Skip to main content

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Masrax

Filinka “Buugga Eli”: Diinta, akhlaaqda iyo awoodda

28 October, 2026
Image
Filinka "Buugga Eli": Diinta, Akhlaaqda iyo Awoodda
Share

Habeen hore, markii labaad, baan waxaan daawaday filinka magaciisu yahay ‘Buugga Iilaay/ The Book of Eli’ ama ‘Buugga Alle’. Filinkaan oo uu qoray Gary Whitta, ayna soo saareen walaalaha Hughes (Albert iyo Allen), ayna jilaaga koowaad ka yihiin Denzel Washington iyo Gary Oldman, soona baxay sannadkii 2010, waxa uu ka mid yahay nooca filimaanta loo yaqaan Distoobiyada (=Dystopia) ee ku salaysan mala’awaalidda adduunyo kharriban, oo wax waliba ay silloonyihiin (=adduunyo colaado, cudurro, argagixiso, isbeddel cimilo, iyo ummuuro kale ay fasahaadiyeen).

Filinku waxa uu ka hadlayaa adduunyo kharribantay kaddib markii soddon sano ka hor uu ka qarxay dagaal diimeed la isu adeegsaday hubka Nukliyeerka, oo wax kasta dumiyey, dadkana ka soo reebay tiro yar oo nolosha ku caddiban. Waa duni hubka nukliyeerku uu cirka dalooliyey, arrinkaas oo keenay in ilayska cadceeddu uu dhulka soo gaari waayo. Hase ahaatee, kolka milicda qorraxdu ay dhulka soo gaarto wax walba ayay gubtaa, noolahana waxtar buuran uma laha, marka laga reebo saacado kooban oo si farxadi ku dhan tahay loogu diirsado (=U fiirso muuqaalka Iilaay arooryada ka danbaysa habeenka uu ku hoyano guriga ugu horreeya).

Waa adduunyo ay ilbaxnimadii ka guurtay, oo akhris-qoraalkii ka idlaaday, oo akhlaaq iyo qaanuun aan midna laga aqoon. Waa adduunyo uu ka shaqeeyo sharciga kayntu, oo la isu cuno sida loo kala itaal roon yahay. Waa adduunyo cunnada, cabidda, iyo galmaduba ay gabaabsi ku yihiin, oo dadka oo dhammi ay ku sugan yihiin xaalad qaxar iyo quus ah, ayna aammineen in sida kaliya ee lagu badbaadi karaa ay tahay in la yeesho dhaqanka dafada, oo wax kasta laga dafo ciddii laga awood badan yahay. Waa adduunyo laga adeegsado halhays oranaya: ‘Ruux dhintay iyo mid noolba kabihiisa iyo kimistiisa ayaa dhaama.’ Waa adduunyo la moodo in la taagan yahay Banka Qiyaamaha ama Maxsharka weyn ee la sheego in aakhiro uumiyaha oo dhan la soo tuumin doono, iyada oo kadeedka jira awgi uu qof waliba ka welwelayo naftiisa oo qura, uuna leeyahay ‘Naftayda, naftayda!’ Waa adduunyo waxa ishu qabataa ay u badan yihiin burbur iyo geeri. Waa adduunyo uu galaaftay dagaal diimeed ka dhashay buug barakaysan oo si xun loo fasiray (=Akhristow, weligood iyo waaqood, dadku dagaallada Eebbe ayay ku maxaabsadaan, iyaga oo iska indhotira in Eebbe uusan dagaallamin ee dadku ay yihiin kuwa dagaallama).

