Skip to main content

Thursday 23 January 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Buug

Falanqeynta Buugga: dhaqaalihii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed (1960-1991)

9 December, 2024
Image
Book cover
Share

Horumarka iyo ilbaxnimada bulsho ku tallaabsataa waxyaalo kala duwan ayaa lagu qiimeeyaa oo mid kastaba keli ahaantiisa mudnaan goonni ah u leeyahay. Waxa xusid mudan erayga horumar in uu fogaan kala duwan leeyahay oo uu taabto laamaha kala duwan ee aqoonta, sida, dhaqaalaha, cilmiga bulshada, cilmi nafsiga, qaanuunka iyo kuwa la halmaala, oo majaal kasta kolka la joogo si gaar ah loo qeexo. Kolka aynu qiimaynayno bulsho in ay horumar ku tallaabsatay iyo in kale waxa asaasi ah oo dabiici ah in laga eego heerka noloshoodu halka uu taagan yahay: tacliin ahaan, tiknoolaji ahaan, dhaqaale ahaan, iyo wixii soo raaca. Kolkaa qeexitaanka bulsho horumartay hal wax uun ku ma salaysna ee waxyaalo kala duwan oo wada socdaayaa lagu beegaalaa.

Sida ay faylasuufyo badan ku doodaan bulshada horumar iyo horusocod ku tallaabsatay waa in ay tahay bulshada caddaaladu maashaysay oo dulmiga iyo jawrfalka ka dheer. Dhammaan falaasifadii Giriiggu oo ay ugu mug weyn yihiin Socrates, Plato iyo Aristotle, waxay is la meel dhigeen in caddaaladdu ay bulshada udubdhexaad u tahay, dawladnimaduna tiirka asaasiga ah ee loo unkaana ay tahay in la helo bulsho caddaali ah (مجتمع عادل). Sidaa darteed bulsho aan habnololeedkeedu caddaalad iyo sinnaan ku dhisnaynna loo aqoonsanayo in ay tahay mid ka dheer horumarka iyo ilbaxnimada.

Waa arrin shaacsane ah in caddaaladda ay si weyn isu la xidhiidhaan oo isu taabtaan qaanuunka, oo waxay qabeen falaasifadaasi xeer la aragyaaba caddaalad la arag, xeerkuna inta badan uu ka shaqeeyo sidii loo heli lahaa caddaalad, maaddaama oo ay Soomaaliduna ku maahmaahdo xeer waa xakame, saamiggal qummanna uu kala dhexeeyo  caddaaladda. Dhanka kale, waxay si dhaw caddaaladda isu la falgalaan oo ay xidhiidh fog wada leeyihiin cilmiga dhaqaalaha, waayo dhaqaaluhu wuxuu halbowle u yahay qofka, qoyska iyo qaranka, sida aqoonyahannada dhaqaaluhuna ku doodaan bulsho kasta waxa caddaaladdeeda iyo sinnaanteeda laga eegi karaa nidaamkeeda dhaqaale iyo sida uu yahay, iyo hannaanka uu uga qayb qaato in bulshadu ay noqoto mid hodon ah oo gebi ahaanba dabaqado aanay ka jirin. Kolkaa nidaamka dhaqaale ee bulsho wuxuu jaangooyaa caddaaladdeeda iyo xaqsoorkeeda.

Buuggan aynu falanqaynaynaa wuxuu la xidhiidhaa waagii aynu haysannay dawladnimada, sida uu ahaa dhaqaalaha dalku oo ah qiyaastii meelaha laga beegaali karo nidaamkeennii iyo heerkeennii dawladnimo ee xilligaa. Waa mawduuc sooc ah oo weli aanan arag qoraallo Af Soomaali ah oo ka warramaya. Wuxuu buuggu si faahfaahsan uga hadlayaa waayihii dhaqandhaqaale ee Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed laga soo bilaabo 1960 illaa laga soo gaadhayo 1991. Wuxuu ka dhashay buuggu cilmibaadhis iyo qoraaallo cilmiyeedyo uu sameeyay Muxumed Maxamed Muxumed (Khadar) oo ah qoraa iyo turjubaan. Wuxuu ku qaadaadhigayaa buugga halka aynu joognay dhaqaale ahaan, mushkiladihii ina haystay iyo qaabka aynu u furdaamin karaynnay, fursadihii la gabay ee laga faa'iidaysan kari lahaa si dalku dhaqaale ahaan u horumaro, iyo qodobbo kale oo la halmaala.

