Skip to main content

Monday 9 March 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Buug

Fijiyaayo

3 March, 2026
Image
Fijiyaayo
Share

Dhawaanahan ma aan akhrin sheekofaneed. Waxaa iigu danbaysay sheekadii gaabnayd ee Fyodor Dostoevsky ee Habeennadii Caddada. Laftigeedu ma dhawayn oo muddo ayaa ka soo wareegtay akhrinteeda. Waqti badan ka dib, waxa aan dhawr jeer arkay buugga Fijiyaayo, muddo dheerna waan ka warwareegayay in aan akhriyo, wax aragti ah kama aan haysan, aan ka ahayn in uu yahay sheeko, xataa magacu in uu qof yahay iyo in uu af qalaad yahay midna ma ogayn. Sababta u weyn ee aan uga meeraysanayay waxa ay ahayd bogagga waraaqihiisa oo ahaa kuwo cad cad, dhab ahaan se, ma ahayn wax weyn oo looga maqnaado akhrintiisa. Markii aan bilaabayba waa aan dareemay in aan ka soo raagay, baalashii u horreeyayna waxa aan ku dhaafay xawaare aanan dhaaddanayn. Waxa maskaxdayda ku soo dhacday sheekadii Ibraahin Hawd ee Aanadii Nageeye oo aan ku akhriyay dal aan dalkayga ahayn, iyo middii Maxammed Daahir Afrax ee Maanafaay oo albaab u noqotay hiwaayaddayda akhriska. Aniga oo aan sii fogaan ayaan durbadiiba u xiisay Xamar iyo xaafadaheedii sheekooyinka ku soo bixi jiray. Waxa aan jeclaystay in aan hore ka ogaado cidda rafaadaysa iyo waxa rafaadinaya, waxa aan maanka ku hayay in ay ku jiri karto islaan khayrlaawad ah oo, sidii sheekooyinka Soomaaliyeed caadada u ahayd, ka shaqaynaysa sharka, xumaha iyo wax kaste oo aanu akhristuhu u bogin.

Fijiyaayo waa buug sheekofaneed ah, waxaa qoray Mubaarak Xoosh Gaashaan. Daabacaadda aan akhriyay oo soo baxday 2019, waxa uu ka kooban yahay 317 bog. Waa buug dhumuc leh oo ku qoran far yaryar iyo warqado cad cad, kaas oo xogta ku deeqsiinaya. Waxa uu hab sheeko ah u soo tabinayaa xaalado dhab ah oo uu dalku soo maray. Waxa uu si dareen taabad leh uga waramayaa habdhaqankii iyo noloshii dawladnimada Soomaalida ee xilligii kacaanka. Sheekadu waxa ay soo bandhigaysaa jilayaal dhawr ah oo maraya nolol rafaad ah, waa la wada silcayaa oo la wada halgamayaa, waxaana la hiifayaa waqtiga iyo dhulka ay dawladdu yeelatay shacabkana aan loogu turayn, haddana lagu khasbayo in la jeclaado oo la dhawrto. Waxa ay sheekadu taxaysaa nolol dabaqado kala leh oo la kala korayo, qaar ladan oo dhididka xoogsatada iyo maalkooda maalaya kuna amar ku taaglaynaya iyo qaar maato ah oo burjuwaasiyiinta iyo dadka dabaqadda sare (ee dawladdu ogoshahay) ay dusha kaga taagan yihiin. Sidoo kale, waa sheeko sida ay u socoto sawiraysa burbur iyo qaranjab, waa xaalad dadkii kala koray ay sinmayaan, kii awoodda lahaa iyo kii maatada ahaaba uu u jihaysanayo qax iyo baxsad.