Waa filin mustaqbalka aadamiga ka bixinaya sawir mugdi iyo murugo badan. Ruuxa filinka daawada waxaa u muuqanaya dhul qallalay, oo muuqaalkiisii doorsoomay, kaas oo ay ku badan yihiin midabyo isugu jira cawl iyo cagaar. Isku qaska labadaas midab oo durba maskaxda ku soo ridaya boor, habaas, mirir, wasakh, iyo wax walba oo indhaha aadanuhu ay dhibsadaan. Muuqaallada filinka midkood, Iilaay oo si dadban xaaladda taagan u tilmaamaya, isla jeerkaasna ka jawaabaya weydiin ku saabsan sidii ay adduunyadu ahayd ka hor intii aan ibtiladu dhicin, waxa uu oranayaa:

“Dadku waxay haysteen wax ka badan intii ay u baahnaayeen. Mana aynaan kala garanayn waxa qiimaha leh iyo waxa aan qiimaha lahayn. Waxaan qashin ahaan u tuuri jirney waxyaabo heliddooda ay maanta dadku isku laayaan.”

Xaqiiqo la isku raacsan yahay baana waxay tiraahdaa: ‘Ma ogaanno qiimaha waxa aan haysanno ilaa aan ka weyno!’

Qisada filinku uu ka warramayaa waa nin ehlu-diin ah oo lagu magacaabo Iilaay (=Denzel Washington), kaasoo sita nuqul ka mid ah buugga Baybalka oo ku qoran farta Baraaylka ee loogu talagalay in dadka indhoolayaasha ahi ay wax ku akhristaan. Buuggaani waa nuqulka qura ee ka haray buugga Baybalka, waana rajada keliya ee ay leeyihiin aadamiga ku kadeedan aafadaan wax walba haleeshay. Rajadaas cidda keliya ee og, isla jeerkaasna xanbaarsani waa Iilaay oo ku jira socdaal dheer oo uu ku tagayo Galbeedka Maraykanka, si uu buugga ugu geeyo dad ilaaliya, bani aadankana uga faa’iideeya. Waana nin lagu mannaystay ilaalin rabbaani ah, ilaa xad xaaladaha qaarkood aysan xabbaddu karayn (=Iilaay waxa uu qaadanayaa door u dhigma midkii anbiyada ay ka midka yihiin Muuse, Ibraahim, iyo Ayuub oo Eebbe imtixaanno adag uga sacabbo-goglay).

Waxa uu ku doodayaa in uu maqlay cod uusan garanayn halka uu ka yimid, balse uu hubo, oo u sheegay inuu buuggaan geeyo deegaan nabdoon oo ka xiga dhanka Galbeedka, halkaas oo dadka joogaa ay buuggaan ilaalin doonaan, una adeegsan doonaan in ay bani’aadamka ka badbaadiyaan hoogga iyo halaagga ku habsaday. Hase ahaatee, dhibaatadu waxay tahay, in Iilaay uusan si sax ah u ogayn goobta uu tiigsanayaa halka ay ku taal, raadinteeduna waxay ka qaadanaysaa muddo 30 sano ka badan.

Safarka Iilaay waa mid khataro badani ay ku gadaaman yihiin; oo dhexda waxa uu kula kulmayaa kooxo isugu jira burcad wax dhaca, kuwo dadka cuna, iyo madax aan diirnaxa lagu ogayn. Wuxuuna ku khasban yahay in marar badan uu dagaal galo, si marka hore uu naftiisa u badbaadiyo, marka xigtana uu ammaanada u gaarsiiyo meesha uu damacsan yahay ee socdaalkiisu ku wajahan yahay.

Dhanka kale, isaguna waxaa jira nin lagu magacaabo Kaarnigi (=Gary Oldman). Waa qabqable dagaal oo magaalo jirraban ku amarkutaagleeya. Waa magaalo uu taladeeda kula wareegay dagaal, dhiig iyo geeri. Waa nin leh damac gumeysi, oo ay ka go’antahay inuu sameeyo magaalooyin badan oo isaga keligii uu ka arrimiyo.

