Saturday 14 March 2026
Mufakirkii ka soo jeeday jasiiradda Martinique ee Faransiisku haystay, Faraanz Faanon, waxa uu laba jeer magaalada Rooma kula kulmay mid ka mid ah falsafadyahannadii ugu caansanaa qarnigii 20aad, waa falsafadyahankii reer Faransiis ee Jaan Bool Saarter. Faanon waxa uu ka mid ahaa mufakiriintii hormuudka u ahaa kacdoonkii lagaga soo horjeeday gumaysiga Faransiiska qarnigii tagay. Kulankii koowaad ee Faanon iyo Sartre waxa uu dhacay badhtamihii sannadkii 1961-kii, kolkaas oo Faanon ka yara ladnaaday xanuunkii haleelay ee kansarka dhiigga. Markaas ay kulmeen waxa uu Sartre oggolaaday in uu hordhac u qoro buuggii uu markaas soo saaray Faanon ee cinwaankiisu ahaa “The Wretched of the Earth”. Kulankani waxa uu lahaa farxad labada mufakir is dhaafsanayeen, firfircoonida Faanon ayaana soo jiidatay Sartre, Faanon laftiisuna aad ayaa uu ula dhacsanaa Saarter, oo waxa uu u ekaa qof aan weli ka xiisogoyn hadalkiisa, walow ay maalinkii oo dhan wada sheekaysanayeen.
Faanon waxa uu ku dedaalay in Saarter hordhac u qoro buuggiisa, isaga oo aaminsan in caannimada faylasuufkan weyni ka caawin doonto shaacbaxa buuggiisa. Saarter waa uu soo dhaweeyey fikradda qoritaanka hordhaca, aad baanu ula dhacay buugga iyo shakhsiyadda Faanon labadaba. Klood Laanzmaan, oo ahaa tifaftirihii majalladdii “Waayaha Cusub”, ahaana qofka soo qabanqaabiyey kulanka Rooma, waxa uu kulanka Faanon iyo Saarter ku faalleeyey in aanu “hore u arag Saarter oo QOF sida Faanon oo kale u xiisaynaya". Faanon iyo Jaan Bool, oo ay kulanka ku weheliyaan Laanzmaan iyo falsafadyahanaddii Faransiiska ahayd, ee qortay buugga “Jinsiga Kale”, waa Simoon de Buufwaar e waxa ay si aan kala go’ lahayn u sheekaysanayeen laba iyo toban saacadood; laga bilaabo markii ay qadeeyeen ilaa labadii habeennimo. Wadasheekaysigan xiisaha lihi marna ma istaagin, marka laga reebo in Simoon ka dhexgalaysay, oo ku adkaysanaysay in Saarter hurdo u baahanyahay. Dhex galkaas oo Faanon qalbijab ku ahayd. Waxa uu ku kaftamay in uu diyaar u ahay in uu “bixiyo labaatan kun oo faran maalin kasta, si uu usii wato wadasheekaysiga uu Saarter”. Sheekadan waxa kale oo tebiyey Edward Siciid mar uu mid ka mid ah buugaagtiisa cutub ahaan ugu daray “Markii aan Sartre la kulmay”.
Faanon maalinkaas muu seexan, waxaana madaarka kasoo qaaday Laanzmaana iyo de Buufwaar oo kusii sugayey. Sida Laanzmaan sheegayo, Faanon “aad buu u xammaasadaysnaa muddadii uu ku dhex jiray gaadhiga usoo waday hudheelka uu Saarter degganaa, waxaanu si firfircoon uga warramayey dagaalka Aljeeriya”, oo ahaa dagaal uu wax badan ka ogaa. Isla judhii uu gaadhiga ka degayna, nasasho la’aan waxa uu bilaabay hadalkii dheeraa ee uu la yeeshay Saarter, dabadeed waxa uu Laanzmaan hadal lasii waday ilaa siddeedii subaxnimo ee dambe. Faraanz Faanon waxa uu ahaa qof firfircoon, oo intaanu xanuunsan ka hor, awooda in uu toddoba iyo toban ilaa labaatan saacadood maalinkii shaqeeyo. Se xanuunkiisa dawada loo waayay ayaan awood u siin in uu saacad nasashadiisa iyo hurdadiisa ah iska dayacin.
