Skip to main content

Monday 24 March 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Siyaasad

Falcelinta al-Shabaab ee Guusha Ururka Xorraynta Shaam ee Suuriya

8 February, 2025
Image
al-Shabaab
Fighters from al-Shabaab parade past children as they rally in the streets of Mogadishu on October 30, 2009. (Mohamed Dahir/AFP via Getty Images)
Share
Sidee al-Shabaab uga falcelin doontaa riditaanka nidaamkii al-Asad? Stig Jarle Hansen oo ah khabiir u dhuundaloola kooxda ayaa falanqaynaya sida warbaahinta al-Shabaab u tebisay tallaabadii Ururka Xorraynta Shaam qaaday iyo saamaynta ay yeelan karto.

Dhacdooyinkii Diisambar ee 2024 waxa uu dunida ku riday amakaag. Waxa si fudud u dumay nidaamkii al-Asad oo la filayey in uu intaas ka awood badnaa, ka dib markii Ururka Xorraynta Shaam iyo kooxo taageersani cagta mariyeen. Ururka Xorraynta Shaam waxa uu sannadkii 2017 soo bilaabay in uu mideeyo ururro dhawr ah, waxaana ugu tun weynaa Jabhaddii al-Nusrah. Al-Nusrah waxa ay qayb ka ahayd shabakadda al-Qaacida, waxaanay kusoo biirtay shabakaddan, sannad ka dib markii al-Shabaabna shabakadda al-Qaacida ku biirtay, sannadkii 2012. Ayman al-Dawaahiri, oo xilligaas ahaa hoggaamiyaha caalamiga ah ee shabakadda, ayaa baahiyey muuqaal uu kusoo dhaweeyey al-Shabaab, isaga oo tilmaamay in kusoo biiritaankoodu kaalin ka qaadanayo “midnimada jihaadka lagaga soo horjeedo hawlgalka Sahyuuni-Kiristaanka ah iyo kuwa garabka siiya ee u shaqeeya”. 

Sannado badan labada kooxood ee al-Nusrah iyo al-Shabaab waxa ay ahaayeen labada kooxood ee ugu awoodda badan shabakadda al-Qaacida. Hase ahaatee, magacii Jabhadda al-Nusrah waxa sannadkii 2016 loo beddelay Fatxu Shaam, waxaanay ka tanaasuleen xidhiidhkii ay al-Qaacida la lahaayeen, ka dibna, 2017 waxa magaca Ururka Xorraynta Shaam ku midoobay saddex kooxood, hoggaamiyihii ururka, Axmed al-Sharacna waxa uu qaatay jid ka duwan ka hoggaamiyaha al-Shabaab ee Axmed Diiriye.  Kol haddii labada urur laba jid kala mareen, sidee ururka al-Shabaab u arkaa tallaabada iyo guusha uu gaadhay Ururka Xorraynta Shaam ? Innagoo kaashanayna xogta aynnu ka helno idaacadda al-Andulus ee ururku leeyahay iyo warbaahinta kale ee ururku adeegsado, waxa maqaalkani isku dayayaa in uu falanqeeyo falcelinta al-Shabaab. Waa xog koobsanaysa muddadii u dhaxaysay dhammaadkii Noofambar ee 2024 ilaa 11 Jeenaweri ee 2025. 

Dacaayadaha al-Shabaab baahisay bilihii Diisambar iyo Jeenaweri

Marka koowaadba waxa cad in dacaayadaha iyo wararka al-Shabaab baahisaa mudnaanta koowaad la siiyo dalka gudihiisa, xukuumaddana diiradda lagu saaro. Waxa kale oo ururku baahiyey warar ku saabsan heshiiska Soomaalilaan iyo Itoobbiya, xasaradaha ka taagan Buntilaan, kaalmo ururku gaadhsiiyey dad baahan iyo soo bandhigid hawlgallo ay ku jiraan dad Muqdisho lagu shirqoolay. Wararkani waa waxa u badan ee ururku baahiyo, dadkana kusoo jiito. 

