Skip to main content

Wednesday 9 July 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Siyaasad
Title

Fatahaadaha Soomaaliya: dhibaato aan dhammaad lahayn

28 May, 2025
Image
Fatahaadaha Soomaaliya
Share

Iyada oo ay joogto noqdeen dhibaatooyinka siyaasadeed iyo nabadgalyo ee Soomaaliya, waxa kale oo jira dhibaatooyin bini’aadamnimo iyo bulsho oo aan ka halis yarayn. Dhibaatooyinka kuwa ugu mudan in la sheego waxa ka mid ah fatahaadaha soo noqnoqda, ee dhaca xilli roobaad kasta, iyagoo ka dhasha kor u kaca heerka biyaha qulqula labada webi ee Jubba iyo Shabeelle ee kasoo bilaabma dhulka sare ee Itoobbiya. Fatahaadda ka dhalata biyaha webigu waxa ay waxyeello aad ah gaadhsiiyaan kumannaan dadka ag deggan ah, sida in dadku ka qaxaan tuulooyinka iyo magaalooyinka ku dhow, inay faafaan cudurrada ka dhasha in la waayo biyo ku habboon cabitaan iyo in dalaggii beeruhu baaba’aan oo dedaalkii beeralaydu noqdo hal bacaad lagu lisay.

Marka gu’ga la gaadho, roobkuna curto, beeralayda iyo dadka dega deegaannada fatahaadaha khatarta ugu jira waxa gasha cabsi, sababta oo ah waxa aan jirin qorshe ay xukuumaddu kaga jawaabayso dhibaatadan, gaar ahaan xilli kaalmadii caalamiga ahayd ee gargaarka iyo horumarintuba meesha hadda kasii baxayso, waana arrin keeni kara libanlaabka heerka dhibaatada, iyo kasii daridda xaaladaha bani’aadamnimo ee dalka ka jira.

Dhibaato aan dhammaad lahayn

Soomaaliya marka ay dhibaato bani’aadamnimo ka baxdaba waxa ay gashaa mid kale, oo waxa ay ku jirtaa meertada dhibaatooyinka abaaraha iyo fatahaadaha. Fatahaaddu waxa ay kusoo beegantaa xilli markaas uun laga soo doogayo abaar, arrinkanina waxa uu dalka geliyaa meertada dhibaatooyinka dabiiciga ah ee kala dambeeya. Abaartu waa dhibaatada dabiiciga ah ee ugu weyn Soomaaliya, sababtoo ah waa dhibaato dalka oo dhan wada gaadha, se fatahaaduhu waa dhibaato inta badan ku kooban gobollada webigu dhexmaro iyo deegaannada jiinka labada webi ku yaalla.

Deegaannada dhibaatada fatahaaduhu saameeyaan ma koobna, sababta oo ah labada webi dherer ahaan waxa ay maraan dhul masaafo ahaan aad u kala fog, waana dhul aad loo deggan yahay. Webiga Jubba waxa uu dhereranyahay masaafo dhan 875 km, halka webiga Shabeellana dhereranyahay masaafo dhan 800 km, waxaanay dhex maraan deegaannada ugu wanaagsan dhulbeereedka Soomaalliya. Labada webi waxa kale oo ay sii dhexmaraan magaalooyin waaweyn iyo tuulooyin la degganyahay, sidaas darteed, dhibaatada fatahaaduhu waxa ay si siman u saameeyaan dadka iyo waxsoosaarka beeraha.

Dhibaatada fatahaaduhu kuma cusba Soomaaliya, oo waa dhibaato soo taagnayd sannaddo badan, se dhibaatooyinkoodu waa ay sii laba jibbaarmeen sannadihii dambe, isbeddelka cimilada awgii, oo saamayntiisu dalka oo dhan ku fidday. Soomaaliya waxa ay sannadkii hore martay mid ka mid ah dhibaatadii cimilo ee ugu xumayd, oo ay sababtay El Nino, fatahaadaha ka dhashayna waxa ku naf waayay dad boqol qof ka badan, waxaanay sababeen in dad milyan ka badani barakacaan.

Waxa mudan in la xuso in fatahaadaha Soomaaliya aanay ku koobnayn fatahaadaha labada webi keenaan, se sidoo kale ay jiraan fatahaado ka dhasha roobabka waaweyn ee hela deegaannada buuralayda ah iyo dooxyada, waana dhacdo ku badan waqooyiga dalka. Fatahaadaha webiyadu waxa ay ku koobanyihiin deegaannada ku hareeraysan labada webi, oo u badan dhulbeereed iyo magaalooyin la degganyahay.

Xilliroobaadkan hadda, dad soddon kun ka badan ayaa ay waxyeello kasoo gaadhay fatahaadaha, laga soo bilaabo 15-kii Apriil. Daadadka waxa ku dhintay afar qof oo ku kala sugnaa Buntilaan iyo Koonfurgalbeed, ku dhawaad kun qoys ayaana ka qaxay fatahaad uu sameeyey webiga Shabeelle 29-kii Apriil, waxaana baaba’ay guryahoodii iyo waxsoosaarkoodii beereed. Qoysaskani waxa ay si ku meelgaadh ah ugu barakaceen teendhooyin looga dhisay dhul sare, se waxa ay hadda waajahayaan cunto yari, biyo la’aan iyo caafimaad darro. Maamulka dawladdu waxa uu ku yaboohay in ay gargaar degdeg ah lasoo gaadhayaan, iyada oo haayadaha gargaarkuna hadda bilaabeen qiimaynta heerka dhibaatada iyo ka jawaabiddeeda, inkasta oo gargaarkii haayaduhu gabaabsi yahay xilliyadan dambe.

