Skip to main content

Tuesday 11 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Fikirkii Muctasiladu muxuu u hanaqaadi waayay?

12 September, 2025
Image
Fikirkii Muctasiladu muxuu u hanaqaadi waayay?
Share

Fikirka Muctasiladu waxa uu ka mid yahay dusgiyada Islaamiga ah ee dhashay qarnigii labaad ee Hijriyada. Waxa loogu abtirayaa wadaad la odhan jiray Waasil bin Caddaa (700 – 748) oo ka tirsanaa xerta wadaadkii caanka ahaa ee Xasan al-Basri (642 – 728). Waasil waxa uu saluugay sida uu sheekhiisu uga hadlay ‘aayaha qofka ku dhaca dambiyada waaweyn’, ka dibna waxa uu uga tagay golihii xerta. Halkaas ayaa uu ka baxay magaca aragtidii uu la kacay Waasil bin Caddaa, markii uu Xasan al-Basri yidhi: “Waasil gooni ayaa uu innooga baxay’ waxana ay noqdeen ‘kuwii goonida u baxay – al-Muctasilah’, iyagu se isuma ay aqoon sidaas oo waxa ay la baxeen Ehelkii Caddaaladda iyo Tawxiidka – Ahlul Cadli wat-Tawxiid. Dhab ahaan, doodda ku saabsan masiirka ama aayaha qofka ku dhaca dambi diineed oo weyn (al-Kabaa’ir) waxa ay ahayd dood aad uga dhex oognayd Muslimiinta casrigaas, laguna kala jabay. Waxa aloosnaa doodo ku saabsan in uu qofku toos ugu gaaloobayo falkiisaa oo ay qabeen Khawaarijtu, dood qabta in aanu falkiisu waxba u dhimayn iimaankiisa oo ay qabeen Murj’iadu, iyo dood qabta in aan qofka la gaaleysiin, haddii uu ashahaadanayo laakiin uu iimaankiisu la kordhayo lana yaraanayo hadba falkiisa; samaan iyo xumaanba, iyo aragtida Waasil oo markan timid kana dhanbalmaysa qoladan dambe, waxana ay ku doodaysaa in qofkaa dambiga weyn ku dhacay, haddana iimaanka sheeganaya, aan labada midna loo sugi karin ee uu meel dhexe yaallo.

Waxa uu Waasil saluugay sida uu sheekhiisu uga hadlay mas’aladda la xidhiidha aayaha qofka ku dhaca dambi weyn, ka dibna waa uu uga tagay golihii xerta. Halkaas ayaa uu ka yimid magaca Muctasilah – kuwii gooni u baxay

Dugsigii ka abuurmay aragtidaasi waa uu faafay, waxana uu ka mid noqday dugsiyada aragtiyeed ee ugu waaweyn Islaamka. Waxa uu noqday dugsi diini ah oo ku dhisan ‘caqliga’ in lagu sugo caqiidada, iyada oo la adeegsanayo nusuusta diineed. Waxa ay dad badan oo daraaseeyaa ku sheegaan Muctasilada in ay ahayd dugsigii ugu horumarsanaa dhanka fikirka iyo isticmaalka caqliga, sida aad ku arki karto qoraallo hore oo ku saabsanaa. Ha se ahaato e, dhaqdhaqaaqan fikir waa uu jabay waxanu ku guuldarraystay in uu noqdo caqiido ummadeed oo leh bulsho raacsan oo, tiro ahaan, xooggan. Waa dhab oo dagaallo ba’an ayaa lagu qaaday oo dawladihii jiray ayaa dambiyeeyay fikirkan, in kaste oo Muctalisada qudhoodu ay marar adeegsadeen awoodda dawladda si ay u cabudhiyaan mucaaradkooda fikir, haddana middii iyaga ku dhacday ayaa aad u weynayd.