Kaarnigi in uu awood badan yeesho waxaa ka caawiyey in keligiis uu garanayo ceelasha iyo ilaha biyaha laga helo, iyo in uu yahay nin weyn oo leh waayo’aragnimo uu ka kasbaday adduunyadii jirtey dagaalka ka hor, iyo weliba in uu yaqaan akhris-qoraalka (=Waxa uu ku dadaalayaa in akhris-qoraalku uu noqdo mid isaga oo keliya ku kooban; arrinkaas oo ah dhaqan qadiim ah oo ummadihii hore ay ku dhaqmi jireen, welina ururrada diimaha qaarkood ay ku dhaqmaan. Tusaale ahaan, kaniisaduhu qarniyadii dhexe akhrinta buugta diinta iyo macnayntooda waxay ka dhigeen hawl u gaar ah wadaaddo xul ah. Dhaqankaas oo ah midka goor danbe horseeday soo bixidda waxa loo yaqaan ‘xaashiyaha denbi dhaafka ama sukuukul-qufraanka,' iyo weliba curashadii dhaqdhaqaaqii Martin Luther uu horseedka ka ahaa).

Ninkaani, calooshooda u shaqaystayaasha uu ku adeegto, hawlaha uu u xilsaaray waxaa ka mid ah arrin irkag iyo amakaag leh. Waa hawl ah in ay u soo uruuriyaan buug kasta oo ishoodu qabato, ayna ku beddeshaan biyo, cunno, khamro iyo dumar. Kaarnigi buugta oo dhan ma rabo, ee hadafka uu buugta u raadinayaa waa in uu ka dhex helo hal buug oo cayiman. Sidaas darteed, wuxuu abaalmarin siiyaa shuftada buugaagta u soo dhaca, laakiin isla markiiba wuu gubaa buugaagta ay u keeneen. Buugga Kaarnigi uu sida gaarka ah u raadinayo waa buugga Baybalka, ee diinta Kirishtaanka muqaddaska u ah.

Kaarnigi oo ka mid ah dadka fara ku tiriska ah ee weli awooda in ay wax akhriyaan, waxa uu si buuxda u rumaysan yahay in buugga Baybalku uusan ahayn buug caadi ah, waxaana ka go’an in uu aasaaso boqortooyo uu isagu leeyahay oo ku dhisan buugga Baybalka. Waxa uu aamminsan yahay in ‘diintu awood tahay,’ uuna u isticmaali karo danihiisa gaarka ah.

Iilaay marxalad ka mid ah muddada uu safarka ku jiro, waxa uu tagayaa magaalo ay naftu ku sii dabayartahay, halkaas oo uu kula kulmayo kelitaliyaha magaalada ku amarkutaagleeya (=Kaarnigi), kaasoo baadigoobaya hub qaab buug leh. Goorta kelitaliyuhu uu hubsado in Iilaay uu haysto buugga uu baadigoobayana, labada nin waxaa dhexmaraya dagaal culus, oo dhiig badani ugu daatay hanashada buuggaas darti.

Mas’alada ugu muhiimsan ee filinku uu tooshka ku ifinayaa waa xiriirka ka dhexeeya diinta iyo akhlaaqda iyo guud ahaan dabeecadda diimaha. Haddii si kale loo dhigo, buugta diimaha muqaddaska u ahi kheyrka iyo sharka -ama samaha iyo xumaha- midkee bay u adeegaan? Mise waa seef labo af leh, oo dhankii la rabo loo leexin karo?

Filinku weydiintaan jawaab cad kama uu bixinayo, ee daawadaha ayuu u deynayaa. Hase ahaatee, farriin guud oo hogatusaalayn xanbaarsan ayuu daawadaha u gudbinayaa. Waa farriin sheegaysa in diintu -ama buugta diimaha muqaddaska u ahi- ay yihiin seef labo af leh oo kheyrka iyo sharka kii la doono loo adeegsan karo. Allen Hughes oo ka mid ah soosaarayaasha filinka oo faallo uu bixiyey qodobkaan si toos ugu xusayna, waxa uu yiri:

“Filinkaani ma aha uun madaddaalo, laakiin wuxuu xanbaarsan yahay dood ku saabsan arrin labo weji leh. Sida nusuusta diinta loogu adeegsan karo wanaagga, ayna waajib tahay in loo adeegsado dhanka wanaagsan, hayeeshee dadka qaar ayaa u leexiya dhinac kale oo si xun u isticmaala.”

