Tuesday 24 June 2025
Fanku halkee kacaanka ka galaa? Fanka iyo kacaanku maxay isu yihiin? Haddii fanku xayndaabka kacaanka bulsho kasta meel ka fadhiisto amaba jago ku leeyahay, maxay tahay jagadaasi? Si kasta oo aad u kala rogto arrintu waa su'aal keli ah: waa maxay xiriirka fanka iyo kacaanku leeyihiin? Su'aashan si loogama wada jawaabo, ciddiba si bay u abbaartaa gebagebada ay rabtana kaga gaartaa. In badan baynu maqalnaa dad marka ay fanka fasirayaan micnihiisa sarkaxaadiya, (to vulgarize the meaning of art) oo aan ballaca fanka iyo dulucyadiisa tirada badan daymoon. Tusaale ahaan waxay yiraahdaan fanku waa weelka bulshadu ku kaydsato hiddeheedda iyo dhaqankeeda, taariikhdeedana looga nogon karo.
Fikraddani si dul ka mar ah waa u dhab, mase diir bixinayso oo ma caddaynayso fanku waxaa uu yahay, fanka kacaanka ahi waxa uu yahay haba soo hadal qaadin. Haddii dabeecadda fanka iyo ujeeddadiisa aynu intaas ku soo koobno, muxuu kaga duwan yahay baarista iyo dhigaalka cilmiyada taariikhda Sooshalojiga iyo Antaraboolejiga? Tusaale kale aynu ka qaadanno fikraddan iyana sarkaxaadiska ah, waxaa dadka qaar u qabaa in fanka kacaanka ahi yahay ku had iyo jeer ku shuqlan tilmaamidda kacaanka, guushiisa iyo ku qancinta dadka, cambaaraynta dib-u-socodka iwm.
Run weeye oo fanku qayb wacan buu ka qaadan karaa intaas oo dhan, hase ahaatee fanku sidaas kuma dhamma, dacaayad oo kali ahna ka dhumuc weyn. Waxaaba la oran karaa fanku sidiisaba dacaayadda, oo run iyo beenba xambaarta, wuu ka geddisan yahay oo mandiq iyo qawaaniin gaar ah buu leeyahay. Diirka sare ee nolosha iyo dunida kuma negaado, kacaankana ammaan keli ah u lama taagna ee xididdada hoose ayuu u dhaadhacaa, markaasna iskahorimaadka iyo muranka dhinacyada bulshada iyo fikirka aadamiga ayuu shaac bixiyaa, ka dibna majaraha suuragalka ah buu sawiraa. Fanka kacaanka ahi nolosha ma sahashado ee intii jar iyo haadaan la la kulmi karo ayuu tilmaamaa.
Kuwaasi waa afkaar qoto gaaban oo aan muran badan u baahnayn. Waxaa fiiro gaar ah mudan isha falasafadaha burjuwaasiga qaarkood ku eegaan fanka. Waxay qabaan in aan fanku sina ula xiriirin nolosha bulshada iyo waayaheeda, sidaas darteedna waxba la wadaagin kacaanka fanku. Sida ay u arkaan, ma xambaaro aragti iyo mowqif siyaasi ah, hubna uma noqdo kooxo bulsheed oo loollan ka dhexeeyo.
Waxay u arkaan in fanku danaha dabaqadaha, siyaasadda iyo waayaha bulshada ka sarreeyo, kaalintiisana waxay ku soo ururiyaan iftiiminta quruxda, soofeynta dhadhanka dadka ee quruxda iyo safaynta dareenkooda. Fanku sida ay nimanka falsafaddaas qaba la tahay, koox bulshada ka mid ah uma eexdo oo danahooda ma daafaco, taas awgeedna, kacaan waxba ma wadaagaan.
Fikraddaas, si kasta oo ay isu diidsiiso in aan fanku ka go'i karin bulshadiisa, ama si kasta oo ay ugu riyooto fan aan ab iyo adoog lahayn isirkiisana la aqoon ee samada sare haabanaya, haddana marka aad hoos u dhugatid waxaa muuqanaya in iyada lafteedu jirineyso dano bulsheed oo gaar ah. Fikraddan qudheedu waxay ku abtirsanaysaa falsafadda aamminsan kaalinta qofka keli ah u aragta in uu yahay taariikhda ka wada, taas oo ay adeegsato hantigoosatadu. Halkaana waxa laga arki karaa sida falsafaddaas qudheedu xididdo dabaqi ah ula leedahay bulshada hantigoosiga. Aragtida cilmiga ahi fanka uma aragto sidaas; waxay fanka u celisaa bulshadiisa iyadoo ka fiirinaysa dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin, qaabka uu casriyada kala danbeeya qaato iyo qawaaniinta gaarka ah ee casri iska xukunta, marka hoos loogu sii degana dabeecadda gaarka ah ee fan kasta, nooc kasta ama xataa hal sheeko, masrixiyad sawir.. iwm leeyahay.
Abbaarta cilmiga ahi intaas iskuma soo koobto ee arrinta fanka dhinaca dulucdana way ka fiirisaa. Waxay tilmaantaa fikradda fannaanku ka qabo bulshadiisa iyo casrigiisa, sida uu loollanka nolosha uu ka socdo u arko, halka uu ka taagan yahay iyo cidda uu dhinaca saarayo. Halkan baa fanka kacaanka ah iyo ka kale ku kala baxayaan. Fanka kacaanka ahi wuxuu sal ka dhigtaa dadweynaha iyo nolosha bulshannimo, wuxuu rumeysan yahay in aan qofna keligii noolaan karin iyo qof kasta, haddii keli ahaantiisa la soo qaato, bulshadu dad ka dhigto. Fanka kacaanka ahi wuxuu isha saaraa dhinacyada, nolosha bulshada, danaha kooxaha isdiiddan, waxaanu dhinaca saaraa caddaaladda, horumarka iyo nabadda bulshada dhexdeeda.
