Skip to main content

Thursday 15 May 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Aragti

Falsafad mise Falsafado Afrikaan?

5 April, 2025
Image
Getty Images
Getty Images
Share

Sannaddo ka hor markii aan soo turjumay buugga uu mufakirka reer Sinigaal ee Sulaymaan Bashiir Diagne ka qoray Bergson iyo Muxammed Iqbal, waxa aan dareemay in aan tarjumayo buugga aqoonyahan jaadgoonni ah. Waa nin falsafadda ku haga xagashiisa Afrikaannimo, isagoo marar raacaya jidkii Leopold Sedar Senghor, se ah hab ka qotodheer kaas Senghor oo isla falgelinaya dhinacyo kala duwan; sida Islaamka Afrika, fiirka reer Galbeed iyo xikmadaha bulsho. Markii aan turjumay buuggiisa labaad ee uu kaga hadlayo kala duwanaanta Afrika, oo ah buug u habaysan qaab wadasheekaysi uu la yeeshay nin antaraboolajiga ku takhasusay oo Faransiis ah, waxa aan yaqiinsaday in samaysankiisa falsafadeed, maangalnimo iyo xisaabeed aanay ka hor istaagin in uu curiyo fikrado cusub oo ka dhigay mid ka mid ah hormuudka fikirka casriga ah ee ku dedaala in ay fikir falsafeed oo cusub ka abuuraan qaaradda Afrika oo qarniyo badan kaalin hoose kaga jirtay falsafadda iyo fikirka.

Waxa u badan ee maanta dhaqanka iyo saqaafadda Afrika laga sheegaa waa wax la xidhiidha fankii soo jireenka ahaa, sheekofaneedda, gabayga iyo muusigga, iyo sidoo kale fanka casriga ah ee Afrika. Muranna kuma jiro in fanka casriga ah ee Afriki yeeshay caannimo Afrika u beddeshay meel lagu tijaabiyo hal-abuurka Afrika. Si sidaas ka duwan, fikirka iyo falsafaddu waxa ay cidhiidhsadaan boos aad u yar marka loo eego falsafadda caalamiga ah, waxaanay leeyihiin kaalin kooban. Waxa sabab u ah mad’madowga iyo jahawareerka ku gadaaman fahanka falsafadda Afrika, iyo in falsafaddu reer Galbeedku tahay ta u badan ee la hadal hayo dunida, inta badanna cidhiidhi gelisa kaalinta falsafadaha kale.

Marka qof reer Galbeed ahi wax falsafadaynayo, gebi ahaanba ma aqoonsana Afrika iyo dhaqanka qaaraddan, xitaa waxba kama yaqaan falsafadii kana hanaqaadday Galbeedka Islaamka, sida magaalooyinka Faas, Qayrawaan iyo Qaahira. Aqoonsi la’aantani dhib kuma hayso, kol haddiiba falsafadda gebi ahaan loo afduubay reer Galbeedka, oo loo arko wax u dabran mufakiriintooda. Haddii aanay jirin aqoonta tafiirta bulshooyinka (ethnology) iyo aqoonta diraasaysa aadamaha (Anthropology), reer Galbeedku Afrika umay diraaseeyeen si ka duwan dhul madhan oo ka fog ilbaxnimada, xogta keliyee laga hayaana waxa ay ku koobnaan lahayd wararka run iyo beenba isugu jira ee ay soo tebiyaan sahamiyayaashu. Se bal aynnu sawiranno falsafadyahan Afrikaan ah, oo sheeganaya in uu falsafadyaqaan yahay, se aan aqoon u lahayn falsafadda reer Galbeed, laga soo bilaabo Socrates waxii ka horreeyey ilaa Jacques Derrida. Miyaan aqoon la’aantan loo arkeen habaw?

Waxa kooban ee falsafadda Afrika waa ay iska indhotiraan Waqooyiga Afrika, sidii oo si caalami ah dib loo celinayo xayndaabkii u dhexeeyey Waqooyiga iyo Koonfurta Afrika. Waa run in kala duwanaan iyo xuduud kala saarta Waqooyiga iyo Koonfurtu jireen, se isdhexgalkii dhaqan iyo diineed ee ay sameeyeen qaar ka mid ah dalalka Waqooyiga iyo dalalka Koonfurta Saxaruhu waxa ay yareeyeen farqigaas labada dhinac u dhexeeyey. Waxaana suurogal ah in sababtani Sulaymaan Bashiir Diagne ka dhigtay mid ka mid ah falsafadyahannada farokutiriska ah ee soo baxay muddooyinkii dambe ee duminaya kala tagsanaantaas, iyaga oo falsafaddii Islaamiga ah ee Waqooyiga Afrika ka dhigaya tiir ka mid ah tiirarka habfikirka Afrika.

Lammaanaysiinta falsafadda iyo garaadka awgii ayaa falsafadda hoy looga dhigaa Galbeedka, iayda oo la ismoodsiinayo in garaadka sare Galbeed ku kacaamay, se waxa habboon in la aqoonsado in aan garaadku kooto ugu xidhnayn reer Galbeedka, noocyada metaafiisiq iyo tijaabo ee falsafaddu bixisaana ahayn wax ku kooban mufakiriinta reer Galbeedka. Socrates ma aha falsafadyahankii ugu horreeyey dunida, oo dad badan baa hortii wax is weydiiyey, kuwaas oo aan falsafaddoodii wax innaga soo gaadheen, qaarkoodna magacyadoodii xitaa ina soo gaadhin. Waxa habboonayd in aynnu eegno Nietzsche iyo Heidegger eegno, si aynnu u yaqiinsanno in falsafaddu ka horraysay caqliyadda Socrates-ka ah iyo maangalnimada Aristotle. Falsafadyahanno badan oo reer Faransiis maanta waxa ay difaacaan jiritaanka falsafad Islaami ah, oo aan ahayn qayb ka mid ah ta reer Galbeedka, se ahayd xalqad sideeda u taagan oo qayb ka ah korriinkii habfikirka aadamaha, ahaydna mid isku xidhay falsafaddii Giriigga iyo baraaruggii Yurub.