Qoraagu wuxu naqdinayaa bilawgaba masalo ay tahay in loo fiirsado oo aan la qabo, wuxu tibaaxay in mushkiladaha badi jaamacadaheennu iyo aqoonteennuba la liidato oo ay u soo saari la' yihiin waxsoosaar midhadhal leh dabcanna aan lagu baraarugsanaynba: waa mushkiladda ku saabsan degaamaynta aqoonta. Badiyaa ardayda dalalka soo koraya wax ku barata waxa lagu dhegabarjeeyaa aqoonta Galbeedka ama dunida horumartay oo dedaal lagu ma bixiyo sidii waaqaceenna nololeed loogu dabbiqi lahaa, si fahanku u soo dhawaado, oo ardayguna nuxur shilis uga la baxo, oo bilmetel qoraaga laftiisa ayaa xusaya in dhaqaaluhu macne iyo qiime u yeeshay kolkii uu akhriyay buugag la xidhiidha dhaqaalaha dalkeenna, si gaar ah buugga Jamiil Abdalla Mubaarak ee, From Bad Policy to Chaos in Somalia: How an Economy Fell Apart. Waan hubaa in aqoonteennu bullaalayso haddii laga shaqeeyo sidii loo degaamayn lahaa oo looga dhigi lahaa xer-u-dhalan. Sidaa awgeed buuggu in ka badan inta uu shakhsiyaadka akhriska xiiseeya anfacayo ayuu si gaar ah u anfacayaa ardayda dhigata cilmiga dhaqaalaha ee aan helin waxsoosaar ku qoran Af Soomaaliga ku qoran oo ku saabsan cilmiga dhaqaalaha.  

Xorriyaddii iyo dhidbiddii ka dib Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed waxay waajahday mushkilado kala duwan oo hor leh oo badi dalalkii gobonnimada qaatay ay la kulmeen, ha la xidhiidhaan siyaasadda, sharciga iyo ku dhaqankiisa, sidii la isu waafajin lahaa habnololeedkeennii iyo dawladnimadan asalkeedu ku aroorayo dalalka Galbeedka iyo aragtiyo ay dhidbeen filasoofarradoodu. Mushkiladaha aynu waajahnay waxa ka mid ahaa afkaarta iyo mabda'yada dimuqaraadiyadda sidii dalka looga  hirgalin lahaa oo ahayd arrin hor leh oo hor taallay xulkii siyaasadda Soomaalida, dhanka dhaqaalaha ayaa isaguna ahaa caqabad loo baahnaa in la furdaamiyo in kasta oo, wax kasta halka hoose laga soo bilaabayay oo heeryadii gumaysiga wakhtigaa la iska tuuray misana habka aynu u maaraynayno, u kobcinayno oo u bullaalinayno ilaheenna dhaqaale waxay ahayd arrin laamaxaala ah oo dawladdii rayidka iyo tii ka danbaysay ee kacaanka ku ahayd masalo aan odhan karo in ay ku fashilmeen baadhiddeeda iyo xallinteedaba.

Sida dalalka dhiggeeda ah ee soo koraya ay kala sinnayd Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed dhaqaalaheedu wuxuu ahaa mid liita oo aad u hooseeya waxayna ku tiirsanayd beeraha iyo xoolaha nool, waxana kab miisaaniyadeed oo gaadhaya 31% siiyay Talyaaniga iyo Ingiriiska. Dalku wuxuu ku tiirsanaa waxsoosaarka la beero iyo xoolahaas oo loo dhoofin jiray dalalka Carabta, oo dawladdii rayidku dedaal ku ma bixin sidii loo dardargelin lahaa in la sameeyo ilo kale oo dalka dhaqaale ka soo galo, bal e xoogayga gargaarka iyo taageerooyinka shisheeye ayaa la musuqmaasuqi jiray. Dhanka kale, lixdannadii Soomaaliya gargaarka ugu badan wuxuu uga  iman jirey; ururka dhaqaalaha Yurub (European Economist Community), sanduuqa horumarinta Yurub (European Development Fund) iyo Bangiga Adduunka (World Bank).

