Saturday 19 April 2025
Buugagga uu qoray Orhaan Bamuuk mid aan akhriyo waxa iigu horreeyey buuggiisa “My Name is Red”. Xilligaasi waxa uu ahaa habeen sannad cusubi bishay, waxaanan joogay Kalifoorniya oo aan hooyaday ku booqday. Habeenkaas hooyaday waxa ay gaadhay guriga abtigay, qorshuhuna waxa uu ahaa in aan raaco, se waxa aan iska joogay guriga, waxaanan akhrinayey buuggaas, oo waxa aan dhex muquurtay dunidaas Bamuuk sheekadiisa ku dhex sawiray.
Bamuuk, waxa uu wax ku eegaa indho farshaxan, waana arrin maangal ah marka dib loo raaco noloshiisii hore. Farshaxamaystuhu waxa uu u baahdaa wakhti uu ku diraaseeyo mawduuciisa, si uu u kala furfuro, ka dibna si tartiib ah dib isugu habeeyo. Waxa aan dareemay in hab-qoraalka Bamuuk sidan aad ugu eg yahay; waa qof markasta wax dhuganaya, wax is weyddiinaya, arrimahana dib isugu habaynaya si ay macno cusub u yeeshaan. Qoraalladiisu sidan ayaa ay ku soo bandhigaan fikrado qurux badan, dareenno iyo sooyaal si xeeldheer iila falgala.
Sannadkii 2014 anigoo dhawr maalmood ku sugan Baaris, ayaa nin baahiya waxqabadyadayda faneed iigu yeedhay kulan casho, waxaanu ii sheegay in koox kooban oo saaxiibbadii ahi iman doonaan, se iima carrabaabin cidda imanaysa. Markii aan meeshaas tagay, waxaan si kedis ah ugu arkay farshaxamayste Anselm Kiefer oo aan sannaddo badan farshaxankiisa la dhacsanaa iyo Orhaan Bamuuk.
Kulankaygii xigay ee Bamuuk waxa uu ahaa bishii Feebarweri 2020, waxyar ka hor intaan dunidu u xidhxidhmin xanuunkii safmarka ahaa ee Karoonaha. Waxaannu ku kulannay maktabadda Moorgan ee ku taalla Niyuu Yook. Kolkanna waxaannu si lama filaan ah ugu kulannay bandhig lagu soo bandhigayay farshaxankii Jean-Jacques Lequeu. Dad badani ma joogin bandhigga, waana xaaladdii sii bishay kulankayaga aannu firaaqada isu helnay, oo waxaannu ku wareegnay waxqabadyada farshaxan ee lasoo bandhigay. Bandhiggaasi waxa uu ahaa bandhiggii u dambeeyey ee aan ka qaybgalo intii aan qabta Karoonuhu dhicin.
Haddaba, waxa farxad weyn ii ah in aan Baamuuk mar kale waraysi la yeesho, weliba waraysigani noqdo mid kusoo beegma soo saaridda buuggiisa cusub ee “Xasuusaha Buurihii Fogaa: Buugaagtii Farshaxan ee 2009 ilaa 2022”.
Orhaan Bamuuk: Hagaag, waa war fiican. Waan ku dedaalay, se waxa laga yaabaa in uu bilaa maad yahay, waa suuragal in aad shakhsiyad ad’adag ka dhex aragtid.
OB: Hadda waxa aan ahay qoraa caalami ah, se noloshayda intii u dhaxaysay 7 jir ilaa 22 jir waxa aan jeclaa in aan noqdo farshaxamayste, muddadaasna wax badan ayaan sawiray. Markii aan farshaxanka uga wareegay qoraalka, sabab aanan aqoon ilaa hadda, waxa aan isku dayey in aan farshaxankaas maskaxda igaga jira aan ka takhalluso, hase ahaatee kama takhallusin, kamana adkaan. Maalin ayaan tagay dukaan, waxaanan soo iibsaday dhammaan agabkii aan wax ku sawiri lahaa, ka dibna sannadkii 2008 ayaan dhammaystiray sheekadayda “The Museum of Innocence”, oo ah sheeko isku dayaysa isku dhafka farshaxanka iyo suugaanta.
Ka dib waxa aan go’aansaday in aan qoro sheeko ka hadlaysa ku madaddaalashada farshaxanka, waana sheekada markii dambe aan u bixiyey “My Name is Red”. Sheekooyinkayga hal fadhi kuma qoro. Isku daygaygii koowaad waxa uu ahaa sheeko ku saabsan farshaxamayste xilligan nool sidaadoo kale, dhacdooyinka sheekaduna waxa ay ka dhacayeen Istanbuul, hase ahaatee fankaygu waxa uu aad ugu raadaysmay reer Galbeedka. Ma rabin in sheekadaydu ku saabsanaato mushkiladaha saamaynta, ama mushkiladda isu ekaysiinta reer Galbeedka ama reer Bariga, ma rabin in aan mawduucyadaas galo, sida mawduuca gumaysiga ka dib, orientalism-ka, reer Galbeedaynta iyo cusboonaysiinta, hore ayaan mawducyadaas wax uga qoray. Markan waxa aan doonayay in aan wax ka qoro raynraynta aan farshaxanka ku dareemo, sababtoo ah waxa aan ogaaday farxadda iyo raaxada ay farshaxamaystayaashu dareemaan markay wax sawirayaan. Waxa aan tegi jiray madxafka Metropolitan, waxaanan u kuurgali jiray waxqabadyada farshaxan ee yaryar, badan kana aan cidi danaynin, waxaanan isku deyi jiray in aan sawirto magaca sheekadayda ee ah “My Name is Red”.
