Skip to main content

Sunday 7 June 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Masrax

Filimka “Qiimo Dareen”: Baroor-diiq ku saabsan hirdanka u dhexeeya nolosha iyo farshaxanka

8 May, 2026
Image
Filimka “Qiimo Dareen”: Baroor-diiq ku saabsan hirdanka u dhexeeya nolosha iyo farshaxanka
Share

Qiimo Dareen (Sentimental Value), filinkii ugu danbeeyey ee soosaaraha Noorwiijiga ah ee Khuwaakiim Taraayer (Joachim Trier) oo ku guulaystay abaalmarinta Oskarta filinka caalamiga ah ee ugu wanaagsan ayaa ina hordhigayaa muraayad dillaacsan, isaga oo si dabacsan, haddana kulul, isku weydiinaya: dembi-dhaafku suurtogal ma yahay kolka xanuunka loo beddalo warshad hal-abuur?!

Filinku waxa uu ku bilaabmayaa laba muuqaal oo soo koobaya nuxurka sheekada: wiil yar oo qoraal curin ah ka samaynaya guriga, isaga oo u arkaya in uu yahay noole dareema xanuunka marka ay dabayshu daaqadihiisa isku garaacdo, iyo muuqaal kale oo atariisho khalkhal ku imanayo intaanay masraxa ka soo jeedin jilliin cajiib ah. Waa ma noole nolol la siinayo iyo qof miirmaya si uu fanka ruux ugu abuuro. Waxa uu soo gudbinayaa Taraayer daraamo cajiib ah oo ina xusuusinaysa waaweynkii Ingmar Bergman, kaas oo fara baas ku hayey kala badhxidda dareenka aadanaha.

Filinku waxa uu ku saabsan yahay Nuura oo ay jilayso xiddigta Renate Reinsve, atariisho la tacaalaysa isku keen-keenka burburka ay sababtay murugada dhimashada hooyadeed, aabbaheed Gustaaf-na si kadiso ah nolosheeda ugu soo laabanayo kadib kala-taggii hooyadeed. Doorka aabbaha waxa si layaab leh u jilaya Stellan Skarsgård. Gustaaf keliya ma aha aabbe soo laabtay; waa soosaare baadigoob ugu jira “badbaadada” uu ka dhex raadinayo filin cusub oo uu u qoray inantiisa, se Nuuri way ku gacansaydhaysaa xitaa in ay akhrido sheekada filinka.

Waxa Taraayer sooca ka dhigay waa awooddiisa sawireed ee uu ku gudbinayo waxa uurka gubaya. Eegmooyin iyo erayo si degdeg ah la isku dhaafsanyo ayaa soo koobaya sannado badan oo la kala go’naa, iyada oo aan loo baahan hadallo melodrama ah oo dhaadheer. Sheekada filinku waxa ay si weyn u koraysaa kolka uu aabbuhu u safro bandhigga Doofeel (Deauville), halkaas oo uu kula kulmayo xiddigta reer Maraykan ee Rayjel Kaam, oo ay jilayso Elle Fanning, Rayjel waxa ay u gaajaysantahay in ay gunta u gasho fanka, waxaanay aqbalaysaa in ay matesho doorkii ay Nuuri diidday, heer waxa ay gaadhaysaa in ay midabka timaheeda beddesho si ay Nuura ugu ekaato.

Taraayer waxa uu ku dhex ciyaarayaa labada dareen-wade ee aqoonsiga iyo muraayadda; waxa aynu dhex istaagaynaa laba isbarbardhig oo qadhaadh, atariisho isku deyaysa in ay metesho xanuun aanay weligeed noolaan, halka ta xanuunka lihina ka baxsanayso in ay wajahdo, is diidadaas oo soo baxaysa monologga filinka ee ay Elle Fanning ka samaynayso bandhig ku hadlaya luuqad xanuunkeeda aan la beenayn karin.

Xilli ay walaasha Nuura, taariikhyahanadda Agnes, ku shuqlantahay faqidda siraha tagtadii iyo is-qudh-goyntii ayeydood, filinku waxa uu dhisayaa tiir kale oo dareen deggan ah kaas oo ka durkaya sawaxankii melodaraamada, si uu u dhex quuso waxyaabo laga aamusay. Halkan waxa uu Taraayer dhuganayaa — innaguna aynu la ogaanaynaa — in xidhiidhada qoys ee burbursani aanay ku kabmin hadaltiro badan, se lagu dhayo qosol gaaban oo wadajir ah oo ka dhasha daqiiqado yar oo aan qiimo badan lahayn, ama sigaar lagu cabo aamusnaan deggan, oo beddel u noqda canaanta. Sidaas darteed, mid ka mid ah sababaha guusha “Qiimo Dareen” waa rumaysadka ay qabaan sameeyayaashu ee ah in xidhiidhada aadanuhu aanay lahayn hal dhinac oo keliya, iyo in ay dhaawacyada waaweyni mararka qaar ku milmaan laxdaadka yaryar ee nolol maalmeedka.