Markii ay dhalatay dawladdii ay askartu hoggaaminaysay waxa ay iyaduna ku tiirsanayd deeqaha ay bixiyaan waddamadii la isku odhan jirey; Midowga Soofiyeet. Bilmetal; dhaqaale gaaraya 70% ayuu Midowga Soofiyeeti ku taageeri jirey dhaqaalaha Soomaaliya. Intooda badan dhaqaalahaas waxa loo adeegsan jirey in lagu kala socodsiiyo hawlaha dawladda gaar ahaanna, horumarinta kaabayaasha dhaqaale. Dhanka kale, buuggu waxa uu ka faalloonayaa, deynta ay waddamada reer Galbeedku ku taageeri jireen dawladdii Soomaaliya (1960 -1991). Qoraagu waxa uu soo min guurinayaa xogo iyo wacaallo xanbaarsan xaddiga deynta ee ay waddamada reer Galbeedku siin jireen dawladdii rayidka ahayd iyo tii askartu horkacaysay.

Buuggu, wuxuu ka kooban yahay lix cutub oo mid kastaba u baahan in si gaar ah loo akhriyo oo loo derso. Kan u horreeya wuxuu ku eegayaa waxsoosaarka dalka oo uu si gaar ah ugu lafagurayo xoolaha nool, beeraha, kalluumaysiga iyo wershadaha. Cutubka ku xiga wuxuu ku faaqidayaa dhoofinta iyo soo dejinta iyo xidhiidhkii dhaqaale ee ay Jamhuuriyadda Soomaaliyeed la lahayd dunida kale. Labada ku xiga waxay ka warramayaan gargaarka shisheeye iyo daynta shisheeye iyo sida ay dalka u halakeeyeen, cutubka shanaadna wuxuu si faahfaahsan ugu lafagurayaa Hantiwadaaggii aynu qaadannay, wixii laga dheefay iyo eelkii uu ka tegay, gebagabdiina cutubka u danbeeya wuxuu is dul taagayaa maaliyadda, lacagta iyo isku beddelka lacagaha.

Dalku badeecadda ugu muhiimsan ee uu u dhoofin jiray dunida waxay ahayd xoolaha nool oo ay Soomaalidu ku tiirsan tahay, aadna ay u dhaqato, waxa soo raacay beeraha iyo waxa ka soo baxa. Bangigga Adduunku warbixin uu faafiyay wuxuu ku xusay in 1981 kii xoolaha nool ay 60% shaqooyinka dalka oo dhan abuuraan, waxay in ka badan 50% ka yihiin tacabka gudaha, 80% waxay ka yihiin dakhliga dhoofinta ee dalku helo. Caqabadaha soo wajihi jiray xoolaha nool waxa ka mid ah; abaaraha oo dhibaato weyn dalka iyo dadkaba ku ahayd, xoolahana xaalufin jirtay, maaddaama oo aynu ku nool nahay dhul oomane iyo omos ahna soo noqnoqon jirtay. Waxa sidoo kale caqabad ku ahaa; xayiraadda ay saari jireen xoolaha dalalka loo dhoofinayo, gaar ahaan Sucuudiga, sababo la xidhiidha in lagu arko xanuunno faafa ama xanuunno u gudba dadka hilbikaas quudanaya.