Marka laga yimaaddo wararkaas gudaha, dhicitaankii nidaamka al-Asad waxa uu warka caalamiga ah ee ururku dedaalka u badan ku bixiyey. Ururku waxa kale oo uu baahiyey warar ku saabsan dabbaqaadda Daalibaan ee shareecada, dilka wasiirkii Daalibaan ee Khaliilu Raxmaan Xaqaani oo Daacish dishay iyo weerarradii ka dhex dhacay Baakistaan iyo Daalibaan. Waxa muuqata in al-Shabaab si rasmi ah ula safatay Daalibaan, iyaga oo dagaalka Baakistaan kala dhexeeya ku tilmaamay dagaal ay Daalibaan kula jirto gaalo. 

Wararka caalamiga ah ee al-Shabaab baahisay muddadan waxa kale oo muhiim ah wararka ku saabsan Maali iyo Yaman. Tebinta wararkooda waxa lagu soo koobay ka sheekaynta guusha kooxda Nusratu al-Islaam ka gaadhay Maali, tacsida hoggaamiye ururka al-Qaacida ee Jasiiradda Carabta ka tirsanaa oo geeriyooday iyo baahinta hambalyo al-Qaacida u dirtay Suuriya ka dib markii ay iska tureen heeryadii Bashaar al-Asad. 

Wararka ku saabsan riditaankii al-Asad

Inkasta oo wararka Suuriya dunida oo dhan qabsadeen, warbaahintuna ku mashquushay, haddana tebinta al-Shabaab ee wararkani waxa ay bishii Diisambar ku bilaabmeen si aad u kooban, iyaga oo hadallo kooban kasoo tebiyey labadii Diisambar. Waxa lagu bilaabay farriin kooxaha sunniga ah ee Suuriya ururka al-Qaacida u dirayo, uguna hambalyaynayo guusha ay gaadheen. Waxa xigay warar caadi ah oo ay kasoo tebiyeen dhacdooyinka. Ururku waxa uu ka warramay xirfadaha tiknoolajiyadeed ee Ururka Xorraynta Shaam haysto, waxaanay faalleeyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ururka gacanta ugu jira. Waxa cad in ururka Ansaaru Tawxiid ee Suuriya, oo aad xagjir u ahi, taageero wanaagsan oo dhinaca tebinta ah ka helay al-Shabaab, gaar ahaan qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee ay ka gaysteen magaalada Xamaa, 5-tii Diisambar. Al-Shabaab waxa kale oo ay u dabbaaldegtay xorraynta xabsigii Saydaaniya oo gacanta nidaamkii al-Asad ka baxay 8-dii Diisambar. 

Qodobbada sare ku xusan waa tusaalayaal tebintii al-Shabaab ee bishii Diisambar. Ururku waxa uu u dabbaaldegay guusha laga gaadhay nidaamkii al-Asad, waxa ay falanqeeyeen kartida ciidan ee Ururka Xorraynta Shaam, waxaanay taageero u muujiyeen Ansaaru Tawxiid, oo ah urur ilaaliyey xidhiidhkiisa uu al-Qaacida la leeyahay. Al-Shabaab waxa ay ereyga “mujaahidiin” u adeegsanayeen wararka Ansaaru Tawxiid, halka aanay Ururka Xorraynta Shaam mararka qaar magaciisa xusayn. Hambalyo gaar ah umay muujin Ururka Xorraynta Shaam, marka laga reebo in ay si guud sunniga Suuriya hambalyo ugu direen, si guudna ugu dabbaaldegeen dhicitaankii al-Asad. Sida wararka al-Shabaab ku cad, jihaadiyiinta Suuriya kama tirsana urur cayiman, marka laga reebo maqaalka ay ka qoreen isqarxintii Ansaaru Tawxiid fuliyeen. Ma muuqato in al-Shabaab iska fogaynayso ama colaad u muujinayso Ururka Xoraynta Shaam, se gebi ahaanba waa ay ka aamuseen jiritaanka ururka. 

