Tuesday 10 March 2026
Sannadkii tagay ee 2024 waxa uu ahaa sannad hodan ku ah soo saarka filinnada, waa marka loo eego dhawrkii sanno ee ka horreeyey. Waxa soo butaacay filinno tiro iyo tayoba isku darsaday, kuwaas oo buuxiyey halbeegyada kala duwanaanshiyaha. Filin kastaa xiiso gooni ah buu lahaa, bil walba na waxa soo soo baxayey filinno tayadoodu sarrayso.
Halkan waxa aan ku tixi doonaa si aan kala sooc lahayn, afar iyo labaatan filin oo aan is leeyahay saamayn iyo xiise gooni ah bay ii sameeyeen oo waxa ay dhamaantood mudanyihiin in la daawado. Hubaashii intan kooban ee aan soo tixi doono qaar ka mudnaan kara ayaa jira, ama ugu yaraan istaahla daawasho, waxa kala mida Kneecap, Juror #2, Conclave, Emilia Pérez, speak No Evil, Joker: Folie à Deux, Blink Twice, Gladiator II, My Old Ass, Coddo Lake, A Complete Unknown, A Real Pain ikk. Waxa an si gaar ah u magac dhabayaa laba filin oo si weyn isu muujiyey abaalmarintii Golden Globes-ka kuwaas oo wali bandhigga aan ka soo dhammaan: the Brutalist, I’m Still Here. Halkan hoose waxa aynu ku soo ururinaynaa filinnadaas aan kala dhicin.
1. Rebel Ridge

Filinkani ma helin xayesiin u qalanta, haddana nasiib wanaag waxa uu helay qaabilaad ballaadhan. Waxa uu ka sheekaynayaa fasaadka booliska tuulo yar oo ku taalla gobalka Louisiana. Komaandoos hore ayaa wajahaya tacaddigooda. Filinku waa akshan, se inta karaankiisa ah wuu ka dheeraaday gacan ka hadalka, xiisihiisu waxa uu ku qotamaa qorsoodiga, warwarka iyo caadifadda, Aaron Pierre-na oo saaxadda jilliinka ku cusub, si wanaagsan buu xilkaa u gutay.
2. Good One

Dhacdooyinka filinkani ma laha xiiso iyo xamaasad badan, kaliya waxaad naawilaysaa falalka shakhsiyaadka. Sam (Lily Collias) ayaa u raacaysa aabaheed dalxiis teendhaysi oo lagu tacabbirayo buuro iyo dhulal badan, waxa weheliya aabaha saaxiibkii, Sam waxa ay naawilaysaa xidhiidhka xumaanaya marba marka ka danbaysa ee u dhaxeeya aabaheed iyo saaxiibkii. Runtii waa filin wacan.
3. Green Border

Kani waa filin aad u dareen qadhaadh, waxa uu ka warramayaa dadka hoy ka waayey dalalka ay u dhasheen, ka ay nolosha u raadinayaanna loogu adeegsanayo agab siyaasadeed. Agnieszka Holland waxa uu cabbiray caloolxumida uu u hayo dadka lagu dhibayo xadka u dhaxeeya Boolan iyo Beelaruus, quusta ay wajahayaan dad rejo ku socday, iyo xaq u dirirka halista u galinaya nafahooda iyo xorriyaddooda si ay u samato bixiyaan dulmanayaashan. Filinkan mucaaradad badan ayuu kala kulmay gudaha dalka Boolan, si geesinimo lehna wuu u abbaaray ujeedkiisa.
4. Sing Sing

Jilliinka filinkani waa calaamaddiisa u weyn ee muujinaysa quruxdiisa, jilayaasha oo dhan kolka laga reebo Colman Domingo waa maxbuusiin dhab ah, oo waa markii u horraysay ee ay wax jilaan. Sheekada qudheedu waa qurux: waa fan masraxiyadeed lagu dhex qabto gudaha jeelka, oo maxbuusiintu jilaan, aragti cusub ayey ka helayaan nafahooda iyo ta dunidaba. Waxa hor kacaya Divin G (Colman) oo ah nin lugu soo oogay danbi uu san galabsan kuna tiirsan karka aaminaadda ee ah in maalin uun la sii deyn doono.
5. Sky walkers: A Love Story

Qaab duubista filinkani waa amakaag, waa dhukumantari ka warramaya sheekada dhabta ah ee Angela Nikolau iyo Vanya Beerkus, oo ah cir mareenno iskaga gudba dabaqyada aadka u dhaadheer, iyaga oo nafahooda halis u galinaya sidii ay u soo bandhigi lahaayeen hibadooda, filinka gudihiisa waxa la tixraacayaa rikoodhka ay rabaan in ay ku jabiyaan fuulista si sharci darro ah dabaqa u dheer Malaysiya. Dhan kale ayey leedahay sheekadu oo ah jacaylka lamanaaha, iyo koboca kalsoonida ee ay isu qabaan.
6. Daughters