Xaayiraddaas waxa ka dhalan jiray in dhaqaale ahaan hoosdhac uu ku yimaaddo dhaqaalaha dalka si guud, iyo dakhliga dhoofinta iyo tacabkii gudaha iyo qaranka, tusaale ahaan 1983 kii hoos u dhac 40% ah ayaa ku yimid dakhliga dhoofinta halka 1984 kiina uu ahaa hoos u dhacu 44%. Waxa sidaas si la mid ah jirtay caqabad soojireen ah oo ab-ka-soo-gaadha ah oo ku saabsan qaabka uu u arko qofka xooladhaqatada ahi xoolaha, oo, tibaaxaysa in aanu il dhaqaale u arag e uu arko in xoolihiisa oo tarmay oo kordhay ay u soo jiidayaan maamuus iyo magac, bulshada dhexdeedana uu ka helayo meeqaam sare iyo qaddarin qab weheliyo, oo, dabcan runtii ahayd fahan iyo caqliyad aan dhab-abbaarnimo ku salaysnayn.

Dhanka kale waxa soo raacay in la dhoofin jiray waxsoosaarka beeraha, oo ku dhawaad 20% kiiba dadweynaha dalku ay noloshoodu ku tiirsanayd beeraha, oo tacabka guudna ay ka noqonayaan 7-8%. Dalagyo kala duwan oo ay ka mid yihiin muuska, sonkorta, gallayda, hadhuudhka, atarka, sisinta, lowska, iyo khudaar kala duwan ayaa la soo saari jiray. Qoraagu se wuxuu buugga kaga warramayaa dhoofinta muuska iyo sonkorta, iyo sida ay isu bedbeddalayeen waxsoosaarkoodu xilligii rayidka iyo kacaankaba. Wuxuu tilmamayaa in kolkii la iska kiciyay gumaysigii Talyaaniga uu oo beeraha muusku isaga uun u xidhnaa in beeralaydii Soomaalidu uu saddex laab kordhay waxsoosaarka muusku 1963 kii, taas oo ka dhigan in uu 115,000 tan uu kordhay.

Muusku wuxuu ahaa badeecadda labaad ee ugu badan ee dalku dhoofin jiray kolka xoolaha nool laga yimaaddo, haddana caqabadaha u waaweyn ee uu u samayn waayay horumar una soo saari waayay muuska looga baahan yahay debedda waxa ka mid ahaa in aan la ballaadhin dhulka muuska laga beerayo, iyo in muuska in badan oo ka mid ah aanu tayo ahaan dhoof geli jirin. Marar badan waxa dhici jirtay in beeralayda muusku yaraado ama in dhulka laga beerayaa uu yaraado. Sida meelaha kale aan taddawur looga samayn ayay beerahana gaabis ku jiray oo ay iyaguna kala sinnaayeen oo guulo hor leh aan laga gaadhin, in kasta oo isku dayo iyo tallaabooyin hor lihi ay sannaddadii u horreeyay ee Hantiwadaagga Cilmiga ah lagu dhawaaqay. Dhinaca kale wuxuu qoraagu xusayaa in Sonkorta uu hoos u dhac ku yimid xilligii kacaanka oo lixdannadii waxsooraarka sonkortu ahaa 10 tan hekterkiiba, halka uu ahaa toddobaatannadii 6 tan hekterkiiba, waxa sidoo kale caqabad ku ahaa waxsoosaarka sonkorta iyo warshadda SNAI yaraanshaha shaqaale xirfad leh, qalabka warshadda oo duugoobay iyo kharashka dayactirka mishiinnada iyo soo iibintaba oo aad u yaraa.

Qodobbada kale ee dhaqaaluhu koboc la samayn waayay labadaa xilliba waxa ka mid ah masiibooyin dabiici ah, sida abaaraha, iyo masiibooyin aadana samee ah oo aynu ka xusi karno dagaalkii Itoobbiya lala galay 1977. Dagaalkaasi wuxuu cayn wareejiyay taariikhda Soomaalida casriga ah, wuxuu saamayn ku yeeshay siyaasaddeennii, oo inaga oo huwanta Bariga ka tirsan ayaynu u wareegnay kutlada Galbeedka, dhanka kale xilligaa waxa la isku dayay inqilaab fashilmay oo Siyaad Barre xilka lagaga tuurayay, iyo ugu danbayntii in dalku galay xaalado dhaqaale oo daran, oo, dhammaan waxa istaagay dardartii iyo horusocodkii laga filayay in dhaqaalaha dalka oo iska liitay uu taddawur sameeyo. Wuxuu qoraagu tibaaxayaaa dhacdo xiise leh oo ku saabsan eelka dhaqaale ee dagaalkaa Itoobbiya. Wuxuu tibaaxay in Wakaaladdii Muuska Umadda la baabbi'iyo, oo la asaasay SomaliFruit oo ay iska lahaayeen dawladda Soomaaliya iyo shirkada De Nadai Group oo Talyaaniga laga lahaa. In kasta oo shirkaddaasi maalgelin iyo isbeddel weyn ku samaysay muuska, waxsoosaarka iyo dhoofintuna ay aad u kordheen, balse dalku wax faa'iido ah ku ma qabin oo dhaqaalaha ka soo xarooda 75% shirkado shisheeye ayay jeebka ugu dhici jireen.