Sidaas oo ay tahay, marka laga yimaaddo doorka siyaasadda iyo is-muquuninta kooxeysiga, waxa uu fikirkani u wiiqmay in manhajkiisa caqiido uu yahay mid aad uga sarreeya dadweyneha, aadna u ah caqiido naqwo – elite oo aanay dadweynehu aad u qaadi karin. Waa fikir ku qotoma ‘caqli’ iyo ‘caddeyn – daliil’ oo aan oggoleyn in aragti la iskaga daydo – taqliidka. Waxa uu dugsigani doonayaa in wax kaste oo diin ah iyo maaddi ah loo helo daliil caqli ah iyo nusuus diineed oo waafaqsan, ee aan, keliya, la iska qaadan. Ogobey, sidan dambe ee ‘iska-qaadashadu’ waa habka uu ku dhisan yahay iimaanka dadweynuhu. Si guud, dadka badankoodu waa ay ka wahsadaan fikirka badan waxana ay adeegsiga caqliga ka doorbidaan in ay cid kale farto waxa ay falayaan iyo waxa ka reebban. Waxa ay ku raaxaystaan, una jajaban yihiin, aaminaadda sheekooyinka ku dhisan ‘waxa la yidhi’ xitaa marka la joogo sheekooyinka heer bulsho. Waa hubaal, markaa, in fikirka ku dhisan caqliga ee aan oggoleyn ‘raacidda’ soo-jireenku aanu qaadan karin, ama fahmi karinba, qof ay aqoontiisu hooseyso iyo mid wahsi badan ama caajis ahi. Hal mas’alo oo ka mid ah caqiidada Muctasiladu waxa ay kaaga baahan tahay fahan dheer iyo dhugasho si aad u qaadato ama u diiddo, halka inta badan kooxaha kale, metalan, ay kaaga baahan tahay, keliya, in laguu sheego xadiis sheegaya ama wadaad fatwooday.

Fikirkii Muctasiladu waxa uu u wiiqmay in uu yahay mid naqwo oo aad uga sarreeya heerka fikirka dadweyneha, maaddaama oo uu ku dhisan yahay ‘caqli’ iyo daliil oo aanu oggoleyn iska-dabagalka – taqliidka

Muctasiladu waa fikirka ugu xujooyinka adag, caqli ahaan, marka loo eego afkaarta kale ee diiniga ah oo dhan oo, weliba, isagu ku waajibinaya dadka in ay caqliga u adeegsadaan kala garashada samaha iyo xumaha, iyo xataa nusuusta diineed midda saxda ah. Waa sababta ugu weyn ee uu fikirka Muctasiladu u wiiqmay ee ay u faafeen madaahibta caqliga gadaal marisaa. Iyagu, waa Muctasilada e, caqliga ayaa ay ka horreysiiyeen naska diiniga ah (naqliga) waxana ay u cuskadeen in aanay suuragal ahayn in caqliga oo kala xukumaya nusuusta, midda saxda ah iyo midda qaladka ah, laga horreysiiyo nusuustii uu kala xukumi lahaa lafteeda. Metalan, haddii xadiis lagaaga sheego Suubbane Nabi Maxamed, waa in aad caqliga ku raadisaa in xadiiskani sax yahay iyo in kale, isaga ayaana xukumaya sugnaantiisa ka dibna macnihiisa ayaa uu, mar kale, caqligu baadhayaa oo uu xukumayaa sida uu ku habboonaan karo, iyada oo la raacayo garashada seeska ah ee caqligeenna ku jirta (badiihiyaat) iyo nusuusta hore ee sugan. Ma aha xadiis qudh e, diinta oo dhan saxnimadeeda ayaa uu caqligu xukumayaa, sida aan loo odhan karin qof aan Muslim ahayn, inta loo geeyo Qur’aanka; “Waa diin e, caqligaaga ha u bandhigin ee, keliya, aamin.” Suuragalba ma aha oo waa in uu akhriyo, ka dibna uu caqligiisu xukumo sax iyo qalad waxa uu yahay kitaabkan loo dhiibay. Halkaas ayaa uu ka imanayaa seeska aragtiyeed ee fikirka Muctasiladu.