Sheekofaneeddu, si guud, waa mid ka mid ah aaladaha ugu wacan ee lagu gudbiyo habdhaqanka, taariikhda, anshaxa iyo habfikirka ay bulsho lee dahay. Dad badan waxa ay aaminsan yihiin in sheekofaneedyadu ay yihiin madadaalo kaliya, ma se dhaaddana in madadaalada ay u dheer tahay xeel dheeraan uu qoraagu ku gudbinayo hab nololeed bulsho, kuna xusayo dhibaato dhacday si mustaqbalka looga gaashaanto. Sheekofaneedyadu waa hab tabin wadaraysan oo si toos ah looga waramayo dhacdooyin hoose oo aan lagaga sheekayn karin buugta taariikhda caadiga ah. Sheeko tabiyayaasha ugu xeesha dheerna waa kuwa ku guulaysta in ay cariyaan maskaxda akhristohooda, su’aalona ka dhaliyaan waxa ay gudbinayaan. Si kale, sheekofaneeddu waa tabinta xaqiiqada iyada oo aanu tixraacu muhiim ahayn, waa sheegista runta iyada oo aanay jirin cabsi masuuliyadeed, waana kobcinta maanka iyada oo aan akhristuhu caajis dareemayn. Fijiyaayo waa sheekafaneeddaas, waxa ay soo tabinaysaa nolol lagu noolaa, waa dhab loo dhigay dheel, loona sameeyay matalayaal aan si dhab ah u jirin.

Inta aadan buugga bilaabinba, waxa aad su’aal iska waydiinaysaa waxa uu yahay magaca Fijiyaayo. Fijiyaayo waa magaca gabadha dhextaalka u ah jilaayada buugga. Waxa ay isu maraysaa dhawr nololood oo kala jaad ah, laga soo bilaabo miyi illaa magaalo, ladnaan illaa saboolnimo. Inta ay sheekada ku dhex jirto waxa ay maraysaa rafaad kala jaad ah oo aad u xanuun badan, waxaana albaab u ah dhibka gaaraya islaan lagu magcaabo Xiddo oo sanka ka galinaysa guur aan u qalmin. Fijiyaayo oo ah gabadh qurux hiddaysatay oo gayaankeedu isku sheegeen kolkii aanay guurka baas galin ayaa ku danbaynaysa in waddooyinka Xamar ay darbijiif ku jiidjiidaan, aakhirkana ay ku danbayso in reero sabool ah oo gobanimo badani daryeelaan, reerkaas oo akhristaha ka dawaynaya shar kasta oo ka dhaca jilayaasha xumaanta ku metelaya sheekada.

Buuggu waxa uu dhalinayaa doodo badan oo wax ku ool ah, waxaana u horraysa mid dhex maraysa Bulxan iyo Xaryan oo ah labo walaalo ah oo reer miyi ah. Bulxan ayaa damcaya in uu reer magaal noqdo, walaalkiina waa uu qawadayaa, halkaasna waxaa uga dhalanaysa dood ay isugu barbardhigayaan miyiga iyo magaalada. Waxyaabaha cajiibka ah ee uu Xaryan ku durayo magaalowga waxaa ka mid ah, dhaqantiranka aadka u badan ee magaalooyinka ka jira, waxa uu leeyahay; wixii laga xishoon jiray ayay magaalooyinku ka dhigeen sharaf iyo wax lagu faano. Baryada iyo tuugsiga oo ah dhaqan laga xishoodo ayay ula baxeen shaxaad, tuuganimada iyo boobka oo laga dheeraan jiray ayay ugu wanqaleen dhacdhac, dulmiga iyo eexda oo Alle laga magan gali jiray ayay ka dhigeen dadnimo iyo raganimo, qabyaaladda iyo nintooxsigana waxa ay u aqoonsadeen hiil iyo taageero. Marka aad sii dhugato xaalka magaalowga Soomaalida waa wax dhab ah oo jira, dhaliilna ku ah magaalowga aan qorshaysnayn ee Soomaalida, in kasta oo qaarkeedna uu ka jiro miyiga.