Ka fikirka falsafadda Afrika waxa uu la macno yahay dib ugu noqoshada ka fikirka sooyaalka falsafadda si guud, si aan falsafaddu u yeelan hal dhinac oo falsafadda reer Galbeedka u xidhan. Si arrinkan loo gaadhana, waxa lagama maarmaan ah in dib loogu noqdo fahanka falsafadda laftiisa, oo aan laga dhigin uun habfikir meetaafiigis (eegta waxa dabeecadda ka dambeeya), se aynnu u aqoonsanno caqli hawlkar ah.

Falsafad-isireed

1945-kii ayaa uu wadaadkii Kiristaanka ahaa ee, Placide Temples, soo saaray buug uu cinwaan uga dhigay “Falsafadda Baantuuga”, isaga oo ugu abtirinaya afafka bulshooyinka Baantuuga ee dega bandhtamaha Afrika iyo Koonfurta. Waxa uu markii koowaad buddhigay ka hadalka falsafad ku abtirsanaysa Afrika. 1969-kii ayaa uu falsafadyahankii reer Benin, Paulin J. Hountondji, curiyey ereybixinta “falsafad-isireed”, si buug kasta oo Ethnology ku saabsan, habfikir falsafadeedna si cad uga warramaya loogu ladho magacaas. Ereybixintan ayaa loo qoondeeyey xikmadda Afrika, oo ay reer Galbeedka laftooduna adeegsadeen marka ay ka warramayaan fikirka Afrika. Falsafadyahanno badan baa ku dedaalay in ereybixintani summad u noqoto fikirka Afrika iyo isku soo dhawaynta bulshooyinka Afrika, sidaas ayaanay ku noqotay markii koowaad ee laga hadlo madawga iyo Afrika, oo jiritaankiisa la dhabeeyo. Waana isku daygii koowaad ee fikirka laga xoreeyo gumaystaha, laguna dedaalay in Afrika is aqoonsato, oo summad u gaar ah yeelato. Falsafadyahanno uu ka mid yahay Odera Oruka ayaa ku dedaalay in la ballaadhiyo fahanka falsafadda, si aanay ugu koobnaan reer Galbeedka, oo aanay u dabranaan mawduucyadii soo jireenka ahaa.

Falsafadda Afrika

Waxa lagama maarmaan ahaa in qodobbadan gaarka u ah Afrika laga duulo si loo shaacbixiyo mashruuca gorfayneed ee fikirka falsafadeed. Falsafadda Afrika waxa ay u egtahay in ay bilawgii qaadday jid la mid ah kii falsafadda Islaamka ee “Cilmu-kalaamka”, si loo dhaliyo fikir falsafadeed, waxaanay dhaqanka bulsheed ka dhigatay waxa ay ku takhasusto, si la isula falgeliyo aragtiyaha falsafadda ee la yaqaan iyo xikmadaha maxalliga ah. Si la mid ah bilawgii Cilmu-kalaamka Muslimiinta, ayaa ay falsafadyahannadii Afrika, sida Mudimbe, bilaabeen gorfaynta “hadallada la tebiyo ee Afrika”, si ay u firaan jid cusub oo lagu dhiso fikirka falsafadeed.

Hase ahaatee falaasifada jiilka cusub, sida Bashiir Sulaymaan, oo ka duulaya mandiqa soo jireenka ahi, waxa ay isku dayeen in dib loo akhriyo wejiga waddaniyadeed ee falsafadda. Fikirka Bashiir Sulaymaan waxa gundhig u ah in Islaamkii Afrika laga qaybgeliyo samaysankii falsafadda Afrika, lagana dhigo mid ka mid ah tiirarka summada Afrika. Si sidaas ka duwan, Hountondji, waxa uu ku dedaalayey in falsafadda Afrika lagu xidho falsafadda caalamiga ah, si ay u noqoto falsafad falsafadaha kale la barbardhigi karo. Mudimpe isagu waxa uu ku baaqayey in falsafadda Afrika laga xoreeyo dhaxalka gumaysiga iyo barbardhigidda falsafadaha kale.

Kala duwanaantani waa waxa falsafadyahannada ku khasbay in ay kala taageeraan fahannada fikradaha Gumaysiga-ka-dib iyo Gumaysidiidka, marka ay noqoto waajahidda aragtiyada laga dhaxlay reer Galbeedka. Badanka falsafadyahannada Afrika ee xilligan nooli waxa ay aqoontooda falsafadeed kasoo qaateen falsafadda soo jireenka ah, qaarkoodna waxaabay wax ku barteen jaamacadaha Galbeedka, werwerkuna waxa uu ka jiraa jidadkooda kala duwan ee ay hayaan, haddii la rabo in falsafad Afrika leedahay la sameeyo. Caqabadda kale ee falsafadda Afrika waajahdaa waa kala duwanaanta luuqadeed ee qaaradda iyo dhaqannada hadal ahaan la isugu tebiyo ee bulshooyinkeeda. 

Waxa laga soo turjumay halkan.