Waa dhukumantari kale oo ka warrama markan sheeko kale oo gudaha jeelka ah. Waa banaamij ay ka danbeeyaan laba gabdhood oo waalidkood la xidhay, Natalie Rae iyo Angela Patton waxa ay u halgamayaan in ay abaabulaan kulanka aabayaal iyo gabdhahooda yaryar, jeelka gudihiisa, si ay bal hal mar un u wada dheelaan, maxbuus ahaan ma aha, ee waa aabboyaashood. Waa dareenka noolayaal la jaray, oo ka laalaada fadhiidnimada isaga oo wakhtiguna orod ku dhaafayo.
7. Challengers

Waa filin kale oo ka mid ah filinnada Luca Guadagnino ee ka madhan dheelitirka, waa habtebin iyo dareenno fawdo ka abuuran. Tix-raaca nolosha iyo jacaylka saddex tenis ciyaare oo caan ah sannadihii tagaba isku wareegayaan, iyo iyaga oo kolba midba midka kale jeclaanayo. Art Donaldson (Mike Faist) oo ah xirfadle ciyaara Tenista, ayaa guuldarrooyin isu xigxiga oo badan wajahaya, ilaa ay ciyaar isku soo beegmaan Patrick Zweig (Josh O'Connor) oo ay wada lahaayeen taariikh hore oo madow. Duubis wacan, jilliin ka sii wacan, se yax-yax iyo yaq-yaqsi ah baad ugu tagaysaa filinkan.
8. The Idea of You
Kan oo ku dhisan sheeko faneed, si dareen iyo dabacsani leh baa loo duubay, Michael Showalter filinkiisani waxa uu ahaa mid gacaltooyo ah, waxa uu ka warramayaa gabadh jeclaanaysa wiil da’ ahaan woxoogay ka yar, Anna Hathaway (42) waxa ay jilaysaa sawir kaydiso Los Angeles ka soo jeedda oo u jabaysa -haba ka cagajiiddo e, jacaylka xiddiga pop-ka Hayes (Nicholas Galitzine, 30 ).
9. Furioso: A Mad Max Saga

Waa dib u milicsiga (prequel) ustuuradii Mad Max: fury rode, George Miller waxa uu dib inoogu celiyey sheekada shakhsiyadda Imperator Furioso oo markii hore ay jilaysay Charlize Theron, imikana waxa la wareegtay xiddigta la moodo iyada oo yar ee Anya Taylor. Sida muuqata ma gaadhi karo ka hore, se weli waa filin xiiso badan. Chris Hemsworth filinkiisani wuxu ku biiiray filinnada dhifta ah ee jilliinkiisa la tix galinayo, filinkanna badi isagaa xambaarsanaa, shakhsiyadda laadarkana si wanaagsan buu uga soo baxay.
10. Dune: Part Two

Shaki la’aan, waa filinkii u mudnaa sannadka 2024, waa qayb labaad oo waxba ka dhicin qaybtii ka horraysay. sheekadu waxa ay u aroortay hab diimaysan, nabigii la sugayeyna wuu soo baxay (Lisaan al Qayb). Cabashadii laga dayrinayey qaybta hore ee ahayd madhnaanshiyaha dhacdooyinka qaybtan danbe ayaa dabooshay. Wali sawaxankii iyo muusigii quruxda badnaa wuu yeedhayaa, qaab duubistiisana cidi kulama tartamayso. Jilliinkii Timothée waa sii koray, se markan waxa ku haysta Austin Butler.
11. Heretic

Waxa soo saaray labada saaxiib ee Scott Beck iyo Bryan Woods, waxa jilaya Hugh Grant, Sophie Thatcher iyo Chloe East, waxana faafisay A24. Waa filin cabsi nafsadeed oo argagax badan, wada sheekaysi dhiirran iyo muuqaallo naqaska kugu dhejinaya. Waa muujinta qiimaha wada sheekaysiga sida wacan u qoran. Waxa uu ka sheekaynayaa laba gabdhood oo u adeega kaniisadda si ay dadka u baraan diinta Masiixiga, waxa ay la kulmayaan Reed (Hugh Grant) oo doodo badan ka galaya falsafadda, diinta iyo taariikhdeeda, dhacdooyinkuna waxa ay isku sii tarayaan qorsoodi iyo cabsi.
12. Small things Like These