Jidkan uu ururku ku socday horraantii Diisambar waxa uu is beddelay badhtamihii Diisambar iyo horraantii Jeenaweri ee 2025. Ururku waxa uu baahiyey maqaal uu kaga warramayo kaalinta Imaaraadka Carabtu ku leeyahay Suuriya, waxaana maqaalka lagu sheegay in Imaaraadku isku dayey qorshe ah in Suuriya loo qaybiyo saddex qaybood, se uu fulinta qorshahan ku fashilmay. Warbixintani inta ay khusayso Suuriya waxa ka badan inta  khusayso Soomaaliya. Imaaraadku, Soomaaliya gudaheeda, waxa uu raacaa ajandayaasha Federaalka, waxaanu aad uga soo horjeedaa Islaamiyiinta. Al-Shabaab waxa kale oo ay war ka qortay nolosha ninka jihaadka u ololeeya ee abuu Muscab al-Suuri. Waxii intaas ka dambeeyey, si weyn ayaa uu hoos ugu dhaceen wararka al-Shabaab ee Suuriya ku saabsani. 

Ammaanta iyo buunbuuninta ay siinayeen guulaha ciidan ee Ururka Xorraynta Shaam waxa ay ahayd mid muuqata, se waxa kale oo muuqday in ay hoos u dhigeen ka hadalka ururka. Waxa kale oo muuqda in shakiga al-Shabaab ka qabto Ururka Xorraynta Shaam uu kordhay dhammaadkii Diisambar iyo bilawgii Jeenaweri, waana sida ku cad maqaalka ay ka qoreen xagaldaacinta Imaaraadka iyo maqaalka ku saabsan abu Muscab al-Suuri. Abu Muscab al-Suuri waxa uu ururku u aqoonsanayaa tusaalaha dhabta ah ee mudan in lagu daydo dhinaca jihaadka, ee ay tahay in dhammaan Suuriyaanku ku daba faylaan. Ammaantani waa mid u muuqata in al-Shabaab taageersantahay qaybaha ugu xagjirsan al-Qaacida. Al-Suuri waxa uu watay ajandayaal caalami ah, waana sababta Axmed al-Sharci ugu warramay wargeyska The Times, isaga oo sheegay in aan Suuriya loo adeegsan karin goob laga abaabulo weerarro caalami ah, dawlad kalena aanay weerar ku wadin, oo ay xitaa Israa’iil ku jirto. Ballanqaadkani waxa uu noqon karaa ka sababta u ah in kooxo xagjir ah loo oggolaado guulo waaweyn oo ay gaadheen. 

Sidaas oo ay tahay, al-Shabaab marna bogaadin gaar ah may siin Ururka Xorraynta Shaam. Sida mid ka mid ah madaxda warbaahinta ururku sheegayna, al-Shabaab may hubin waxa niyadda ugu jiray Ururka  iyo xidhiidhka ay la lahaayeen awoodaha kale ee Bariga Dhexe. Al-Shabaab waa ay ka shakisantahay Ururka Xoraynta Shaam, se kamay rejo dhigin. Isbeddelka Ururka Xoraynta Shaam waxa uu khatar ku noqon karaa gudaha al-Shabaab, waxaanu ku dhalin karaa hoggaamiyayaasha qaar in ay kooxda ka fogeeyaan shabakada al-Qaacida, xitaa dedaal u geli karaan in ay iskaashi la sameeyaan ururro calmaani ah. 

Hoggaanka al-Shabaab, kuwa sare iyo kuwa dhexeba, waxa ay u dheg taagaan dhacdooyinka caalamiga ah, oo ay ka mid tahay xaaladda Suuriya iyo jidka Ururka Xoraynta Shaam qaaday, ururkan oo al-Qaacida ka goostay, sida muuqatana u janjeedhsaday dhinaca calmaaniyada, arrinkan oo saamayn ku yeelan kara doodaha al-Shabaab ka dhex jira.