OB: Haa, waa farshaxankii Cusmaaniyiintu boobeen markii ay ku duuleen Tabriis. sidaas darteed, waxa aan doonay in aan qoro sheeko farxaddaas farshaxanka ku saabsan. Marka aan wax sawirayo waxa aan dareemaa sidii in aan ahay qof ka dhex heesaya xamaamka, se markaan wax qorayo waxa aan dareemaa sidii qof ku dhex jira qol deggan oo ciyaaraya shax ama xalinaya xisaab u fiirsi u baahan. Waxa aan aqoon dheeraad ah is bidaa markaan wax qorayo in ka badan intaan is bido markaan wax sawirayo. Hadda waxa aan is wayddiinayaa su’aal ah: miyay muhiim ahayd in aan noqdo musaqif kolkaan labaatan jirka ahaa?
OB: haa, se dhinac kale markaan ka eego, buuggani maxaa uu yahay? Waa qayb aan ka doortay xasuusahaygii. Muddo 15 sano ah ayaan xasuusahayga ku ururin jiray buugaagta xasuusqorka, mararna waxbaan sawiri jiray, sidaas ayaanan iskugu dhex waday qoraalka iyo sawirrada farshaxamaysan. Waxa aan hayaa ilaa 35 buug oo xasuusqor ah, oo aan 32 ka mid ah buuxiyey. Uma habaysna qaab wakhtiyeysan, balse waxaan ku saleeyey mawduucyo cayiman. Bog baad ku arki kartaa sannadkii 2014, bogga xigana waxaad ugu tagaysaa xasuustii 2008. Waa xasuuso ku saabsan dabeecadda, magaalooyin, xaalado iga soo maray qoraalka amaba qoraayo iyo farshaxamaystayaal i saameeyey, sida Tolstoy, William Blake, Virginia Woolf iyo Calvino.
OB: Cy Twombly, Raymond Pettibon iyo Anselm Kiefer waa farshaxamaystayaal boodhadhka sawirradooda wax ku dul cabbira, aad ayaanan u ixtiraamaa oo u bogaadiyaa shaqadooda.
OB: Aad bay u adkayd, waxaana iga caawiyey tifaftire. Marka koowaadba waxa aannu ku dedaalaynay waraaqaha sawiradu ku yaalaan oo aanu si gaar ah u danaynayna, aad baanay u yarayd. Waxa kale oo jiray waraaqo xasuusqorka ka mid ah oo aan buugga ku daray. Waxa aan ku saamaysmay qoraayo badan. Soddonaadkii qarnigii tagay waxa is beddelay fikraddii laga haystay ilaalinta xasuusqorka maalinlaha ah ka dib markii uu qoraagii reer Faransiis ee Andre Gide uu baahiyey xasuusqorkiisa isaga oo nool, waana wax aan hore loo samayn. Falkaasi waxa uu horseeday hal-abuur cusub. Awal hore, xasuusqorka maalinlaha waxa loo adeegsan jiray wax lagu aaso siraha nololeed ee qofka u gaarka ah. Qoraayo casrigan ah ayaa sii horumariyey xasuusqorka, oo faafiyey xasuusqorro hal-abuur ka muuqdo oo weliba dhacdooyinka noloshooda uun aan ku saabsanayn ee waxyaabo badan ayaa ay diwaangaliyeen si xirfadaysanna u soo bandhigeen.
Buuggayga xasuusqorku sidan oo kale ayaa uu ku tilmaamanyahay. Waxa suurogal ah in aan bog ka mid ah buugga furo oo aan ku arko xasuusqor aan qoray toban sano ka hor, ka dibna aan qoraal ku daro, sidaasna xasuustaasi ku sii bilnaato. Mararka qaar waxa aan sawiraa sawir, waxaanan u banneeyaa qayb aan mar kale qoraal ku qori karo, mararna waxa aan qoraa qoraal, waxaanan banneeyaa meel aan sawir ku sawiri karo, shan sano ka dib ayaan kusoo laabtaa oo aan qaybtii kale dhammaystiraa.
OB: Sannadkii hal mar, ama 15-kii biloodba mar marka aan riyo cabsi leh arko, waxa aan sii xasuusnaan karaa muddo 10 daqiiqo ah, haddii aan tobankaas daqiiqo ku qoro sidaas ayaan ku ilaashan karaa riyadaas, se haddaanan qorin waan illaawayaa.
OB: waan aaminsanahay in awoodda riyadu ku duugantahay muuqaal qofku is tuso, in muuqaalkaas ku soo maray aad ereyo u beddeshaana waa wax adag, keliya waynu sharrixi karnaa.
OB: khiyaalkaygu waxa uu soo saaraa sheekooyin badan oo farshaxanka ku saabsan, waxa jira sheekooyin hore iyo kuwo soo socda oo ku saabsan farshaxanka, waxaanan is waafajiyaa farshaxamaystaha xilligan nool ee aan rabin in uu ku saamaysmo wax badan, haddana raba in uu guul gaadho. Sababta u weyn ee aanan farshaxamayste u noqon waa in farshaxankaagu u baahanayo cid bogaadisa oo waddo dheer kaa horrayso.
Waxa waraysigan laga oo turjumay halkan.