Simoon de Buufwaar waxa ay kulankan kaddib Faanon ku tilmaantay in uu yahay “qof aad u maskax badan, firfircoon, maad badan, wayddiimo keeni yaqaan, tebin yaqaan shookooyinka iyo humaag bixinta dhacdooyinka oo u muujin kara sida in dhacdooyinkaasi qofka hortiisa ka dhacayaan”. Hase ahaatee, Faanon kulankii labaad ee uu la qaatay Saarter ma ahayn qofkaas hore, mana lahayn tilmaamahan, haddiiba qof arki lahaana, ma aamineen in uu yahay isla qofkii kulankii hore. Faanon waxa uu Rooma soo gaadhay bishii Sebtambar 1961-kii, isagoo ka yimid Washington oo uu iskaga soo dawaynayey xanuunka kansarka dhiigga ee ka dhigay dhul yaalka. Si ka duwan kulankii hore, markan waxa uu Jaan Bool Saarter ku khasbanaaday in uu tago hudheelka uu Faanon degganyahay, Faanon-na markaas sariirta kama kici karin xanuunka iyo safarka uu soo galay awgii. Saarter waxa uu isku dayay in uu sheeko u furo, se Faanon xitaa jawaab ma awoodayn, se wejigiisa waxa ka muuqatay firfircooni, waxaana muuqatay in uu ka walaacsanaa xaaladdiisa jidheed. Saarter waxa uu kulankii kusoo dhamaystay murugo, waxaanu garwaaqsaday farqiga u dhexeeya labada xaaladood ee Faanon, ee labada kulan. Kulanka labaad Faanon waxa uu ahaa sidii ubax qaadhay. Muddadaas xanuunku ku fidayey jidhkiisa, Faanon waa uu gurmayey jidh ahaan, heer uu miisaankiisa badiba waayay.
Aadamuhu waxa uu u bandhiganyahay duruufaha nolosha iyo dhacdooyinkeeda oo saameeya, waxna ka beddela, sida xanuunka iyo gabawga. Waxa la mid ah labadan midabtakoorka, oo sidaa si la mid ah qofka u beddesha. Midabtakoorku waa mawduuca uu ku saabsanyahay buuggii koowaad ee Frantz Faanon “Maqaar Madaw iyo Maaskaro Cad”. Midabtakoorku waxa uu qofka maqaarka madaw ku khasbayaa in uu is caddeeyo ama in uu u dabranaado madawgiisa, oo uu caddaanka cuqdad u hayo, dhanka kalena midabtakoorku waxa uu qofka cad ka dhigayaa qof urursan, oo isla weyn. Sidaas darteed, midabtakoorku waa wax sida xanuunka labada dhinacba, madawga iyo caddaanka, beddeli kara, oo ka dhigi kara dad nafsad ahaan buka oo u baahan in la daweeyo. Faanon oo ka faalloonaya saamayntani waxa uu leeyahay: “qofka madoobi waxa uu addoon u yahay madawgiisa iyo hoosaynta laga dhaadhiciyey, qofka caddina waxa uu addoon u yahay isla weynidiisa iyo isla sarrayntiisa”. Caddaanka neceb qofka madaw, ee xaqirayaa, waa qof nafsad ahaan buka, si la mid ah qofka madaw ee isna la buka in laga dhaadhiciyey in uu hooseeyo, oo isaga laftiisu cadho u qaba qofka cad, amaba isku qaadaya in uu qofka cad ka caddaadaba.
Faanon waxa uu aaminsanaa in ay jirto abuur aadame oo uu kasoo ergistay xilligii Baraaruggii Faransiiska ee qarnigii 18aad, waana isla qodobka uu buugaagtiisa ku celceliyo, laga soo bilaabo buuggiisii koowaad ee 1952-kii ilaa buuggiisii u dambeeyey. Faanon waxa uu aaminsanaa in arrinka midabtakoorku la xidhoodho aadamaha ee aanu la xidhiidhin. Qofka wax takoorayaa waxa uu qofka ku takoorayaa sababtoo ah waxa uu midabka madaw u diiddanyahay in aadame ku tilmaamnaan karo, waxaanu is moodsiinayaa in caddaanku keligii aadame noqon karo. Faanon waxa uu ku baaqay kacdoon iyo is xorayn sannadkii 1952-kii, xitaa ka hor intaanu ku biirin kacdoonkii al-Jeeriya ee la iskaga caabbinayey gumaysigii Faransiiska sannadkii 1956-kii. Kacdoonka uu Faanon ku baaqayey sannadkii 1952-kii waxa uu ahaa kacdoon aadamannimo oo lagala hortago nidaamka takoorka. Waxa uu ahaa kacdoon uu ugu gogolxaadhayey “insaaniyad cusub” iyo kacdoon uu rabay in uu aadamaha kaga xoreeyo xanuunnadiisa iyo silsiladaha ku jabsan, si dadku ugu noolaadaan duni ka madaxbannaan midabkiisa iyo isirkiisa.