Diintu waxay noqon kartaa aalad wax lagu dhiso, sidoo kalena waxay noqon kartaa mid wax lagu dumiyo. Maxaa yeelay, diinta waxaa la siin karaa macneyaal iska soo horjeeda, oo lid isku ah.

Saxaabigii weynaa ee Cali bin Abii Daalib waxaa laga wariyaa inuu yiri: “Quraanku waxa uu leeyahay fasiraado kala duwan /القرآن حمّال أوجه”. Weedhaan oo macnaheedu yahay in quraanku uu yeelan karo fasiraado fara badan, oo qolo kasta dhanka ay rabto ay u duwi karto, danaheedana ugu gaari karto. Suufigii Jalaaludiin Ruumi isagana waxaa laga hayaa inuu yiri: Quraanka kariimku waa sida xarig aad u isticmaali karto in aad qof ceel ka soo saarto ama aad ceel ku riddo.

Xarriga iyo quraanka midkoodna iskiis eed uma laha, ee eedda iyo ammaantu waxay ku xiran tahay hadba sida loo adeegsado. Quraanka kariimkana arrinkaan waxaa kala mid ah buugta diimaha kala duwan muqaddaska u ah, oo dhammaantood -wanaag iyo xumaan- dhankii la rabo loo adeegsan karo.

Buugta diimuhu asal ahaan waa hadal waa la qoray, hadalkuna waa mergi hadba dhan u jiidma. Quraanka kariimka iyo guud ahaan buugta diimaha kala duwan muqaddaska u ahi iskood isuma fasiraan ee dad baa macneeya. Fasiraadda iyo macnaha ay dadku buugta diinta siiyaanna waxaa xukuma wacyiga iyo danaha kala geddisan ee dadka wax fasirayaa ay leeyihiin. Cali bin Abii Daalib oo mar kale xaqiiqadaan na hor dhigayna waa kii yiri: “Quraanku waxa uu ku jiraa labada jaldi ee Musxafka dhexdooda, mana uu hadlo; balse, rag baa ka hadalsiiya /القرآن بين دفتي المصحف لا ينطق، وإنما يتكلم به الرجال”.

Inta badan, waxyaabaha ay dadku diinta u haystaan (=caqiido, fiqi, tafsiirka, …, iqk), ma aha diin ee waa feker diimeed ay dad abuureen, laakiin goor danbe ayaa waxaa loo qaatay in waxaas oo dhammi ay yihiin diin muqaddas ah.

Filinkaan ‘Buugga Iilaay’, si uu daawadaha ugu baraarujiyo fikradda in buugta diimaha muqaddaska u ah dano iyo ujeeddooyin kala geddisan loo adeegsan karo, ayuu waxa uu na hor keenayaa laba qof oo fikrado iska soo horjeeda diinta ka haysta. Labadaas qofi waxay kala yihiin Iilaay iyo Kaarniigi. Waxay u kala taagan yihiin kheyrka iyo sharka –[haddaad doonto dheh waxay kala metalaan Alle iyo sheydaan]. Waxayse wadaagaan oo ka siman yihiin hal shey oo labadaba saamayn ku leh, oo ah danaynta iyo gacalada xad-dhaafka ah ee ay u hayaan buugga Baybalka. Iilaay wuu haystaa, Kaarnigina inuu ka dhaco ayuu rabaa. Hadalkooda iyo ficilkooda ayaana ka maragkacaya aragtiyaha lidka isku ah ee ay ka kala haystaan dabeecadda iimaanka diiniga ah.