Waxa ay Muctasiladu qabaan in xumaha iyo samaha lagu kala garan karo caqliga oo ah sababta xilsaarka dadka, sidaas awgeed uu isagu yahay daliilka ugu horreeya

Dad badan oo arrintan ku naqdiya Muctasiladu waxa ay qalad ka fahmeen horreysiinta caqliga oo waxa ay sawirtaan fahan u eeg ‘caqliga ayaa ka fiican naqliga’ taas oo aan ahayn doodda. Bud-dhigga dooddu waa labada midka lagu bilaabayo u adeegsiga garashada ama daliilka, waana halka ay ka imanayso fahanka ku saabsan kala horreysiintu. Dhab ahaan, dad badan oo ceebeeya fikirka Muctasiladu uma laha aqoon ama waa lagu diray oo sida wax looga wariyo iyo sida ay dhab ahaan yihiin waa ay kala duwan yihiin. Tusaale ahaan, waxa ay dad badani rumeysan yihiin in Muctasiladu ay dafiraan sifooyinka Eebbe (Nafyu Sifaat) oo waxa lagu naaneysayba magaca Caddileyaasha Sifooyinka Eebbe (al-Mucaddilah). Ha se ahaato e, markii si hoose loo eego, waxa dhab ah in aanay dafirin ama diiddanayn sifooyinkan badankooda ee ay u fasireen si falsafi ah, iyaga oo meel dheer ka eegaya si looga baxsado mushkilado caqiido oo iyaga u muuqday. Muctasiladu waxa ay ka soo horjeedaan in la kala qaado Eebbe ahaantiisa iyo tilmaamihiisa waxana ay qabaan in la mideeyo (Tawxiid as-Sifaat wad-daat) oo Eebbe iyo sifooyinkiisu waa isla isaga uun ee ma aha wax ku dheeraad ah. Haddii uu yahay mid wax maqla (Samiic), metalan, kama dhigna in uu jiro maqal (samac) ku dheeri ah ahaanshihiisa. Sababtaas ayaa ay ula baxeen Ahlul Cadli wat-Tawxiid.

Muctasiladu ma deedafeeyaan sifooyinka Eebbe ee waxa ay mideeyaan ahaantiisa iyo sifooyinkiisa, iyaga oo ka ordaya in ay u muuqdaan labo wax oo isla jira, waana sababta ay ula baxeen ahlu tawxiid

Si kasteba ha ahaato e, Muctasiladu ma aha fikir si fudud uu iskaga fahmi karo qof aan aqoon dhisan lahayn ama aan dadaal galin in uu fahmo. Sidaa awgeed, waxa lagu tilmaami karaa fikir ku fashilmay in uu u soo dhawaado heerka wacyi ee dadweyneha Muslimiinta. In kaste oo ay dhab tahay in dunida Muslimku ay, guud ahaan, gashay dib u dhac dhanka fikirka iyo falsafadda ah, haddana Muctasiladu waxa ay noqotay dugsi nukhbo oo doodihiisa fikir ay aad uga sarreeyaan dadweyneha. Fagaaggaas ay ka tageen ee aadka u ballaadhan waxa buuxiyay dugsiga Ashaacirada oo ah dugsi fikir oo diini ah oo ka dhashay Muctasilada aadna ugu soo dhawaaday fikirka guud ee Muslimiinka. Abu Xasan al-Ashcari oo ahaa wadaadka aasaasay Ashaaciradu waxa uu muddo dheer ahaa Muctasili, markii dambena waxa uu qaatay qaybo ka mid ah aragtiyaha Ahlu Sunnaha ee nusuusta, iyo qaybo ka mid ah doodaha Muctasilada ee caqliga waxana uu soo saaray dugsi aad loo aqbalay, noqdayna dugsiga ugu ballaadhan ee ku faafay dunida Islaamka.

Qoraallada kale ee qoraaga