Mushkiladaha kale ee dhaqaaleheenna aafeeyay waxa ka mid ah gargaarka shisheeye iyo deynta shisheeye oo labduba door laxaad leh ka ciyaaray in dalku galo burbur iyo dagaal sokeeye. Wuxuu buuggu ku doodayaa in dhaqaaluhu uu la kowsaday waagii rayidka ku tiirsanaan shisheeye oo xad-ka-bax ah, iyo koboca dhaqaalaha oo aad u hooseeyay, oo ay dabcanna weheliyaan musuqmaasuq iyo nidaamxumo baahsan oo dalka ka jirtay. Waxa intaa raacay in si qaarabkiil iyo eex qayaxan ay dalka ka jirtay, oo maamulkaasi dimuqraadiyaddiisu maqaarsaar ahayd. Dhanka kale, wuxuu qoraagu gungaadhayaa in Soomaaliya lixdannadii ilaa burburkii ay ku tiirsanayd gargaarkaa shisheeye oo ka koobnaa gargaar horumarineed, mid bani'aadantinnimo, dhaqaale, iyo gargaar aan dhaqaale ahayn, oo ka kala iman jiray, dalal Galbeedka ku yaalla, Midowgii Soofiyeeti, iyo dalalka Carabta ee shidaalka hodonka ku ah. Gargaarkaasi ku ma ahayn dalka mixnad iyo carqalad halis ah bal e waxa daba socday dano siyaasadeed, dhaqaale iyo aragtiyeedba oo looga dan lahaa dalkan mushkiladaha gudhiisa la ciirciiraya.

Walter Rodney buuggiisa kalaasigga ah ee, How Europe Underdeveloped Africa, wuxuu ku doodayaa in Yurub ay dhiigmiiratay hantida iyo dadka Afrikaanka ah, oo ay door laxaad leh ka ciyaartay dibudhac weyn ee haysta dhaqaalaha Afrika, wuxuuna si kulul u naqdinayaa in gargaarka shisheeye uu yahay hosaasin iyo hooyoo ku go', dhaqaalaha dalalka Afrikaankana carqalad weyn uu ku yahay koboceeda iyo horusocodkeeda. Sidaa si la mid ah buugga Danbiyaasa Mooyo ee, Cad Quudheed, ee uu turjumay, Saxardiid Axmed, wuxuu soo ururinayaa in halka sartu ka qudhunsan tahay oo aanay qaaraddu horumar la samayn karayn ay tahay cad quudheedka debedda kaga yimaadda, ee wuxuu taraa ay ka badan yihiin oo mararka qaar dhawr jeer ay ku soo laabmayaaan waxay u gaystaan kaabayaasha dhaqaale iyo si guud dhaqaalaha dalalka Afrika.