Waxa ay sheekada Fijiyaayo marar kala duwan bidhaaminaysaa sida ay Soomaalidu ugu kala duwan tahay dhaqanka iyo lahjadaha. Waxa uu qoraagu gudbinayaa labo farriimood oo isku lammaan oo midda koowaadi ay tahay in qofka Soomaaliga ah ee aan deegaannada Soomaalida wax badan ka arag uu ku baraarugo in uu jiro kala duwanaasho dhaqan iyo mid lahjadeedba. Midda labaadna waa in qofkaasi fahmo oo garto in kala duwanaashuhu yahay qurux ee aanay ahayn wax laysku naco, in kala duwanaanta dhaqanka iyo lahjaddu tahay bidhaan ilbax ayna muhiim tahay in qofku aqbalo oo soo dhaweeyo, kuna dareemo korranaan. Muddo badan ayaa la faafinayay aragtida ah in Soomaalidu leedahay hal dhaqan, marar badan oo ka mid ahna dhaqankaas loo dhigay midda geelayda, heer dawladnimadii lixdanka la qaatay lagu masaalay hal loo bixiyay Maandeeq, waxaana dhinaca laga maray dhaqamo kale oo ay leeyihiin beeralayda, kalluumaysatada iyo ugaarsataduba, taasina waxa ay keentay in Soomaali badan ay aaminto in dhaqankooda mooyi e dhammaan dhaqamada kale dadka haysta aanay Soomaali ahayn ama ay iyagu ka Soomaalisan yihiin, waxaana meesha ka baxay in la is aqbalo oo la fahmo quruxda kala duwanaashaha iyo korriimada. Buugga Fijiyaayo waxa uu qaaraan weyn ku darsanayaa sidii bulshadu u aqbali lahayd kala duwanaashaha dhaqan iyo lahjad.

Buuggu waxa uu intiisa u badan sawir buuxa ka bixinayaa sida dawladnimaddii Soomaalidu heshay u noqotay mid xarrago oo hadba shakhsiyaadka kursiga ku fadhiya iyo qoysaskoodu ugu tanaadaan, kuraastana loo doonto sidii loogu ladnaan lahaa ee aan loo raadsan sidii bulshada wax loogu qaban lahaa. Waxa uu qoraagu sheekadiisa ku soo darayaa islaan u dhaxday nin wasiir ah oo ah mid shar badan oo qaab foolxun u adeegsanaysa awoodda wasiirka qaba, dad badanna silic ku marsiinaysa awooddaa ay heshay. Waa Xiddo Jaamac Barre, oo aan hore u xusay in ay dabin guur galisay Fijiyaayo. Iyada iyo dadyow badan oo lodkeeda ahi waxa ay u taagan yihiin shar, waa shakhsiyaad ku naaxay hantida dadweynaha, iyaga oo aan xil hayn. In ay u dhaxeen niman xil haya ayay ugu tanaadeen dawladnimada uguna awood sheegteen maato badan. Waxa uu sheekada inagu dhex marsiinayaa sida qoysaska ragga dawladda haystaa ugu nool yihiin nolol sarreysa, wax kasta oo ay ku fikiraanna ay u helayaan iyaga oo isticmaalaya wixii ummadda ka dhexeeyay. Sida ay xumaantu caadiga uga tahay guryaha siyaasiyiinta, caruurtooduna uu ugu furan yahay albaabka tumashadu. Waxa uu si qotadheer uga waramayaa sida ay madaxda iyo qoysaskoodu ugu nool yihiin nolol ka sarreysa midda ay ku nool yihiin shacabka ay maamulaan ee ay hantidooda iyagu gacanta ku hayaan. Kaliya ma aha in ay nolol ka sarraysa ku nool yihiin ee waa in aanay u war hayn nolosha shacabka, badidoodna ay ku dullaystaan hantidaas oo ay ku duudsiiyaan xaq ay lahaayeen.

Waxa uu qoraagu inna tusayaa sida noloshii dhaqaalaheeda oo dhan la qarameeyay ee hantiwadaagga noqotay ay hantigoosi aan lala ogayn uga dhigteen siyaasiyiinta xilalka haya iyo qoysaskoodu, iyaga laftigooduna ay isu sii dullaynayaan hadba sida ay u kala hooseeyaan. Sheekadu waxa ay tabinaysaa sida ay micnaha u yeelatay loolanka dabaqaddaa sare ka dhaxaysa ee loogu ciyaarayo hantida dadweynaha, iyada oo la isugu faanayo qabashada xaflado, aroosyo aan raali lagu ahayn iyo iibsashada hanti aan mudnayn in la gado iyada oo uu dalku faqri yahay. Waxaas oo dhan waxaa soo koobaya hadal madixiisa ku wareegayay Siciid oo sheekada ku matalaya saboolnimo, ayna Xiddo ka boobayso deeq waxbarasho oo uu Maraykan ka helay, waxa uu niyadda ka leeyahay; “Madaxda iyo dadkeeda wax aan ka suuragal u ahayni ma jirin. Dalka madaxdaa lahayd, ciddii ay rabaanna waa ka sooryayn jireen, ciddii ay u caroodaanna waa ay ku dhex dulleyn jireen. Labadaas cidda aan ahaynna waqti lagu xasuusto looma hayn.”

