Skip to main content

Friday 17 April 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Feker

Filashooyinka iyo fekradaha gurracan ee la xidhiidha daaweynta xanuunnada nafsiga ah

9 July, 2025
Image
 Filashooyinka iyo fekradaha gurracan ee la xidhiidha daaweynta xanuunnada nafsiga ah
Share

Muddooyinkii danbe, inkasta, oo ay jirto ka soorayn ka muuqata wacyiga bulshada Soomaaliyeed ee ku aaddan caafimaadka dhimirka, haddana weli waxa jira aaminado iyo fekrado qaldan oo carqaladeeya helidda adeegyada la-talinta nafsiga ah. Fekradahan gurracani, bukaanka waxa ay ku dhaliyaan quus iyo rejo beel kolka ay xarumaha caafimaadka yimaadaan kaddib, waxana ay caqabad ku noqdaan daawaynta iyo bogsashada. Dhanka kale, shaqada ay qabtaan la-taliyeyaasha nafsiga ahi inta badan ma noqoto mid midhodhal ah maadaama oo qofka adeega la siinayaa uu ku gaashaamanyahay fekradahan lidiga ku ah daaweynta.

Qormadan kooban waxa aynu ku gorfeyn doonnaa aaminaadahaa qaldan ee qofka adeega caafimaadka dhimirka u baahani guntanyahay, dabcan si guud na bulshada ugu dhex faafsan. Kolka hore waxa aynu bayaamin doonnaa fekradda iyo aaminaadda qaldan ee bukaannada qaarkood xanbaarsanyhiin, dabadeed waxa aynu hoos ka raacin doonnaa xaqiiqada dhabta ah iyo sida ay wax jiraan ee  ay qabaan dhakhaatiirta aqoonta u leh caafimaadka maanka iyo daaweynta xanuunnada dhimirka iyo nafsadda.

Fekradda koobaad

Aaminaad qaldan ayaa waxa ay odhanaysaa “ Waxa aan ku bogsanayaa hal kulan oo dhakhtarka aan la qaato “.

Laakiin xaqiiqdu waxa ay tahay, hal kulan ma aha wax ku filan qof u baahan adeeg caafimaad oo nafsi ah, dhibaatooyinka dhimirkeenna iyo nafsadeenna soo gaadhaa waxa ay saameeyaan dareenkeenna, hannaanka maskaxdeennu u qabato garashada, fekerka, xasuusta iyo maaraynta, sidaasi darteed waxa lama huraan ah waqti ku filan oo lagu ogaado  mushkiladda salkeeda, isla kol ahaantaana lagu qeexo xidhiidhka ka dhaxeeya saameeyeyaasha kala duwa. Waxa uu dhakhtarku qiimeeyaa badka jirrada nafsadeed iyo muddada gorfaynta iyo xallintu qaadan karto. Muddadaas waxa raacda korjoogtaynta kabashada iyo bogsiinnada bukaanka. waxaas oo dhani aragtida dhakhtarka iyo hal kulan oo kaliya  kuma suurtoobaan ee waa wax u baahan waqti iyo dadaal muddo socda.

Fekradda labaad

Aaminaad qaldan: Dhakhtarka dhimirka waxa la geeyaa "dadka waalwaalan" oo Keli ah.

Xaqiiqda: Kolka la joogo caafimaadka dhimirka ma jirto wax la yidhaahdo WAALLI, waxana loo aqoonsanyahay ereybixin takoor oo lagu faquuqo heer ka mid ah xanuunnada dhimirka oo qof gaadhay. Aadamaha oo dhan waxa uu ka simanyahay in uu nafsad ahaan u jirran karo xiskiisana xanuun ku iman karo, dabeecadda nolosha iyo nuglaanshaha basharka awgeed. Xanuunka dhimirku ma aha oo kaliya in qofka garashadu ka tagto e' waa heerar kala duwan oo nafsadeennu u jirrabanto oo dareemaheenna iyo fekerkuba inala fool xumaadaan.

Qofka uu walaac ku furanyahay naftiisa, cadaadis iyo culaysna ku qaba nolol maalmeedkiisa(Stress), Iyo qofka aan kala garanahaynin waxa uu samaynayo sax iyo qalad midka uu yahay oo xaqiiqada iyo humaagga aan kala soocahayn ama sawiranaya/arkaya/maqlaya wax aan dhab ahayn oo waaqica aan ka dhex jirin(Schizophrenia), labaduba waxa ay ka dhigan yihiin, bukaanno u baahan dhaymo nafsadeed oo ay tahay in uu dhakhtar Kasmonafeedyahan ah la kulmo. La-talinta nafsiga ahi waa baahi aadame oo loo dhanyahay.