Dagaalkii Itoobbiya wixii ka danbeeyay iyo horraantii siddeetaneeyadiiba dalku wuxuu aayar-aayar ugu sii socday jidka hoobadka iyo burburka, waxa la soo qaatay deymo ciiddaa iyo camaarkaa ka badan si loogu socodsiiyo kaabayaasha dhaqaale ee dalka, looguna maalgeliyo dhaqaalaha dalka, si gaar ah wershadaha oo dawladdu maalgelin laxaad leh ku bixin jirtay. Kolkaa tobanguuradanna wuxuu si weyn dalku u qabatimay deymaha shisheeye, oo lafjab weyn ku ahayd dhaqaalaha dalka, sidoo kalana musuqmaasuq baaxad lihi uu weheliyay.  Waxana Soomaaliya lagu kala haaday iyada oo deymo xad dhaaf ah lagu leeyahay. Wuxuu xusayaa qoraagu in soomaaliya daymahaas tirada badan la siiyo waxa u sahlayay iyadoo ay jiraan dalal badan, hay'ado caalami ah iyo ururro ay u la diyaar ahaayeen in ay siiyaan daynta oo malaha dantooda u weyn ahayd in ay dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba curyaamiyaan.

Richard Francis Burto aqoonyahannada iyo mustashriqiinya Soomaalida wax ka qoray waxay ku sifeeyeen Soomaalida: "Umaddii wax i siida", oo aynu ka dhadhansanayno in Soomaalidu ay ahayd bulsho "weligeed" baahan oo aan isku fillaansho gaadhin. Buugga, Dhaqaalihii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed (1960-1991), wuxuu innooga warramayaa sida aanay dawladdii Soomaaliyeed ee rayidka ahayd ugu guulaysan in ay dalka ka samatabixiso baahida dhaqaale iyo midda cunto, buuggu waxa uu xusayaa, in sagaalkii sano ee dawladdii rayidku ah ahayd dawladda ugu badan ee qaadata gargaarka ay reer Galbeedku siiyaan qaaradda Afrika.

Sannad ka dib markii uu talisku dhashay, waxa dalku qaatay nidaam dhaqaale oo la magac baxay, hantiwadaaga cilmiga ku dhisan (scientific socialism/ الاشتراكية العلمية), nidaamkan dhaqaale ee uu waddanku galay waxa uu la yimi isbeddel cusub iyo dhaqan ugub ku ah taariikhda dhaqandhhaqaale ee Soomaalida, waxayna sababtay taasi in dalka laga hirgaliyo dhammaan siyaasadihii hantiwadaaga, lana isku dayo in isbeddel iyo dhalanrog bulsho uu dhaco, oo isla wakhtigaaba dalka waxa lagu soo rogay qorshayaal cusub, kuwaas oo la xidhiidha dhaqaalaha iyo nidaamka dawladnimo ee waddanka. Waxa la qarameeyey shirkadihii laydhka, wakaaladihii waddanka iyo bangiyadii lacagaha, ha noqdaan kuwo shisheeye ama kuwo aan shisheeye ahayn. Dalal badan oo qaaradda Afrika ah ayaa qaatay nidaamkan dhaqaale siyaasadeed ee hantiwadaagga cilmiga ku dhisan si loo gaadho dhalanrog bulsho, halka hoggaamiyayaasha qaar oo aynu ka soo qaban karno Julius Nyerere oo hoggaaminayay dalka Tansaaniya, Kwame Nakrumah oo Gaana haystay, Leopold Seder Senghor oo Sinigaal ka talinayay iyo rag kale ay qaateen hantiwadaagga Afrikaaneed (African socialism).

Buuggu wuxuu xusayaa in ujeeddooyinka ay qaaraddu u qaadatay hantiwadaagga ay ahaayeen kuwo ka duulaya aaminaadda ah in hantiwadaaggu sidiisa u yahay Afrikaan oo ay is waafaqayaan habnololeedka ab-ka-soo-gaadhka ah ee dadyawga Afrika ku nool. Waxa soo raacay in hantiwadaagga mabda'yadiisa ay waafaqayaan in qaaraddu madaxbannaani dhammaystiran hesho oo la noqdo la mideeyo dhammaan dalalka Afrikaanka ah, waana aragtida ay Baan Afrikaanisamku ku salaysnayd. Way jireen sababo la xidhiidha qorshayaal siyaasadeed iyo horumarineed oo laga qabay in nidaamka lagu xaqiijinayo balse aaminadahaa asaasiga ah ayaa sees u ahaa baa la odhan karaa qaadashada nidaamkaa.