Faanon waxa uu doonayey buuggiisa “Maqaar Madaw iyo Maaskaro Cad”, in uu noqdo cisbitaal lagu daweeyo dadka takoorku dishooday ee dadka caddaanka ah iyo kuwa madawba ah. Waxa uu buuggiisa u gaar yeelay in uu ku nuuxnuuxsado xaalado dhawr ah oo uu la noolaaday ama uu kala kulmay bukaanno la ildaran xanuunka takoorka oo dawo soo biday. Waxa tusaale u ah dadkaas, qofka madaw ee raba in uu qofka cad ka caddaado, si uu higsigaas u gaadhana isku hawlaya barashada Faransiiska iyo ka faanidda afkii awoowyada. Waxa kale oo la mid ah gabadha madaw ee is caddaynaysa, si ay u hesho jacaylka nin cad, ama ninka madaw ee sidii nin cad u dhaqmaya si uu u hanto qalbiga gabadh cad. Waxa ka mida bukaannadaas uu dawaynayey, dadka madaw ee dhulalka kale ku nool, sida madawga ku nool jasiiradda Martinique, oo aan isku aqoon madaw, sababtoo ah dadka madaw ee la takooraa waxa ay ku noolyihiin Afrika. Bukaannada waxa ka mid ah qofka Afrikaanka ah ee higsigiisa oo dhammi yahay in uu mar uun Yurub cagadhigto, ama ninka madaw ee faanka u arka la seexashada gabadh cad, waxaa kale oo tusaale ah, dhakhtarkii madoobaa ee ku biiray ciidamada Faransiiska, sabab kalena aan ka lahayn marka laga reebo in uu rabay in uu arko bukaan caddaan ah oo uu u talinayo. Bukaannadaas waxa kale oo ka mid ah qofka madaw ee baadigoobaya is aqoonsi, sababtoo ah qofka cad ayaa aqoonsigii aadamannimo ka siibay. Dhammaan xaaladahani waa xanuunno nafsadeed iyo cuqdado gadhoodhay oo u baahan dawayn, waana xanuunno haddii qofku fahmo inay hayaan, uu awoodi karo in uu tallaabo hore u qaadi karo, si uu isu daweeyo.
Faanon waxa uu buuggiisan ku muujinayaa in uu goor hore garwaaqsaday awoodda gumaystuhu u leeyahay hirgalinta takoorka ka jira meelaha la gumaysanayo. Marka uu ka doodayo masalada la xidhidha “maqaarka madaw iyo afka”, oo ah cutubka koowaad ee buuggiisa, waxa uu doonayaa in uu ballaadhiyo cidda bartilmaameed u ah, oo ah cid kasta oo la gumaystay, “bulsho kasta oo gumaysi ku jirta oo lagu abuuray in ay kuwa kale ka hooseeyaan, dhaqankoodii maxalliga ahaana la aasay oo la liiday, laguna beddelay luuqadda gumaystaha oo loo aqoonsado luuqadda ilbaxnimada”. Faanon waxa u ku doodayaa in gumaysigu sidiisaba dhaqan takoor leeyahay, noocyada kale ee takoorna aan waxba kaga duwanayn. Waxa uu aaminsanaa in aan farqi u dhaxayn colaadinta Saamiyada iyo Yahuudda, iyo takoorka gumaysigu kula dhaqmo bulshooyinka uu gumaysto. Labaduba waa takoor, waxaanay qofka ka siibaan aadamnimadiisa, waxaanay kula dhaqmaan in uu ka hooseeyo, waana isku mid in qofka la takoorayaa yahay, madaw la gumaysanayo ama caddaan Yahuudi ah.
Bool Saarter deraasaddiisii uu Yahuudda ka sameeyey waxa uu kusoo gunaanaday in “qofka aan Saamiga ahayni yahay qofka Yahuudnimada sameeya”, si la mid ah ayaanu Faanon kusoo gunaanaday “in qofka cunsuriga ahi yahay qofka hoosaynta qofka kale sameeya”, oo “haddii adigoo madaw ahi aad maqasho qof takooraya Yahuudi, iska sii diyaargaraw, waa takoor adigana kugu soo socdee”.