Fekradda Saddexaad

Aaminaad qaldan: Dhakhtarka dhimirku maaha qof sirta shakhsiga ah iyo xogta gaarka ah lagu aamini karo.

Xaqiiqda: Dhakhtarka dhimirku waxa uu bartaa oo loo tabobbaraa ilaalinta xogta khaaska ah ee bukaanka, waxa aanan marna suurtoobin in uu ka warramo wax ku saabsan xogta qofka uu ku qaabilay qolka latalinta. Waxa ka reebban in uu sinaba u sheego bukaannada iyo qofkasta oo uu la-talin caafimaad siiyay.

Dhakhtarku waxa uu ku shaqeeyaa akhlaaqiyaad xirfadeed oo uu ku dhawro xog kasta oo xasaasi ah oo bukaanku leeyahay. Waxa uu u carbisanyahay oo damiirkiisa dabraya xeerarka aqooneed ee shaqadan la xidhiidha. Dhakhtarku waxa uu garawsanyahay xadka ciqaabeed ee ka dhasha haddiiba ay dhacdo in uu gudbiyo xog bukaan, ciqaabtaas oo gaadhsiisan rukhsadda mihnadeed oo laga xayuubiyo iyo danbi gaadhi kara maxkamad iyo xabsi. Sidaas darteed, qofna ugama labalabayn karo adeeg caafimaad uu u baahanyay kalsoonidarro uu ka qabo hawlwadeenkii adeegaas siin lahaa.

Fekradda Afaraad

Aaminaad qaldan: Xanuunku waa ciqaab alle, qof ilaahay ku xidhan na ma bukoodo.

Xaqiiqda: Qof cibaado badan ayaa xanuunsada, mid aan diinba shaqo ku lahayn ayaa xanuunsada. Curiyeyaasha keena xanuunada dhimirka iyo jirrada nafsadeed ee qofka kama mid aha aaminaadda iyo iimaanla'aantu, diinta iyo diinla'aantu.

Waxa keena xanuunnada dhimirka caqabadaha nololeed iyo culaysyada duruufaha, dhaawacyada iyo dhacdooyinka jidhka iyo maskaxda waxyeeleeya, hidderaaca cudurka, dheelliga dareemowadaaysha iyo kiimikaalka neerfaha maskaxda iyo jidhka, isticmaalka daroogada iyo qabatinka maandooriyeyaasha..iwm. Sidaa darteed adiga oo wadaad ah iyo adiga oo waranle ahba waad jirran kartaa, maani jirto cid damaanad ka haysata in aanu ku habsan xanuun nafasadeed.

Fekradda Shanaad

Aaminaad qaldan: Carruurta kuma dhacaan xanuunnada dhimirku.

Xaqiiqda: Dhallaanku sida dadka waaweyn ayay u leeyihiin maskax iyo nafsad u nugul xanuunnada dhimirka, waxaa u dheer in ayna u bislayn iskacaabbinta culaysyada garaadkooda iyo dareenkooda soo wajaha, welina aysan yeelanin waayo-aragnomadii iyo tabihii ay isaga maarayn lahaayeen.

Marka aynu eegno heerka xanuunnada dhimirka iyo dhallaanka ee caalamka oo dhan, sida ay xustay hay’adda Caafimaadka adduunku “ toddobadii qof ee da’doodu u dhaxayso 10-19 jir mid ayaa mara jirro dhimir." Isla hay'adda caafimaadka adduunku waxa ay sheegtay 2024-kii in isqudhgoyntu tahay sababta saddexaad ee dhimashada da'da u dhaxaysa 15-29 jir.

Dhanka kale, wargeyska ‘International Journal of Mental Health Systems’ cilmibaadhis uu soo bandhigay 2020 ciwaankeeduna yahay "Prevention and early intervention in youth mental health: is it time for a multidisciplinary and trans-diagnostic model for care? Waxa axa lagu sheegay Xanuunada dhimirku inta ugu badan waxa ay muuqdaan marxaladaha kalaguurka ee qaangaadhnimada, iyada oo ilaa 5-tii qof ba hal qof oo ka mid ahi la kulmo xanuun nafsi ah ka hor inta uu san gaadhin da'da 25 jir. Qulubka, warwarka iyo astaamaha caddaynaya habdhaqannada aan fayoobidda nafsadeed ka tarjumahayn ayaa la arkaa marxaladdaas. Waxa Intaa sii dheer gayiga soomaalidu in uu yahay Cadaabtii Carruurta sida uu ku qeexay Ibraahin-Hawd Axmed.