Jilaa Cillian Murphy oo laga filayey in uu filinkani u noqdo, nasasho dagaalyahan kadib jilliinkiisii Oppenheimer kadis buu soo baxay, waa sheeko laga dheegtay waaqica madow ee Maagdelin oo ku yaallay dalka Ayralaan, halkaas oo ay gacanta ku haysay kaniisadda Kaatooligga ah ayaa lagu uruurin jiray gabdhaha yaryar ee la soo xooro ee ku eedaysan gogol dhaafka. Waxa loo keeni jiray qaab dhaqan celis ahaan ah, se halkaas waxa loogu gaysan jiray dil jidheed iyo mid maskaxeedba, Bill Furlong-na (Cillian) xogtaas halista ah buu ogaanayaa. Filinkan waxa uu ka hor imanayaa caadooyinka ay yeeli jirtay Hollywood sababta oo ah wakhtiga uu ku beegmay (Kirismas) iyo dhambaalka uu sidayba. Bandhigga Cillian-na lafaha hoose ayuu murugo kula xanuujinayaa.
13. His Three Daughters

Sheeko aad u qurux badan oo kugu reebaysa dareen iyo xasuus macaan, saddex gabdhood oo walaalo ah, kuwaas oo ay noloshu kala gaysay ayaa xanuunka aabahood markale isu soo celinayaa, si gaabis ah ayey sheekadu isku furfaraysaa iyada oo nabarro hore la xoqayo illaa iyo bogsiis laga gaadhayo. Jilliinka saddexda jilaaba waa qurux miidhan, dhamaadka filinkuna waa sixir.
14. Anora

Filinkani waa diraasad nafsadeed oo aad u xiiso badan, waxa uu ka sheekaynayaa gabadh ka ciyaarta baararka saqda dhexe. Ani (xiddigta koraysa ee cajiibka ah Mikey Madison) ayaa helaysa habeen macmiil Raashiyaan ah oo dalxiis ku jira, oo nolosheedana qalabaa-gaddinaya. Filinku waa xaraabe dhex qotoma dhiiqada balaayada, waa gorfayn habboon oo ku saabsan sharafta, karaamada iyo xushmadda uu qofku naftiisa u hayo ama bulshadu u hayso. Waa filinka ku guulaystay sannadkan abaalmarinta filinka u wacan ee Cannet Palme d’Or. Mikey-na muuqeeda filinka u danbeeya waxa ay u qalantaa abaalmarinaha u waaweyn.
15. The Promised Land

