Skip to main content

Saturday 13 June 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Feker

Falsafadda Ubuntu: waan jiraa waayo innagaa jirna

30 May, 2026
Image
Falsafadda Ubuntu: waan jiraa waayo innagaa jirna
Share

Falsafad ku dhisan fikradda ah in qofku aanu dhammaystirnayn keligii, balse uu ku samaysmo xidhiidhada uu la leeyahay dadka kale. Ereyga “Ubuntu” wuxuu ka soo jeedaa afafka Bantu-ga ee badhtamaha iyo koonfurta Afrika, waxa uu ka kooban yahay laba qaybood: “Ubu” oo looga jeedo xaaladda jiritaan, iyo kan labaad “Ntu” oo looga jeedo aadanaha.

Falsafadda Ubuntu waxay ka muuqataa nidaam ka kooban qodobbo aasaasi ah oo dhisa qaab-dhismeedkeeda dhaqan iyo ruuxeed ee bulshada, waxa ugu horreeya dareenka bulsho ee isku xidha sawraca qofka iyo ku xidhnaanshihiisa bulshada, iyo sidoo kale dareenka wada noolaanshiyaha dadka oo ku dhisan isu-dulqaad iyo dhaqan wanaagga.

Sidoo kale, falsafadani waxay adkaynaysaa korraynta nolosha oo loo arko qiimo sarreeya oo koobaya aadanaha iyo dhammaan noolaha kale, waxayna ku xidhan tahay aragti diimeed iyo ruuxaaniyeed oo aan kala soocayn iimaanka iyo dhaqanka maalinlaha ah. Waxaa sidoo kale soo if baxda muhiimadda hoggaanka dhaqanka, awoowayaasha iyo duqayda oo loo arko il xikmadeed iyo waayo-joog, iyo sidoo kale daryeelka martida, iyadoo la rumeysan yahay korraynta erayga iyo saamaynta uu ku leeyahay qaabaynta xaqiiqda iyo masiirka.

Dhanka dhismaha nabadda, Ubuntu waxay xoojinaysaa qiyam habraacyo leh oo loo arko tiirarka dib-u-heshiisiinta, kuwaas oo ay ka mid yihiin qirashada qaladka, muujinta qoomamo, toobadkeen, iyo codsiga cafis, kuwaas oo kor u qaadaya fursadaha looga gudbi karo khilaafaadka loona adkeyn karo wada noolaanshaha bulshada dhexdeeda.

Asalka falsafadda Ubuntu

Falsafadda Ubuntu waxay ku xididaysatay iniinyo kala duwan oo isugu jira af, taariikh, dhaqan iyo bini’aadannimo. Dhanka afka, asalka eraygu wuxuu ka soo jeedaa afafka kooxaha Nguni ee Koonfur Afrika, isagoo ka kooban laba micne oo ka turjumaya fikradda “jiritaanka aadanaha”. Sidoo kale, fahankeedu wuxuu ku baahsan yahay tiro badan oo afafka Bantu-ga ah, taasoo muujinaysa in fekraddu si mug leh ugu jirto wacyi wadareedka Afrikaanka.

Dhanka ilbaxnimada, qaar ka mid ah cilmi-baadhayaashu waxay u arkaan in Ubuntu ay la xidhiidho aragtiyo qadiimi ah sida aragtida “Ma’at” ee ilbaxnimadii Fircooniga ka soo jeedday, taas oo ku dhisnayd caddaalad, wada noolaanshiyo iyo dheelitirnaan, isla markaana ujeeddadeedu ahayd xaqiijinta caddaaladda bulshada.

Heerka dhaqan, falsafadda Ubuntu waxaa si dhaqameed loogu adeegsan jiray aasaaska sharciga iyo xeerarka Afrikaanka asalka ah, waxayna ka qayb qaadatay adkaynta nidaamka bulshada iyo hagaajinta xidhiidhada bulshada ka hor xilligii gumeysiga. Waxa kale oo ay la xidhiidhay xididdo diimeed iyo ruuxaaniyeed oo qoto dheer, kuwaas oo ku qotoma isku dhafka diinta iyo nolol maalmeedka, isla markaana xoojiya ixtiraamka hoggaanka, awoowayaasha iyo duqayda.

Heerka bini’aadannimo ee ballaadhan, Ubuntu waxay barbar taallaa fekrado caalami ah oo la mid ah, sida “jacayl walaaltinimo” (Philia) ee falsafadda Giriigga, fahanka (jen) ee Konfushoos-ka (Confucius), iyo “obshchina” ee dhaqanka Ruushka.

Falsafaddan, nuxurkeedu wuxuu adkaynayaa midnimada asalka aadanaha iyo dabeecadda wanaagsan ee ay wadaagaan dadka oo dhan, iyada oo aan loo eegayn kala duwanaanshiyaha dhaqamadooda.

Dhadhaarrada falsafadda Ubuntu

Falsafadda Ubuntu waxay ka turjumaysaa qaab bulsho oo wax-ku-ool ah oo diiradda saaraya xoojinta isku xidhnaanta bulshada iyadoo la muujinayo bini’aadantinimada wadajirka ah, waxaana si ballaadhan loogu adeegsadaa isu laab-xaadhka iyo nabadaynta. Waxay ku dhisan tahay nidaam qiyam bini’aadannimo iyo bulsho oo isku dhafan oo qofka iyo xidhiidhadiisa ka dhigaya udub-dhexaadka aragtida.