Takoorka gumaysigu wataa ma aha jaadgoonni, kama duwana qaababka kale ee takoorka ah, ee sheegta in ay isir ahaan ka sarreeyaan Yahuudda, ama xitaa Carabta. Gunaanadkan buu gaadhay Faanon buuggiisa, ka hor intaanu arag gumaysigii dhabta ahaa ee Aljeeriya, sannadkii 1953-kii. Kol haddiiba gumaysigu yahay nooc ka mid ah takoorka, takoorkaasina ahayn mid jaadgoonni ah, oo laga bogsan karo sida looga bogsado takoorrada kale, dawadiisu waa in si nafsi ah loo daweeyo, oo qofka la xoreeyo wacyi ahaan iyo jiraal ahaan. Faanon waxa uu aaminsanyahay in shaqada koowaad ee muhiimka ahi tahay gundhigga duni aadamaha la tixgaliyo, lana dhawro qiyamka aadame ee aasaasiga ah.
Inkasta oo wax badan laga qoray geeridiisa kaddib, haddana afartiisa buug ee la baahiyey muddadii u dhaxaysay 1952-kii ilaa 1961-kii, waa qaabka ugu habboon ee lagu baran karo. Akhristaha afartaas buug waxa uu si fudud ku ogaanayaa shakhsiyaddii Faanon ee dhabta ah, waana buugag uu si dhab ah u qoray.
Afartiisa buug waxa ay ina barayaan laba Faanon oo kala duwan, waana buugag iftiiminaya labadii marxaladood ee uu noloshiisa maray. Faanon-kii koowaad waa dhakhtar cilmi-nafsi oo daneeya madaw iyo caddaanba, si firfircoonna ula dagaallama takoorka, aadna u baadha waxa kulmiya madawga iyo caddaanka. Shakhsiyaddan hore ee Faanon waa sida ka muuqanaysa buuggiisa “Maqaar Madaw iyo Maaskaro Cad” oo uu faafiyey sannadkii 1952-kii. Faanon-ka kale waa halgamaa, kacdoon ku jiray, oo toos u qaatay kacdoon hubaysan, kana qayb galay xorraynta iyo gumaysi la dirirka, waana sida ka muuqata buuggiisii “The Wretched of the Earth” ee uu soo saaray sannadkii 1961-kii.
Faanon waxa uu kacdoonkii isxoraynta ahaa ee al-Jeeriya ku ogaaday in gumaysigu aanu ahayn wax u dhexeeya dad maqaar cad iyo kuwo maqaar madaw, se yahay wax ka dhexeeya bulsho shisheeye ah oo khasab ku qabsaday bulsho kale, kana faa’idaysanaya khayraadkooda, kootana ku xidhnaya.
Buugga “Kacdoonka Afrika Daraaddii”, waa buug lagu ururiyey maqaallo uu qoray muddadii u dhaxaysay 1952-kii ilaa 1961-kii. Maqaalladan waxa si cad looga dhex akhrisan karaa isbeddelkii shakhsiyaddiisa ku dhacay. Maqaallada uu qoray muddadii u dhaxaysay 1952 ilaa 1956-kii, oo ah markii uu iska casilay shaqadiisii ahayd madax-qaybeed cisbitaal xanuunnada dhimirka ah oo ku yaallay al-Jeeriya. Waa marxaladdii uu ahaa dhakhtar cilminafsi, oo dagaal kula jira cunsuriyadda, oo daneeya saamaynteeda nafsadeed.
Maqaal buugga ku jira oo uu qoray Feebarweri, 1952-kii, waxa uu ku qaadaadhigayaa saamaynta takoorku ku yeeshay dadka la tunjileecsado, lagana dhaadhiciyey sarraynta ruuxa diirka cad, oo ay tahay in ay isla simaan, sidaas darteed, ku noolaanshaha magaaladiisa, ka hadalka luuqaddiisa ama xidhashada dharkiisa dedaal badan u gala. Isla maqaal kale ayaa uu kaga hadlayaa isku dayga markasta dadka madoobi ugu jiraan caddaynta maqaarkooda ama u dhaqmidda sidii qof cad. Waxa uu soo qaadanayaa bulshada jasiiradda Antilles oo aan muddo dheer ku qanacsanayn in ay Afrikaanka kale la mid yihiin, oo aan madaw lagu tirin karin, keliya waa ka baxsasho wax uu u arko cambbaar oo qofka takoorka bilaabay ka dhaadhiciyey. Maqaalladaas hore, walow uu takoorka ka hadlayey, saamaynteedana wax ka qorayey, haddana muu ahayn shakhsiyadda lagu bartay kacdoonka iyo gumaysi la dirirka dhabta ah, ee uu sannadihii dambe u xuubsiibtay.
