Al-Shariifayn Wa Jasiirat Al-Carab.”
Waaberigii Islaamka ilaa maanta, furaha Kacbada waxaa jiilba jiil u kala dhaxlay reer Shaybah, cidina kuma murmin xaqooda. Ama sida uu Dr. Salaan Shaafici ugu magacaabay daraasaddiisa “Banuu Shabah: Xajabatu Al-Kacba” wuxuu yidhi: “Waxa dhab ah in intii aannu arrintan daraasaynaynay aynaan helin in mid ka mid ah khaliifadii, suldaannadii ama amiirradii maamulayay Maka uu isku dayay inuu furaha xoog uga qaado, ama uu ka fogeeyo, si kasta oo uu khilaaf ula lahaa madaxda reer Shaybah ama qaar ka mid ah wiilashooda, Banuu Abii Dalxa. Sababtoo ah in iyaga laga qaado waxay ka hor imanaysaa amarka Ilaahay iyo falka Rasuulka. Xadiiskuna wuxuu leeyahay: ‘dulmi wade mooyee cid kale idinka qaadi mayso.’ Arrintaasna dhammaan amiirrada Muslimiintu way ka fogaadeen.”
Bishii Nofeembar 2012, Amiir Khaalid Al-Faysal, oo ahaa amiirka Maka, ayaa beddelay qufulkii gaarka ahaa ee Kacbada, wuxuuna ku beddelay quful ka samaysan dahab saafi ah. Arrintaas ayaa ka cadhaysiisay saadinkii Kacbada xilligaas, Cabdil-Qaadir Al-Shaybi, kaas oo yidhi: “Gebi ahaanba ma aqbali doonno wax isbeddel ah oo ka baxsan habkii la yaqaanay ama caadada ahayn tan iyo waayaheedii hore ee qaabka Kacbada sharfta leh loo furo. Waxaa la adeegsan doonaa hal fure oo keliya, oo aanay cid kale nuqul ka haysanin, marka laga reebo haddii isbeddel ku saabsan qufulka iyo furaha birta laga samaynayo jiro. Furaha looguma talagelin inuu ilaaliyo Kacbada sharfta leh, waayo ‘Baytku wuxuu leeyahay rabbi ilaashada.’ Furahani wuxuu astaan u yahay saadanadda Banuu Shaybah, oo ah adeegayaasha Baytka Ilaahay ee Xaramka, mana ka tanaasulayaan.”
Al-Shaybi wareysi uu 2013-kii la yeeshay mareegta Makaawi ayaa ku daray: “dhammaan awoodihii Banuu Shabah ee ay Kacbada ku geli jireen, ku furi jireen kuna maydhi jireen waa laga qaaday, xaaladduna sidii hore ma aha. Banuu Shaybah wax keliya ayaa u hadhay, waana ‘furaha’. Saadinadiina waxay noqdeen ‘sida gaadhka albaabada’.
Dabadeed Al-shaybi wuxuu shaaca ka qaaday lacag ay Boqortooyada Sucuudigu u qoondeysay reer Shaybah, taas oo uu ku tilmaamay “magdhow loogu talagalay in laga bixiyo in laga hor istaagay inay ka faa’iidaysataan hadiyadihii ay ka heli jireen marka Kacbada loo furo martida iyo dadka booqanaya.” Wuxuuna yidhi: “Waxaa jira gunno lacageed oo dhan 680 riyaal (…) Magdhawgan waxaa la siinayaa tiro kooban oo ka mid ah Banuu Shaybah muddo rubuc qarni ah, tan iyo xilligaasna wax kordhin ah laguma samayn.”
Hal sano kaddib, Cabdil-Qaadir Al-shaybi wuu geeriyooday, waxayna saadanaddu uga gudubtay ina-adeerkii Sheekh Saalix bin Sayn Al-Caabidiin Al-Shaybi. Isagana waxaa ka dambeeyay Sheekh Cabdil-Wahaab bin Sayn Al-Caabidiin Al-Shaybaani, bishii Juun 2024.
Muddadaas oo dhan lama soo hadal qaadin wax khilaaf ah oo ku saabsan awoodaha saadinka. Hase yeeshee, waxaan aragnay saadinka hadda jooga oo loo dhiibayo afar fure, beddelka halkuu ka ahaa mid uun: ka koowaad waa furaha Kacbada, ka labaad waa furaha Albaabka Tobada, ka saddexaadna waa furaha sanduuqa gudaha, halka ka afraadna yahay furaha Maqaamka Nabi Ibraahim.
Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.