Mid kale oo ka mid ah awoodaha filinku waa u fiirsashada Taraayer ee ah in cadhada dareenku aanu mar walba ku iman qaylo iyo iska hor imaadyo waaweyn, balse inta badan ka dhacdo hakadyada aamusan ee u dhexeeya erayada. Wuxuu mudnaanta siinayaa waxyaabaha yaryar ee muuqda halkii uu ka raaci lahaa kuwa waaweyn, isaga oo awood u leh inuu gabay ka soo saaro laxdad marka hore u muuqata wax iska caadi ah, balse xambaarsan culayska sannado kala fogaanshiyo iyo hilow.

Awooddaas waxay si gaar ah uga muuqataa muuqaalka Nuura iyo aabbaheed Gustaaf; halkaas oo barafkii cadhada ahaa si kedis ah ugu dhalaalayo xaalad bani’aadannimo oo yar: hadyado “aan munaasab ahayn” oo Gustaaf u soo iibinayo wiilka yar ee uu awowga u yahay. Qosol wadajir ah ayaa si dabiici ah u qarxaya, labada dhinac keliya kuma qoslayaan hadyadda, balse waxay ku qoslayaan macno-darrada kala-go’a laftiisa. Waxa xigaya in ay wadaagayaan caadada cabbidda sigaarka aamusan; muuqaal farshaxan leh oo caddeynaya in aamusnaantu mararka qaar tahay nooca ugu runta badan ee wada hadal. Xilligaas Gustaaf ma raalli gelin, Nuurina erayo kumay cafin, balse qiiqa u dhexeeyay ayaa dib u soohaya xadhko googo’ay, isaga oo xaqiijinaya in xidhiidhada qoyska aan lagu dhisin qorshayaal waaweyn, balse lagu dhiso daqiiqadaha fudud ee la wada joogo.

Dhinac kale, safarka walaasha Agnes wuxuu ina gelinayaa qoto dheer oo kale. Iyadu waa aqoonyahanad ula dhaqanta waayihii hore sida waraaqo iyo dukumentiyo, balse baadhitaankeeda ku saabsan isdilka ayeydeed wuxuu taariikhda ka beddelayaa walax qallalan, una rogayaa sir qoys oo xanuun leh. Waxa ay ogaanaysaa in filinka aabbaheed soo wadaa aanu ahayn keliya hammi farshaxan ama “prestige” shineemo oo uu leeyahay, balse uu yahay isku day quusi keentay oo lagu furfurayo masiibo duug ah oo aanu waligii geesinimadeeda yeelan in uu si toos ah u wajaho, se shaashaddu jaanis siisay.

Halkan, raadinta taariikhdu waxay isu beddelaysaa ruux la qodayo, halkaas oo xaqiiqooyinka la diiwaangeliyay iyo mala-awaalka farshaxanku isku dhex milmayaan, si ay u muujiyaan in fanku asal ahaan yahay habka keliya ee aan ugu dhiirranno sheegidda runta carrabkeennu ka gaabiyey.

Inkasta oo “Qiimo Dareen” loo aqoonsan karo filin ku tiirsan wada hadal badan, haddana waxa uu ku guulaystay ka baxsashada dabinka khudbadaha dhaadheer, iyada oo ay ugu wacan tahay luuqad shineemo oo kalsooni leh, taas oo Taraayer la sameeyay sawirqaadaha iyo tifaftiraha filinka Olivier Bugge Coutté. Shineemadu halkan kuma koobna gudbinta hadalka; waxay erayga siisaa cabbir muuqaal oo ka dhigaya in daawaduhu dareemo culayskiisa dareen.

Taraayer wuxuu adeegsaday qaab sheeko oo fac weyn, halkaas oo filinku u qaybsamo cutubyo ay kala jarayaan goo-goosyo degdeg ah oo nagu ridaya mugdi. Doorashadan farsamo keliya ma aha xal agaasimeed, se waa waqti neefsasho oo loo hibeynayo daawadaha; mugdiga soo muuqda daqiiqado kasta waxa uu u shaqeeyaa sida kala go’yada cutubyada buugga, isaga oo u oggolaanaya fikradaha iyo dareennadu in ay si tartiib ah maskaxda daawadaha ugu daataan kuna degaan qalbiga.