Si ka duwan falsafado u arka is-xaqiijinta qofka mashruuc gooni ah oo shakhsi ah, Ubuntu waxay sare u qaaddaa qiimaha isku-tiirsanaanta, iyadoo tixgelinaysa in horumarka qofku ku dabranyahay jiritaanka jawi bulsho oo taageero leh oo ku dhisan wadajir iyo is-kaalmayn.

Falsafaddan dhexdeeda waxaa si gaar ah uga muuqda qiimaha danbi-dhaafka iyo dib-u-heshiisiinta oo loo arko qalab wax-ku-ool ah oo lagu xalliyo khilaafaadka loona adkeeyo xasilloonida bulshada, iyada oo sidoo kale la adkeynayo sinnaanta iyo dhawrista sharafta bini’aadamka, taasoo taageerta mabda’a wada-shaqeynta iyo dimuqraadiyadda.

Ubuntu waxay sidoo kale ku tiirsan tahay mabaadi’ aasaasi ah oo ay ka mid yihiin ilaalinta karaamada bini’aadamka, xoojinta walaaltinimada caalamiga ah, ixtiraamka korraynta nolosha, iyo waarinta fikradda ah in jiritaanka qofku aanay ka go’nayn bulshada.

Falsafaddan waxay si cad uga muuqataa sheeko ka mid ah sheekooyinka Afrika, nin baa dhigay sallad midho ah geed hoostii, kuna tartansiiyey orod koox carruur ah, iyadoo uu ku guuleysanayo kooda ugu dheereeya ee gaadha. se carruurtii halka ay baratami lahaayeen, waxay is qabsadeen gacmaha oo wada socdeen ilaa iyo salladii, ka dibna si siman ayay u qaybsadeen midhihii. Markii la weydiiyay sababta ay sidaas u yeeleen, isagoo midkood keligii ku guulaysan karayey, waxay ku jawaabeen: “Ubuntu”. Waxayna ku sharraxeen: sidee midkeen u farxi karaa halka kuwa kale ay murugaysan yihiin? “Ubuntu” waxay ka dhigan tahay: “waan jiraa, waayo innagaa jirna”.

Ku-dhaqanka

Falsafadda Ubuntu si dhab ah ayaa loogu adeegsadaa meelo kala duwan, iyadoo ka gudubtay heer aragtiyeed una gudubtay qalab wax-ku-ool ah oo lagu dhiso nabadda iyo maamulka bulshada.

Heerka siyaasadda iyo dib-u-heshiisiinta qaran, waxay si cad uga muuqatay khibraddii Nelson Mandela ka dib nidaamkii kala-sooca jinsi, iyo sidoo kale shaqadii Guddiga Runta iyo Dib-u-heshiisiinta ee uu hoggaaminayay Desmond Tutu.

Mabaadi’da Ubuntu waxaa loo adeegsaday caddaalad, dib-u-heshiisiin iyo xoojinta wada noolaanshiyaha, sidoo kale qaar ka mid ah qodobadeeda ayaa lagu daray dastuurka Koonfur Afrika 1996-kii.

Xaalado kale oo Afrikaan ah, waxaa la adeegsaday habab la mid ah sida “Gashasha”(Gacaca) ee Ruwanda ka dib xasuuqii 1994-kii, “Mato Obut” (Mato Oput) ee Yuugaandha, iyo “Harambee” ee Kiiniya, kuwaas oo dhammaantood diiradda saaray wadajirka iyo dib-u-dhiska bulsho colowday.

Dhanka garsoorka dhaqanka, Ubuntu waxaa lagu isticmaalaa qaar ka mid ah maxkamadaha dadweynaha, iyadoo loo arko hab lagu hagaajiyo xidhiidhada bulshada, looguna talagalay in lagu magdhabo dhibbanayaasha, bulshadana dib loogu soo celiyo dembiilayaasha halkii lagu koobnaan lahaa ciqaab keliya. Mararka qaarna waxay gaadhi kartaa xalal heshiis oo dib loogu soo celiyo wada noolaanshaha qoysaska iyo qabiillada.

Dhanka tiknoolajiyadda, magaca “Ubuntu” waxaa loo adeegsaday nidaam hawlgal oo furan (open source), kaas oo ku dhisan mabda’a wadaagista aqoonta iyo ka dhigista mid qof walba uu heli karo, iyad oo loo arko kheyraad bini’aadannimo oo wadajir loo leeyahay.

Dhanka maamulka, waxbarashada iyo adeegyada bulshada, Ubuntu waxaa loo adeegsadaa hab wax-ku-ool ah oo lagu horumariyo waxqabadka hay’adaha, lana xoojiyo qiyamka iskaashiga iyo naxariista ee ka dhex jira hay’adaha waxbarashada iyo kuwa bulshada, taasoo gacan ka geysata dhismaha bulshooyin si weyn isu kaashada oo naxariis badan.

 

Waxa laga soo turjumay halkan.

Qoraal kale oo isla mawduucan la xidhiidha halkan ka akhri.