Iilaay waa nin mabda’ leh oo diinta ku dheggen. Wuxuu si weyn ugu halgamaya ilaalinta buugga muqaddaska ah, oo uu rumaysanyahay inuu yahay midka keliya ee badbaadin kara aadanaha silica iyo saxariirtu ay ka meel waayeen, oo rajo loogu beeri karo, dibna loogu amaamudi karo bulsho caafimaad qabta oo ilbaxnimo higsata. Waa deeqsi iimaan leh oo waxa yar ee uu haysto dad iyo duunyo labadaba u hura. Eraygii ugu danbeeyey ee geeridiisa ka hor uu Alle ku baryey waxa uu ahaa inuu yiri: “Rabbiyow waad ku mahadsantahay in aad i siisay awood iyo qanaaco aan ku fuliyo hawshii aad igu ammaanaysatay… Waad ku mahadsan tahay wanaag walba oo aad i waafajisay, waana ka cududaaranayaa xumaan kasta oo aan sameeyey… Aad baan u daallanahay, laakiin hadda waxaan rabaa inaan si nabad ah u nasto; aniga oo og in waqtigaygii dunida aan si sax ah u isticmaalay. Waxaan galay dagaal adag, tartankiina waan dhammaystiray, iimaankana waan xajistay.”

Iimaankana waan xajistay! Waa billad agtiisa qiimo weyn ka leh.

Dhanka kale, waxaa taagan Kaarnigi oo isla buugga Baybalka si qeexan ugu tilmaamaya inuu yahay ‘hub’. Kaarniigi buugga muqaddaska ah wuxuu u arkaa inuu yahay aalad ama hub uu u adeegsan karo xoojinta awooddiisa iyo xakamaynta dadka yar ee ku harsan magaalada iyo deegaannada ku xeeran. Xog-ogaalnimada uu u leeyahay in diinta dulmi loo adeegsan karo ayaa ku riixaysa in uu waddo kasta u maro helidda buuggaan.

Iyada oo noolayaasha oo idil ay la rafaadsan yihiin baabba’ iyo balanbal ka dhashay dagaal fahan diimeed uu sabab u ahaa, ayuu Kaarnigi waxa uu qorshaynayaa in uu helo nuqulka keliya ee baaqiga ka ah buugga Baybalka (=tarjamada Boqor James). Danta uu ka leeyahayna ma ah inuu wax ku badbaadiyo, ee waa inuu dadka ku addoonsado, oo danihiisu uga fushado.

Kaarnigi marka uu Iilaay kala doorransiiyo in uu buugga siiyo iyo inuu dilo midkood, Iilaay waxa uu weydiinayaa waxa uu buugga ku falayo, oo uu sida ba’an ugu baadigoobayo?

Isaguna waxa uu ku jawaabayaa: “Buuggaan waa la igu soo ababiyey, waxaan ogahay saamayntiisa. Adiguna haddii aad akhriday taa waad la socotaa. Arrinkaasina waa midka sababay in nuqulladiisa oo dhan la gubo dagaalka ka dib.”

Kaarnigi waa nin taariikhda wax ka yaqaan, muuqaallada filinka midkoodna waxa uu ka soo muuqanayaa isaga oo akhrinaya buug ku saabsan keligitaliyihii Talyaaniga ee Musoliini. Waxa uu fahansan yahay in hoggaamiyeyaasha sheegta in ay haystaan taageerada Eebbe ay si fudud ugu guulaystaan in ay awood siyaasadeed iyo mid dhaqaale labadaba helaan. Marka qofku uu ka faa’iideysto iimaanka dadka ee ku aaddan awoodda sare (=Alle iyo aakhiro), wuxuu noqonayaa hoggaamiye si sahlan dadka maanka uga xada, oo ka dhiga hawtulhamag indhola’ oo dhankii la rabo loo jeedin karo; haddii qofkaasi uu yahay mid dhagar iyo xeelad badanna, xitaa wuxuu ku andacoon karaa oo dadweynaha ka dhaadhicin karaa in uu yahay Ilaah -ama ugu yaraan gacanyare Eebbe u adeega.