Maqaal saddexaad oo uu 1956-kii uu daabacay, cinwaankiisuna yahay “Takoorka iyo Dhaqanka”, akhristuhu waxa uu ka dhex arkayaa Faanon cusub oo takoorka iyo gumaysiga dhinac cusub ka istaagay, luuqad cusubna adeegsanaya. Takoorka waxa uu arkaa nidaam ka dhasha nidaam kale oo siyaasadeed iyo dhaqaale oo aad u qotodheer. Takoorku maaha iin qof leeyahay, se waa koox dad ah oo dad kale ka horumaray, una badheedhay in ay tunjileecsadaan, oo ka faa’idaystaan. Waxa uu aaminay in takoorka iyo gumaysigu is dhalaan, oo dalka wax gumaysanayaa takoorka wato. Gumaysigu waa hannaan dhul dad kale xoog loogaga faa’idaysto, habka kaliyee uu ku suurogali karaana waa in aad takoortid, hoos u dhigtid oo aad tun jileecsatid dadkaas. Waa markii uu kacdoonkiisu xoogaystay, una dulqaadan waayay falalka bahalnimada ah ee Faransiisku ka wado Aljeeriya. Gumaysigaas Faransiisku waxa uu u furay daaqad kale oo uu takoorka iyo kacdoonka uu ka eego, waxaanu iska casilay xilkii dhakhtarnimo, oo waxa uu u guuray daanta Jabhaddii Xorraynta Aljeeriya, isagoo ka guuray daantii Faransiiska. Kacdoonka si uu uga sii midhadhaliyo, waxa uu 1957-kii ku biiray Jabhaddan, garabkeeda ka hawlgala Tuunis. Marka laga yimaaddo in uu ahaa dhakhtar cilminafsi, haddana jabhaddu waxa ay u igmatay in uu marar badan ku hadlo afka jabhadda, waxaanu qayb ka ahaa soo saarista wargeyskii jabhadda ee “Almujaahid”. Markii 1958-kii la dhisay xukuumadda ku meelgaadhka ah ee Aljeeriya, waxa uu ku biiray Wasaaradda Warfaafinta, kaddibna waxa loo magaacabay safiirka Aljeeriya u fadhiya Gaana, sannadkii 1960-kii. Maqaallada dambe badankooda waxa uu ku qoray wargeyska Jabhadda, waxaanu si dhab ah ugu adeegay dagaalka ay jabhaddu ku jirtay, iyo in kacdoonka la ballaadhiyo, oo guud ahaan Afrika iska kor qaaddo gumaysiga.
Walow uu Faraanz Faanon jabhadeeyey muddadaas dambe, oo uu kacdoon iyo dagaal ku jiray, haddana maqaalladiisa waxa laga dheehanayaa sida aanu uga xuubsiiban dhakhtarnimadii. Waxa uu maqaalladiisa ku dawaynayaa dhibaatada gumaysiga, waxaanu gumaysiga kasoo qaadayaa cudur dilaa ah oo weligii joogaya, si la mid ah takoorkii, haddii aan la iska celin, xalna loo helin. Intii dambe se waxa uu beddelay habkii uu dawada ku raadin jiray, oo waxa uu gaadhay go’aanka ah in habka keliya ee gumaysiga la iskaga kor qaadi karaa tahay dagaal iyo hub, waana mawduuca udub-dhexaadka u noqday buuggiisii u dambeeyey. Waxa uu ku dooday in yoolka kacdoonka Aljeeriya yahay in laga takhalluso gumaysiga, oo la dhiso bulsho cusub. Waxa kale oo uu ku doodayaa in ka takhalluska gumaysigu keliya ahayn dhammaadkiisa, ee sidoo kale waa xidid u siibidda jeermiska uu fidinayo ee dalal kale ku faafaya.