Waxyaabaha kale ee buuggu ku dheeraanayo waxa ka mid ah silica ay maraan haweenku, haddii ay ka soo jeedaan qoys lacag leh iyo haddii ay ka soo jeedaan qoys sabool ahba waa dhib u joog ama dhibane. Waxa uu farta ku fiiqayaa sida haweenku ay dhexdooda isu dulmiyaan oo kooda awoodda helaa uu badanaaba ka helo dhibta haweenka, waana dhaqan ay ku sifowday qofka sharta badan ee buugga ku xusan ee Xiddo. Dhanka kale, waxaa laga dhex arkayaa kartida haweenku ku sifaysan yihiin iyo garashadooda dheeriga ah, taas oo wayday taageero dawladnimo iyo mid bulsheed.

Dhammaadka sheekada waxa uu qoraagu sawir ballaadhan ka bixinayaa burburkii dalka ka dhacay iyo sida xaal isu badalay. Waxa uu bidhaaminayaa sida loo bahaloobay ee jabhadihii aasaasmay ay uga dareen dawladdii ay ka caroodeen. Sidoo kale, waxa uu farta ku fiiqayaa sida ay u sinmeen dadkii ay hantida iyo maamulka dawladdu gacanta ugu jirtay iyo masaakiintii shacabka ahaa. Waxaa hal mar ka wada qaxay Xamar qof kasta oo hantiile ahaa iyo mid kasta oo sabool ahaa, waxaa khatar wada dareemay Xiddo oo sidii ay rabto u adeegsan jirtay awoodda dawladda iyo Fijiyaayo oo ahayd maskiin miyi ka timi gacantana u gashay sharta Xiddo. Qaranjabkii dhacay ayuu gude iyo dibadba aragti ka siinayaa akhristaha una xusayaa waxa dhacay in aanay cidna farxad galin.

Sheekada Fijiyaayo waa sheeko xiisa badan oo qofka bilaabaa uu ku khasbanaanayo in uu dhammaysto. Dhaliilo badan malaha, kolka laga reebo dhawr dhaliil oo aan ka xusi karo; in qaladaad qoraalka (higgaadda) ahi meelaha qaar ay aad u soo noqnoqonayaan, in astaamaynta qoraalka marar dhawr ah si qaldan loo isticmaalay ama laga tagayba. Sidoo kale, qoraagu bilowga sheekada waxa uu samaynayaa sharraxaad dheeraad ah, dhacdooyinkana aad ayuu u faahfaahinayaa, iyada oo uu xaalku sidaa ku socdo ayuu qaybaha sheekada meelo muhiim u muuqda hal mar soo koobayaa oo uu u samaynayaa dhammaad foolxun. Waxa aan ka xusi karnaa dhammaadka uu u sameeyay qisada Deeqo iyo Siciid, sidoo kale, sheekada Hindiya ee Suldaan iyo saaxiibadiisna waa boobsiis. Marar aan badnaynna waxaa dhacaysa in laysku qaldo magacyada jilayaasha, qofka aan u akhrin si dhug leh ma dareemayo qaladkan oo laba jeer dhacay inta aan dareemay. Isku soo wada duub oo dhammaan qaladaadkaas oo uu u weyn yahay midka higgaaddu waa kuwo la sixi karo daabacadaha danbe.

Gunaanadkii waxa aan boorrinayaa akhrinta buuggan, waxa aanan aaminsanahay in sheekofaneedyada iyo taariikhnololeedyada u qoran habka sheekooyinku ay yihiin kuwa sida dhabta ah u xambaari kara nolosha bulshooyinka, waa qaababka ugu wacan ee lagu soo gudbin karo nolosha dhabta ah ee bulsho ka dhex jirta, waana halka laga ogaan karo ama laga baran karo habfikirka, habdhaqanka iyo habnololeedka bulshooyinka, waa darsid dhab abbaar ah sawir buuxana siin kara cidda moogan dhacdada la tabinayo.