Kaarnigi waxaad mooddaa inay ka go’an tahay dhaqangelinta oraahda Kaarla Maarkis ku caanbaxay ee tiraahda: Diintu “waa daroogada dadweynaha.” Isaga oo u muuqda in uu weedhaan maanka ku hayo, ayuu wuxuu ku doodayaa:

“[Baybalku] ma aha buug habaaran! Waa hub! Hub beegsanaya quluubta iyo maskaxda dadka daciifka ah ee aan tabarta lahayn. Wuxuu inoo suuragelinayaa inaan si buuxda dadka u xakamayno! Haddii aan doonayno inaan ka talinno wax ka badan hal magaalo oo la habaaray, waa in aan helno buuggaas! Dadku meel walba way isaga imaan doonaan, waxayna fulin doonaan wax kasta oo aan ku amro, haddii loo sheego in waxaasi ay buuggaas ku jiraan. Horay ayay taasi u dhacday, mar kalena way dhici doontaa. Waxa keliya ee aan u baahannahay waa buuggaas.”

Kaarnigi ma aha mulxid aan Alle iyo aakhiro rumaysnayn, balse waa nin damaca iyo adduunyo jecaylku ay ka saayid-caleeyeen. In uusan mulxid ahayn waxaa u daliil ah khushuucda iyo ixtiraamka weyn ee uu mararka qaar buugga barakaysan u muujinayo, iyo erayga runta laga dheehan karo ee uu ku leeyahay Iilaay kolka uu xabbadda ku dhufto ka dib. Waa erayga uu dhegta ugu sheegayo ee uu ku leeyahay: “Alle ii bari. Aniga… daacad bay iga tahay.” Waa eray fudud, laakiin u muuqda inuu laabta ka soo go’ay.

Qaybta dambe ee filinka, waxaan ku ogaanaynaa in Iilaay uu indho la’yahay, taasina ay tahay sababta keentay in buugga muqaddaska ahi uu ku qornaado farta Baraaylka ee loogu talagalay in dadka indhoolayaasha ahi ay wax ku akhristaan. Waana isla arrinkaas midka buugga qiimo tiray markii uu ku dhacay gacanta Kaarnigi, ee ka hor-istaagay in uu dadka ku dhibaateeyo. Waayo, qofka kaliya ee uu garanayey ee farta Baraaylka wax ku akhrin kartay waxay ahayd haweenayda lahaysta u ah ee indhoolaha ah, iyaduna marka ay ku qanacday in uu ujeeddooyin xun u adeegsanayo ayay dafirtay in ay akhrin karto, oo waxay sheegtay in fartaan ay mar hore hilmaantay. Kolkaasna, Kaarnigi waxa uu yaqiinsanayaa in qorshihiisii uu fashilmay, dunida ayaana ku madoobaanaysa, waxaana ku kacaya dadkii magaalada ee uu addoonsan jirey. Ugu danbayntiina, isaga oo xanuun iyo tiiraanyo bastiis la ah, ayaa waxaa dilaya calooshood u shaqaystayaashii uu ku adeegan jirey.

Dulucda muhiimka ah ee dhacdadaan laga qaadanayaana waa in qiimaha buugta muqaddaska ahi uusan ku jirin cidda sidata, laakiinse uu ku jiro cidda fahamta.

Su’aal meesha ku jirta oo isweydiin mudan baana waxay tahay: Iilaay haddii uu indhoole yahay sidee bay ugu suuragashay in uu galo safar dheer oo dhexda ay dagaallo iyo luggooyooyin kaleba ay ku qabsadeen? Weydiintaan waxaa ka jawaabay isla Iilaay oo yiri: “Waxa i hagaa waa iimaan, ee ma aha arag /I walk by faith, not by sight”.

Farriin kale oo filinku uu gudbinayo ayaa waxay tahay in dadku ay ka qiimo badan yihiin buugta diimaha. Maxaa yeelay, dadka looma abuurin in ay buugta ilaaliyaan, laakiin buugta ayaa u timid in ay ka shaqayso farxadda iyo liibaanta dadka, ee aysan ka shaqayn dhibkooda iyo halaaggooda. Filinka meelaha qodobkaani uu sida cad uga muuqanayo waxaa ka mid ah muuqaalka Kaarnigi uu Iilaay ku handadayo in haddii uusan siin buugga Baybalka ee uu ku mintidayo isku dhejintiisa, uu tooganayo gabadha la socota ee Solara.