Si kastaba ha ahaatee doodo iyo qoraallo kala duwan oo la xidhiidha hantiwadaaggii ay qaaraddu qaadatay waxay tilmaamayaan in hantiwadaaggu aragti ahaan iyo dhaqangal ahaanba ugu fashilmay qaaradda, tusaale ahaan E J Berg buuggiisa, Socialism and Economic Development in Tropical Africa, wuxuu ku doodayaa in si foolxun uu ugu fashilmay hantiwadaaggu qaaradda. Isla jeerkaa hantiwadaaggu uu yimi qaaradda xilli khaldan, meel khaldanna uu ka yimi, loona sababayn karo fashilkaa itaaldarrada maamulka dhaqaalaha la xidhiidha, yaraanshaha shaqaalayaal xirfadlay ah, iyo siyaasadihii hantiwadaagga ee beeraha oo aan la jaanqaadi karayn xaaladaha wakhtigaa jiray.

Buuggu wuxuu soo bandhigayaa in hantiwadaaggii aynu u qaadannay sababo waaqicinnimo iyo kansho raadis ah oo aynaan u qaadan mid mabda'a la xidhiidha. Waxa sidoo kale la doorbidayay in laga helo Midowgii Soofiyeeti dano siyaasi ah iyo taageero milatari maaddaama oo dalka muranno dhuleed uu kala dhexeeyay dalalka deriska ee Kiiniya iyo Itoobbiya. Waxa soo weheliya in laga doonayay in laga helo gargaar dhaqaale iyo mid aan dhaqaale ahaynba. Wuxuu buuggu tibaaxayaa in nidaamkii hantiwadaaggu ku guuldarraystay in uu dalku horumar iyo horukac ku tallaabsado, bal e sida ay aqoonyahnnada dersay xilligii askarta iyo nidaamkaa ay xusayaan in uu burburka dalka ka dhacay uu horseeday siyaasadihii iyo qorshayaashii horumarineed ee la qaatay xilligii hantiwadaagga.

Dhanka kale deraasado kala duwan oo ay sameeyeen David D. Laitin iyo Said Sheikh Samatar iyaguna waxay xusayaan in nidaamkaasi door laxaad leh ka ciyaaray in dalku burbur galo, si aad cadna ugu fashilmay. Dhanka kale Cabdi Ismaaciil Smatar isaguna wuxuu ku doodayaa in Soomaaliya ay eedday nidaamkii Hantiwadaagga oo ay khalad noqonayso in la dhaho in uu nidaamkaasi ka saaray dalka saboolnimada dhaqaale ahaanna toobiyaha hodontinnimada saaray.

Guntii iyo gunaanadkii wuxuu buuggu falanaqaynayaa oo ujeeddadiisu tahay in uu soo ururiyo sida dhaqaalaheennu ahaa soddonkii sannadood ee Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed jirtay. Isbarbardhigna lagu sameeyo sida dalku ahaa waagaa iyo imika oo dawladxumo iyo maamullo aan tayo lahayn ay dalka ka jiraan. Wuxuu buuggu naqdinayaa fekradda ah "shalay dhaantay", ee muujinaysa in aynu wax walba ka doorbidno sidii aynu ahayn xilli tegay oo laga soo gudbay, iyo in berisamaadku uu ahaa mid wacan oo si aad ah  bulshadeenna ugu dhex faafsan. Wuxuu ku doodayaa in buuggu Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ay ahayd dal dibdhacsan, sabool ah, oo aan lagu guulaysan in laga dhabeeyo dhammaan himilo kasta oo ay dawladi hiigsato. Sidaa si la mid ah lagu ma guulaysan in dalku gaadho isku fillaansho dhaqaale iyo cunto, iskaba daa e waxa lagu tiirsanaa gargaar shisheeye iyo deeqo debedda ka yimaadda. Waan ku talinayaa in cid kasta oo danaysa sida ay beri wax ahaayeen, dhab ahaantii, in ay akhriso. Shakina ku ma jiro ardayda dhaqaalaha barata (iyo kuwa bawsadayba) in uu mudnaan weyn ugu fadhiyo akhrintiisa.