Falcelinta xukuumadda oo hoosaysa

Dhibaatooyinka siyaasadeed iyo nabadgalyo ee is huwan, hoosaynta waxqabadyada, gacan ku haynta dhulka ee aan dhammayska tirnayn iyo musuqa maalgalinta loogu talagalay kaabayaasha dhaqaaluhu waxa ay wiiqayaan falcelintii iyo awooddii dawladda ee kaalinta ka gaysan lahaa maaraynta iyo ka hortagga dhibaatooyinka fatahaadaha, waana waxa sii sababaya libanlaabka dhibaatada iyo korodhka waxyeellada.

Fatahaaduhu waxa ay ciid badan ku moosaan webiyada, sidaas darteed, si dhakhso ah ayaa ay webiyadu u fatahaan. Waxa meesha ka maqan kaalintii dawladda ee ahayd in ay ciidda qaaddo, si ay biyuhu si wanaagsan ugu qulqulaan webiyada. Sababta u weyn ee ay dawladdu kaalintan u gabtay ayaa ah in inta badan deegaannada webiyadu maraan ka maqanyihiin gacanta dawladda.

Maamulladii dalka soo maray ee toddobaatanaadkii iyo siddeetanaadkii waxa ay dedaallo xooggan ku bixin jireen maaraynta fatahaadaha, iyaga oo samayn jiray ka hortag inta aanu roobku da’in, sida in ay ciidda tuulan qaadaan xilliga xagaaga. Wwaxaa suurogalaysay in aanu webigu gaadhin heer uu ku fataho xilliroobaadka. Shaqadani waxa ay meesha ka baxday kaddib burburkii dawladda Soomaaliya, waxqabadkii ka hortagga ahaana meesha waa uu ka baxay.

Taagdarrida dawladda awgeed, xukuumadaha hadda jiraa keliya waxa ay la daalaadhacaa ka falcelinta saamaynta fatahaadaha, iyaga oo gargaar waydiista dawladaha iyo haayadaha gargaarka, si loo taageero dadka waxyeelloobay, se meesha kuma jirto tallaabooyin dhab ah oo dhibaatada lagaga hortagaa. Arrinkan waxa sabab u ah musuqmaasuqa iyo qorshe xumida, sababta oo ah si wanaagsan looma maareeyo gargaarka iyo taakulada dhinacyada kale bixiyaan, la iskumana dayo in dhitaabatan loo helo furdaamin.

Dhibaatooyin dhinacyo badan

Fatahaadaha sii badanaya waxa keena sababo dhawr ah, waxaana ugu weyn isbeddelka cimilada, oo saamaynta isbeddelkani waxa ay keentaa barakaca dad badan oo fatahaadaha dhibbane u ah, sida magaalada Beledweyne oo ka mid ah magaalooyinka dhibta u weyni kasoo gaadho fatahaadda. Waa dhif xilliroobaad aanay magaaladan ka qixin dad badan. Dhibtan mid la mid ah waxa marta magaalada Afgooye, oo Muqdisho u jirta 30 km iyo sidoo kale magaalada Baardheere.

Dhibaatooyinka fatahaaduhu kuma koobna barakaca bulshada deegaannadan ku dhaqan, se waxa dhib weyni soo gaadhaa waxsoosaarkii beeraha, oo waxa ku baaba’a dalagga laga beero dhulka ku hareeraysan webiyada, oo ah dhul carrosan , ugu na  waxsoosaar badan dalka.

Fatahaaduhu waxa kale oo ay sababaan faafidda xanuunnada, gaar ahaan magaalooyinka dhexdooda, sababta oo ah waxa dikhooba biyihii berkadaha iyo ceelasha, mana jiraan barnaamijyo biyaha lagu sifeeyo. Fatahaadaha waxa kale oo ku burbura kaabayaasha dalka, sida jidad, dugsiyo iyo cisbitaallo, arrinkanina waxa uu sababaa in adeeggii bulshadu baabba’o, waxaanu yareeyaa isku socodka dadka.

Fatahaadihii 2023, sida ay sheegtay Haayadda Maaraynta Musiibooyinku, waxa ay sababeen waxyeello hanti oo dhan 176.6 milyan oo doollarka Maraykanka ah. Waxyaabaha khasaaraha u badani soo gaadhay waxa ugu horreeya beeraha iyo xoolaha nool, oo khasaaraha soo gaadhay lagu qiyaasay 57 milyan oo doollar, macnaha waa boqolkiiba 32 waxyeellada guud. Waxa ku xiga kaabayaasha biyaha oo waxyeellada gaadhay lagu qiyaasay 32.7 milyan oo doollar (19%), iyo kaabayaasha gaadiidka oo uu soo gaadhay khasaarae dhan 29.7 milyan oo doollar (17%). Sannadkii 2024, fatahaaduhu waxa ay sababeen khasaare nool iyo moodba leh, dad badan ayaana barakacay, halka hanti badanna ku burburtay.

Dhibaatooyinka cimileed ee soo noqnoqday ee Soomaaliya waxa ay daaha ka qaadayaan kala daadsanaanta kaabayaasha iyo taagdarrada dawladda ee aanay ka falcelin karin dhibaatooyinka dabiiciga ah. Ma jiraan siyaasado dejisan oo ku saabsan deegaanka iyo taakulaynta waxyeellada dhibaatooyinka dabiiciga ah, kumannaan muwaaddiniin ah ayaana dhibtaas mara. Waxa baahi weyn loo qabaa falcelin ka geddisan tan hadda la sameeyo, oo aan la la daalaadhicin dawaynta saamaynta dhibaatada, ee dhibta lafteeda laga hortago.