Iilaay si uu u badbaadiyo gabadha darteed, ayuu wuxuu ka tanaasulayaa buuggii uu dhibka badan ka soo mutay, ee uu damacsanaa inuu gaarsiiyo meel aadanaha looga faa’iideyn karo.

Goor danbana, gabadha qudheeda ayaa Iilaay waxay weydiinaysaa: Sababta ku bixisay in uu ka tanaasulo buugga qiimaha weyn ugu fadhiya?

Isaguna wuxuu ugu jawaabayaa in uu sidaas sameeyey kaddib markii uu arkay in nafteedu ay halis ku jirto. Wuxuuna u sharraxayaa mowqifkiisa: “Sannadihii badnaa ee aan buuggaan siday, maalin walba waan akhrinayey, isla markaana waan ilaalinayey, waxaanse illoobay in ay waajib igu tahay in aan ku dhaqmo nuxurka wixii aan ka bartay buugga. Buugga laftiisa ayaa i faraya in aan dadka kale u huro wax ka badan inta aan naftayda la rabo… Ugu yaraan taasi waa waxa aan isaga ka bartay.”

Intaa dabadeed, Iilaay iyo Solara waxaa dhexmaraya waraysiga soo socda;

Solara: Ma ogtahay, in aad sheegtay in aad socod ku jirtey muddo soddon sano ah, sow sidaa ma ah?

Iilaay: Waa sax.

Solara: Weligaa marna ma ku fekertay suuragalnimada in aad jidka ka habawday?

Iilaay: Haba ka yaabin!

Solara: Haddaba, sidee ku ogaataa in aad u socoto jihada saxda ah?

Iilaay: Waxa i hagaa waa iimaan, ee ma aha arag.

Solara: Oo taasi maxay ka dhigantahay?

Iilaay: Waxay ka dhigan tahay in aad wax og tahay, xitaa haddii aadan waxba ogayn.

Solara: hadalkaasi wax macne ah ma samaynayo.

Iilaay: Looma baahna inuu macne samayso. Waa iimaan, haa, waa iimaan. Waa ubaxa iftiinka ee ka jira beerta mugdiga; waa waxa i siinaya awoodda aan ku sii wado socdaalkayga. Ma fahantay?

Casharka ugu weyn ee halkaan uu Iilaay na barayaa waa in nafta ruuxa aadamiga ahi ay sharfidda iyo karaamada ka mudan tahay buugta diimaha. Haddii ay noqoto in labadooda mid la badbaadiyana, ay nafta dadku mudnaanta koowaad yeelanayso. Cashar kale oo isna meesha ku jiraa waa in Iilaay uu hirgelinayo xikmadda caalamiga ah ee dhigaysa: “Ku dhaqan waxa aad dadka ku wacdiso /practice what you preach.” (=waxaa xusid mudan, in muuqaallada filinka qaarkood uu Iilaay soo agmarayo dad la dilayo iyo dumar la kufsanayo. Sidaas oo ay tahayna uusan waxba ka qabanayn, isaga oo naftiisa ku qancinaya inuu ku celceliyo: “Waddadaada ku joog. Tani adiga kuma khusayso.” Mar kalena waxa uu leeyahay: “Tani aniga ima khusayso, hawsha laguu xilsaaray uun ku mintid”).

Docda kale, filinku waxa uu dhiirrigelinayaa ahmiyadda akhris-qoraalka iyo aqoon kaydinta. Tusaale ahaan, dhammaadka filinka waxaan ku arkaynaa Lombardi oo metalaya in uu yahay nin madax ka ah mashruuc dib loogu dhisayo ilbaxnimada aadanaha, oo Iilaay iyo Solara tusaya dhigaallada ay maktabadda ku kaydiyeen, una sheegaya: “Dadka waxaan bari doonnaa adduunkii ay lumiyeen, waxaanna ka caawin doonnaa in ay dib u dhisaan.”