Isaga oo kaashanaya iftiin dabiici ah oo habsiinaya muuqa qabow ee Oslo iyo laxan miisaaman, filinku wuxuu isu beddelayaa sawir muuqaal ah oo waqtiga matalaya. Kamaraddu ma daba ordayso dhacdooyinka; beddelkeeda, waxay dhuganaysaa wejiyada iyo xaglaha, taas oo filinka siinaysa haybadda ay leeyihiin riwaayadaha kalaasigga ah ee waaweyn. Filinku wuxuu caddeynayaa in shineemada heerkeeda ugu sarreeya ay tahay tan aan sheekada kuu sheegin oo keliya, waa ta kaa dhigaysa inaad ku dhex hayaanto bogaggeeda, adiga oo dhex maraya cutubyada xanuunka iyo rajada ilaa ay sheekadu qayb ka noqoto taariikhdaada gaarka ah.

Dhadhanka macaan ee filinku ma dhamaystirmayo la’aanta xulashooyinka muusigga ee isu beddelaya wax ka badan cod gadaal ka yeedhaya, waxa uu noqonayaa cod ay ku hadlaan jilayaashu; iyaga iyo innagaba wuxuu inagu hoggaaminayaan lakabyo qoto dheer oo xusuus iyo xanuun qoys ah iyada oo loo marayo xulashooyin muusig oo aan innaba caadi ahayn, kuwaas oo ka turjumaya laba wejilaynta xaaladda aadanaha; mar waa kuwo farxad leh oo la la qaadi karo, se dhinaca kale ku qotoma dhugasho jiritaan. Heesta Laabi Sifere ee “Cannock Chase” waxay u soo baxaysaa sida wadnaha wada filinka, ereyadeeda ka hadlaya ruux moodday inay dhimatay balse haddana dib ugu dhaganayd nolosha: “Si adag baan ugu dhegganaan doonaa; laga yaabee in ay arrimuhu hagaagaane.”

Filinkan, oo ku guuleystay abaalmarinno badan oo caalami ah kahor Oskarta, waxa uu si qoto dheer ugu dhex dabaalanayaa muranka u dhexeeya fanka iyo nolosha. Gustaaf, oo ah agaasime filin oo aaminsan in “hal-abuurku aanu dhalan adigoo baabuur ku wada carruurta si aad u geyso tababarka kubadda cagta”, waxa uu matalayaa danaysiga farshaxan ee dumiyey qoyskiisa. Wuxuu isku dayayaa in uu dib u kasbado gabdhihiisa, ma aha isaga oo cafis dalbanaya, balse isaga oo ka shaqaysiinaya; isaga oo musiibada is-qudh-goynta hooyadood u rogaya filin. Laakiin gabadhiisa Nuura way diiddan tahay, iyada oo u aragta in uu xanuunkeeda ka danaysanayo.

Inkasta oo dildilaacyo badan si cad uga muuqdaan guriga qoyska Borg, kuwo dhisme iyo kuwo dareenba, haddana Taraayer wuu diidayaa in uu dumiyo. Gaar ahaan xiddigta Reenat Reenifi, oo hibadeeda jilliin ka gudubtay dhaawacyada jiilasha, waxa ay siinaysaa Nuura adkaysi ka hor istaagaya filinka in uu ku dhaco dareen xad-dhaaf ah; waa midho adag yeelkeede, dildilaacyo ayaa korkeeda ka muuqda.

Qiimo Dareen” waxa uu ugu dambayn caddeynayaa in jacaylka wadajirka ahi, xitaa haddii aanu ku soo noqon qaabkiisii hore, leeyahay awood yaab leh oo uu ku sii noolaado inta uu jiro qof ku adkaysanaya in uu sii hayo, sida muusigga ku hadhay maskaxdeenna kadib markay shaashaddu jabaq daysay. Waa baroordiiq loo tiriyay xusuusta, iyo gabay ku jihaysan suugaanta mar ina badbaadisa, mar kalena na dhaawacda.

Taraayer filinkan "Qiimo Dareen" kuma soo bandhigayo filin shineemo oo keliya, in ka badan, waxa uu soo bandhigayaa baroordiiq abbaaraysa isku daygeenna quusta leh ee aynu ku fahmeyno kuwa aan jecelnahay. Waxa uu inagaga tegaya xaqiiqo murugo leh isla jeerkaana qurux badan: mararka qaar waxaynu u baahannahay sannado kala-maqnaanshiyo, si aynu u qaddarinno qiimaha joogitaanka, waxaana laga yaabaa inaan u baahannahay bu’da kamaradda si aynu fool ka fool ugu dhiiranno runta... Waa filin caddeyn u ah in aanu fanku hoojin waayihii hore, balse uu ina siiyo geesinnimada aynu ugu sarajoogsanno badhtamaha burburkiisa inaga oo aan adhax-jabin.

  • Waxa laga soo turjumay halkan