Askari muddo dheer sugayey in lagu taxo billad sharfeedka boqorka Danish ayaa beeraya dhulal ay dawladdu leedahay oo nabaad-guuray halka ay ahayd in uu tago furrimaha hore ee dagaalka. Halkaas waxa uu ku yeelanayaa nacab boqorka ku hoos nool oo awood walba u adeegsanaya si uu u fashilmo. Waxa uu helayaa taageerada dawarsatada iyo kuwo bulshada laga caydhiyey, iyaga oo u banbaxaya iska caabinta qooqa kuwa awoodda leh. Mads Mikkelsen waa birlab soo jiidasho leh, oo marwalba bandhig sooc ah sameeya, filinka gabigiisaba isaga ayaa bilay.
16. A Different Man
Filinkan waxa u gooniya duubis ku xasuusinaysa filinnadii 70-yadii, habdhac gaabis ah oo lagu muujinayo dabeecadda aadanaha. Meesha u horraysa ee ay ishu ku dhacdo waa muuqa wajiga, ka warran hadduu argagax ku abuurayo cidda aragta? Edward (Sebastian Stan oo u qalma abaalmarita la siiyey ee Golden Globes-ka) waxa haya xanuun neerfaha ku dhaca, oo saamayn xun ku yeesha muuqa wajiga. Qaybta danbe ee filinka oo uu ka bogsanayo xanuunkaas ayaa lagu darsayaa hababka uu Edward ula dhaqmo qaabkiisa cusub, iyo xidhiidhkiisii guul darraystay. Sebastian Stan iyo Renate Reinsve, labadoodaba waa filinkii labaad ee u soo baxa isla sannadkan, bandhig qurux badanna way sameeyeen, waxaana weheliya jilaaga qadarinta mudan ee Adam Pearson.
17. Vermiglio
“May, ma ooyayso, waa biyo cad oo indhaheeda ka dareeraya” filinkan Talyaaniga ah ee ay soo saartay, Maura Delpero waxa uu si deggan u sawirayaa qoyska bare caruureed oo si kadis ah ugu soo biirayo nin firdhad ka ah dagaalkii labaad ee dunida, kaas oo jeclaanaya inantiisa u weyn, waxa uu saameyn doonaa nolosha qof walba oo qoyska ka tirsan. Waa sheeko jacayl oo dul sabbaynaysa kaynta buculka murugada.
18. The Seed of the Sacred Fig
Soosaaraha Mohammad Rasoulof oo firdhad ka ah dalkiisa hooyo waxa uu ka dhimbiil qaadanayaa kacdoonkii dumarka ee ka dhacay Iiraan, kacdoonkaas oo lagu gacan saydhinayey xukuumadda culaysyada iyo xannibaadaha ay ku hayso bulshada. Iimaan oo ah qareen ayaa loo dallacsiinayaa danbi-baadhe heer gobol ah, imika naftiisa iyo nolosha qoyskiisuba halis bay ugu jirtaa in la beegsado, maaddaama uu xukuumadda u shaqeeyo. Si kadis ah buu guriga dhexdiisa ugu waayayaa baastooladdiisa, markan isaga ayaa qoyskiisa baadhitaan adag ku samaynaya.
19. Bird
Filinkan si aad u habboon baa la isugu duba riday, waxa gunta hoose loo galayaa dareenka qaan-gaadhnimadu marka ay xaaladda korriin ee u liidata ku beeganto. Bailey oo la nool aabbaheed ka dib markii ay hooyadeed kala tageen, ayaa waxa uu go’aansanaya aabbaheed in uu arooso gabadh cusub. Danayn la’aanta waalidkeedu waxa ay u horseedaysaa in ay meelo kale ka raadsato xorriyadda.
20. Ghost light
Ghost light, waa mid ka mid ah filinadii ugu ashqaraarka badnaa sanadkan, waxa uu ka warramayaa shucuurta qof la jecelyahay in la waayo, waa aabbo wiilkiisu ku dhimanayo qaab shil ah, boogtaas wuu dadayaa isaga oo aan dhayin, qoyskiisa koobanna cabudhis buu u adeegsanayaa, ilaa uu la kulmo koox da’diisa ah oo masraxa samaysa, halkaas ayey wax walbaaba iska beddelayaan una yeelanayaan fool kale. Soosaarayaasha Alex iyo Kelly waxay adeegsadeen hab tabineed iskugu lifaaqan nolosha dhabta ah, iyo natiijada dareen ee ka dhalanaysa jilliinka masraxiyadda. waa cashar nololeed in ka badan inta uu yahay filin. Waan ku talinayaa in la daawado.
21. The Substance
Fikradda filinkani waxa ay dul hoganaysaa dhalanteedka dhamaystirka, waa qarow halis ku ah bad qabka maskaxeed ee qofka. Elisabeth Sparkle (Demi Moore) oo ku jirta marxaladda hoos u dhaca xiddignimadeeda sababta oo ah da’deeda oo weynaatay, ayaa waxa ay helaysaa maaddo awood u siinaysa abuurista nuqul kale oo iyada ah (Margaret Qualley), se yar oo qurux badan. Xeer loo maro waddadaas baa jirta, sida caadada ah waa laga jabinayaa, cawaaqibteedana laga leefayaa.
22. The Wild Robot
Filin khafiif ah oo jawi cuddoon, Robot u samaysnaa u adeegista bini’aadanka ayaa is arkaya isaga oo kayn ku hallawsan, waxa uu isu hawl galinayaa u adeegidda shinbir yar, xidhiidh qurxoonna la samaynayaa. Filinkan codayntiisa waxa isugu tagay qamaamuurta saaxadda filin samaynta ee maanta.
23. How to Make Millions Before Grandma Dies?
Wiil yar oo mayaca laga badshay ayaa jaanis uu ku taajiri karo ka dhex arkaya ayeydiisa gabowgu soo ritey ee sii dhimanaysa, ee haysta xogayga adduunka ah. Hawshu ma fududa, waxa jira tartamayaal kale oo loolan kula jira Filinkan Taylaandiga ahi waa xaraabe macaan, oo isla markaasna dareen taabad ah.
24. We Live in Time
Andrew Garfield iyo Florence Pugh waa lamaanaha u fiican sannadka, kimistari aan innaba caadi ahayn, iyo jilliin jacayl oo runnimada aan laga garanin. Laba ruux oo shil xun isku baranayaa ayuu qaddarku lamaane u qorayaa, isla qaddarkii baa mar kale qoraya midkood in uu midka kale cidleeyo. Filinkani waxa uu qaadaa dhigayaa dareennadaada, isaga oo khad cas hoosta kaga xarriijinaya noloshu in ay soconayso, wakhtiguna aanu cidna u istaagayn.