Marxalad kasta iyo hab wal oo ummadi ku dhaggan tahay waxay dhistaa afkaar iyo qiyam gaar ah oo kasmada dadka saameysa, se socodka bulshadu isma taago oo marxaladda iyo habka cusubi tii hore ayey ka hoos dhalataa, taasna waxaa ka yimaadda afka iyo qiyam cusub oo habka dhalanayaa wato. Fanka kacaanka ahi waa habka cusub ee horumarka, afkaarta iyo tayada cusub daafaca, habka duqoobay iyo wixii aan nolosha aadamiga wax tarinna la dagaallama. Fanka kacaanka ahi ma aha mid wax kasta oo bulshadii hore ku abtirsanaya diiddan, ee waa mid rumeysan qaayaha dhaxalka iyo waayo-aragnimada aadamiga, waase kala qalaa oo kala hufaa dhaxalkaas si uu ula soo baxo nuxurkiisa aadamiga ah ee bulshada cusub waxtari kara. Fanka cusub ee kacaanka ahina ku dhismi karo. Tusaale waxaa innoogu filan, maansada Soomaaliyeed iyo taariikhdeeda. Maansada Soomaaliyeed ee maantu, haddii ay tiigsaneyso afkaar iyo waayo cusub, sina ugama maaranto maansadii hore, waayo iyada ayey ka qaadaneysaa tiirarka ay ku dhismeyso, isla markaa maansadii hore ee Soomaaliyeed waa maax aan gudhayn oo ta cusub ee hadda dhalaneysaa ka waraabeyso kana qaadaneyso nuxurka aadaminnimada ah ee aan marna dhimaneynin.
Maansadii Soomaaliyeed ee hore waxay salka ku haysey bulshadii waageedii jirtey, sidaas darteed waxa ku jira waxyaabo fara badan oo waqtigoodii ku kooban, waayadan cusubna aan la socon karin. Waajibka maansada kacaanka ah ee Soomaaliyeed waa in ay tii hore shaandho ku shubtaa oo kala huftaa si ay ula soo baxdo dulucda nolol-ku-waartada ah ee bulshada maanta horumarkeeda qayb ka qaadan karta, kana tallaabsato oo ka tagto wixii wakhtigoodii ku kooban oo dhismaha nolosha cusub meel ku lahayn.
Nin Soomaaliyeed oo gabyey wuxuu yiri:
“Nin labaatan wiil leh iyo nimaan weli lammaannaanin,
Lixdan nimay u fooftiyo nimaan leyli raraneynin,
Mar haddaan ninnaba laasaneynin waxa uu laacaayo,
Maxaan kaga lulmoodaa adduun lumaya weeyaane.”
Nin kale oo Soomaaliyeedna gabay wuxuu ku yiri:
“Rag waxaan ku maamuli aqaan ama ku maamuusi,
Masa inaanu nahay oo tolnimo meerto noo tahay.”
Labadaas nin ee gabyey ka hore aragtida uu dunida ku arkaa waa tu mugdi ah noloshana quus buu ka joogaa, ka dambe se waa nin nolosha ku kalsoon, sidaas darteed wuxuu ka fikirey sida ugu fiican ee ay tahay in loo wada dhaqmo. Fanka kacaanka ah ee Soomaaliyeed gabayga hore murti kama qaadan karo, kan dambase waa nuxurka fanka kacaanka ahi aanu ka maarmin.
Fanka kacaanka ahi wuxuu rumeysan yahay awoodda aadamiga iyo in uu ka bixi karo dhib kasta, waxaanu aqoonsan yahay in awooddaasi ku jirto xayndaab taariikhi ah, taas oo ah in awooddaasi ku xiran tahay tijaabada aadamigu taariikhda ka kasbanayo ee marka u dambeysa isbiirsaneysa.
Dhibaato kasta dadku waa ka gudbi karaa, mid walba se waqtigeeda marka uu waayo-aragnnimo iyo hub ku filan u helo ayuu ka gudbaa. Fanka kacaanka ahi waxaa kale oo uu qabaa in awoodda iyo kartida aadamigu ku jirto bulshannimada ee aanu jirin qof keligii nool oo wuxuu doonaba awooda, karti kasta oo qofku leeyahay baaxadda kartida dadweynaha ma gaari karo; dadweynaha uu ka tirsan yahay buu wax ka bartaa. Fanka kacaanka ahi wuxuu aamminsan yahay in fanka, aqoonta iyo waayo-aragnnimada aadamigu tahay dhaxal dadka adduunka ka dhaxaysa. Ummad kasta fankeeda iyo aqoonteedu waxay leedahay astaamo gaar ahaaneed oo ka dhashay waayaha gaar ee ummaddaas, isla markaas aqoonta iyo fanka ummaddaasi waa qayb ku biiraysa tijaabada guud ee aadamiga meel uu ku nool yahayba.
Ugu dambeystii fanka kacaanka ahi wuxuu hub u yahay xoogagga iyo dabaqadaha bulshada horusocodka ah, waxaanu jiriyaa danaha xoogaggaas isaga oo mar walba ilays ku shidaya aayaha soo socda iyo halganka dadweynuhu ugu jiro hirgelinta horumarka nolosha bulshada cusub.