Faanon waxa uu ku qancay, laga soo bilaabo markii kacdoonkii xornimodoon ee Aljeeriya bilaabmay, in gumaysigu jajuub ku dhisanyahay, habka keliya ee la iskaga celin karaana tahay gacan ka hadal iyo dirir. Waa go’aanka uu sida dhiirran ugaga dooday buuggiisii u dambeeyey ee “The Wretched of the Earth”, oo ah buuggiisii ugu dambeeyey, ahna buugga magaciisa waariyey, ee ku daray mid ka mid ah mufakiriintii qarnigii 20aad. Waxa uu isku habeeyey aragtiyahiisii kala daadsanaa tan iyo sannadkii 1956-kii, waxaanu ka soo dhex saaray aragtida cunfiga ee uu ku dawoobayo qofka la gumaystaa, laguna baabi’in karo gumaysiga. Waa aragti ku doodaysa, si la iskaga kor qaado gumaysi, xanuunnadiisana la iskaga daweeyo, waa in gebi ahaanba laga tanaasulo qiyamka gumaystuhu samaystay, oo laga xorroobo dhaqankiisa, lana soo ceshado dadnimadii uu gumaysigu baabi’iyey, ee xooleeyey, kalana mid dhigay jirayaasha kale ee dabeecadda, sida dhulka iyo xoolaha. Waa in qofku iska xorreeyo khuraafaadka gumaystuhu ka dhaadhiciyey, si uu iskaga furfuro dabarrada ku giijisan iyo cuqdadda nafsi ee uu ku abuuray. Gacan ka hadalku agtiisa waa habka keliyee u bannaan qof la haysto, waana habka kaliyee dawayn kara. Kacdoonka salmiga ah waxa uu arkaa hannaan dabaqadda burjuwaasiga ahi danaheeda ku ilaashato, oo haddii kacdoon gacan ka hadal ahi dhaco, waxa burburaya warshadaha, waddooyinka iyo beeraha, waxaana dhulka galaya dhaqaalihii, oo markaas ayaa ay dabaqadda burjuwaasiga ahi ku baaqaysaa hannaan nabdoon oo kacdoon ah.
Inta badan dadka kacdoon ku jiraa kama fekeraan dhaliilahooda iyo siday u ekaan doonaan kacdoonka dabadii. Buuggiisan waxa uu ku bilaabayaa naqdin wacyi sare ka muuqdo, oo uu dhaliilaha iman kara carrabaabayo. Waa marxalad aan weli la kala miirmin, oo dhinac loo wada jeeday. In gumaysiga la eryo waxa uu ku tilmaamay guul iyo hannaankii dunida oo la beddelay, se gumaysiga dabadii waxa iman karaa kama dhigna waxa ugu wanaagsan. Waxa uu ku dooday in ay suurogal tahay in hormuudka hoggaanka dalka qabtaa ay dhaqamadii gumaysiga dhaxlaan, oo waxa is beddelaa ay noqdaan uun calamo la isku beddelay. Dadka sidan ahi waxa ay kasoo bixi karaan buu aaminsaa gobollada aan halganku si dhammaystiran u gaadhin, oo waa gobollo ay gumaysiga kula dhuumanayaan koox aqoonyahanno, xisbiyahanno iyo fursad sugayaal ah, oo gumaysiga ku hoos koray, la fikir ah, kaalinta carruurtana ugu jira Faransiiska. Talada talka iyagaa maroorsan, oo boobi doona khayraadka dalka, heshiisyo xaaraan ah la geli doona gumaysigii tagay, oo ku meteli doona goobihii ay ka tageen ayaa uu ku dooday. Waxa uu habkan ku tilmaamay qaramaynta boobka iyo tuugnimada, oo halkii shisheeye wax dhacayay, imika waxa wax lunsanaya dad dalka u dhashay. Waxa uu aaminsanaa in daqabadda aqoonyahannada u badan, dabaqadda dhexe ee shaqaalaha ah iyo dadka xisbiyada ku jiraa taageeraan gumaysiga oo ay kasoo horjeedaan halganka hubaysan, sababtoo ah dantoodu kuma jirto, codsiga kooxahan ee ah in gumaysigu dhulka uga baxaana waa uun in ay rabaan qaramaynta boobkaas gumaysiga, meeshana u banneeyo, se ma aha dano kale iyo mid waddaninimo. Se dadka dhulka ku caddiban, oo uu ula jeeday beeralayda iyo xoogsatada dhulka ku foogan ayaa ah dabaqadda sida dhabta ah kacdoonka u wadda, waana dabaqad aan dano kale lahayn, heshiisyo kale iyo ballanqaad kalena aan gumaysiga ku eryi karin, se hub uun ku ciilbixi karta.
Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.