Waa maktabad cammiran, oo lagu uruuriyey dhaxalka aadamiga intii laga badbaadiyey. Buugta maktabadda yaal ee ishu qabanaysana waxaa ka mid ah labo nuqul oo Quraanka kariimka ah. Quraanku mar waxa uu muuqdaa isaga oo af Ingiriis loo tarjumay, marna isaga oo yar oo Carabi ah buu buugta korkooda saaran yahay. Sawirkaas danbana siyaabo kala geddisan baa loo macneeyey, oo qolo waliba sida ay jeceshahay bay u fasiratay.

Qolo waxay ku doodeen in quraanka ka yar, kana soocan buugta diimaha ee kale, ay tahay astaan tusinaysa faquuq iyo xaqiraad si gaar ah loogu beegsaday Quraanka. Duul kalena waxay ku doodeen in arrinkaas sharfid mooyee uusan sina quursi u muujinayn. Maxaa yeelay, quraanku mar buugta kale ayuu le’eg yahay, mar labaadkana wuu ka sarreeyaa ee kama hooseeyo. Dhab ahaantiina, musxafka yari wuxuu u egyahay mid si ballaaran loogu daabaco madbacadda Boqor Fahad ee daabacaadda quraanka ee ku taal magaalada Madiina.

Ugu danbayntii, filinku waxa uu u muuqdaa inuu yahay mid haweenka u hiillinaya. Maxaa yeelay, waxa uu dhammaanayaa iyada oo Iilaay iyo Kaarnigi ay kala dhaxleen labo ruux oo haween ah. Kaalintii Iilaay waxaa la wareegtay Solara, oo heli karta xikmad iyo fursado ka fiican kuwii Iilaay, farriinta buuggana meelo badan ku faafin karta. Dhanka kalena, Kaarnigi waxaa dhaxashay oo xilka kala wareegtay Kaloodiya oo keligeed awood u leh in ay akhriso buugga Baybalka ee farta Baraayalka ku qoran. Waxay haystaa fursad ay magaalada ku xukunto, buuggana ku fasirto iyada oo dhanka samaha u weecinaysa, oo colaadda iyo nacaybka ku beddelaysa nabad iyo naxariis.

Haddaba, ma loo qaadan karaa in farriinta filinku ay tahay in haweenku ay ragga uga fiican yihiin dhanka hoggaanka ummadda? Timaaddadu ma gacanta haweenka ayay ku jirtaa?!

Filinka, inkasta oo loo arki karo inuu u janjeero dhanka aragtida Iilaay, haddana daawadaha waxa uu fursad u siinayaa inuu istikhyaarkiisa ku kala doorto aragtida iyo mowqfika Iilaay iyo kuwa Kaarnigi. Sida dhabta ahna, ulajeeddada filinku ma aha inuu daawadaha kala doorransiiyo laba mowqif, balse waa inuu caddeeyo labada weji ee diimaha iyo guud ahaan xiriirka ka dhaxeeyo diinta iyo xoog isku maquuninta (=Waxaa xusid mudan, in diimaha Ibraahiimigu -Yahuudiyadda, Masiixiyadda iyo Islaamku- ay diimaha kale dheeryihiin in ay wadaagaan Ilaaha Cahdigii Hore (=the Old Testament), kaas oo ku sheeggan gacanqaad).

Isku soo wada duuboo, diintu waxay yeelan kartaa weji wanaagsan oo lagu baraaro, ama mid dugaag oo wax diirta. Si diintu aysan uga hor imaan nolosha iyo horumarkana, waxaa waajib ah in la xoojiyo wejigeeda wanaagsan ee aadanaha iyo ilbaxnimadiisa u danaynaya.

Filinkaani ‘Buugga Eli,’ waa hawl bani’aadam qabtay oo dhaliil laga waayi maayo. Wuxuuna leeyahay dhinacyo badan oo laga eegi karo iyo su’aalo badan oo la iska weydiin karo. Sidaas oo ay tahay, haddana waxa uu ku guulaystay inuu soo bandhigo dood diini ah oo lagu laray falsafad iyo farshaxan. Dadka inta u dulqaadan kara gacanqaadka iyo rabshadahana waxaan kula talinayaa in ay daawadaan. Daawasho wacan!

Qoraallada kale ee qoraaga