Fekradda lixaad

Aaminaad qaldan: Dhakhtarku haddii uu san daawo ii qorahayn hadalku muxuu ii tarayaa, miyaan qof kale oo aan ku nafiso raadsado?

Xaqiiqda: Baanashada nafeed(Psychotherapist) hadal iyo dhagaysi uun kuma koobna e la kulanka dhakhtarku , waxa uu toosinayaa habfekerkaaga, waxaanu uu ku barayaa sidii aad ugu fekeri lahayd qaab ka duwan dacalkii mugdiga ahaa ama qaldanaa ee aad wax ka eegaysay. Waxa uu abbaarayaa xididdada mushkiladda iyo dhinacyada kaa qarsoon iyo xalalka ku habboon.

Daawadu, waqti bay leedahay iyo marxalad gaar ah, waxtarkeeduna waxa uu ku koobanyahay dheellitirka kiimikaalka maskaxda iyo unugyada dareenwadayaasha(Neurotransmitters), daawadu waxa ay dajinaysaa kacsanaanta neerfahaas shaqadooda khalkhalku ku jiro. Tusaale ahaan  bukaanka daran ee heerka xanuunku gaadhsiisanyahay in garashadu khalkhasho, bukaankuna uu waaxyeelo is gaadhsiin karo ama cid wax yeeli karo waxa la siiyaa daawo miyirqabka soo celisa xaaladdana dajisa, kaddib ayaa la gudagalaa daawaynta nafsiga ee hadalka ah.

Si kooban, daawadu waxa ay si ku-meelgaadh ah u xasillisaa astaamaha xanuunka iyo raadka muuqda mase xalliso xididka fog ee xanuunka nafsiga ah. Sidaa aawgeed daawaynta ku dhisan toosinta fekerka iyo habdhaqanka (Cognitive behavioral Therapy) ayaa ahmiyadda ugu weyn iyo waqtiga ugu badan la geliyaa.

Fekradda toddobaad

Aaminaad qaldan: Dhakhtarku waxa uu si fudud ku ogaan karaa dhammaan dhibaatooyinkayga, xalka oo dhamaystiranna isaga ayaa haya.

Xaqiiqda: Dhakhtarku waxa uu wax ku qiimeeyaa inta aad u sheegto, iyo astaamaha uu arko, taladiisa iyo xalalka uu soo jeediyaana waxa ay ka fulaan dhanka bukaanka iyo dhaqalingalintiisa, inta ay ka go'antahay qofku in uu bogsado ayuu bogsan karaa.Dhaymada nafsadeed waxa ay ku tiirsantahay oo aysan la'aanteed suuroobi Karin wada shaqaynta daacadnimada leh iyo islawandaafinta labada dhinac(dhakhtarka iyo bukaanka)-far kaliyi fool ma dhaqdo.

Gunaanad

Ugu danbayn, aaminaadaha noocan ah ee bulshada ka dhex jira ee caqabada ku ah xal u helidda dhibaatooyinka nafsadeed waxa ay salka ku hayaan fahandarrada xanuunnada dhimirka iyo helista daawaynta habboon.  Waxa ay xididdo fog la leeyihiin aaminaado dhaqan, diimeed iyo bulsheed oo soo jireen ahaa. Mararka qaarkood fekradahan qaldani waxa ay ku yimaaddaan qaldani hungo hore iyo fashil uu bukaanku kala kulmay hawlwadeen aan ehel u ahayn bixinta adeegyada nafsiga ah, bil metal; bukaanku waxa uu ku lug go’ay in badan goobaha cilaajyada aan cilmiga iyo sharciga ku dhisnayn iyo meelaha la midka ah ee aysan joogin dhakhaatiirta aan lahayn tabobbarka iyo xirfadda dhammayska tiran. Sidaas darteed, wacyigelinta bulshada ee caafimaadka dhimirka iyo saxidda aaminadaha qaldan ayaa ka mid ah xalalka ugu habboon ee lagu baro bixin karo caqabadahan si bukaanku u helo kalsooni uu ku booqdo goobaha caafimaadka dhimirka isla jeer kaas na u helo daaweyn iyo baanasho dhimireed oo uu ku bogsado. 

Qoraallada kale ee qoraaga